- Cumar C/rashiid oo Magacaabay Sii Hayaha Xilka Agaasimaha Guud ee
Bangiga Dhexe
- Qaar Ka Tirsan Haweenka Baarlamaanka KMG ah Ee Soomaaliya Oo Maanta
(Jun 1, 2010) Isu Soo Sharaxay G/ku Xigeenka Koowaad iyo Labaad ee
Baarlamaanka
- Prof. Cusman M. Dufle oo qoraal ka soo saaray joojinta cabbista
Sigaarka
- Maamul Cusub Oo Loogu Magac Daray Dib U Xoraynta Gobolka Shabeelada
Dhexe Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho
- Ciyaaraha aduunka oo bilaaban doona isbuuc kadib
- Boqolkiiba 42% Dhegeystayaasha Raadiyaha ku hadla Afka DFKMG oo ku
jawaabay in Shariif Xasan uusan waxba ka bedeli doonin khilaafka
baarlamaanka
- Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka
Somaliweek 2010
- Halyeeyadii Ciyaaraha Fudud Ee Somalia Oo Kulmay
Cumar C/rashiid oo Magacaabay Sii Hayaha Xilka Agaasimaha Guud ee Bangiga
Dhexe
Warar
laga helay Xafiiska Ra'iisal wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid ayaa tibaaxay in uu
Bangaga Dhexe u magacaabay Agaasime Guud oo ku meel gaar ah.
Sida warku tibaaxay Maxamed Cali Xuseen ayaa noqon doona sii hayaha
Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee DFKMG. Arrintaas ayaa la sheegay in Cumar
C/rashiid uu wareegto ku soo saaray ayadoo sabab looga dhigay kaddib markii
"Madaxda Sare ee Bangiga Dhexe ee DFKMG ay hawshoodii dalka dibaadiisa u
badatay, taas oo ay lagama maarmaan noqotay in la helo cid masuul ah oo lagala
xiriiro hawsha bangiga dhexe," waa sida ku cad warka laga helay xafiiska
ra'iisul wasaaraha June 1, 2010.
Magacaabistan ayaa timid maalin kaddib markii Wasiirka lacagta (ahna sii hayaha
Wasaarada Maaliyada DFKMG) Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan uu sheegay in
dakhligii DFKMG ka soo galay Dekedda Muqdisho sanadkii 2009 uu ahaa 11.53
million doolar ($11,529,563), halka dakhliga dekedda ka soo xerooday sannadkan
2010 (Jan-May 30) uu yahay 5.15 million doolar ( $5,154,725), inkasta oo uusan
faahfaahin sida dakhligaas soo xirooday uu ku baxay.
Maxamed Cali Xuseen oo ah sii hayaha xilka Agaasimaha Guud ee Bangiga dhexe
loo magacaabay ayaa laga soo xigtey in uu sheegay in bangigu hadda laamo ku
leeyahay Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.
Warka xafiiska ra'isul wasaaraha DFKMG ma caddayn in xilkii laga qaaday
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali, oo hore si cad uga hor
yimid qorshaha Dowladda FKMG ku dooneysay in ay lacago cusub oo Shillin Soomaali
soo daabacato, xilligii wasaaradda maaliyadda uu wasiirka ka ahaa Shariif Xasan.
Bashiir Ciise Cali waxa uu bartamahii bishii
Janaayo 2010 yiri “Ma ahan in
xilligan la isku mashquuliyo sameynta lacago cusub, run ahaantii lacag cusub in
dalka lagu baahiyo, waxay u baahan tahay in laga fikiro, maxaa yeelay dowladdu
haatan gacanta kuma heyso dalka oo dhan”.
Qaar Ka Tirsan Haweenka Baarlamaanka KMG ah Ee Soomaaliya Oo Maanta (Jun
1, 2010) Isu Soo Sharaxay G/ku Xigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka
Dhegeyso:
Khadiijo Maxamed
Diiriye
Dhegeyso:
Aamina Cumar Jaamac
Xubnaha haweenka baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya kaga jira ayaa maanta soo
bandhigay musharxiin jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo Gudoomiye
kuxigeenka labaad ee baarlamaanka KMG ah .
Marwo khadiijo maxamed diiriye ayaa isu soo sharaxday jagada Gudoomiye ku
xigeenka koowaad ee baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya islamrkaana shaaca ka
qaaday inay u taagan tahay jagadaasi
Sidoo kale Marwo khadiijo maxamed diiriye oo maanta u waramaysay saxaafada ayaa
sheegtay inay markii horeba haysay xil qaran hadana ay doonayso inay qabato
jagada Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya
Dhinaca kale Haweenka maanta isu soo sharaxay jagooyinka gudomiye ku xigeenka
labaad ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaanad marwo Aamina cumar jaamac ,waxayna
sheegtay inay mudadii labaatanka sano ahayd ee lasoo dhaafay dhibaatadii soo
gaartay dadka shacabka ah ee soomaaliyeed ay aad uga xun tahay doonaysana inay
xilka gudoomiyenimada labaad marka ay ku guulaysato ay wax ka qaban doonto
dhibaatada gaar ahaan kuwa haysta haweenka iyo caruurta
Si kastaba ha ahaatee ku xigeenada gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa u taagan
in ka badan Toban musharax balse waxaan ilaa iminka aan la ogayn Cida si dhab ah
ugu guulaysan doonta jagooyinkaasi.
MUNAASABADDA MAALINTA
JOOJINTA CABISTA-SIGAARKA EE CAALAMIGA AH
31 MAY 2O1O
Prof. Cusman M. Dufle
Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2010 waa maalinta loo asteeyey joojinta
cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka
lagu wacyigeliyo khatarta uu leeyahay.
Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista
sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo,
midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala
badnaadeene.
Adduunyada horumartay iyo midda soo koreysaba waa ku badan yihiin cabista
sigaarka iyo khatartiisaba.
Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu
qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Hal bilyan waxay ku nool
yihiin waddamada soo koraya.
Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan
haweenka.
Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la
sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista 5.4 milyan oo qof.
Wuxuuna mas'uul ka yahay dhimashada 10kii qofoodba qof taasoo ka dhigan in 3
meeloodoo laba waxay u dhintaan cudurada sigaar-cabista ka dhasha waana lambarka
2aad ee cudurada ioo dhinto caalamka marka laga soo tago cudurka Dhiig-karka.
Dhimashadaas 70% waxay ka dhacdaa Dunida saddexaad.
Cabista sigaarka waxaa la socda 19 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka
kansarka. Wuxuu kaloo wataa maaddada loo yaqaano Nicotin-ka oo sababa qabatin
balwad ahaan loo qabatimo jir ahaan iyo maskax ahaan.
Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu
isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.
Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka
waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is dhimi karto.
CABISTA SIGAARKA IYO SAAMEYNTA CAAFIMAADKA UU KU LEEYAHAY
Cabista sigaarka wuxuu sababaa cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30%
(Heart attacks iyo Strokes), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida
Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada
(Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca
sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku
dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida,
Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma
la'aanta ragga iyo haweenka.
Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.
Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo
miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah.
Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la'aan iyo qeybta
fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca. Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga
iyo la dhaqanka bulshada isagoo acsaabtiisa had iyo jeer kacsan tahay.
Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha iyo Maqalka dhegaha.
Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo
(second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa
lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku
dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.
Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo
barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan
dhalinyarada da'da yar iyo kuwa Shiishadda la cabo u badan ee dadka waaweyn
kuwaasoo ku keeni karaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.
BAAQ
Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney
ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in
nafta la tahluukeeyo khatarta caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keenayo.
Wa-billaahi-tawfiiq
Prof. Cusmaan M. Dufle
Maamul Cusub Oo Loogu Magac Daray Dib U Xoraynta Gobolka Shabeelada Dhexe
Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Maamul lagu magacaabo dib u xoraynta gobolka shabeeladda dhexe ee maamulka
ahlu- sunna waljamaaca ayaa maanta (Jun 1, 2010) lagaga dhawaaqay magaalada
muqdisho,iyadoo ay sheegeen in Maamulkan uu la dagaalami doono xarakada
mujaahidinta al-shabaab oo xiligan gacanta ku haya gobolkaasi shabeeladda dhexe.
Gudigaan lagaga dhawaqay magaalada muqdisho ayaa ka kooban 5-xubnood oo ah
fulinta waxaana gudoomiye u ah macalin daahir cadow Calasow oo hore gudoomiye
uga ahaan jirey gobolka shabeelada dhexe waxaana uu sheegay in guud ahaan dalka
uu ku jiro dhibaato culus gaar ahaan gobolka shabeeladda dhaxe islamarkaana uu
xiligan ay go’aansadeen in la sameeyo gudi la dagaalama maamulka islaamiga ah ee
iminka ka arimiya sheebalada dhexe waa siduu hadalka u dhigaye -----
DHEGEYSO
Sidoo kale waxaa ka hadlay xaflada lagaga dhawaaqay maamulka la baxay dib u
xoraynta shabeelada dhaxe ee maamulka ahlu -sunna qaar kamida odayaasha
gobolkaas, sida
Cabdule xuseen maxamuud oo sheegay in la isku waafaqay gudigaan in uu shaqeeyo
--- DHEGEYSO
Dhinaca kale wax garadkii ka hadlay xafladaasi ayaa waxaa kamid ahaa xasan
maxamed ahmed oo tilmaay in ay dhibaato ay qabaan dadka shabeelada dhexe inay
helaan maamul midaysan waa siduu sheegaye loona baahan yahay in laga dulqaado
dhibaatada uu sheegay inay ka jirto hada -----DHEGEYSO
si kastaba ha ahaatee gobolka shabeelada dhaxe oo ay iminka ka jiraan nabad
gelyo buuxda ayaa waxaa gacanta si buuxda ugu haya xarakada mujaahidiinta
Al-shabaab oo hore xilka uga tuuray gudoomiyaha gudigaan cusub daahir Cadow
Calasow oo ay dhawaana maamul shebeelada dhexe ah u magacaabeen dowlada kmg ah
Yaasiin Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Ciyaaraha aduunka oo bilaaban doona isbuuc kadib
1000, oo qofood oo dalxiisayaal ah ayaa maalin waliba soo gaarayaan wadanka
k/Africa iyadoo ay uyimaadeen in ay daawadaan ciyaaraha aduunka si ay ugu
fududaato in ciyaaraha daawadaan labada bilood ee soo socota gudaha wadanka
k/afrika.
Dhamaan wadanka oo idil ayaa waxaa laga dareemayaa in ay si weyn usoo
dhaweynayaan ciyaaraha k/cagta ee aduunka iyadoo sidoo kale dadka kusugan
magaalada johanesberg ee ah magaalada lagu furayo ciyaaraha k/cagta ee sanada
2010 ee fifa world cup.
Markaa tagto meelaha ugu magaca weyn ee wadanka south Africa ayaa waxaa
lakulmeesaa dad xiran fanaanada jaalaha ah ee qaranka bafan bafan (south Africa)
iyo guryaha oo lagu xardhay calanka south africanka ,baabuurta, maqaahiyaasha,
hodhelada,garoomada,dhamaan waxaa ay udiyaar garooween sidii ay u soo dhawey
lahaayeen ciyaaraha aduunka iyadoo ay inta badan ciyaartoyda ay imaadeen
wadankaan k/Africa .
Dhanka ganacsiga ayaa sidoo kale diyaar garoow xoogan kaga jiro sidii ay usoo
dhaweynayeen ciyaaraha k/cagta ee aduunka ee dhawaan kafurmi doona magaalooyinka
waa weyne ee wadanka south Africa, sidoo kale ganacsatada soomaaliyeed ayaa
iyana diyaar garoow weyn kugu jira ciyaaraha aduunka si ay dhaqaale ugu helaan
labada bilood ay ciyaaraha socdaan ee jun iyo july.
Dhanka amaanka ee wadanka south Africa ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ay
ciidamo farabadan ee sood afrikan ah loo diyaar geliyay sidii ay amaanka wadanka
loo sugi lahaa iyadoo ay qaas ahaan loo diyaariyay ciyaaraha aduunka inkabadan
95, kun oo ciidamo siqaas ah loo tababaray ,sidoo kale dadka reer sood
afrikaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay samay doonaan boobitaan jansiyad
naceeb ah oo ay ku sameyn doonaan dadka qaxootiga ah ee jooga wadanka gudahiisa.
Ciidanka taliska police-ka (SAPS)wadanka sood Africa ayaa waxaa ay sheegeen in
ay u diyaariyeen ciidamo farabadan oo loogu tala galay in ay ka badbaadiyaan
dadka sood afrikaanka ah xoolaha qaxootiga iyo noloshooda oo Qatar kujirta,
maxaa yeelay waxaa loogu hanjabay in ay isaga tagaan wadanka hadii ay taa samay
waayaan ay dili doonaan.
Dhanka taraafikada wadanka waxaa arkaysaa markaad marayso wadooyinka waa weyn ee
wadanka ciidamada taraafikada oo soo buux dhaafiyay wadooyinka oo mar qura
ishaada saaraysaa baabuur oo ay trafica ku dhegentahay oo in kabadan seddex
gaari oo kuwa trafica lajoogto (low inforecement).
Dhanka kaamirooyinka wadanka waxaa lasoo kordhiyay kaamirooyinka ku xiran
wadooyinka, garoomada, meelaha ay dadka isugu imaadaan, iyo meelo kale oo dhoor
ah iyadoo ay dawladu sheegtay in ay doonayso in ay sugto amaanka wadanka oo dhan
si ay ufududaato in xal loo helo nabad gelyada iyo amaanka wadanka south Africa.
Mahamed abukar bariyow
Cape town south Africa
Tell +27734405477
E,mail. Mahamedsom1@hotmail.com
Boqolkiiba 42% Dhegeystayaasha Raadiyaha ku hadla Afka DFKMG oo ku
jawaabay in Shariif Xasan uusan waxba ka bedeli doonin khilaafka baarlamaanka
Raadiyaha ku hadla Afka DFKMG ee Muqdisho oo cod bixin ama afti weydiiyey
dadweynaha, gaar ahaan su'aal ku saabsanayd "Shariif Xasan wax ma ka baddali
doonaa khilaafka Baarlamaanka? Waxaana dadkii ka jawaabay ay ku codeeyeen in
boqolkiiba 42% ay yiraahdeen MAYA waxba kama bedi doono, halka boqolkiiba 26% ay
yiraahdeen waa ka bedeli karaa.
Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka
Somaliweek 2010
London waxaa xaafada Wembley hall ku yaal lagu qabtey
habeenimadii Sabtida taariikhduna ahayd 29/05/2010 xaflada qorituurka koobka
Somaliweek 2010, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka tirsan bahwaynta
isboortiga Soomaalida ku dhaqan xaafada Galbeedka magaalada London.
Qorituurka waxaa
loo sameeyay 16 kooxood, kuwasoo kale ahaa sidatan islamarkaana loo qaybiyay 4
qaybood, kuwaasoo aaqirka bisha Luulyo 23 keeda lagu wado in magaalada London si
rasmi ah uu uga furmo koobkii Somaliweek 2010 hadii Eebe idmo.
A |
B |
C |
D |
Harrow Stars |
West 12 |
London stars |
Hilltop |
Manchester Somali Stars |
Leicester Stars |
Cardiff Warrior |
Northampton Stars |
Sugar FC C |
United stars |
Jubba FC |
Junior All Stars |
Sweden stars |
Canada Stars |
Nabadda FC |
Olympic( Denmark ) |
Friday 23/07/10 |
Saturday 24/07/10 |
Sunday 25/07/10 |
Monday 26/07/10 |
Opening Ceremony |
Sugar FC Vs Sweden |
United stars Vs Canada |
Jubba FC Vs Nabada FC |
|
West 12 Vs Leicester |
London stars Vs Cardiff |
Hilltop Vs Northampton |
Harrow VS Manchester |
|
|
Junior stars Vs Denmark |
Tuesday 27/07/10 |
Wednesday 28/7/10 |
Thursday 29/07/10 |
Friday 30/07/10 |
Sweden Vs Harrow |
Leicester Vs United stars |
Denmark Vs Hilltop |
Harrow Vs Sugar FC |
Sugar FC Vs Manchester |
Nabada Vs London stars |
Northampton Vs J.Stars |
West 12 Vs United stars |
Canada Vs West 12 |
Cardiff Vs Jubba FC |
Manchester Vs Sweden |
Canada Vs Leicester |
Saturday 31/07/10 |
Sunday 01/08/10 |
London Stars Vs Jubba FC |
Hilltop Vs Northampton |
Cardiff Warrior Vs Nabadda FC |
Northampton Stars Vc Olympic( Denmark ) |
Quarter
final
Monday 02/08/10 |
Tuesday 03/08/10 |
Winner A Vs Runner up B |
Winner C Vs Runner up D |
Winner B Vs Runner up A |
Winner D Vs Runner up C |
Semi
final
Thursday 05/08/10 |
Winner A Or Runner up B Vs Winner
C Or Runner up D |
Winner B Or Runner up A Vs Winner
D Or Runner up C |
|
Waxaa
lagu casumay inay qorituurka tuuraan ciyaartooydii hore ee dalka
Soomaaliya sida Safiyo Neero,Miski Omar,Xaawo Taako, Bakiin Maaxi,Baaba
Jay,Xuseen Abati, C/nuur,Cabdulaahi Muxyadiin iyo caruur Soomaaliyeed oo iyagana
ka qayb ka ahaa qorituurka
Dad badan ayaa ka
soo qayb galay munaasabada qorituurka Somaliweek,kuwasoo hadalo u badnaa
taageero iyo amaanba leh ka jeediyay, waxayna kale ahaayeen dadkii faraha badnaa
ee ka hadlay:
Odayaasha
Isboortiga magaalada London Danjire Mohamed Ahmed Caalin, Ahmed Abdi Dahir
‘’Shell’’, Aden Hersi Jaango’an ‘’Adaamo, C/qaadir Shire’’Kasmo’’, Dr C/raxmaan
Cunaaye,Ahmed nuur Seyga Ruushka, , C/qaadir ciise Biyooley,Shiine
Guhaad,Muriidi Zein,Osman Shiis,C/qani Jeenyo (President of new Generation
Sports and Culture) Abuukar Aden ‘’Boos Caato’’ (gudoomiyaha ururka heerka
koowaad ee Sweden),Muqtaar Shuute,Digeeye,Shukri Dhalbaas,Rashiid Jama,Hassan
Shiino,Dahir Ciise, Abshir iyo gabar ka socotey London 2010, halka ururka
Somaliweek-na ay u hadleen Mohamed Buuwe, Xuseen deeq, Mohamed ali,waxaana
barnaamijka xiriirinayay Elmi Waabari.
Fanaanada Soomaaliyeed Maryan Cali Muuday oo ka tirsanaan jirtey Wasaarada
Waxbarashada iyo Kooxda Iftin ayaa goobta ka qaaday labo heesood oo aad u qiiro
galiyay dadkii ka soo qayb galay xaflada qorituurka iyo fanaanka da’yar ee
magaalada London Fu’aad oo isna hees wadani ah oo cusub ka jeediyay goobta halka
muuskitiistaha Qaranka Mohamed Macalow oo isna muusiga tumayay iyadoo uu goob
jooge ka ahaa Xuseen Bisad oo ah wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ugu
dhaadheer dunida iyo dad badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin ayaa ka mid
ahaa dadkii ka soo qayb galay
W/Q:YUSUF YUSUF
Sports editor of
sspamedia
mrsomalia@hotmail.com
London
Halyeeyadii
Ciyaaraha Fudud Ee Somalia Oo Kulmay
MINNEAPOLIS: Shir aad iyo aad u
ballaraan ayaa lagu qabtay dalka Mareykanka gaar ahaan Magaaladda Minneapolis
kaa oo ay qabanqaabiyeed Ciyaaryahanadii hore ee Ciyaaraha fudud ee Soomaalia
Magac iyo maamusba ku lahaa kuwaa oo kala ah:
-
Cabdi Warsame Isaaq
-
Cali Cabdi Maxamed(Cali Bay)
-
Shidane Cumar Axmed
-
Cumar Xasan Culusow
-
Cabdulaahi Jumcaal Axmed (Ceel
Shube)
-
Axmed Cusmaan Cilmi (Axmed Xoor)
-
Maxamed Cabdi Sheekh
-
Jaamac Bile Cabdi.
Shirkaas
waxa ugu horeyntii ka hadlay Ciyaaryahan Ceel-Shuube wuxuuna u mahadceliyey
dadkii soo qabanqaabiyey shirkaan oo muhimad gaar ah u leh inta ay hiwaayadoodu
tahay Ciyaaraha Fudud, waxaana uu ku soo dhaweeyey Mudane Cabdi Warsame Isaaq oo
isna ka hadlay muhiimadda uu shirkaan oo kale leeyahay isagoo farta kuu fiiqay
in mudnaanta la siiyo ku barbaarinta ciyaaraha fudud dhalinta soo koreysa
waxaana la isla gartay in ajendaha shirka uu noqdo kuwa soo socdo:-
-
In la dhiso guddi ku meel gaar ah
oo soo abaabula shirweyne kan ka balaaran.
-
In xiriir toos ah loola xiriiro
tababarayaashii gacanta ka geystay horumarinta Ciyaaraha Fudud haddey ahaan
lahaayeen Somali iyo Ajaaniiba.
-
In Mustaqbalka Dhaw la unko naadi
ay isugu yimaadaan bahda Ciyaaraha Fudud.
-
In aqoon kororsi loo raadiyo
Ciyaartoydii Cuslaatay iyo kuwa aqoonta leh.
-
In Xiriir joogta ah lala sameeyo
Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud.
-
In Tababar loo furay dhaalinta
soo koreysa ee ku wanagsan Ciyaaraha Fudud.
-
In Bahweynta Ciyaaraha Fudud laga
uruuriyo qaaran oo lagu fuliyo shaqo maalmeedka.
Ka dib waxa
shirkaasi uu guda galay in si saraaxad leh looga dooday qodobadda kor ku xusan
iyadoo la isku raacay in ay qodobadaasi saldhig u noqon karaan horumarinta
Ciyaaraha Fudud ee Somalia ha noqdaan kuwa jooga dalkii ama kuwa ku nool
dibadda,sidoo kale waxay ka soo qeybgalayaashii shirkaasi ay isku raaceen in
aqoon la'aani aan wax la fulin kara aysan jirin iyago isla gartay in diiradda la
saaro in la unko jiil ku wanagsan Ciyaaraha fudud aqoontooduna ay tahay mid la
saanqaadi karta himiladda aanu tiigsaneyno.
Ugu dambeyntii
waxa la isku raacay in guddigani loo bixiyo SOMALI RUNNERS COMMUNITY
ORGANISATION oo marka la soo gaabiyo noqonaayo [SRCO],waxa kaloo la isla gartay
in la sameeyo guddi hogaamiya ururkaani inta laga gaaro shirweynaha oo la qaban
doono mustaqbalka dhaw, waxayna kala yihiin:-
-
1-Cabdi
Warsame Isaak (Gudoomiye)
-
2-Cumar
Xasan Culusow (Gudoomiye Kuxigeen)
-
3-Shidane
Cumar Axmed (Xoghaye)
-
4-Axmed
Cusmaan Cilmi (XOOR) Kaaliye Xoghaye
-
5-Jaamac
Bile Cabdi (Xoghayaha Maaliyadda).
Waxa ugu
dambeyntii shirkaasi khadka Teleefoonka uga qeyb galay isaga jooga Dalka
Ingriiska Mudane Cabdulle Saney oo ka mid ah Gudoomiye Ku xigeenadda Xiriirka
Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud, isagoo marka ugu horeysa ugu hambalyeeyay
Halyeeyadda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud si ay markaan ugu heelan yihiin kor
u qaadida Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo sida la ogsoon yahay magac iyo
maamuusba ku lahaa adduunyadda waxaana isagoo ku hadlaayo magaca Xirirka
Ciyaaraha Fudud uu u ballaqaaday in aysan waxba ka hagran doonin intii awoodooda
ah, waxaana ugu dambeyntii ku booriyey in himiladaan wanagsan laga mira dhaliyaa
isagoo sheegay in qeybta Xiriirka ku soo aada ay ka soo dhalaali doonto, waxaana
uu shirkii ku soo dhamaaday si heer sare ah.
Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-99-982912
+2526-1-5520008
Email:buuna@isboorti.com
Faafin: SomaliTalk.com / June 2, 2010
|