SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xarun loogu magacdaray Muqdisho Media House oo laga furay Magaalada Muqdisho

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana ay ka qaybgaleen saxafiyiin ka kala socotay qaybaha warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeyntii, waxana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay C/llaahi Max’ed Xasan (Black) oo ka mid ahaa raggii fikradeeda lahaa aasaaska xaruntaasi, waxa uuna sheegay in sababaha loo furay xaruntaan ay tahay sidii ay xaruntaan u soo saari lahayd suxufiyiin tayo leh oo ka hawlgala qaybaha warbaahinta dalka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Cllaahi Max’ed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in xaruntaan ay ka shaqeyn doonaan rag mudo ku soo jiray Bahda Saxaafadda kuwaas oo doonaya inay aqoontooda u gudbiyaan suxufiyiinta dooneysa in ay ka mid noqdaan bahda warbaahinta, sidoo kale waxa uu xusay in xaruntaan tahay xarun madax banana, isla markaana ay bilaabi doonto barnaamijiyo ku saabsan saxaafadda isagoo u soo jeediyey suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan xaruntaan isla markaana ay diiwaangelinteeda bilaaban doonto Maalinta Sabtida ah.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay C/rixiin Ciise Caddow oo sheegay in xaruntaani tahay xarun madax banaan oo aan shaqo ku laheyn arrimaha siyaasadda isdiidan, isagoo sheegay in xaruntaan ay uruurin doonto ama ay isku keeni doonto dhamaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

“Dadka ka shaqeeya saxaafadda xiligaan waa kuwo geesiyaal ah oo u adkeystay marxaladda adag ee jaatam dalku marayo oo u soo jeediyey bahda warbaahinta in ay u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda” ayuu yiri C/rixiin Ciise Caddow oo sheegay in xaruntaan wixii hadda ka dambeeya ay isku dubaridi doonto ama ay uruurin doonto dhamaan bahda Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Ibraahim Fanax oo isna ka mid ah dadkii keenay fikirka lagu aasaasay xarunta Muqdisho Media House, waxa uuna sheegay in Saxaafadda Somaaliya ay tahay ay waqtigaan tahay mid aad u adag isagoo sheegay in karaankooda ah ay aqoon ku filan siin doonaan suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu baaqay dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed in wixii fikrado ah oo ku aadan xaruntaan soo gudbiyaan.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xildhibaan Sheekh Yuusuf Caynti oo isna u mahadceliyey intii isku soo dubariday abuuridda xaruntaan iyadoo dalku marayo xaalad adag, waxa uuna yiri “in manta xafiis noocaan oo kale ah la furo waxaa ku tilmaami karaa geesinimo iyo dadaal dheeraad ah”.

Barakacayaasha degan Jaamacadda Lafoole oo la bilaabay in halkaasi laga saaro.


Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Lafoole waxay sheegayaan in dadkii barkacayaasha ahaa ee ka cararay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ay bilaabeen saakay in ay ka sii barakacaan ama laga raro Jaamacadda Lafoole kadib markii ay amarkaasi bixiyeen Ururka Xisbul Islaam, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbiga Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dadkaan oo mudo todobaad ah horey loogu qabtay ayaa qaarkood mar aan la kulanay waxay sheegeen in aysan garaneyn meel ay aadaan, hase yeeshee saakay waxay Ciidamada Xisbul Islaam bilaabeen in ay xoog kaga saaraan Jaamacaddaasi oo aan la ogeyn cidda la dejin doono, waxayna wararka qaar sheegayaan in xisbigu uu doonayo in dib loo soo celiyo hanaankii waxbarasho ee Kulliyaddaasi, kadib markii la sheegay in arrintaani ay xisbiga kula taliyeen dad doonaya in ay halkaasi dib uga furaan jaamacad wax lagu barto.

Ciidamada waxay bilaabeen in ay dumiyaan dhamaan guryaha ka sameysan cooshadaha iyo jiingadaha ee ku yaala gudaha jaamacaddaasi oo ka mid ah jaamacadaha ugu da’da weyne gudaha dalka Soomaaliya, waxayna sanadihii ay dagaalada ka socdeen Soomaaliya isku bedeshay goob ay degaan dadka barakacayaasha ah, waxaana deganaa kumanaan qoys xarunta Jaamacadda, kuwaas oo gudaheeda ka sameystay goobo ganacsi, waxayna dadka qaarkii aad uga careysnaayeen in halkaasi laga raro xiligaan oo ay sheegeen in aysan garaneynin meel ay dib ugu laabtaan. Isku soo wada duuboo dhinacyada isku haya Soomaaliya ayaa wax naxariis ah u fidin Shacabka tabaaleysan, waxaana dhawaan xerada afisyooni dad barakacayaal ah oo deganaa looga raray xoog, waxayna qaarkood ku dacdareysan yihiin xaafadaha Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Shacabka degan Jaamacadda Lafoole iyo Sheekh Xasan Daahir oo Qoorta isula jira

May 25, 2010:  degan Deegaanka Lafoole ayaa haddana waxaa maalmahan socday hadalo kul kulul oo ay isweydaarsanayeen shacabka degan Lafoole iyo Guddoomiyaha Xisbul Islaa Xasan Daahir Aweys kadib markii uu amray in mudo todobaad ah kaga guuraan Jaamacadda Lafoole.

Qaar ka mid ah shacabka oo u waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta looga rarayo Jaamacadda Lafoole maadaama dalka aysan ka jirin dowlad, isla markaana aysan muuqanin saansaan ay dib ugu laabtaan guryahoodii laga soo barakaciyey ee Magaalada Muqdisho.

Haweenay ka mid ah dadka halkaasi degan ayaa waxay tiri “meel aan uga socdo Lafoole ma jirto xiligaan, waxaan ka xigaa intii aan guuri lahaa in aniga iyo carruurteyda halkaas ku dhimano” waxayna sii raacisay “Xasan Daahirow lama joogo waqtigii dadka loo hanjabi jiray ee waa inaad ka fiirsataa ama dib aad uga laabataa go’aankii ahaa in mudo todobaad ah looga baxo Lafoole”.

Nin odey ah oo isna degan dadka degan halkaasi ayaa isna yiri “Dadka meesha degan waa dad soo barakacay oo dhibaateysan oo aan waxba haysan qaarkood geedo ayay waabteen iyo guryo xooshado ah, marka Sheekh Xasan Dadkaasi waa in uu naxariistaa oo uu eegaa waqtiga lagu jiro”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isna ka hadalayey warhaabinta ayaa sheegay in ciddii loogu yimaado maalinta jimcaha ah wixii ka dambeeya sharciga la marsiin doono, waayo ayuu yiri “Waa goob waxbarasho Lafoole”.

Kumanaan qoys oo ka soo barakacay Magaalada Muqdisho ayaa ku nool Lafoole, iyadoo Jaamacadda Lafoole la dhisay 1963tii , waxaana ka qalinjabiyey macallimiin fara badan oo manta wax ka dhiga Jaamacadaha iyo dugsiyada ku yaala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ay amar ku bixisay in laga guuro xeradii Afisyooni, waxayna taasi keentay in ay ku dhintaan dhowr qofood iyadoo dadkii halkaasi laga saaray ay manta ku dayacan yihiin Magaalada Muqdisho.


Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com / June 30, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS