SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | HARAR

Gudoomiyaha UWSLF oo u waramay TV Al-Jazeera

March 27, 2010

Waxaa qormadan tarjumay HararMedia.com

Gudoomiyaha Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed (U.W.S.L.F) Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen oo maanta Marti u ahaa Barnaamijka TV-ga Al-Jaziira ee “Muntasaf Al-Yoom” ayaa ka hadlay Xaaladda uu marayo Dhulka S/galbeed, Dhibaatadda Gumeysiga ku hayo Shacabkaasi, xiriirka Jabhadda & Dagaaladda ay la gashay Gumeysiga iyo waliba Xaalka Xukuumadda Itoobiya xiligani marayso.

Taariikhda Gobolka

ugu horeyn Sheekh Ibraahim ayaa Qeexitaan kooban ka bixiyay Dhulka S/galbeed wuxuuna yiri“Hadaan u Qeexo qofkii aan aqoon Gobolka S/galbeed, waxa weeye 8 Milyan oo ka mid ah Muslimiinta oo ku nool Dhul dhan 650 kun oo laba jibaaran oo ku yaala Bariga Afrika, Inta ay Gumeysiga ku jirtana waa mid la mid ah inta ay Falastiiniyiintu ku jiraan Gumeysiga, laga soo bilaabo Sanadkii 1948 waxay ku hoos Noolyihiin Gumeysiga Itoobiya, illaa iyo maantana Hal Maalin isma dhiibin Shacabkaasi, Kacdoonka ka dhanka ah Gumeysiga itoobiyana wuxuu ahaa mid kolba dib u laba kacleeya”.

“Dhanka kale Dabar goonta Gumeysiga Itoobiya ee Birta ah wuxuu ka socdaa Gobolka Qarni iyo Dheeraad”.

Dhibaatada Gumeysigu ku hayo Shacabka S/galbeed

Gudoomiyaha U.W.S.L.F ayaa sidoo kale ka warbixiyay Dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya sida gaar ahi ugu hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah wuxuuna arintaasi ka yiri“Tira koobkii ugu danbeeyay ee ka warbixinaya Xaaladda Bani-aadamnimo ee S/galbeed waxay sheegayaan sidan soo socota:-

1- Gaajadda waxay gaartay 80% sida lagu sheegay warbixin ay Dhawaan soo saartay Q.M, taasna waxaa qeyb ka ah Hab Dhaqanka Gumeysiga oo Muwaadiniinta ka hor istaagaya inay wax Beertaan, iyo wax kasta oo ay Heli lahaayeenba oo agab ah

2- Dhanka Iclaamka, wax kasta oo ka socda Gobolka waa la caburiyay iclaam ahaan, Qofna ma garan karo wax halkaasi ka socda marka laga reebo Dadka ku dhex Nool mooyaane sida Muqaawamadda iyo Shacabka Dulman.

3- Waxaa kaloo ka jira Cunaqabatayn Dhaqaale, Dilal, Kufsi, Boob iyo Gubidda Tuulooyin dhan, Bishii ugu danbeysayna waxaa la gubay 15 Tuulo oo ku yaala Galbeedka S/Galbeed.

4- 42 Hay’adood oo Kheyri ah ayaa laga Cayriyay Gobolka oo dhan.

5- Waxay ka hor istaageen in Salaadii Jimcaha lagu Tukado Masaajida Caasimadda Gobolka ee Jig-jiga Isbuucii hore.

6- Maalintii fasaxa Jimcaha waxaa loo wareejiyay Maalmaha Sabtida iyo Axadda”.

“Dhamaan Dhibaatooyinkan waxay sii laba jibaarmeen ka dib markii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku Jabay Soomaaliya, waxay adeegsadeen Dhamaan Ciidamadoodii oo gaaraya Kumanaan oo askari oo ka soo Cararay Soomaaliya waxay isugu geeyeen S/galbeed waxayna ka sameeyeen wax kasta oo ay kari lahaayeen oo isugu jira Dil, Dhac, iyo Bur-burin”.ayuu sii raaciyay Sheekh Ibraahim.

Jabhadda & Gumeysiga

Mar la weydiiyay halka xaalka Jabhaddu ay marayso mar haddii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ka soo baxay Soomaaliya ay gudaha Soomaali galbeed soo galeen ayaa waxa uu yiri“Jabhadu way Sugnaanaysaa, way sugnaaneysaa, way sugnaaneysaa, Saddexdii Bilood ee u danbeeyay oo kaliyana waxay la gashay Cadowga 9 Dagaal”.

Jabhadda & Xiriirka Dibadda

Gudoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale ku sheegay Waraysigiisa in Golayaasha Dowliga ah ay u Bandhigeen gaar ahaan Jaamacadda Carabta kulankoodii ugu Danbeeyay ee Dooxa Qoraalo ka waramaya Waxa ka socda Dhulka S/galbeed“Jabhadu waxay Qadiyadda Ummadda u Bandhigtay Golayaasha Dowliga ah gaar ahaan Jaamacadda Carabta kulankoodii ugu Danbeeyay ee Dooxa, Jabhaddu waxay u gudbisay Waraaqo iyo Bayaano ka waramaya waxa Halkaasi ka socda”

“waxaan u Mahad Celinaynaa Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta oo nagu garab istaagtay Mowqif Sharaf leh sida Dowladda Qadar oo xiriirkeeda u jartay Itoobiya Qadiyadda S/Galbeed Awgeed, sidoo kale waxaan u Mahadcelinaynaa Chanalka Al-Jasiira oo aan u Aqoonsanahay Chanalka Kaliya ee ka warama Qadiyada S/Galbeed oo ku jirta xaalada ah haddii aad Kaamero ku dhex Qaadato S/Galbeed inaad tahay Mujrim xukunkiisuna yahay Dil”.ayuu sii raaciyay Sheekh Ibraahim.

Yaa Maal-galiya Jabhadda?

TV-ga ayaa waydiiyay Gudoomiyaha Jabhadda S/galbeed cidda Maalgalisa ayaa waxa uu ku Jawaabay”Ugu horeyn anagu waxaan ku xiranahay ilaahay SW, waxaana nahay Asxaabul Xaqi oo Dulman ilaahayna wuu u gar-gaarayaa kuwa Dulman, midda labaadna anagu waxaan ku xiranahay ilaahay SW ka dibna Shacabkayaga, Dhulkayaga, Tiirarkayaga Aas-aasiga ah, Shucuubta Muslimiinta oo nagarab istaagay iyo Shacabka Soomaaliyeed oo si gaar ah noo garab taagnaa waligii xiriirka aan shacabka Soomaaliyeed la leenahayna waa Xiriir Shacabnimo, Diin, iimaan iyo Dhul, mana aha Xiriir ku qotoma Xukuumadaha”

Xaalka Itoobiya

Sheekh Ibraahim ayaa si faah faahsan uga hadlay Halka ay maanta Itoobiya marayso wuxuuna xusay in ay Siyaasad ahaan, Dhaqaalo ahaan, Milatari ahaan, iyo Bulsho ahaanba u kala fur-furanayso wuxuuna soo qaatay Dhacdooyin dhowr ah oo Bilihii ugu dambeeyay ka dhacay Dalka Itoobiya, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Itoobiya waxaan u Aqoonsanahay Dowlad la soo Sameystay, waxay hadda ku jirtaa kala fur-furasho, waxaana weeye 8 Qoowmiyadood oo kala luuqado ah oo kala Diin ah wax kulmiya ma jirto oo Diin, luuqad iyo Dhalasho ah, Qowmiyad walba waxay leedahay Jabhad u Dagaalamaysa inay Ka Xorowdo Itoobiya”.

“Anagu waxaan Dhowraynaa Bur-burka iyo kala fur-furashadda Bulshadda Itoobiya, waxaan sidoo kale Dhowraynaa Bur-burka Dhaqaale ee Itoobiya, 80% Dhaqaalaha Itoobiya wuxuu ku tiirsanyahay Maalgalinta Dibadda gaar ahaan Mashruuca ka hortaga Argagixisadda kaas oo uu siin jiray Maamulkii Maraykanka ee Bush, sidoo kale waxaan Sugaynaa Kacdoon Milatari oo ka dhan ah, 2 Bil ka hor waxaa ka dhacay Itoobiya Afganbi Milatari waxaana la wada Ogsoonyahay in Saraakiil iyo Generalo badan lagu xukumay Dil Toogasho ah, dhanka Falaagoobidda Siyaasadana Isbuucii la soo dhaafay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya wuxuu iska dhiibay Washington, Jabhaddaha Mucaaradka 3 Maalin ka hor waxaa la iskugu yeeray Shir lagu qabtay Washington si rasmi ahna uma ogi wixii uu ku saabsanaa, laakiin waxaan ogahay xaataa Saaxiibkii Itoobiya (Maraykanka) ee Xaqiiqiga ahaa wuxuu bilaabay inuu dib uga fiirsado Malafkiisii ku aadanaa Itoobiya ka dib markii uu Meesha ka baxay Maamulkii Bush yimidna Obama”. ayuu yiri Gudoomiyaha Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed(M.J.X.S.G) Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen.

Dhulka Soomaaligalbeed waxaa ka jira Tacadiyo kala duwan oo arxan daro ah iyada oo Shacabka halkaasi ku dhaqan lagala dagaalamo Dhinac walba xag Diin, Dhaqaale,iyo Nololba, waxaana ka jira Caburin xagga Warbaahinta ah si aan looga waramin Falalka guracan ee Gumeysigu ku hayo Shacabkaasi Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

ISHA: http://www.hararmedia.com/?p=27


Gudoomiyaha Midowga Jabhadda Xoraynta S/Galbeed Uwslf, Oo Waraysi Dheer Siiyay Shabakada Caanka Ah Ee Somalimirror.com

Mar 31, 2009

Guddoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim oo ka hadlayay isku dhaca UWSLF & ONLF: 'haa waa la xallin karaa khilaafka haddii dhinaca kale laga helo rabitaan dhab ah oo daacadnimo weheliso, gacmo shisheeyena aysan meesha ku jirin.

Shabakada wararka ee Somalimirror ayaa la yeelatay wareysi gaar ah oo faahfaafhin dheeraad ah ku jirto Sh. Ibraahim Maxamed gudoomiyaha Jabahadda UWSLF ee Soomaali Galbeed. Wareysigaas oo taabanaya waxyaabo badan sida; taariikhda halganka Soomaali Galbeed, marxaladihii uu soo maray, guulaha uu xaqijiyay, iyo waliba khilaafka gacan ka hadalka gaadhay ee u dhexeeya jabhaddaha UWSLF iyo ONLF.

Somalimirror:- Sh. Ibraahim, Assalamu Calaykum.

Sh. Ibraahim: Wacalaykum Assalam Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Somalimirror: Sheekh Ibraahim, marka hore bal taariikh ahaan xog naga sii jihaadka iyo dagaalka ka socda Soomaali galbeed?

Sh. Ibraahim: Bismilaahi, walxamdulillaahi, wasallallaahumma calaa Muxamadin wa calaa aalihi wa saxbihi ajmaciin. Taariikh ahaan, shacabka Soomaali galbeed wuxuu mar kasta udub dhexaad u ahaa dagaaladii ummadda Soomaaliyeed ay u gashay sidii ay u difaaci lahaayeen diintooda iyo dalkooda, waana taariikh dheer oo run ahaantii ku arooraysa jihaadkii Axmed Guray, jihaadkii Daraawiishta, iyo halgankii loo soo galay midaynta ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, intaas kadibna waxaa jiray halgan isdaba jooga ah si gaar ah uga abuurmay dhulka Soomaali galbeed, waxaana ka xusi karnaa halgankii dhaqdhaqaaqii la magac baxay NASRULAAHI oo ay hogaaminayeen waxgaradkii iyo cuqaashii Soomaali galbeed sida Garaad Makhtal Garaad Daahir (Alle ha u naxariistee), waxaa xigay dhadhaqaaqii gobonimo doonka ee Soomaaligalbeed oo ay hogaanka u haysay jabhadii WSLF (Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed). Kadib dagaalkii 1977kii

Markii ay burburtay dowladdii Somaliyeed, dadbadnina ay kulaabteen Wadanka S/galbeed ayaa rag culimomo ah bilaameen dhaqdhaqaaqan Islaamiga ah ee ugu danbaystii lamagcbaxay MJXSG. Hadaba Jabhaddani waxay shaqadeeda Jihaadka, siyaasadda iyo wacyigalinta shacabka isugu jira bilowday lagasoobilaabo 1992kii.

Somalimirror: Dagaalka hadda aad kula jirtaan Itoobiya sidee ku bilaabmay imisa sanno ayuuse socdaa hadda?

Sh. Ibraahim: waa su'aal fiican, dad badana laga yaabo inay isweydiinayaan. Sida aan ku sheegay hordhicii taariikhiga ahaa, markii dad badan oo reer Soomaali galbeed ah ay ku noqdeen dhulkoodii sannadkii 1991, waxaa Itoobiya lafteeda ka dhacay isbedel siyaasadeed oo xukunkii Mingistu ayaa dhacay taladii Addis Ababana waxaa la wareegay Jabhadda Tigreega ee TPLF. Jabahada Tigreegu markay qabsatay xukunka Itoobiya bishii May 1991-kii waxay qowmiyadihii ku hoos dulmanaa nidaamyadii hore ee Itoobiya soo xukumi jiray ugu baaqday cadaalad iyo Dimoqraadiyad taasoo ay ku heleen kalsooni farabadan ilaa ay arintu gaadhay in qoomiyado badani iyadoo ay hor- kacayaan jabhadahoodii gudaha Itoobiya iyo dibadaba ay dhigaan hubkoodii si aan cidina ku qasbin. Balan qaadyadaas beenbeenta ah ee ay jabhadaasi qaaday kuwoodii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ah

1. Inay oggoshahay xaqa aaya ka tashiga Qowmiyadaha ilaa heer madax bannaani ciddii rabta.

2. Inay ogol yihiin xoriyada xagga ra'yiga iyo samaysashada xisbiyo siyaasadeed.

3. Inay ogoshahay xoriyada xagga diinta iyo cibaadada.

Dadku iyagoo dhab u malaynaya balanqaadyadaas ayaa waxaa ka samaysmay waddanka Soomaali galbeed xisbiyo siyaasadeed oo badankood ku salaysnaa Qabiil balse waxaa jiray xisbiyo guud oo shacabku ay ku midaysnaayeen sida Xisbigii Itixaadka Soomaali galbeed iyo Jabhadii Xoraynta S/galbeed oo iyadu door wayn kasoo qaadatay halgankii loogu jiray in S/galbeed laga qaado heeryada gumaysiga xisbiyadii la sameeyay waxay xafiisyo ka furteen dhamaan magaalooyinka waddanka, xisbigii Itixaadkuna wuxuu ku lahaa goballada iyo degmooyinka xafiisyo wuxuuna ku mashquulsanaa hawlo kala duwan oo dacwo, siyaasad iyo arimo bulshaba leh.

Muddo gaaban kadib, waxay Tigreegu billaabeen inay dib uga gurtaan dhammaan ballanqaadyadii, iyagoo soo rogay cadaadis iyo inay yidhaahdaan hubka halasoo dhiibo. Dadyowgii dulmanaa ee ay markii hore ballanqaadyada Tigreegu rajo galiyeen ayaa waxay la kulmeen dil aan aabo yeel lahayn,xadhig iyo cabudhin loo diido inay si xor ah barnaamijyadooda siyaasiga ah u fushadaan amaba ku hadlaan wax ka soo horjeeda Jabhadda xukunka qabsatay arrinkaas oo soo dedejiyey isku dhac dhex mara Tigreega iyo qaar ka mid ah qawmiyadaha kale sida Oromada.

Tigreegu iyada oo aanay jirin wax ka sii horreeyay oo dhexmaray iyaga iyo ururka Itixaadka S/galbeed, isla markaana ay furanyihiin xafiisyadii ururka ku lahaa Magaalooyinka ayaa waxey weerar kadis ah oo habeenimo ku qaadeen 11-08-92-kii xeradii ciidanka Itaxaadka Soomaali galbeed ee Halooye (nawaaxiga Godey) iyagoo halkaas ku dilay 26 isugu jira culimadii wadanka oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii iyo ku xigeenkii urrurka Itixaadka S/galbeed Sh. C/laahi Bade iyo Sh. C/laahi Ax'ed Qaasim (C/llahi Yare)], ciidankii joogay xeradaas iyo dad shacab ah oo ka aga dhawaa goobtaas. Sidaas ayeyna ku billowdeen dagaallada illaa iyo hadda mudada 16-ka sano ah dhexmarayay Mujaahidiinta Soomaali Galbeed iyo ciidamada Tigreega.

Somalimirror: Dagaalkan sidaad sheegtay waxa uu bilaabmay Agoosto 1992, waxaana kasoo wareegtay muddo 16 sanno ah, marka maxaad nooga sheegi kartaa marxaladihii uu soo maray?

Sh. Ibraahim: Jihaadkan aan wadno mudadaas 16 sanno ah wuxuu soo maray marxalado kala duwan sida; marxaladdii koowaad oo cadawgu isku dayay inuu jihaadkaas soo afjaro isagoo adeegsaday xoog aad u weyn hase yeeshee mujaahidiintu way u babac dhigeen, waxayna marxaladaas ahayd lixdii bilood ee ugu horeysay kadib weerarkii kadis ahaa ee saldhigii Mujaahidiinta ee Halooye 11/08/1992. Marxaladdii labaad waxay ahayd guud ahaan sannadkii 1993 markii la sameeyay maamulka kililka iyadoo cadawgu isku dayay inuu iska hor keeno mujaahidiinta iyo shacabkooda taasina Tigreegu way ku guul daraysteen kadib markii ay kasoo baxaday shirkii Garbo ee Noofeembar 1993 ee ay kasoo qeyb galeen ilaa 150 isugu jira salaadiintii, Ugaasyadii, Cuqaashii, Waxgaradkii iyo Siyaasiyiintii S/galbeed i goobjoog ka ahaayeen Mujaahidiinta iyo wafdi ka socda (kililka) go'aamadii shirkaas ka soo baxay qodabadii ugu muhiimsanaa waxey ahayeen :

1. In Itoobiya laga xoroobo si nabad ah haddii la waayana xoog lagaga xoroobo.

2. In shacabka S/galbeed maamulka iyo garsoorka ka jira lagu dhaqo shareecada Islaamka.

3. In Mujaahidiinta urrurka Itixaadka Soomaali Galbeed ay yihiin xoogga shacabka S/galbeed oo ay waajib tahay in la taageero, hubkana aanay dhigin

Kadib markii uu ku hungoobay cadawgu isku daygaas oo shacabkii Soomaali galbeed ay si buxda ula safteen Mujaahidiintooda ayay Tigreegu marxaladdii sedexaad waxay qorsheeyeen olole militeri oo aad ubalaadhan kaasoo socday intii u dhaxaysay Abriil 1994- Febraayo 1995 ololahaas oo ay adeegsatay Taangiyo, dayuurado iyo ciidamo lugta ah oo tiro badan, laakiinse waxba ugama suura galin baabi'intii hawshii jihaadka ee ay wadeen mujaahidiinta Soomaali Galbeed, dabcan rag badan ayaa nagaga shihiiday in kalena way nagaga dhaawacmeen laakiin ujeedadii hawlgalkaas cadawga uma hirgalin, taasina waxay keentay in cadawgu dareemay inaan cudud mileteri lagu muquunin karin mujaahidiinta sidaasna uu ku baaqo wadahadal kaasoo lagu gaadhay heshiis xabad joojin ah bishii Febraayo 1995, waxaana halkaas ka bilaabantay marxaladdii afraad. Xabad joojintaas waxay burburtay bishii Oktoober 1995 kadib markii ay Tigreegu heshiiskii jabiyeen sidaasna waxaa dib ugu bilaabmay hawgaladii mujaahidiinta kuwaasoo ilaa saacadan aad iweraysanaysaan ka soconaya dhulka Soomaali galbeed.

Somalimirror: Jabahadda aad gudoomiyaha ka tahay ee Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed (MJXSG/UWSLF) sidey ku sameysantay?

Sh. Ibraahim: sida aad ku arkaysid ama ka akhrinaysid magaca Jabhadda waa MIDOWGA, kalimada midowguna annaga macna balaadhan iyo qiimo weyn ayay noogu fadhidaa, sidaa darteed, waxaa mudan in la ogaado in midnimadu ay tahay waajib diini ah oo uu faranyahay qofkasta oo Muslim ah. Mujaahidiinta S/galbeed marna kamayna daalin inay ugu yeedhayaan jabhadaha ku hawlan halganka S/galbeed inay midoobaan iyagoo dareensan sida ay midnimadu u tahay waajib ay diintu farayso dadka Muslimiinta ah, iyo inay midnimadu tahay furaha ugu wayn ee ka midho dhalinta halganka shacabka Soomaali galbeed dadaal ay Mujaahidiintu wadeen muddo sannado ah sidii loo midayn lahaa xoogga ummadda iyo aragtideeda halganba ayaa natiijadiisii waxaa ka dhashay MIDOWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED (MJXSG) oo la aasaasay 01/02/99, kadib markii la qabtay shirwayne socday intii u dhaxaysay 27/01/99''01/02/99 kaasoo lagu qabtay GURDUMI oo ka tirsan degmada Awaare ee Gobalka Dh/buur, ayna ku midoobeen Urrurada kala ah:

1. Urrurka Itixaadka Islaamka S/galbeed[WSIU]

2. Jabhada Xoraynta S/galbeed [WSLF]

3. Jabhada Xoraynta Shacabka Soomaaliyeed [SPLF]

Wixii xilligaas ka dambeeyayna magaca rasmiga ee mujaahidiinta Soomaali galbeed wuxuu noqday Midowga Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed MJXSG ama UWSLF (United Western Somali Liberation Front). Waxaana aas aaskii Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed uu ahaa mid ka turjumaya guusha ay gaadheen Mujaahidiinta S/galbeed oo ku guulaystay inay mideeyaan xooggagas halganka ku jiray waxayna kor u sii qaadday hawlgalkooda iyo kartidooda wax qabad. Waana Alla mahaddii mar hadii la gartay in midnimadu lagama maarmaan u tahay halganka shacabka S/galbeed, iyadoo ay waddada u xaadhayso isku day kasta oo lagu midaynayo ummadda S/galbeed.

Somalimirror: Sh. Ibraahim, si kooban ma noogu ifin kartaa guulaha aad isleedihiin waad xaqiijiseen ilaa hadda?

Sh. Ibraahim: Runtii waa arrin la is weydiin karo waa maxay illaa iyo hadda natiijooyinka la taaban karo amaba faa'iidada leh ee kasoo baxay jihaadka hadda ka socda S/galbeed? Ka hor intaynaan ka jawaabin su'aashaas waxaa mudan in la ogaado in dagaalku sidiisaba uu keeno dhimasho, dhaawac bur-bur iyo dhibaatooyin badan, hase yeeshee natiijada dagaalka waxaa lagu qiimayn karaa sida looga gaadho ujeedooyinkii laga lahaa. Marka guud ahaan marka la soo koobo natiijooyinka jihaadkas socday mudada 16-ka sano ah, waxaa la odhan karaa Mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen guullo la taaban karo, guulahaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwo Milatariba waxaana ka soo qaadan karraa:

1. In qadiyada halganka Ummadda Soomaali Galbeed lagu saleeyay asaaskii saxda ahaa oo ah inuu dagaalkani yahay mid ay ku jiraan dad muslimiin ah oo ay dhulkoodii gaallo kusoo duushay uuna la mid yahay midka ay ku jiraan umadaha kale ee Musliminta ah ee dulman.

2. Inuu hor istaagay siyaasadaha cadowga ee dhalnrogga diinta ummadda iyo dhaqankeeda toosan.

3. In jihaadkani dibadda u soo saaray qadayida xaqa ah ee shacabka S/galbeed sidiaasna caalamka uu ku ogaysiiyay in aanu dadkeedu ku qancaynin wax ka yar aayo katalin buuxda.

4. Jihaadkani cadowga wuxuu u gaystay bur-bur dhaqaale iyo mid milatariba wuxuuna jabiyay kibirkii, santaagii iyo islawaynidii Tigreega islamarkaana soo celiyay sharaftii, karaamadii,gaybaddii,iyo geesinimadii lagu yiqiinay ummadda S/galbeed.

5. Jihaadkani wuxuu hor joogsaday fadhataysi iyo bililaqaysi uu cadawgu ku sameeyo kaydadka dhaqaale ee shacabka S/galbeed sida shidaalka, macdanta iyo kheyraadka kale ee waddankaasi leeyahay.

6. Jihaadka Soomaali galbeed wuxuu baraarujiyay qoowmiyaadka kale ee gumaysiga Itoobiya ku hoos dulmanaa kuna dhiiri galiyay inay iyaguna hubka u qaadaan sidii ay isaga tuuri lahaayeen heeryadiisa.

7. Arrinta kale ee xusidda mudan kana mid ah guulaha uu jihaadkani keenay waxa ay tahay inuu horjoogsaday oo caqabad ku noqday ilaa haddana ku yahay inuu hirgalo qorshaha Itoobiya ee ku aadan qabshasada Soomaaliya.

Somalimirror: Markaad eegto muddaas aad hawshaan jihaadka waddeen Sideed u aragtaan in ummadda Soomaali galbeed ay uga bixi karto xaaladda gumaysi ee ay ku ku raagtay?

Sh. Ibraahim: Run ahaantii, qadiyadda Soomaali galbeed waxa ay la dhutinaysaa waa hagrashada dadkeeda kaga imanaysa, waxaan u jeedaa inaanay wali sidii loo baahnaa ugu wada guntan, marka anaga aragtidayadu waxaa weeye in halganka iyo jihaadka socda laga wada qeyb qaato oo uu noqdo qadiyad ummaddeed, sababtoo ah dareen midaysan, ujeedooyin midaysan, ficil iyo fikir midaysan ayaa guul lagu gaadhi karaa. Waxaa intaas ii dheer, in qadiyadda Soomaali galbeed laga abbaaro barta saxda ah ee midha dhalka noqon karta, taasoo ah in halgankani lagusaleeyo caqiido , qadiyadana lagu xidho qadiyadaha ummadda Muslimiinta ah. Haddii aan halganka ummadda lagu salaynin caqiidana ugu dambaysta wuxuu ku dhammaanayaa meel cidla ah waana lagu khasaari.

Mida kale, Jihaadkan aan wadno waxay u jeedadiisu tahay in ummadda Soomaali Galbeed ee Muslimka ah ee gumaysiga Xabashidu ku habsaday laga xoreeyo marka waa camal ama hawl ummaddu wada leedahay cid gaar u leh ma jirto, cid kastana xil iyo waajib ayaa ka saaran ka qayb qaadashadiisa qaabkii ay awoodo markaas. Waxaan kusoo gabagabyn lahaa jawaabta su'aashan in xalku ku jiro in qadiyadda lagu saleeyo manhaj sax ah iyo in midnimo lagu waajaho cadawga taas umbaana guusha lagu gaadhi karaa, midnimadana waxaan uga jeednaa in dadka dhulka soomaali galbeed ee la haysto daggan u dhannaadaan jihaadka iyo halganka oo aanay dadka qaar u arkin in jihaadka laga leeyahay qaar kalena la noqonin inay dadka ka xigaan.

Somalimirror: Dhinac kale hadaan eegno, waxaa maalmahaan soo baxayay warar sheegaya inay isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac keenay dhexmareen labada jabhadood ee ONLF iyo UWSLF ee arintaas dhankiina wax ma nooga sheegi kartaa waxa aad isku haysaan?

Sh. Ibraahim: Ugu horeyntii, ma cuntamayso in laba Jabhadood oo sheeganaya inay halgan ku jiraan ay iyagu isku jeedsadaan, laakiin haddii aan wax ka tilmaamo arrintaan murugada leh ee socotay sadexdii sanno ee la soo dhaafay. Anagu haddii aan nahay Midowga jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed (UWSLF) marna qorshaha nooguma jirto inaan qorigaanaga ku jeedino cid aan ahayn cadawga aan is hayno, dagaalkan aan wadnana waxaan bilownay xilli aysan jabhadda ONLF dagaalka bilaabin, sanadihii horena waxaa naga dhexeeyay isfaham iyo iskaashi, laakiinse, markii la soo gaadhay sannadkii 2005 ayaan ku baraarugnay xabad nagaga soo bilaabatay dhinaca Jabhadda ONLF, waxaan isku daynay inaan fahamno waxa ku khasbaya inay go'aankaas qaataan hase yeeshee waxay dhagaha ka furaysteen inay warba naga maqlaan, markay sidaas dhacday annagu ciidankanaga waxaan amar ku siinay inayna dagaal ku bilaabin ciidanka ONLF laakiin haddii weerar xagooda kaga yimaado inay iska difaacaan oo kaliya, waliba waxaan ciidankayaga ku adkaynay inay ka wareegaan goob kasta oo keeni karta in laysku dhaco annagoo ilaalinayna ujeedadii aan hubka u qaadanay iyo in aannaan ka mashquulin ujeedooyinkaas.

Haddaba, dhinaca ONLF way wadeen xabbaddii waxaana soo noqnoqday weerarada gaadmada ah ee ay la beegsnayaan cid walba oo ka tirsan ciidanka Midowga Jabahadda Xoreynta Soomaali galbeed. Intii hore waxay u badnayd weerarro yar yar inkastoo ay rag nagaga dhinteen kuwa kalena nagaga dhaawacmeen, hase yeeshee maalmihihii ugu dambeeyay waxaa aad isu soo taray weerarro balaadhan oo ay ciidankaayaga kusoo qaadayaan anaguna wali waxaan ku taagan nahay inaan is difaacayno oo kaliya, waan ku celinayaa wali waan isdifaacaynaa oo kaliya?! Intaan ka leexleexan karana waan isku dayaynaa.

Arinta ku saabsan maxaad isku haysaan, waxaan filaynaa inuu khilaafku kusalaysan yahay hadalkii Mohammed cumar CIsmaan ( guddoomiyaha ururka ONLF) ee uu kayidhi UNITV ee ahaa ' annagu urur islaamiya uma ogolin OGadeinia'. Hadalkaasna waxaan filayaa inay dad badanni wada dhagaysteen oo xataa manta dib loodhagaysan karo.

Somalimirror: ma la xallin karaa sideese loo xallin kraa khilaafka gacan ka hadalka gaadhay ee u dhexeeya labada jabhadood ee ONLF iyo UWSLF?

Sh. Ibraahim:haa waa la xallin karaa khilaafka haddii dhinaca kale laga helo rabitaan dhab ah oo daacadnimo weheliso, gacmo shisheeyena aysan meesha ku jirin. waxaana caddaynayaa in aannaan annagu marna ku talagalin inaan la dagaalanno ONLF, haddana waxaan diyaar u nahay sidii arrinkaas lagu xalin lahaa, horey waxaan uga soo saarray bayaan arrintaas khuseeya iyo siday u dhacday dhacdadii ugu dambaysay,isla markaana hogaanka warfaafinta Jabhada UWSLF wuxuu wareysi siiya idaacadda BBCda-laanta afsoomaaliga, labada marba waxaan ku baaqnay inay arrinta soo dhex galaan dadka aannaan kala hayn qadiyadda ee ah waxgardka, odayaasha, iyo aqoonyahanka iyo cid kastoo jecel maslaxadda ummaadda.

Anaga dhankayagu waan soo dhaweynaynaa talaabo kasta oo loo qaadayo sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadan soo socotay dhawrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Somalimirror: Geeska Afrika waxyaalaha ka socda sida dawlad la'aanta Somaaliya iyo waliba faragalinta militeri ee Itoobiya, maxay tahay aragtidiinu?

Sh. Ibraahim: Mujaahidiinta S/galbeed xidhiidh wanaagsan ayay la leeyihiin shacabka wallaalahood ah ee Soomaliyeed meelkasta oo uu joogo iyagoo u arka in taageeradoodu ay lama huraan u tahay halganka ay ku jiraan, maqnaanta Dawlad Soomaaliyeedna ay dadka S/galbeed yihiin kuwa oogu daran ee uu khasaaruhu ka soo gaadhay, iyadoo horaanba shacabka Soomaaliyeed si hagar la'aan ah uga qeyb qaatay kaalintooda oo naf, maskax iyo maalba u huray xoriyad gaadhsiinta walaalahooda S/galbeed. Waxaana u aragnaa in mushkiladda Soomaaliya lagu xalin karo Soomaalida oo is afgarata arrimohoodana xalisata, xal uma noqonayso inay arrintooda u dhiibtaan Itoobiya oo ah cadawgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya iyo Soomaalidaba. Ummadda Soomaaliyeed waa inay ku baraarugto qorshyaasha guracan iyo shirqoolka Xabashida ee ku aaddan inaanay marna dawlad ka dhismin Soomaaliya.

Somalimirror: Gunaanadka wareysigaan maxaad soo jeedin lahayd?

Sh. Ibraahim: Run ahaantii, waxaan mar walba soo jeedinayaa in midnimo iyo wadajir lagu xaqiijin karo guusha aynu tabayno, haddii ay tahay jihaadka ka socda Soomaali galbeed iyo haddii ay tahay jihaadka walaalahayaga Soomaaliya ay ugu jiraan iska difaacidda gardarrada xabashida. Taariikhda geeska Afrika markaad dib u raacdana waxaad ogaanaysaa in midnimadu ay ahayd sabab aad muhiim u ah guulihii taariikhiga ahaa, markii uu soo baxay mujaahidkii Axmed Gurey wuxuu marka hore ku guulaystay inuu mideeyay awooddi Muslimiinta, markaas kadib ayuu bilaabay inuu ka hortago cadawgii dibadda ahaa, sidaas ayuuna Alle guusha ku siiyay. Marka ummad midaysan ayaa wax qabsata oo meel gaadha, cadawga ummadduna wuxuu markasta ka faa'iidaysanayaa kaladaadsanaanta iyo tafaraaruqa .

Itoobiyana waxa ka jira gudaheeda ayaa burbur ugu filan waxa ay ku nooshahay ee ay ku dhaqdhaqaaqayso waa midnimo la'aanta dadka dagaalka kula jira. Midnimadaas in la raadiyo ayayna ahayd wixii dhaliyay in la abuurmo Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed (UWSLF), walina waan sii wadaynaa raadinta in la mideeyo xoogga ummadda, caqligeeda iyo xoolaheedaba sidii looga midha dhalin lahaa jihaadka qaan gaadhka ah ee ka jira Soomaali Galbeed. ILaahayna waxaan ka baryaynaa inuu na waafajiyo tawfiiqda iyo talada toosan, noona gargaaro isagaa gargaarka bixiyee.. aamiin.

SomaliMirror: Gabagabadii aad iyo aad ayaan kuugu mahad celinayanaa Sh. Ibraahim wareysigaas aad siisay bogga Somalimirror.com. Wasalamu Calaykum

Sh. Ibraahim: Wacalaykum Assalaam, idinkaa mudan.

###

HESHIISKII UWSLF iyo ITOOBIYA KA AKHRI HALKAN

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO