SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamo bolice ah oo tababar Muqdisho loogu soo xirey

May 30, 2010: 380-askari oo Ciidan Booliis ah, ayna ka mid yihiin 54 haween ah kuwaasoo tababarro ku qaadanayay muddo sagaal bilood ah halkaasi, waxaana xafladdii xiritaanka ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda KMG ah.

Ciidamada Booliska ee tababarka loo soo xiray oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa la sheegay inay horay tababar ugu soo qaateen xerada Carmo ee Gobolka Bari, ayna Muqdisho ku dhameysteen tababarkooda, iyadoo loo qaybiyay dhar cusub oo ay ciidamadaasi qaadanayaan waxaana dharkaan cusub bixisay hay'adda qaramada midoobey ee UN ka .

Halkan ka daawo sawirada

Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan ( Cali Madoobe )Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa halkaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo la baray sidii ay dadka ugu adeegi lahaayeen, isagoo sheegay inay gudan karaan howlaha loo xilsaaray Ciidamadaasi.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Wixii maanta ka dambeeya ciidamadaasi qaadan doonaan dharka ciidanka Booliiska Afrika ay isitcmaalaan oo ah Shaati Buluug ah iyo Surweel Madow ah, kaasoo ka duwan dharkii lagu yaqaannay ciidamada Booliiska, wuxuuna sheegay inay qaateen Ciidamadaasi tababar wanaagsan.

Xirtaanka xafladaasi tababarka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar isagoo ku boorriyay ciidamada tababarka soo dhameystay inay si wanaagsan shacabka ugu shaqeeyaan, ayna noqdaan kuwo ay dadku ku soo hirtaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Cali Aadan oo ciidamada tababarka dhameystay ka dalbaday in hubka la siiyo aysan iibsan, isagoo sheegay in taasi ay tahay mas'uuliyad-darro.

Dhanka kale Ciidamadaasi tababarka loo soo dhameeyay ayaa waxaa lagu hordhaariyay Wasiirrada Dowladda Soomaaliya, iyagoo



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com / June 1, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS