SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Xeerka lagu xisaabiyey bedka: 116,000 km2

FG: Cabbiradaas waxaan u adeegsanayey xeerka saddex-xagalka ee "Archimedes" iyo xeerka loolka iyo dhigaha ee 'Haversine'. islamarkaasna waxaan adeegsanay baraha ay Kenya calaamadsatay iyo baraha ay ahayd in khadka saxda ah maro.

Barta-a: 1°39'13"S, 41°34'02"E (Xeebta)
Barta-b: 4°54'13"S, 46°24'55"E (Cabbirka saxda ah barta uu maro)
Barta-c: 1°39'34.25"S, 47°20'38.46"E (Barta Kenya cabiratay)

Fogaanta saddex barahaasi isu jiraan ayadoo la adeegsanayo xeerka Haversine, waa:

A: 648.2 km
B: 648.2 km
C: 375.2 km

Markaas, Adeegso xeerka "Archimedes" ee lagu helo bedka saddex xagalka marka aad garanaysid dhinacyadiisa. Marka hore xisaabi wareegga saddex xagalka:

Wareeg (W) = (A+B+C)/2 = (648.2 + 648.2 + 375.2) / 2 = 835.8 km

Bedka = sqrt(W(W-A)(W-B)(W-C)) =
sqrt(835.8 * (835.8 - 648.2) * (835.8 - 648.2) * (835.8 - 375.2)) = 116 398.125 sq.km
(waa qiyaastii dhul-badeed baaxadiisu ka weyntahay 116,000 km2)


Bedkii hordhaca ahaa ee Kenya cabiratay

Cilmi baaristii hore ee SomaliTalk.com waxaa ku caddayd in Kenya xilligaas ay calaamadsatay dhul-badeed baaxadiisu dhan tahay 38,000 sq.km. Waxaa taas ka dambeeyey in DFKMG ay Kenya u saxiixday heshiis is-afgarad oo Kenya u xaqiijinaya in DFKMG ay aqbashay in Dhul-badeedka Soomaaliya uu muran ku jiro. Taasi waxay keentay in cabbirka ay Kenya siyaadsato sida kor ka muuqata. Qiyaastii hore aan samaynay sidan ayaan u xisaabinay, anagoo adeegsanay qormadii uu saxiixay madaxweynaha Kenya iyo xogtii hordhaca ahayd.

Barta-a: 1°39'13"S, 41°34'02"E (Waa xeebta)
Barta-b: 3°30'S, 44°19'E (waa barta ay ahayn in cabbirka saxda ah maro)
Barta-c: 1°39'36"S, 44°54'47.520"E (waa barta ay Kenya calaamadsatay.

Haddaba si loo helo fogaanta u dhaxaysa laba meelood oo ku yaal khariidadda adduunka oo qaabkeedu yahay sida kubbadda, waxaa la adeegsan karaa qaacidada loo yaqaan 'Haversine'. (Eeg halkan). Qaacidaas marka aan adeegsanay, waxaa soo baxay fogaanta:

A: 370.4 km
B: 370.4 km
C: 215.1 km

Sida khariidada ka muuqata, dhul-badeedka ay Kenya cabbiratay qaabkiisu waa saddex xagal. Haddaba si loo helo bedka saddex xagalka waxaa la adeegsan karaa xeerka "Archimedes" ee lagu helo bedka saddex xagalka marka aad garanaysid dhinacyadiisa.

Marka hore xisaabi wareegga saddex xagalka:

Wareeg (W) = (A+B+C)/2 = (370.4 + 370.4 + 215.1) / 2 = 477.95 km

Bedka = sqrt(W(W-A)(W-B)(W-C)) =
sqrt(477.95 * (477.95 - 370.4) * (477.95 - 370.4) * (477.95 - 215.1)) = 38 120.2411 sq.km

Ka Akhri Qoraalka halkan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS