Ma Waxaa la dooranaya Madaxweyne Soomaaliyeed, mise Un-ta ayaa wakiil
soo magacaabaneysa Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh
Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.
Intaas kadib, waxaa maalmahkan leysla dhex marayey in leysugu tagay
Jabuuti, Mucaarid iyo mu’ayid ba. Waxaa la leeyahay waxaa la dooranaya
madaxweyne Soomaaliyeed. Iyadoo aynu la yaabanaan jirnay qaabka loo soo
dooran jiray madaxdii hore, ayaa maanta waxaa timi mid kuwii hore I
qarso tiri, taasoo la yiri haleysku daro baarlamaankii hore oo ka
koobanaa 275 xubnood iyo kuwa mucaaridka ee garabka jabuuti oo la yiri
keensada 275 xubnood.
Sida aynu la socono baarlamaankii hore oo ahaa kuwo aan innaba haba
yaraatee isku raacsaneen, oo mid walba watay fikrad u gaar ah, oo qaarba
qaarka kale kasoo horjeeday, loogana baran inay arin qura isku raacaan,
ayaa sidaas ay tahay ay iska soo sharaxeen qaar baddan oo doonaya
jagadaa madaxweynenimada, halka Xisbiga isbaheysiga ay ahaayeen qaar hal
cod leh, oo isku aragtiya, oo ka mideysnaa qaabkii looga soo horjeeday
DFKM, ayaa haddana uu u sharaxaan yahay kaliya Shiikh Shariif.
Haddaba ma waxaa leysku jilayaa riwaayad, oo sidee ayeey wax u wada
dooran karaan ummad aan isku dheeli tirneyn, mise waxaa laga
faa’ideysanyaa boogta baarlamaankii hore, oo waxaa la ogaaday in sidaas
wax loo marsiin karo. Maxaa riwaayadda leysagu jilayaa, miyaanay
habooneyn in si toos ah waxa la damacsan yahay loogu dhawaqo oo loo meel
marsado. Haddii la yiraahdo 2 + 2 ayaan doonayaa inay kasoo baxaan
natiijo ah 5, ilmaha xalay dhashay xitaa ma qaadan karo.
Runtii anigu shaqsiyan Shiikh Shariif waxaan u arkaa Hogaamiye
Soomaaliyeed, oo hanan kara maamulka Soomaaliya, ummaddana ay
baddankoodu ku kalsoon yihiin. Haddii ley oran lahaa inta jabuuti isugu
tagtay mid ka dooro, oo taladeydu ay tahay mid meel mar ah , isagana
dooran lahaa, laakiin Shiikh Shariifoow nasiib daro qaabka wax loo wadaa
waa mid aan Soomaali damiir leh u cuntamin, oo xitaa adiga ka shariif
ahaan meel kadhac kugu ah.
Anigoo aan hadalkeyga badineyn ayaan waxaan oran lahaa maxaa waqtiga
loo dilaya, oo dadka loo maaweelinyaaa, natiijo iska cad halka loo wado,
maad noo dadjisaan oo ku dhawaqdaan.
Jabuuti waxaan u arkaa inay abaal weyn ay ku leeyihiin Soomaali, oo
ay arimo baddan ay nagala qeyb qaadatay, laakiin maanta in gogashii ay
fidiyaan in sidaas Soomaali loogu bahdilo, runtii maaha wax na qabta, ee
libintii ay Soomaali idiin heysay heyska dayacina.
Dhammaan indheergaradka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan waxey u
arkaan doorashada ka dhaceysa Jabuuti inuu yahay mid ay UN-ta wadato, oo
aan la garneyn qaabka ay ku saleynayso. Runtiina waa arin aan u cuntamin
Soomaali meel walboo ay joogto. Waxeynu sugnaana waa bisha sodonkeeda
iyo madaxweyne Shiikh Shariif, nin ku raali ah iyo mid diidanba. Wey
dhici kartaa in xag alle ay si kale wax ka noqdaan, laakiin xisaabta
aynu naqaan waa sida uu qorsheynayo ninka Soomaaliya uga wakiilka ah
caalamka.
Waxa halkaas na dhigayna waa ayaandarada ina heysata ee Soomaaliyeey
sidan ma xalbaa, jawaabtaasna idinka ayeey idiin taalaa.
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com