SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dadweynaha Magaalada Baydhabo oo si weyn u soo dhaweeyey Ururka Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in isbedelkii weynaa ee ka dhacay magaalada ee ahaa la wareegidii Urur Diimeedka Al-Shabaab ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha Magaalada Baydhabo oo iyagu mudooyinkaan dambe ku jiray nabadgelyo daro, taas oo sababtay in dadka iyo gaadiidku ay isku socon waayaan.

Dadweynaha ayaa markii laga qaaday wareysiyo fara badan waxay sheegeen in isbedelkaani uu Baydhabo u horseedi karo nabadgelyo, waayo mar kasta waxaa wanaagsan in uu hal xoog uu u haro magaalada, balse marka uu labo xoog iska soo horjeedo waxay sheegeen in ay halkaa ku baabi’I karaan shacabka iyo hantidooda.

Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo meelo fagaare ah kula hadlay dadweyne aad u fara badan ayaa waxa uu sheegay in magaalada Baydhabo wixii haatan ka dambeeya lagu xukumi doono shareecadda Islaamka, taas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha Magaalada, waxa uu sheegay Abuu Mansuur in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul islaami ah loogu sameyn doono gobolka Bay oo haatan gacanta u galay Ururka Al-shabaab, sidoo kale waxa uu sheegay in gobolka Bakool isna loo sameyn doono maamul islaami ah.

Dadweynihii bililiqada ka gaystay xarumaha Dowladda ayaa haatan bilaabay in ay dib u soo celiyaan waxa ay qaateen kadib markii Abuu Masuur uu labo maalmood u qabtay dadkii qaatay qalabkii Dowladda, waxa uuna sheegay in hantidaasi loogu adeegi doono shacabka gobolada Bay iyo Bakool.

Ururka Al-Shabaab ayaa sii daayay 10 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo iyagu loogu yimid Baydhabo iyo maamulkii gobolka Bay, hase yeeshee dadweynaha Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keenay arrintaasi kuna tilmaamay in hadafkii ururka Al-Shabaab laga weeciyey tubtiisii, hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay leeyihiin in raggaasi ay ururka Al-Shabaab uga bedesheen in la sii daayo hub fara badan iyo rasaas ay ka tageen ciidamada Itoobiya kuwaas oo ay Itoobiya siisay dhallinyaro beeleed la doonayay in ay difaacaan Magaalada, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa si fudud kula wareegay magaalada Baydhabo.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS