CabdiRisaaq
Xaaji Xuseen
Ra'iisul
Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
|
Faafin: November 7, 2002
Sida
aan la socono waxaa shirka ka socda Eldoret/Kenya lagu
casumay siyaasiin Soomaaliyeed oo ruugcadaaya oo
dibadaha ku nool, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo
iyaguna sidoo kale ku nool dibadaha. Hadaba dadkaas
shirka lagu casumay waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii
hore ee dawladii rayidka ee Soomaaliya
[14 Jun 1964 - 15 Jul 1967]
mudane C/risaaq Xaaji Xusseen. Intii uusan shirka u soo
amba bixin ayaa wargayska Somalistar usuuro gashay inuu
waraysi la yeesho mudane C/risaaq Xaaji Xusseen.
Waraysigiina wuxuu udhacay sidatan.
Somalistar: Mudane C/risaaq waakan shirkii qaybtii
koowaad la soo gabagabeeyey,adna hadaad usocotaa shirka
Eldoret sow xili dambe maaha,maxaadse hada ka doonaysaa
shirka?.
C/risaaq
Xaaji: Waa runtaa oo shirka qaybtiisii hore waa la
soo gabagabeeyey guulbaana ilaa hada laga gaaray oo waa
iyada heshiiyo dhowra lagu saxiixay,laakiin shirki
qaybihiisii kale hadaa la gudagalayaa. Haday noqon
lahayd dhismihii dawlada iyo hanti isu celin iyo dib
uheshiisiin iyo hawlihii ugu muhiimsanaa ayaa hada iyo
wixii ka dambeeya la gudagalayaa. Mida aad tiri maxaad
hada ugu socotaa shirka Eldoret daahida xaga qolada
shirka qababqaabinaysa maaha oo runtii waxaa martiqaadka
la ii soo gaarsiiyey markii uu shirku bilowday marar ku
dhowdhow.Waxaase jirta hawlo aniga ii gaara ayaan ku
daahay oo aan sugayey inta ay iiga dhamaanayeen oo
safarkayga ku saabsan .
Somalistar: Waxaad sheegtay inaad casuumaad ka
heshay shirka,hadaba yaad ka heshay casuumadaas?.
C/risaaq
Xaaji: Aniga martiqaadka waxaan ka helay ururka
midowga Yurub ,oo nin ka wakiila ayaana isoo gaarsiiyey.
Somalistar: Maadama shirkaanu uu ka duwan yahay
shirarkii hore marka laga fiiriyo tirade kooxihii is-hayey
oo marakan dhamaantood ay ka soo wada qayb galeen,rajo
intee le’eg ayaad ka qabtaa in dawladi halkaas ka
dhalato oo lagu heshiiyo?.
C/risaaq
Xaaji: Waxay horta ku xiran tahay sida hadba shirka
loo dedejiyo oo laysuguna afgarto,talaabada kaloo hada
la qaadayo waa dhismo gudiyo, gudi walbana arimaha loo
xilsaarayaa inay soo darsaan oo rayi ka
keenaan.Talaabadaas labaad markii ay soo dhamaato ayaa
loo gudbayaa horta dhismihii dawlada .Inkastoo marka loo
fiirsho shirarkii hore ee hore udhacay,hadana waxaan
isleeyahay hadii shirkani ay si fiican cadaadis usaaraan
dawladaha Yurub oo hada aad udanaynaya arimaha shirka in
lagu dhiso dawlad, dhaqaalaha shirkana haatan iyagu
bixinaya inta badan, markawaxaan oran lahaa rajadaydu
waxay ku xiran tahay sida ay ugu qasbaan in wax fiican
ka soo baxaan shirka dawladahaas reer Yurub waana
rajeynayaa insha allaah in wax ay ku farxan dhamaan
ummadda Soomaaliyeed ay ka soo baxaan.
Somalistar: Mudane C/risaaq sida aad la socoto
goboladii waqooyi ee Soomaaliya waa kuwa shirka ka maqan
ilaa hada,hadaba ma la oran karaa waxaa suurowda in
aqoonsi ay helaan oo koonfurta uun dawlad loo dhiso
sidaasna ay ku baa’bado wadajirkii dalka iyo dadka
Soomaaliyeed?
C/risaaq Xaaji: Anigu shakhsiyan maqnaanta ay
walaalaheen reer waqooyi shirka ka maqan yihiin inay
culays la maqan yihiin,oo soomaalida meesha fadhida uu
culays ka maqan yahay,laakiin hadii laga hadlayo
midnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya jiritaankeedii
waxa ay tahay ilaa hada dawladaha danaynaya arinamaha
Soomaalida ama dawladaha reer galbeedka waxay weli
adkaynayaan midnimadii Soomaalida. Waxaan hada maqsuud
ka ahay heshiiskii ugu horeeyey ee hada shirka ka soo
baxay in qodobadii hada bilowgaba lagu heshiiyey inuu ku
jiro qodob taabanaya midnimada ummada Soomaaliyeed inay
muqadas lama taabtaana tahay.Waana arin runtii ubaahan
in si weyn loogu fiirsado oo si taxadar leh loola socda
loogana wada hadlo walaalaheen reer waqooyi.
Somalistar: Waxaa jirta in khilaaf shirka ka
dheliyey gudi aad adiguba ka mid tahay oo la yiri waxay
la talinayaan hawlwadeenada shirka,ama dawladaha shirka
daadihinaya.Hadaba waxaa si bareer ah arintaa uga
horyimid golaha lagu magaaco SRRC maxaad arintaas kala
socotaa ood nooga sheegi kartaa?.
C/risaaq
Xaaji: Waa jirtaa warkaasi oo sida idinkuba aad
umaqasheen ayaan ana umaqlay, bilxaqiiqatan nimankaas
SRRC la leeyahay, haba sii kala dardaraadeene, nimankaas
qabqablayaasha ah waxay gudigaas u arkeen niman
dhabarkooda fadhiya oo awoodooda ama sida ay iyagu isu
arkayaan wax ka naaqusinaya ama dhimaya awoodooda. Marka
waan maqlay haba kala daraadeene balse kuligood xasaasi
bay ka noqdeen.
Somalistar: Sida la sheegayo ergooyinka shirka waxaa
ka mida ururada bulshada,door intee le'eg ayey ka qaadan
karaan shirka ayey kula tahay ururada bulshadu shirkan?
C/risaaq
Xaaji: Horta in ururada bulshada laga marti galiyo
shirarka dhaqan ahaan waxay bilaabatay shirkii
Jabuuti,oo dadka qaar lagu magacaabay ururada bulshada
oo nooc walaba leh. Aqoonyahan, culimaa'udiin, dumar,
dhalinyaro. Shirkan waxaa la yiri waxaa la casumay
ergooyin dhan 300 oo ergo.Tiradaas laba boqol iyo saa'id
waxaa la siiyey hogaamiyaasha kooxaha,marka waxa usoo
haray ururada bulshada qaybaheeda kala duwan waa wax uun
aad uyar.Shirkaan ilaa hada ma maqal kalin weyn oo ay
kaga jiraan shirka,badanaa waxaa la soo hadalqaadaa
qabqablayaasha dagaalka.Waxaan maqlay shirkan heshiiskii
dhawaan la gaaray waxaa la yiri ururada bulshada oo dhan
marka laysku daro heshiiskii hal aqof ayaa
usaxiixay,halka qabqablayaasha dagaalka uu qofwalba uu
saxiixay heshiiskaas,taasi waxay ku tusaysaa in ay
daciif tahay roolka ay shirka ku leeyihiin ururada
bulshadu.Aniguna waxaanba qabaa dadkaani inay yihiin
kuwa maanta Soomaaliya samatabixin kara maadaa aan iyagu
la oran karin waa xukun doon,markaas ilaa hada ma maqal
rool fiican oo ay shirka ku leeyihiin say ku noqotayna
ma aqaan kuse deg degi maayo.
MADAXWEYNAYAAL |
Aadan Cabdullah
Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda |
|
RA'IISULWASAARAYAAL |
Maxamad Xaji
Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdirisaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda |
Somalistar:Ma la orankaraa qaabkii lagu soo xulay
ururada bulshada ayaan ahayn qaab markii horeba ahaa
midaan dheeli tirayn oo ay qabqablayaasha dagaalku soo
xusheen cidii ayagu rabeen?
C/risaaq
Xaaji: Waa su'aal fiican ,runtii waxbaa ka jira baa
la oran karaa nimankan qabqablayaasha ayaa soo xushay
baad moodaa dadkan ururada bulshada,qabqablayaashuna
waxaad moodaa inay markii horeba soo xusheen dad iyaga
udhaganugul oo aan figradooda ka hor imaanayn,waana taas
baa la oran karaa mida keentay in kaalintooda shirka ay
ururada bulshadu ku leeyihiin ay noqoto mid aad unugul.
Somalistar:Qodobadii shirka qaybtiisa koowaad lagu
heshiiyey waxaa ku jiray qodob oranaya in laga dhiso
Soomaaliya dawlada federaal ah,hadal hayntaan federaalka
intii dagaalada sokeeye ay istaageen meelaha qar aad baa
looga hadal hayey.Hadaba maadaama aad tahay siyaasi
Soomaaliyeed dadka qaarkiina ay kugu xantaan inaad aad
uga soo herjeedo figrada federaalka maxaad ka oran
lahayd ?.
C/rsiaaq
Xaaji:Arintaan la leeyahay Soomalaya halaga dhigo
nidaamka federaalka ah,horta maadaama lasyku raacay
anigu hada waxba kama qabo wax dad isku raacay.Laakiin
waxaa su'aashu ka imanaysaa,imisa gobol baa horta
udiyaara ama doonaya marka horeba. Taasaa horta keeni
doonta shido hor leh baan isleeyahay.Nidaamkan ma naqaan
hadaanu nahay Soomaali,waxaanu aragnay dawlada nidamkan
haysta oo ku horumaray waxaa marka suurowda in dadka
Soomalaiyeed ay is leeyihiin anana waan ku dhaqmi karaa.
Marka uhoreeya waa inaynu ogaano ummada Soomaalidu waa
dad yar dhulkeedu ha weynaado waxaanse aniga qiyaastayda
isleeyahay tirada dadka Soomalaiyeed waa inta udhaxaysa
shanmilyan ilaa lixmalyan weeye.Marka lixmalyan oo dada
wax loo qaybiyo uumi muuqato.Inskasto haatan lagu
heshiiyey oo dadku wax kaleba aysan marakan umuuqan,hada
hadaad ufiirsato gobolwalba dad hayb leh baa
degan.maskaxda haatan jirtana waxaa weeye hadaan anigu
ahay qof Soomaali oo ku dhashay gobol kale oo aan rabo
inaan dego oo goblkaas kale oon dagayo dadka degan ama
sheeganaya xuquuqda ay leeyihiin oo leh siyaaso iyo wax
kastaba ah inaan helo,ma helayaa bay kula tahay arintaas
hadaad ufiirsato caqliga meesha yaala maanta.Anigu ma
qabo gobolkasta qabiil baa isugu haraya arintii
qaabiilaysigana waa sii kobcaysaa qofkii Soomaali ah oo
gobol kale ka yimaadana wuxuu u'ekaanayaa qof ajnabi
ah,waa surowdaa inuu nabadgelyo ku halo ama ganacsi ka
samaysto balse wax kaloo xuquuqa oo quman ma yeelan karo
baan umalaynayaa.
Ufiirso
dalalka federaalka ku dhaqma sida maraykanka oo kale
anoo degan gobolka Minnesota ayaan degayaa oo uguurayaa
goobol kale sida Ohio oo kale hadaan doonana waan iska
soo sharaxyaa,waxay ku xiran tahay sida aan dadka
gobolkaas degan aad uqanciso,tusaale kale ufiirso reer
Bushka hada talada haya oo hada degan Texas waxay
asalkoodii deganyeen gobolka Connecticut haatana waa
iyaga gobolkaas ka soo galay.Anaga Soomaalida waxay
arintaas keeni kartaa dhibaato tusaale ninka qabqablaha
ka ah gobolkaas haday ufuli waydo siyaaso isaga ugaara
inuu ku hanjabo hadaan sidaas la ii yeelin waa
goosanayaa gobolkaygu iyo wax lamida waxay noqon doontaa
qaab haduu rabo uu ku gorgortamo qofkii hadba gobolka
markaas haystaa uu ku gorgortamo. Barnaamijkaan waxaa
wada dawlado ajnabi ah oo dano gaara ka leh siiba
dawlada Itoobiya , waxaan qabaa arintaani waa qoqob lagu
samaynayo ummada Soomaaliyeed waana inay ku baraarugaan
oo ka fiirsadaan. Waxa kaliya oo lagu xakamayn karaa waa
ayadoo dastuurka lagu qoro in nina uusan iskiis ugoosan
karin gobol oo shuruuda culculus loo sameeyaa si aan
dalka loo kala goyn dawladaha danaha gaarka ah ka lehna
aysan dantoodu aysan ugu hirgalin.
Somalistar: Ugu dambayn maxaad kula dardaarmi lahayd
dadka Soomalaiyeed ee ku nool dibada ama gudahaba oo
shirka uhanqantaagaya waxa ka soo bixi doona, qaarkoodna
aadba moodo inay rajaba ka quusteen in shirarka la qabto
aysan wax mira dhala ka soo bixin?.
C/risaaq
Xaaji: Ugu horayn waxaan kula dardaarmayaa dadka
qurbaha kunool hadaad qurbaha deganayd mudo ood qaarkiin
moodaba inay iyagu dhulkan leeyihiin siday isu
siiyeen.Ugu horayn qof kasta oo Soomaali ah qurbaha
meelaad ka joogtaba waa inaad dareensanaataa in
dhulkaagii hooyo ee Soomaaliya meel dunida kuu badali
karta aysan jirin, meel kasta ood dunida ka joogto
ogsoonow taas oo ku baraarug.Marka labaad waxaan
leeyahay dalka meesha kaliya ee laga badbaadin karo oo
wax laga tari karo waa qurbaha waayo dadka qurbuhu
dhaqaala ahaan wax waad utari kartaan aqoon ahaana wax
baan dalkii utari kartaan waana idinka dadka weliba aan
unisbaynayo inaysan markan xukun doon ahayn oo dalka
maskax fiyow ku badbaadin kara.Hadaba meeshaad beri ku
noqon lahayn oo ubadkaaga dib ugu celin lahayd waa inaad
hada wax ka qabataa oo qof waliba dalka uu joogo uu ku
dadaalaa siduumadaxda dalkaas uga dhaadhicin lahaa sidii
wax loogu qaban kari lahaa Soomaaliya.Waa in wax kasta
ood uqaban karto dalkaagii hooyo uqabato,shirkan waa
inaad indhaha ku haysaan oo aad niyada khayr usheegtaan
oo wanaag ka rajeysaan in shirkani ka soo baxaan.
Waa
inaad
culays ku saartaan dalalaka aad joogtaan in shirkani
dawladaha aad la joogtaan inaad dareensiisaan in
shirkani najaxo inay dan utahay ummada Soomaaliyeed iyo
guud ahaan caalamka. Dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku
noolna waxaan ka rejeynayaa inay iyagu noqdaan ubucda
hirgalisa wixii wanaaga ee shirka ka soo baxa ku dirqiya
kooxaha inay heshiiyaan oo hubka dhigaan soona celiyaan
wanaagii iyo walaalnimadii iyo deris wanaagii dhex ooli
jiray dadka Soomaaliyeed meelay joogaanba.
Waraysigan kala xiriir:
somalistar1@yahoo.com
-dhammaad-
.. ELDORET:
Taxanaha Wararka