SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Cabdi Wali Shiikh Ibraahim Muudeey oo kaalin Firfircoon kaga jira Musharaxnimada Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad

Iyadoo ay maanta ku egtahay waqtii qabashada Araajiida Xildhibaanada u tartamaya Xilalka gudoonka sare ee Baarlamaanka ayaa hadana waxaa sii kordhacaya tirada xubnaha isku sharaxaya Xilalkaas oo sheegey dhamaantood in ay kalsooni ka haystaan Xubnaha Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi weli Ibraahim Shiikh Muudey ayaa ka mid noqdey Musharaxiinta u tartameysa Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka wuxuuna sheegey mar uu u waramayey Bahda Warbaahinta in uu kalsooni buuxda uu ka haysto Xildhibaanada Baarlamaanka”waxaa igu dhaliyey in aan isku sharaxo xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka inta badan Xildhibanada ku jira Golaha Baarlamaanka “ayuu yiri Mudane Cabdi Wali oo sheegey in uu yahay nin qaadi kara Xilkaas islamarkaana uu yahay nin daacad ugu shaqeynayo Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed

Xildhibaan Cabdi Wali wuxuu sheegey in khibrad u leeyahay Maamul wanaaga islamarkaana uu yahay in Bulshada ka bixin kara Xilgaan adage e ay ku jirto wuxuuna intaa raaciyey in uu kalsooni weyn uu kuqabo in loo doorto Xilkaas

Ilaa iyo Toban Musharax ayaa u taagan xilka Gudoomiye ku xigeenka Kowaad waxayna dhamaantodd sheegeen in ku kalsoon yihiin in loo doorto Xilkaas oo ay ku tilmaameen mid adag

Doorashaan ayaa timid markii uu iscasiley Gudoomiyihii Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe ka gadaal Markii xildhibaanada Baarlamaanka ka biyo diideen in uu xilka sii hayo waxay taasi horseedey in markii dambe uu Gudoomiyaha iska casilo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Sidoo kale Xubnaha isu soo sharaxay Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa ah 8-Xubnood oo kala ah;-

1. Cabdulfataax Ibraahim Rashiid

2. Xasan Xaashi Warsame (Xiis)

3. Caamir Axmed Maxamed (Shakeeti)

4. Khadiijo Maxamed Diiriye

5. C/weli Sheekh Muudey

6. Muqtaar Maxamed Yuusuf

7. Cabdullaahi xaaji Cusmaan ducaale

8. Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen

Sidoo kalena ay Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha baarlamaanka ay isu soo taageen 10-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah;-

1. Maryan Sheekh Cusmaan

2. Zuleymaan Maxamed Ibraahim

3. Cusmaan Cilmi Boqorre

4. Cabdullaahi Abyan Nuur

5. Axmed Dhimbil Rooble

6. Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko)

7. Cabdi Axmed Xaaji Faarax

8. Mahad Cabdalla cawad

9. Cumar Buraale Axmed

10. Aamina Cumar jaamac.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com / June 1, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS