1da Luulyo iyo Soomaalida...
- Xuska Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusey magaalada Kampala ee Dalka
Uganda
- Dr. CALI CUSMAAN:"Waa Xus Maalmo Qadarin Mudan"..
- KOWDA LUULIYO IYO KARACHI
- laba Munaasabadood oo kala ahaa mid Qalinjabin ah iyo munaasabadaha
26-ka june iyo 1-da july ayaa ka dhacday magaalada Hyderabad ee wadanka
India
- Sh. Nuur Baaruud oo ardayda soomaaliyeed ee sudan la xusay 50 guradii
xornimada soomaaliya
- Wariyeyaal soo qaban qaabiyey Sannad Guurada 50 – aad ee Xoriyada Somalia oo
si weyn looga xusay magaalada Borlange
Xuska Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusey magaalada Kampala ee Dalka
Uganda
waxaa habeennimadii xaley ahayd lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay
Hoolka weyn ee Xarunta iskuulka Aga Khan ee magaalada Kampala taasi oo lagu
maamuusayey 50 guuraydii ka soo wareegata xoriyada Gobolada Koonfureed iyo
israacii Gobolada Waqooyi iyadoona ay ka soo qeybgaleen madax faro badan oo ka
kala socday sida Hay,ada Inter Aid oo iyada hoos timaada hay,ada UNHCR
Safaaradda Soomaalida Madam Aydiid Khadiijo Siciid Gurxan iyo weliba Dr Xaawo
Cabdi oo iyada si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya Wasiirudowlihii hore ee
Wasaaradda Gaashaandhiga Dawladii Federaalka ee Soomaaliya iyo weliba boqolaal
dad weyn soomaaliyeed oo isugu jira haween iyo dhalinyaro,
Ugu horeyntii xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo maamuusey islamarkaasna
dadweynaha soomaaliyeed ay ku ciidayeen farxada iyo reen reenta munaasabada 1
Luulyo ayaa waxaa halkaasi ka hadashey Madam Aydiid Khadiijo Siciid Gurxan oo
iyada ah Gudoomiyaha Somali Intiative Peace and Development ee Dalka Uganda
islamarkaasna wax weyn u qabatay soomaalida ku soo qaxday Dalka Uganda gaar
ahaan caasumada Kampala iyadoona ugu horeyntii umadda soomaaliyeed ugu
hambalyeysay munaasabada 1 Luulyo oo ah 50guuradii ka soo wareegatay Xoriyadii
Gobolada Koonfured iyo israacii Gobolada Waqooyi iyadoona halkaasi ka soo
jeedisay khudbad qiimo weyn ku dheehan oo ku wajahan muhiimada ay umadda
soomaaliyeed ay u leedahay munaasabadda amaba xuskani 1 Luulyo iyadoona sheegtay
in ay xornimadii qeyb weyn ka qaateen dhalinyaradii soomaaliyeed ee ururkii SYL
kuwaasi oo ay si weyn u xustay iyadoona tibaaxday in ay xurnimadu dhibaato weyn
u soo mareen dhalinyaradaasi soomaaliyeed ugu danbeyntii Madam Aydid Khadijo
Siciid Gurxan ayaa waxa ay shacabka soomaaliyeed ugu baaqday meeli weliba oo ay
aduunka ka joogaan in ay ka qeyb qaataan xasiloonida dalka soomaaliya iyadoona
xustay in ay si weyn uga xuntahay dhibaatada 21 jirsatay ee maanta dalka ka
jirta,
Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadley Wasiirudowlihii hore ee Wasaaradda
Gaashaandhiga Dawladii Federaalka ee Soomaaliya sheekh Yuusuf Indhacade isagoona
ugu horeyntiiba umadda soomaaliyeed salaan ku aadan munaasabada halkaasi uga
diray umadda soomaaliyeed meel weliba oo ay aduunka ka joogaan isagoona ilaahay
uga baryey in ay sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan barwaaqo iyo baraare,
waxaa iyana halkaasi ka hadashey Dr Xaawo Cabdi oo iyada si weyn looga yaqaano
dalka soomaaliya iyadoona iyana halkaasi hambalyo ku aadan munaasabada
1 Luulyo halkaasi uga dirtay shicibweynaha soomaaliyeed iyadoona ilaahay u
bariday dadka soomaaliyeed oo ay ku habstay colaada iyo gaajada iyo weliba
barakaca iyadoona ilaahay uga bariday in dhibaatada ka saaro soomaaliya,
ugu danbeyntii Waxaa kaloo iyana halkaasi lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaayado
ka turjumaya munaasabada 1 Luulyo iyo ahmiyadda ay u leedahay shacab weynaha
soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan iyadoona halkasi sido kale lagu soo
bandhigay calankii buluuga ahaa ee soomaaliyeed kaasi oo qofkii arka dareen weyn
ku abuuraya ama ka ilmaysiinaya iyadoona ay xaflada ku dhamaatay si wanaagsan
Ma ahan oo keliya meelaha laga xusey munaasabada i luulyo waxaa kaloo laga xusey
magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sidoo kale waxaa laga xusey guud ahaan
caalamka intiisa badan.
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda
Dr. CALI CUSMAAN:"Waa Xus Maalmo Qadarin Mudan"..
ATLANTA: Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ayaa waxa uu abaabulay xaflad aad u
qiimo badan oo kulmisa maalmo Ummadda Soomaaliyeed iyo addunkaba qiimo ku
leh,taarikhaaso oo kala ah Juun 23 maalinta Olympigadda Addunka, 26 Juun
maalintii ugu horeysay ee la saaro Calan Soomaaliyeed, 27 Juun oo ah maalinti ay
xornimadda qaadatay walaalaheen Jabuuti, 1da Luulyo isu tagii labadii Gobol ee
Koonfur iyo Waqooyi iyo 4 July oo ah Maalintii ay xornimadda qaateen Dawladda
aanu saaxiibka nahay ee Mareykanka, waxaana ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha
Isboorti iyo dhaqanka ahaana Xoghayahii hore ee Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed
Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo aad ugu mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha
sidii xurmadda laheyd oo ay uga aqbaleen Casuumadda, isagoo sheegay in laga
bilaabo 20 Juun illa 4 Luulyo ay socon doonto xafladaha lagu weyneynaayo
maalmahaas qadarinta Mudan.
Waxa ugu horeyntii halkaa ka hadashay (Khadka Teleefoonka) Kusimaha Wasiirka
Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Marwo Khadiijo M. Diiriye iyadoo ku
hadleyso Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Sheekh Shariif
Axmed,Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Shariif Xasan iyo Ra'iisul wasaaraha Mudane
Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayey waxay si qoto dheer uga hadashay
halgankii loo soo galay xornimadda aanu maanta ku naalooneyno, waxayna ku
tilmaantay halgankaasi mid mar kastaba ay taarikhdu xusi doono, waxay kaloo
Hambalyo kal iyo laab ah u jeedisay Madaxweynaha Dalka aanu walaalaha nahay ee
Jabuuti Mudane Cumar Geele oo wax badan u soo qabtay Ummadda Soomaaliyeed taa uu
qof kastoo Soomaali ah uu xususnaan doono. Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Isboortiga Marwo Khadiijo M. Diiriye ayaa sidoo ku
dheeraatay taarikhda lama iloobaanka ah ee 1da Luulyo taa oo aheyd isutagii
labadii gobol ee ka xoroobay mustacmarkii, ugu dambeynti waxay u dirtay Dalka
Mareykanka Hambalyo ku aadan 4 July oo ah Maalintii ay xornimadda qaateen,
waxayna iyadoo magaca Madaxda Soomaaliyeed ku hadleyso ay uga mahadnaqday
doorkii ay ka qaateen badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed. Waxay kaloo xustay 23 Juun oo loo dabaaldegaayo 114 guuraddi ka soo wareegatay
maalintii udubadda loo taagay Guddiga Olambikada Caalamka oo ay Soomaalia ka
tahay xubin buuxda, waxay akhiritaankii u mahadcelisay Guddoomiyaha Isboortiga
ahaana Xoghayahii hore ee GOS Dr. Cali Csumaan Cali dadaalka mar kastaba uu
muujiyo isagoo mar kastaba jecel in Ummadda Soomaaliyeed ay nabad ku naaloodaan,
waxayna halkii ku kasbatay sacab aan kala joogsi laheyn. Waxaana kaloo Xafladaasi khadka teleefoonka kaga ka qeyb galay Xidhibaan Macalin
Maxamuud Maxamed Aadan [Macalin Jiis], Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad [Xasharo]
iyo Danjire Cabdiraxmaan Dinaari, waxayna madaxdani kuu dheeraadeen ahmiyadda ay
maalmahaani ay Ummadda Soomaaliyeed u leedahay, waxayna xuseen in Xornimadda
maanta aanu haysano aysan ku imaanin si dhib yar, laakiin loo daadiyey dhiig
badan iyado ay dad badan oo Soomaali ah ay u waayeen Xubnahooda, waxayna
shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in bal markaan loo jeesto nabadda lana iloobo
dhibaatooyinkii hore u dhacay, waxay kaloo carabka ku adkeeyeen in dagaal iyo is
dil midna guul lagu gaareynin iyagoo sheegay in ay xaq tahay in jiilka soo
koraayo loo reebo dhaxal wanagsan oo salka ku haya nabad iyo wada noolaasho,
waxayna ugu dambeyntii aad iyo aad ugu mahadceliyeen madaxda Dawladda Midnimo
Qaran oo wax kastaba u hurtay sidii Soomaaliya looga dhalin lahaa Nabad waarta,
waxay ugu dambeyntii Illaah u baryeen in sanadkaan sanadkiisa aanu ku gaarno
nabad iyo bash bash. Waxaana ugu dambeyntii ka soo qeybgalayaashii mar kale u mahad celiyey
Gudoomiyaha Isboortiga ahaa Xoghayahii GOS ee hore, waxaa kaloo Xoghayaha uu
hambalyo u diray Isagoo ku hadlaya inta samaha jaecel ummadda Soomaaliyeed ayuu
waxaa isagoo qiireysan ayna ka muuqato shucuur wadannimo Hambalyo iyo Bogaadin u
diray Fanaanka Soomaaliyeed Keynaan Cabdi Warsame taa uu ku kasbaday sida uu u
muujiyay in ay weli Soomaaliya jirto. Waxaana uu kor u qaaday niyadda shacabka
Soomaaliyeed waxaana aan leeyahay Guuleyso Keynaan , SOMALIA HA NOLAATO
..SOMALIA HA IS RAACDO, Sidoo dhamaan qoyska Olambikada (Olympic Family) oo ay
ka mid yihiin Halyeeyada kala ah ah Edwin Moses,Tommy Smith, Ron Davis, Mike
Spino, Lee evans iyo Mel Pender oo dhamaantood ka mid ah Ciyaaryahanno Biladda
Olambikada ku Guuleystay oo saaxiib dhaw la ah Dr. Cali Cusmaan Cali, wuxuuna
Dr. Cali ku soo gabagabeeyey mahadcelin aan la koobi karin uu u jeediyey Danjire
Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (DINAARI) doorkii shariifka ahaa uu ka qaatay isku
xirka Dawladda Midnimo Qaran iyo jaaliyadaha ku nool Addunyadda afarteeda dacal,
taa oo sahleysa iska warqabka Dawladda Soomaaliyeed iyo Soomaalidda qurbaha ku
nool, waxaana xafladii ay ku soo gababawday si heer sare ah.
Said Ibrahim
Email: saciid_buuna@hotmail.com
KOWDA LUULIYO IYO KARACHI
Waxaa hamaynkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka
Pakistan Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad
guurada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay Somaliya gaar ahaan gobalada
koofureed ka xoroobeen gumaysihii talyaaniga. Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne
isugu jira aqoonyahano, arday, dhalinyaro, hooyooyin iyo caruur, waxaana intii
ay socotay madasha xaflada lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid
ahaayeen qudbado, majaajilo, heeso, gabayo iyo sidoo kale duco si wada jir ah
loogu duceeyay Soomaliya. Waxaa soo abuubulay kaalin wayna ka qaatay qabsoomida xafladaan ururo
soomaaliyeed oo issu tagay kuwaas oo ka hawl gala Pakistan iyo meelo badan oo
caalamka ah. Ururadaan oo ah kuwo ka shaqeeya arimo kaladuwan sida caafimaadka,
nabadaynta, midaynta iyo hormarinta ayaa waxaa ka mid ah:
- Xisbiga Waddaniyiiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato).
- Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
- Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Karachi(Karachi University)
- Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hyderabad
- Dr. Osman foundation.
Ururadaan oo sal u ahaa qabsoomida xafladaan loogu dabaal dagayo kowda luuliyo
ayaa intii lagu guda jiray waqtiga dabaal daga waxaa halkaas hadalo wax ku ool
ah ka jeediyay madaxda ururada oo kala ahAbdirahman Xasan Shabuuti oo ah
wakiilka xisbiga wadaniyiinta soomaaliyeed (Hanoolaato), Kamaal Xaaji Guuleed
gudoomiyaha ururka wadaniga Soomaaliyeed, Shaafici Abdullahi Mo’alimgudoomiyaha
ardayda jaamacadda Karachi Univesity, Ahmed Mohamed Hussien xoghayaha Jaaliyada
Soomaalida Magaalada Hyderpad Dr. Mohamed Osman madaxa Dr. Osman Foundation iyo
Farah Mohamed Sharawe gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Pakistan.
Dhammaan madaxdaas ururada oo halkaas hadalo qiimo leh ka jeediyay ayaa
waxyaabihii ay ka hadleen ama diirada saareen waxaa ka mid ahaa ahmiyada ay
kowda luuliyo u leedahay bulshada Soomaaliyeed, taariikhda soomaliya, taariikhda
calanka buluga ah iyo taariikhda halgamayaashii soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen
Ahmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwa kale oo badan, sidoo kale waxay
bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba u direen salaam iyo farxad ku
aadan kowda luuliyo iyagoo ilaahay uga baryayay in ilaahay quluubtooda isu dumo
ayna noqdaan kuwa fahma dantooda guud iyo tan gaar ahaaneedba. Waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigay ama looga hadlay ma,ahan kuwa aan halkaan
kusoo koobi karo, balse waxaa lama ilaawaan ah in halkaas aan lagu soo bandhigin
oo kaliya qudbado, balse sidoo kale fanaaniin da yar ay ka qaadeen heeso wadani
ah iyo sidoo kale gabayo kala duwan oo uu ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee
lagu xasuusto maalintii la taagay calanka jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo ah “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” (Suldan Tima
Cadde). Xusitaanka kowda luuliyo maahan mid kucusub bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan
Pakistan, balse waxaa la is dhihi karaa xafladii xalay waxay ahayd mid ka xiiso
iyo qiiro badan kuwii hore iyadoo kasoo qayb galayaasha wajiyadooda ay ka
muuqatay farxad iyo damaashaad. Mar aan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah kasoo
qayb galayaasha sida ay u arkaan kowda luuliyo iyo sanad guurada 50 aad ayaa
waxay ii sheegeen “in ay ku faraxsanyihiin u dabaal daga kowda luuliyo iyagoo
sidoo kalana murugo ka muujiyay xaalada soomaaliya ay ku sugantahay waqti
xaadirkaan”. Dabaal daga kowda luuliyo maahan mid ka dhacaya Pakistan oo kaliya sidoo kale
kumanaan Soomaali ah ayaa aduunka daafihiisa uga dabaal dagaya kowda luuliyo,
waxaase laga yaabaa dadka qaarkood inaysanba fahansanayn muhiimada ay leedahay
kowda luuliyo.
- 1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada soomaaliya,
- waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii
talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ka
curatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
- Waa maalintii la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid somaali
leedahay.
- Waa maalin kumanaan soomaali ah ay la ilmeeyeen farax iyo damaashaad
gumaystihiina uu la ilmeeyay murugu iyo naxdin.
- Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay
in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.
Waxaa jira dad ka niyad jabsan dabaal daga kowda luuliyo oo ku andacoonaya
maanta inay mudantahay in la baroor diiqdo maadaama ay Soomaaliya meel adag
xaaladeedu marayso, taas waxay ila tahay qaran iyo qaran la,aanba inay mar walba
mudantahay in la xuso, loona dabaal dago kowda luuliyo maamadaama ay tahay
maalin taariikhi ah oo aan mar naba la hilmaami karin. Waxaan ognahay in
Soomaaliya muddo 20 sano ka badan nidaam la,aan iyo fawdo ka jirto, balse waxaan
filayaa siday u indho la’dahay uma Alla-la’a, lagamana quusan in maalin maalmaha
ka mid ah la arko soomaaliya oo mid ah. Waxaan rajaynayaa in ay soo bixi doonaan
wadaniyiin soomaaliyeed oo dalka ka saara dhibaatada daashatay. Somaliya ha noolaato Hana is raacdo Hanbalyo kowda luuliyo Qorre: Durran Hassan Aden
Karachi, Pakistan
La xiriir: abdimanaam@gmail.com
laba Munaasabadood oo kala ahaa mid Qalinjabin ah iyo munaasabadaha 26-ka
june iyo 1-da july ayaa ka dhacday magaalada Hyderabad ee wadanka India
xaflad si heer ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Hyderabad.
xafladaasi oo lagu maamuusayay munaasabadaha 26-ka june iyo 1-da july ayaa ka
dhacday Jaamcadda JNTU ee magaaladatan Hyderabad ee Dalkan India.
Xafladan ayaa waxa soo qabanqaabiyay isla markaana Qabsoomidiisa iska lahaa
ururka ay Ardayda Somaliyed kumidaysanyihiin ee Somali Students Association
(S.S.A) loo yaqaano ee ka dhisan Dalkan India.
Ugu horayn waxaa Hadal furitaan iyo mahad celinba halkaasi ka jeediyay
Gudoomiyaha ururka Somali Students Association Mr. Faysal Mohamed Mataan,
Gudoomiyaha ayaa Kasoo qaybgalayaashii xafladda uga mahad celiyay taageeradooda
ku aadan qabsoomida xafladan iyo dadkii waqtigooda u huray intaba.
waxaa sidoo kale xafladaasi la mataano ahayd oo barbar socotay xaflad kale oo
Qalin jabin ah oo loo qabtay Ardayda Somaliyeed ee ayagu ka qalin jabiyay
heerarka kala duwan ee waxbarasho oo isugu jira kuwa qalin jabiyay Intermediate,
Bachelor Degree, Master Degree iyo PHD intaba.
Marti sharaftii dardaaranka iyo bogaadinta ka jeediyay halkaasi ayaa waxaa ka
mid ahaa Abdirahman Mohamed Omar oo loo yaqan (G8) oo asagu wax ka taabtay
xaaladda nololeed ee soo wajahda Ardayda marka ay wadankan yimaadaan iyo
waxyaabaha lagudboon Marka uu Ardayga Somaliyed u jihaysto dhanka waxbarashada.
Ardaydii xafladaasi ka hadashay isla markaana kakala timid Gobolada wadankan
India ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Ciise Diiriye oo asagu ku dheeraaday
Hambalyaynta iyo is xasuusinta dhibaatadii loo soo maray Xornimadii wadanka,
sidoo kale wuxuu halkaasi kula dardaarmay uuna dhiira galin u jeediyay Ardaydii
xafladda Qalinjabinta loo qabtay.
Sidoo kale mid ka mid ah Ardaydi Qalin jabiyayaasha ahna madaxa Secretery-ga ee
Somali Students Association (S.S.A) Ciise Osman Yusuf ayaa halkaassi qudbad
dheer oo ku aadan halganka waxbarasho iyo heerarka kala duwan ee waxbarasho ka
jeediyay.
"waxbarashadu waa midda aan uga nimid wadankii Hooyo, waana mid mudan in aan
kaga faa'idaysano waqtiga" ayaa hadaladiisa ka mid ahaa Mr. Ciise Osman Yusuf.
Qudbad xamaasad galisay dareenka soona jiidatay dhagaha ka soo qaybgalayaashii
xafladda ayaa waxaa halkaasi ka jeedisay Ubax Nur Sheikh oo ka mid ahayd
ardaydii dhameesatay qaybta Masters Degree-ga ee (M.B.A).
"Waxbarashadu waa Iftiinka iyo mustaqbalka Dalka iyo Dadkaba, sidaas daraateed
qofki waxbarta wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro ubad wanaagsan saamayn
fiicana ku yeesha Dalka iyo Dadkaba" waa sida ay hadalka u dhigtay Ubax Nuur
Sheikh.
Sidoo kale ubax Nur Sheikh waxay Hambalyo ku aadan Munaasabadaha 26-ka june iyo
1-da july u dirtay dhamaan bulsha waynta Somaliyed ee kukala nool aduunka.
Sidaasi si lamid ah ayaa waxaa halkaasi khudbado dheer kakala jeediyay Madaxda
jaamacada Magaalada Hyderabad oo ayagu balan qaaday inay soo dhaweenayaan
Dhamaan Ardayda SOmaliyeed uguna Hambalyeeyeen Bulshada Somaliyed Munaasabadaha
26-ka june iyo 1-da July.
Barnaamijyadii Halkaasi lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahayd
Riwaayad aad loola dhacay waxna ka badashay dareenka kasoo qaybgalayaashii
xafladda ayadoo Riwaayadda taabanaysay xaaladaha kala duwan ee ka jira wadanka
iyo sida qof kaste oo muwaadin SOmaliyed ah lagudboon inuu Dalkiisa iyo
Dadkiisaba daacad u noqdo.
Sidoo kale Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Projector muujinaya qayraadkii
Dabiiciga ahaa ee uu wadanku lahaa iyo sida ay ahaan jireen Goobihii waxbarasho
ee wadanka.
Xafladaasi oo kusoo gabagabowday Jawi farxadeed ayadoo qofkaste wajigiisa laga
dheehan karay sida uu ula dhacay wixii lagu soo bandhigay xafladda, sidoo kale
ayaa siyaabo kala duwan loogu kala hambalyaynayay Qalin jabiyayaashii xafladda.
- By: Wariye Najiib Abdirizak Warsame ( Najiib yare)
- Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
- Tell: 0091-9618398299
- Email: Najiibyare4@hotmail.com
Sh. Nuur Baaruud oo ardayda soomaaliyeed ee sudan la xusay 50 guradii
xornimada soomaaliya Kulanka dhalinyarada soomaaliyeed aya xaflad si weyn loo soo agaasimay xarunta
dalka sudan ee khartuum habeenimadii khamiista, xafladan oo lagu xusayay
xornimada 50 jirsatay ee dalka soomaaliya . Waxaana ka soo qeyb galay xaflada afahayeenka culumaa,udiinka soomaaliyeed
shiikh nuur baaruud gurxan iyadoo uu kasoo jeediyay kalmad aad u qiima badnayd
oo uga hadlayay halgankii xornimo-doonka wuxuuna falanqeyay taariikhdoodii,
dowrkii SYL ay ku lahayeen helida xornimada iyo xiirarka ay lahaayeen diinta iyo
xornimo u dirirka . Xaalada u dalka ku sugan yahay kama tagin sheekhu wuxuuna si qoto dheer uga
hadlay carqaladaha hor istaagay dadaaladi ay wadeen culumaa udiinka soomaaliyeed
iyo dhacdooyinki ay la kulmeen intii ay ku guda jireen howshaas iyadoo uu
tilmaamay iney dowlada islaamiga ah ee soomaaliya tahay dhinaca kaliya ee nabada
diyaarka u ah wuxuuna ku booriyay dhamaan soomaalida iney garab galaan oo ay la
shaqeyaan . Waxa kale oo isna ka hadlay Ustaad Cabduqaadir Xirsi oo si kooban u dul maray
muhiimada munaasabadan , iyadoo uu xigay Ustaad Xuseen Bashiir oo soo qaatay
xaalada u dalka ku sugan yahay isagoo dhalin yarada waxbaratay ku dhiiri geliyay
inay badbaadiyaan dalkooda .Madaxa kulanka dhalinyarada soomaaliyeed Cabdifitaax
Qaasim aya isna tibaaxay in ay dhlinyaradu u dagan yihiin masaalix shisheeye oo
fulinayaan dad dano gaar ah leh . Waxaana ugu danbeyntii lasoo bandhigay filim gaaban oo aad qiiro badnaa
xasuusiyayna ardayda dalka iyo bilicda uu laha berri iyo qeyraadkiisa iyo
madaxdii soo martayba.
MAXAMED CABDIWELI YUUSUF(taango)
otaange@hotmail.com
Wariyeyaal soo qaban qaabiyey Sannad Guurada 50 – aad ee Xoriyada Somalia oo
si weyn looga xusay magaalada Borlange
Wariyeyaasha kala ah Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidi”, C/risaaq Cumar Ismaaciil
”Sheekh Aduun”, Xasan Maxamed Axmed ”Liisho” oo haatan ku nool magaalada
Borlange Gobolka Dalarna ee Dalka Sweden ayaa si iskood ah isu abaabulay inaay
isu keenaan dhalinyaro iyo waxgarad kakala socday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku
nool magaalada Borlange si ay u weyneyaan sannad guurada 50 – aad ee kasoo
wareegatay maalintii Calanka Buluuga ah laga taago Somalia.
Dadweyne tirada kor u dhaafayey boqolaal ayaa kasoo qeyb galay kulan balaaran oo
loogu talo galay weyneynta maalinta xoriyada Somalia iyadoo halkaasi ay ka
hadleen laba masuul oo u sharaxan doorashada Sweden kuwaasoo Somalia u dhashay
isla markaana ah laba nin oo aan cidi la tartamaysa aanan jirin doonayana inaay
magaca Soomaalinimo loogu codeeyo.
Ragaasi ayaa siweyn ugu hadlay taariikhda Calanka Jamhuuriyada Somalia iyo
qiimaha uu uleeyahay ummada Soomaaliyed iyo ragii usoo geeriyooday xornimo
udirirkii 1960 – kii markii Somalia ay ka xorowday gumeysigii kusoo duulay.
Abaarihii 12:00 Am ama saqda dhexe ayaa Calanka Somalia ee Buluuga ah kor loo
taagay isla markaana loo sara kacay, lana qaaday Astaanka Calanka Somalia:
Soomaaliyoo toosoo, Toosoo isku tiirsada ee , Hadba kiina taagdaranee Taageera
waligiinee, waxaana la shiday muusikada Astaata Soomaaliyoo toosoo, ka dib
halkaasi waxaa ka bilaabatay damaashaad iyadoo lagusoo bandhigay ciyaaraha
hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeso kala duwan oo ay qaadayeen fanaaniin
da' yar oo soo koraya.
Mursal iyo Fanax oo ah laba musharax oo u kala tartamaya jagooyinka heer degmo
iyo heer gobol ayaanan jirin Soomaali kale oo tartanka kula jirta waxayna codad
ka sugayaan Soomaalida ku nool Gobolka Dalarna taasoo la hubo inaay 100%
helayaan codadka ay ku tashanayaan.
Wariyeyaasha Maxamed Siidi, Sheekh Aduun iyo Xasan Liisho oo iyagana halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin raggii ka soo horeeyey inaaysan
diyaarin xaflada qiimaha uleh Soomaaliya iyagoo ka dhiidhiyey iskuna xil saaray
inaay usara kacaan maalinta xoriyada Somalia sidii Jaaliyada Somalia ee ku nool
magaalada Borlange ay xusi lahaayeen maalintaasi qiimaha badan xambaarsan.
Sidoo kale wariyeyaashani ayaa ka hadlay xoriyada iyo sidii ay ku timi iyo
waliba calanka buluuga ah ee dhexda shan geesoodka xidigta cad ku leh qiimaha uu
uleeyahay bulshada Soomaaliyeed.
Dhalinyaro badan oo ku dhalatay dalka Sweden iyo qaar iyagoo yar yar laga soo
waday dalka Somalia oo xaflada kasoo qeyb galay markaay dhagaysteen qudbadaha ka
hadlayay xornimada ayaa aad ugu farxay oo soo dhaweeyey waxa aysan hore u maqal.
Wariyeyaashani waxayna hambalyo u dirayaan dhamaan ummada Soomaaliyeed inaay
kula ciidaan maalinta xoriyada Somalia oo kasoo wareegatay 50 – sanno in Allah
wadankeena nooga qaado dhibaatada kuwa maalin kasto ku dhimanayo Allah ka
badbaadiyo kuwa dhibka bidayana Allah tusiyo Dhabaha toosan.
Gaba gabadii Sheekh Aduun, Maxamed Siidi iyo Xasan Liisho iyagoo aad ugu xun
waxay cambaareeynayaan iyagoo fursadaani ka faa’ideysanaya xadgudubkii loo
geeystay wariyeyaashi shalay madaafiicda lala dhacay iyagoo gudanaya
waajibaadkooda hawl maalmeedka ah, waxay kaloo tacsi u dirayaan shacabka
Soomaaliyeed ee maalin waliba lagu laynayo dalka Somalia.
Hassan liisho
Borlämge Sweden
liisho@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com / July 3, 2010
|