Dhagar Itoobiya, Dhalanteedka Jabuuti iyo Dharbaaxada Al-Shabaab
Isbaddalada Siyaasadeed, Milatari iyo awoodeed ee Soomaaliya ayaa noqday
mid aan la saadaalin Karin, laguna wareeray. Sadexdii sanadood ee ugu
danbeeyay ayaa dadka badankii filayeen in xaaladda Soomaaliya ka soo
rayn doonto maadaama ay awoodii iyo taladdii dalku ku ku soo uruurtay
kooxo fara ku tiris ah sida TFG, Puntland, Somaliland iyo Maxkamadaha,
taas oo rajo laga qabay kadib in marka TFG iyo Maxkamaduhu heshiiyaan in
loo gudbi doono heshiis kale oo lagu soo dabaalo maamul-goboleedyada
dalka ka dhisan. Nasiib darro sadaashaas waa lagu hungoobay.
Muddo laga joogo dhowr bilood ayaan soo bandhigay maqaal aan ugu
yeeray Burburka TFG kadib maxaa dhici doona? anigoo maqaalkaas faalo
dheer kaga baxshay asbaabta keenay burburka TFG-da , iyo anigoo
gaba-gabada maqaalkaasi ku odorosay sadex arimood oo aysan ka fursanayn
in midkood dhacdo.
Kuwaas oo kala ahaa:
- In Nuur Cadde ama uu is casilo ama shaqada ay ka eryaan xubnaha
Baarlamaanka TFG-anigoo cadeeyay waxa uu ku galabsaday shaqo ka
joojintaasi
- In Cabdullahi Yusuf is casilo, anigoo maqaalkasi ku faahfaahiyay
ciribta talaabadaas laga dhaxli doono
- Iyo in labadda odayba waa Nuur Cadde iyo Cabdullahi Yusufe
meesha ka baxaan taas oo aan tilmaamay in ciribta laga dhaxlaa noqon
doonto Al-Shabaab oo awooda Koonfurta Soomaaliya la wareegi doonta ,
taas waxa ka dhalan karana maqaalkaas isaga ah ayaan iyadana ku
xusay.
Muddadii aan maqaalkaas qoray kadib waxaa dhacay isbadalo badan oo
saamayn ku yeeshay awooddaha siyaasadeed iyo milatari ee Soomaliya.
- Sida Is casilistii Cabdullahi Yusuf: Bilowgii burburka TFG
- Doorashada Puntland: bilowga maamulka Faroole iyo dhamaadka
maamulkii Cadde Muse
- Bixitaanka Ciidamadda Itoobiya: jabkii labaad ee Dagaal
oogayaasha
- Dharbaaxada Al-Shabaab: Fashilkii dhagarta Shirka Jabuuti,
jabkii Itoobiya iyo Burburkii TFG.
Dhamaan arimahaas kor ku xusan waxay saamayn ku yeesheen dhabarjabna ku
noqdeen Shirka ka socda Jabuuti kaas oo dad badan ay ka dahsoon tahay
xaqiiqadiisa dhabta ah.
Dhalanteedka Jabuuti:
Shirka Jabuuti waa shir ay bilowgiisiiba ku hareeraysnayd daruur
shaki iyo khilaaf xambaarsan. Shirkaasi oo ay isla soo agaasimeen,
Ergayga UN, Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo Jabuuti iyo
Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele. Sadexdaas xulafo midkasta dan gaar
ah buu ka lahaa welina ka leeyahay shirkaas isaga ah:
Ergayga Gaarka ah ee UN-ta: Mr. Ahmedou waxaa laga dhaadhacsay
meesha soomaaliya ka quruntay oo hadii xal loo helo colaada Soomaaliya
soo afjarmi karta waa Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu yidhi qabiilka
Muqaawamadu ka socdo , deegaan ahaana degan Muqdisho waa Hawiye sidaa
awgeed hadii aad noo saamaxdid oo nagu taageertid waxaanu samayn doonaa
xalin khilaafaadka dhexyaala beesha , sidoo kale waxaanu nabad ka dhalin
doonaa dalka oo dhan laakiin shuruuda oofinta balantaani waa sidan:
- -In meesha laga saaro nabad-diid Cabdulahi Yusuf
- In Itoobiya ka baxdo dalka si aan u helno taageerada beesha iyo
kalsoonida muqaawamada
Maraykanka: Waxaa laga dhaadhacshay in awooda habka lagula dagaalami
karo loogana adkaan karo Al-Shabaab ay tahay in laga soo jaro
Maxkamadaha , maadaama garabka uu hogaamiyo Shariifku aysan lahayn hadaf
aan dhaafsiisnayn bixitaanka Itoobiya sidaa awgeed, kadib markii
Itoobiya baxdo, dowlad ay ku midaysa yihiin Maxkamadaha iyo TFG la
sameeyo, waxaa la bilaabi doonaa dagaal waji cusub kaas oo la mid ah kan
lagula dagaalamay Al-Qaacidada Ciraaq, kaas oo ah waxa loogu Yeero
“Surge”. Sidaa awgeed waxaa maraykanka lagu yiri cida degan Muqdisho
maanta waa anaga sidaa awgeed waxaan kuu balan qaadaynaa hadii aad
hadafkaan iyo siyaasadaan cusub nagu taageerto inaan dagaal ku qaadno
Al-Shabaab , u diidno hoy ay ku dhuuntaan, soo qabano dadka ajaanibta ah
ee aad danaynaysaan. Sidaa awgeed, maraykanku wuxuu istusay dagaal aan
cidi uga dhimanayn, Cadowgiisiina lagu jabin karo, sidaa awgeed taageero
buuxda ayuu siiyay shirka Jabuuti.
Jabuuti: Ismaaciil Cumar Geele waa nin maskax ganacsi leh, meeshii
shilin ku jiro aan loo tilmaamin, maslaxado kale ee isxulafaysi iyo
ahdaaf intaa ka wayn leh, sidaa awgeed waxaa is tustay shir UN iyo
beesha caalamku lacag ku bixin doonaan, maadaama isaga marti loo yahayn
uu talo ku yeelan karo, dantiisa shakhsiyadeed iyo aragtidiisa
siyaasadeedna ku oofsan karo. Sidoo kale wuxuu istusay in maadaama
dakad wayn uu maanta haysto , ciidankii Maraykankuna Xarun ku leeyihiin
dalkiisa in Jabuuti noqon doonto xarun loo isticmaalo ladagaalanka
Burcad badeeda, Dib u dhiska Soomaaliya, taas oo suuqa ka saari karta
dulaalayda Nairobi fadhiya sida UN iyo NGO kaleba.
Hadaba akhristow waxaa iswaydiin mudan cida lagu heshiisiinayo shirka
jabuuti, waxaa kaloo iswaydiin mudan raga shirka jabuuti fadhiya awooda
ay ku gorgortamayaan waxa ay tahay iyo meesha ay taal, maadaama aysan
jirin goob ama buqcad ay ka taliyaan TFG iyo ARS labaduba. Dalkii la
oran jiray Soomaliya maanta waxuu u qaybsamay sadex aag oo an ka kala
taliyaan Somaliland (waqooyi Galbeed) , Puntland (waqooyi Bari),
Al-Shabaab oo ka talisa Koonfurta Soomaaliya.
Kolkaa waxaa iswaydiin mudan cida Jabuuti ku shiraysa dadka iyo
deegaamada ay matalanaa, kol hadii Somalialand qaadacday shirka,
Puntland cadaysan inaysan goobjoog ahayn sidaa awgeedna ay ka soo
horjeedaan waxkasta oo ka soo baxa, Al-Shabaab qaadaceen qoortan u
dheerayn doonaan waxa ay ugu yeereen caamiliinta ridowday.
Dhagarta Itoobiya Itoobiya:
Waxaa xaqiiq ah in Itoobiya aysan sidaa ku tegin, balse ay cayaarayso
shaxda loo yaqaan Jeeska. Ulajeedadeeda oo koobana waa dhowrkan qodob:
- Iyagoo og bixitaankooda ka dib in Al-Shabaab qabsan doonto
goobkasta oo ay ka baxaan
- Iyagoo og in arintaasi walaac ku dhalin doonto wadamada reer
galbeedka
- Iyagoo og in uusan jirin wadan ciidan u soo diri doona
Soomaaliya maadaama nabad la sugaaba meesha oolin
- Iyagoo og in shirka Jabuuti fashil ku dhamaan doono
Ayay goàansadeen inay iska dhigaan wax baxay balse kulaalaan xuduuda
Soomaliya, iyagoo rajo ka qaba inay dhici doonto sidan:
- In kadib marka Al-Shabaab la wareegaan awooda koonfur Soomaaliya
, ay weerari doonaan Ciidamada Africaanka ah , taasna sabab ama
fursad soo noqosho u noqon doonta Ciidamada Itoobiyaanka iyo
Xulafadooda Hororka ah ee Dagaal oogashaaya
- Dabadeed in beesha caalamku siiso Itoobiya waxa loogu jeero
(open cheque) jeeg furan , oo micnaheedu tahay inay waxay doonaan ka
samayn karaan Soomaaliya cid danbe oo iswaydiin doontaana aysan
jirin
- In Itoobiya dhaqaale iyo awood milatari ku heli doonto
qabsashadeeda danbe ee Soomaaliya taas oo Dalkii loogu yeeri jiray
Soomaaliya ka dhigi doonto ZONE 6 iyo maxamiyad looga taliyo Adis,
ilayn maantaba hadaynaan is indha tirayn Adis iyo Zanaawi ayaa loo
kala dhuuntaaye.
Dharbaaxada Al-Shabaab:
Xalka Soomaaliya waxaad moodaa in samada lagu laahay, dad geelooda
cirka lagu maalayana arintooda Alle ka dhigay. Balse waxaa hubaal ah in
hadii ay Al-Shabaab cayaaraan takhdiid ama taatiko siyaasad iyo
feejignan leh inay noqon karaan awood Soomaaliya ka samata bixin karta
dhagarta cadowga isbiirsaday ama ha noqondo midka Jabuuti shirku sheega
ka wada ama ha noqdo Siyaasada guracan ee Itoobiya iyo beesha
caalamkaè.
Dad badan ayaa laga yaabaa inay iswaydiiyaan sababta igu kaliftay in
aan Al-Shabaab u arko sidan, anigoo ka mid ah ahaanjiray dadka ugu
cadcad ee afcaasha Al-Shabaab ka soo horjeeda.
Akhristow Soomaalidu waxay tiraahdaa Gaal dil Gartiisana Sii, marka
Al-Shabaab afcaal iyo afkaar badan oo lagu diidi karo ayay la yimaadeen,
(sida Rajmintii Gabadhii yaray ee Kismaayo, Gowraca Wiilka ay murtadka
ugu yeereen, ismiidaaminta ay ku gumaadaan shacabka aan waxba galabsan
iyo iwm), sidoo kale afcaal iyo afkaar lagu raaci karo oo naadir maanta
ku ah Soomaaliya ayay la yimaadeen sida: (inay ka xoroobeen QABYAALADDA
iyo inay ka hor yimaadeen dhagarta shisheeyaha), waxaa intaa sii dheer
inay xoreeyeen deegaamadii Jubooyinka iyo Shabeelooyinka goobahaas oo
lagu dulmay dadka laga tirade iyo tabartaba badan yahay.
Sidaa awgeed waxaan is leeyahay hadii ay khaladkooda saxaan Allaha
wayna uga toobad keenaan , shacabka Soomaaliyeed hortiisana raaligelin
ka sameeyaan qirtaana khaladkooda, sidoo kaleTalo galiyaan Culimadda,
Soo dhaweeyaan Odayadda , indheergaradka iyo dhamaan xubnaha kala duwan
ee bulshada, dadka ay deegaamadooda ka taliyaan taladda wax ka siiyaan,
meelaha maamuladdu ka jirona wadahadal iyo wax wadaqabsi la yeeshaan ,
waxaa dhici kari lahayd inay shacabka Soomaaliyeed ee Qabyaaladda iyo
Qaxarka dagaalku dulaystay ay ka saaraan dhibaatada una horseedaan
cadaalad iyo wada noolaansho samata bixin kara Mustaqbalka Jiilka
danbe.
Hadiise madax adaygii, is mahadintii, kaligii Muslimkii, kaligiis
Wadaadkii, iyo kaligiis wax garad la yimaadaan waxaan qabaa inay soo
dedejin karto jabkooda iyo burbur aysan ka soo waaqsan kaas oo
Soomaaliya u horseedi kara dagaal Huwan magac diimeed oo lagu hoobto,
iyo in Itoobiya dalka ku soo laabato iyadoo adeegsanaysa caamiliin aan
dad iyo dal u aabayeelayn, taas oo dhalin karta dhamaadkii wax loogu
yeero Soomaaliya.
Imisa Dal iyo Dad ingaa awood , caqli iyo cilmi badnaa oo ifka
saarnaa ayaa maanta noqday taariikh la soo dhaafay oo laga sheekeeyo.
Bal dib u yara jaleec, Rooma, faaris, faraaciintii, maaya iyo
xadaaradihii kale ee dunida soo maray. Walee wadadii ummaddihii inaga
horeeyay ku hoobtaan, kuna hungoobeen ayaynu haynaa hadii aan la is daba
qaban oo aan caqligu ka awood badnaa caadifada qabiilka iyo jahliga,
danta guud laga hormarin midda gaarka ah ogaada taariikhda ayaynu baal
madow ka geli doonaa dadkeenuna ku danbayn doonaa tiih iyo qaxootinimo
ciribteeda tirtirta.
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan