Wafdigii Ururka SDSI oo si weyn loogu soo dhaweyey Holland iyo sanad guurada
ururkaasi oo lagu qabtay Magaallada Denhaag.
Jaaliyada Beelaha Sade ee kunool Wadanka Holland ayaa waxay maanta si weyn
usoo dhaweeyeen Wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey Guddoomiyaha ururka SDSI
Mudane, Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud,kuwaasi oo kasoo kicitimay
Wadanka UK,halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii ugu danbeysay ee todobadkan.
Shirweyne si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa uu Magaallada Denhaag ku dhexmaray
Madaxdasi iyo Jaaliyada Beelaha Sade ee Holland,kaasi oo lagu gorfeynayey sidii
looga wada hadli lahaa xaalada Somalia iyo beesha saameynta ay ku leedahay waxa
ka dhacaya Dalka Somalia,waxaana taasi barbar socday doorka Qurba joogta Beelaha
Sade kuleeyihiin arimaha Nabadeynta iyo Maamul u sameynta deegaanadii ay ka
yimaadeen.
Shirka ayaa waxaa daadihinayey Abdiweli Garbo-cune ,waxaana uu sheegay in
jaaliyada maanta u madlaneyd sidii ay u qaabili lahaayeen Madaxdooda oo uu ugu
horeeyo Guddoomiyaha Ururka SDSI Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud ,waxana
intaasi kadib halkaasi laga akhriyey aayado quraan ah oo furfurashada hadalka
gundhig looga dhigayey.
Xamsa Sheekh Xuseen “Hanoolaato” oo ah Guddoomiyaha Ururka SDSI ee Qaarada Yurub
isla markaana aheyd qofkii ugu horeeyey ee lagu soo dhaweyey inay halkaasi
khudbad ka jeedisay ayaa ku dheeraatay xiliyadii kala duwanaa ee uu ururkan ka
hirgelintiisa Holland soo maray,waxaana ay sheegtay indhamaan jaaliyada Sade ee
Holland garowsan yihiin la shaqeynta iyo garab istaaga ururka SDSI ay u tahay
midii guul deg deg ah oo beesha Sade gaarto lagu gaari lahaa.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Waxaana intaasi ay kusii dartay
in Beesha Sade ee Holland degan ay farxad u tahay soo dhaweynta Madaxdii Ururka
SDSI ee uu hogaaminayo Abdinuur Sheekh Abdisalan Aw-Maxamuud iyo in Holland lagu
qabto sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii laáasaasay Ururka
SDSI,taasi oo u muuqata in kaalin mug leh ay beesha Sade kaga jiraan Jaaliyada
Holland.
Dhinaca kale Cali Jama “Cali Kawaan”ooi sagana ku hadlayey codka odayasha
Beelaha Sade ee Holland ayaa waxa uu sheegay inay ku qanacsan yihiin dhamana
hanaanka maamul iyo howl ee uu ku socdo Ururka SDSI,waxaana uu intaasi raaciyey
inay balan qaadayeen la sii shaqeynta ururkaasi iyo ka miro dhalinta himilada
fog ee laga leeyahay,Laakiin waxaa uu intaasi dhinac dhigay fariin uu u
gudbinayey dhamaan Beelaha Sade inta Dibada joogta iyo inta gudaha
joogtaba,taasi oo ah in manta fursada la heystaa ay tahay taageerida iyo la
shaqeynta Ururka SDSI.
Ahmed Dhagaxtuur oo ah Guddoomiyaha dhalinyarada Beelaha Sade ee nool Wadanka
Holland oo halkasi ka muujinayey doorka dhalinyarada ayaa sheegay inay ka
dhalinyaro ahaan soo dhaweynayaan wafdiga maanta yimid Holland,waxaana uu
hadalkiisa ku xusay arin muhiim aheyd oo ay wada garowsadeen dhamaan ka
qeybgalayaashii,taasi oo ah in dhalinyarada qaadi doonaan wadada ay u jeexaan
aabayaashooda,haddii ay xumaan noqdaan wadada ay u falaan,waxa uu sheegay in
dhalinta wixii laga sugaa ay xumaan noqon doonto,haddiise ay wanaag iyo wado
toosan u tilmamaan inay dhalinta uu afkooda ku hadlayo ay noqon doonto wixii
laga filaa wanaag iyo Horumar ay dadkooda gaarsiiyaan.
Intaasi kadib waxaa Hadalka uu usoo wareegay Madaxdii Wafdiga SDSI ee maanta soo
gaaray Wadanka Holland,waxaana ugu horeyn hadalka qaatay Guddoomiyaha Ururkaasi
Mudane,Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud,isagoo oo dadkii soo dhaweeyey iyo
intii soo qabanqaabisay shirkan uga mahadceliyey,waxaana uu inbadan ka
sheekeeyey tariikhdii ururka SDSI iyo socdaalkiisa qaarada yurub,waxa uu hadalka
ku hayo.
Guddoomiye Abdinuur Sheekh Abdisalan Aw-Maxamuud ayaa sheegay in socdaalkiisa uu
uga gonlahaa sidii jaaliyada Beelaha Sade ee Qaarada Yurub ay ula qaadan
lahaayeen kulamo,kuwaasi oo la isku dhaafsanayo wixii talo iyo tusaane ah oo ku
wajahan Deegaanada Gedo,Galgaduud iyo Jubbooyinka,Laakiin socdalka Holland ay ku
yimaadeen uu ka duwan yahay socdaalkii ay kusoo mareen UK,sababtoo ah buu yiri
wax Holland ay si wada jirka ugu qabanayaan shir wada tashi iyo Sanadguuradii
Ururka SDSI markii dhidibada loo taagay,isagoona sheegay inay intabadan kulamada
ay jaaliyadaha ay ku soo dhamaadeen guulo la taaban karo oo usoo hooyatay ururka
SDSI.
Dhinaca kale markii ka hadlayey himilada Ururka SDSI ayuu sheegay inay tahay
sidii ay u kobcin lahaayeen dhaqaalaha deegaanada beeshu ay degto,sidii ay u
xoojin lahaayeen dhamaan dadaalada dib u hishiisiineyd ee ka jira degaanka
beesha iyo mida ugu muhiimsan oo ah sidii Miisaan mugweyn loogu sameyn lahaa
Siyaasada Beesha ay leedahay ee ku wajahan guud ahaan Dalka Somalia,taasi oo
furo u noqon doonta kaalinta ay kaga jiraan bulshada Somaliyeed.
Mar uu ka hadlayey Khilaaf la
sheegay inuu ka dhex jiro Ururka uu Hogaamiyaha u yahay isaga iyo sidoo kale in
socdaalkiisa Qaarada Yurub uu ku wajahan yahan carqaladeynta Shir la sheegay in
beesha sade ku leedahay UK ayuu waxa uu Hangool dheer isaga fogeeyey dhamaan
waxaasi oo dhan,isagoona ku tilmaanay inay arimahaasi iska yihiin dacaayado
raqiis ah oo ay wadaan,dad uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan aqoon dantooda iyo
danta Beesha guud ahaan ay leedahay,Ururka SDSI ayuu ku tilmamay inuu yahay mid
leh sharci,kaasi oo qofkii ku xadgudba dhigaya qaabka ugu sahlan ee uu ururka
uga baxayo,waxana uu sheegay in qofkii uu sharcigaasi qabto uusan la macno aheyn
in ururka uu khilaaf ka jiro.
Col,Cabdi Cisman oo ka mid ahaa Madaxdii Dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray
Allaha u Naxariistee Gen,Maxamed Siyaad Barre isla markaana hada ka mid ah
Jaaliyada Beesha sade ee ku nool Dalka UK,iminkase la socday Wafdigan soo gaaray
Wadanka Holland ayaa waxa uu sheegay inay ka jaaliyad ahaan maanta ka tooseen
hurdo ay mudo dheer ku jireen,waxaana uu tusaale usoo qaatay in mudadii ka
danbeysay Xukunkii 21 Oktober ay dalka ka dhaceen isbadalo waji xun
yeeshay,kuwasi oo dadkii isku dayey inay ku baratamaan ay kusoo wada
fashilmeen,Laakiin buu tiri Beesha Sade maanta Somalida ay ka dhowreyso inay
isbadal kaasi dhaama keenta,waxaana uusheegay in wadada arintaasi loo mari karo
aytahay,iyaddoo la taageero isla markaana lala shaqeeyo Ururka SDSI.
Fadumo Jaraafo oo Wafdiga kasoo raacday Magaallada London isla markaana jeedisay
hadalo runtii goobnaa,laakiin marka aad fiiriso nuxurkiisu uu ahaa mid miisaan
leh ayaa ku dheeraaty la hadalka Haweenka iyo kaalinta ay maanta ku leeyihiin
nolosha bulshada,waxayna ay sheegtay in haddii ay yihiin Ururka Haweenka Beelaha
Sade ay taageersanyihiin SDSI,dhinaca kalana ay dhawaan furayaan sanduuq
dhaqaale loogu ururinayo sidii wax loogu qaban lagaa deegaanada jaaliyadahan ay
kasoo jeedaan.
Falastiin Ahmed Dhoore oo ka mid ah dadka urur firfircoon Jaaliyada Beesha Sade
ee Wadanka Holland horeyna ula soo shaqeysay Maamulkii Dowladii Maxamed Siyaad
Barre ayaa kulankii maanta ku tilmaantay mid niyada dadka Beesha Sade
qaboojinaya,marka loo eego sida dadka niyadasan ay isugu yimaadeen,Laakiin waxay
sheegay in farxada maanta la joogo laga soo maray dadaal iyo juhdi badan oo ay
galeen xubno beesha Sade ka tirsan oo ay iyada ku jirto.
Ciyaaryahanka Caanka ah ee Magan Dahir oo isaga ka mid ahaa dadkii kasoo qeyb
galay shirkan ayaa isagana dhankiisa sheegay inay isbadal loo helaa deeganada
Jaaliyada Maanta isku timid ay la mid tahay horumar deg deg ah oo la
bidhaansaday,waxaana uu isaga shaqsiyan sheegay inay maanta u muuqato Tooshkii
iftiinka oo u shiday dadka Reer Gedo,Galgaduud iyo Jubboyinka,si gaar ahna waxa
uu u sheegay in Madaxa Ururka SDSI iyo dhamaan xubnaha ururkaasi ay la yimaadeen
inta yar oo ay dhisnaayeen.
Ugu Danbeyntii hadalkasi,waxaa suáalo lagu weydiiyey Guddoomiyaha ururka
SDSI,kuwaasi oo aan sidaasi u badneyn,waxana intii isugu timid shirka maanta
hoosta ka wada xariiqeen in midnimo iyo wadajir shirkan lagu gudoonsaday,waxaana
lagu soo xiray Buraanbur aad u qiimo badnaa oo ay halkasi ka tirisay Gabadha
lagu magacaabo Farxaan oo ka mid ah Jaaliyada reer Sade ee Holland.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo abid Beelaha Sade ku dhexmara Wadanka
Holland,marka aad fiiriso tirada dadka kasoo qeyb galay iyo Madaxda kasoo
qeybgashay miisaanka ay leeyihiin,waxaana uu ahaa qofkii yimidba ku dhaliyey
yididiilo hor leh oo u galeysay in shirarka noocan ah iyo wadatashida la badiyo.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Cali Dahir Ciid.
Denhaag,Netherlands.
La xiriir: garyare139@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com / June 1, 2010
|