Warbixin Kulankii Wasiirka Saxaafaddu la yeeshay Jaaliyadda Minnesota
Waxa xalay casho sharaf qurux badan lagu qabtay qolka shirarka iyo aroosyada
ee Minneapolis, Minnesota. Cashadaas ayaa ku saabsanayd soo dhaweyntii Wasiirka
Warfaafinta ee Puntland. Wasiirka ayaa waxa uu ka jeediyey qudbad xasaasiya oo
ku saabsanayd marxalada guud ee Soomaaliya iyo Puntland. Intii uu shirka socday
ayaa waxa lagu soo bandhigay gabayo, buraanbur iyo qudbado ku dheehneyd Alle ka
cabsi, wacyigalin, iyo guubaabo.
Wasiirka ayaa waxa ku soo dhaweeyey makarafoonka Maxamed Xasan Abgalaaow oo ah
Gudoomiyaha (PDF) ee chapterka Minnesota, halkaas oo uu ka akhriyay Warbixin
kooban oo ka hadlaysay hordhac barid ah Wasiirka marti sharafta. Hordhacaas ayaa
waxa ka mid ahaa in uu Wasiirku ahaa dhalinyaradii ugu horeysey ee ka
khudbadeysay aasaaskii Puntland iyo ninkii ugu horeeyey ee sameeyay idaacada
Quraanka Kariimka. Gudoomiyaha ayaa intii hadalka uu waday ku daray kaftan iyo
qosol dabacsan. Sidoo kale waxa xaflada furay Wakiilka Boqorka Abdullahi Axmed
Khayre oo xafladan ku tilmaamay mid ka duwan xafladihii hore maadaama ay
idaacadaha Soomaalida Minnesota aysan mid ka maqnayan.
Wasiirka oo lagu soo dhawaynayo Minneapolis
Dhinaca dumarka, waxa buraanbur qiimo badan ka soo jeedisay Dr’s Dahabo, oo ka
hadashay runta dhabta ah ee ay ku jirto Puntland iyo in ay jiraan daldaloolo
badan oo u baahan in la saxo. Buraanburkaas ayaa waxa ka dhex muuqday shucuur
iyo talooyin badan oo ay u dhiibaysay Wasiirka in uu ka geeyo Puntland. Kaliya
ma ahyn in Dumarka Dr’s Dahabo ka hadashay ee waxa sidoo kale ka hadlay Faaduma
Hiirad oo u shaqayn jirtey Idaacada Radio Mogadishu, in ka badan 35 sano.
Faaduma ayaa waxa ay ku dheeraatay muhiimada idaacada iyo sida ay u kasban
karaan dadweynaha hadii ay idaacadu hesho dad qibrad u leh hab qurxinta hadalka
iyo daacadnimo.
Jaaliyadda MN
Waxa xafladan ka maqnayn suugaanta dhinaca gabayada oo lagu soo bandhigay
loogana hadlay marxaladii hore ee Soomaaliya iyo marxalada hada taagan.
Gabayadan ayaa waxa ku luuqeeyey labo abwaan oo ka caan ah Minnesota: Abwaan
Cusmaan iyo Abwaan Abdirsaq Dhagadheere. Gabayada ka dib ayaa waxa lagu soo
dhaweeyey Hodan Caruus (Puntland Women Association) oo ku soo dhaweysey Farxiyo
Absiiye oo ka hadashay Documentry ay soo bandhigi doonto bisha Oktoobar oo ku
saabsan dhalinyaradii laga waayey Minnesota ee ku noqday Soomaaliya si ay u
dagaalamaan. Documentarigan oo duuban oo ay ku dheehan tahay shucuur, maadaama
ay ka hadlayaan waalidiintii dhalay caruuurta iyo macluumaad badan oo ku jira ay
si kooban u dul martay Farxiyo, kuna casuuntay in ay ka soo qayb galaan marka
lagaaro Oktoobar, marti sharaftii halkaas isugu timid. Waxa sidoo kale qadka
telefoonka si toos ah ugala socday Soomaalida degan Atlanta oo runtii si qiiro
leh u dareemayey hadalada uu Wasiirka u soo jeedinayey marti sharafta shirka,
qadkaas telefoonka ayaa waxa suura galiyey aqoon yahan Mahdi Shakiib.
Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guleed oo la hadlayey
Jaaliyadda MN
Ugudanbayntii, ayaa xaflada waxa ka hadlay dhinaca culimada oo si kooban uga
hadlay nabada iyo sida Soomaaliya ay ugu baahan tahay diin daacad ah iyo dad
daacad ah oo isku xiran. Culimadaas ayaa waxa ka mid ahaa: Sheekh Abdiraxmaan
iyo Sheekh Sacad. Wasiirka ayaa gebogebadii kor maray hadaladii lagu soo
dhaweeyey, kana jawaabay su’aalo dhor ah oo ay abwaaniinta iyo dadkii hadlayey
ay qudbadahooda ku dhex weydiiyeen. Qudbadiisana waxa hal ku dhig ahaa Xabagta
Isku haysa Ummadda Soomaaliyeed waxayna ka koobneyd sedex qodob oo kala ah: in
qurbo joogto ka qayb qaadato mashruuc uu wado oo ah “One Dollar Development
Foundation Bishii” in dadka qurbaha degan ay ugu deeqaan mashruucayada ka socda
Soomaaliya hal dollar oo kaliya. Sidoo kale waxa uu taabtay in loo baahan yahay
dad da’ yar oo ku soo bata siyaasada Soomaaliya. Ugu danbayntii in uu kor u
qaadi doono hidaha iyo dhaqanka sii lumaya iyo sidii afgarad loogu samayn lahaa
dhalinta dibada iyo gudaha.