Beelaha Gugundhabe waxay cambaaraynayaan xasuuqa joogtada ah oo ay
Ciidamada AMISOM
BEELAHA GUGUNDHABE HAWIYE.
Ujeedo: Warasaxaafadeed.
Kulan muhiim ah oo ay yeesheen beelaha gugundhabe Hawiye manta oo ay
taariikhdu tahay 27/01/2009, oo ay kaga hadlayeen xaaladihii iyo
dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya ayey falanqeyn dheer ka
dib ka soo saareen qodobadan soo socda:
in ku dhaqanka shareecada islaamka ay tahay furha xalka iyo nabadda
Dalka Soomaaliya.
waxay beelaha gugundhabe si aad uga xun yihiin una cambaaraynayaan
xasuuqa joogtada ah oo ay Ciidamada AMISOM u geysanayaan shacabka
Soomaaliyeed ee degan Gobalka Banaadir, gaar ahaan beegsiga goobaha ay
shacabku ku badan yihiin, sida suuqa bakaaraha, taas oo ku tusinaysa
cadaawada adage e ay u qabaan shacabka Gobalka Banaadir
waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka iyo rurka Midowga Africa in ay
dalka ka saaraan Ciidamada AMISOM ayna joojiyaan Ciidamo shisheeye oo
loo soo diro dalka Soomaaliya taas oo keeni karta dagaalo cusub oo ka
dilaaca Dalka.
in uu sii soconayo Jihaadka looga soo horjeedo gaalada ku soo duushay
dalka sida uu qabo kitaabka Allaah iyo sunnada Nebiga SCW.
in fderaal, 4,5 iyo qawaaniin ay dad dejisteen uusan midna maslaxad u
aheyn bulshada Soomaaliyeed, loona noqdo kitaabka Allaah.
6.in ay ka waantoobaan maleeshiyaadkii ka haray TFG-da dhaca iyo
isbaarooyinka ay weli ku sii hayaan shacabka Allane ka cabsadaan kuwa
weli difaacaya isbaarooyinkaas.
Ugu dambeyn waxaan ku baaqyenaa in shacabka Soomaaliyeed ay ku
xirnaadaan kitaabka Allaah iyo sunnada Nebiga SCW, meelna uga soo wada
jeestaan cadowga doonaya in uu mar kale sii qeybiyo.
Wabilaahi Towfiiq..
warsaxaafadeedka oo qoraal ah
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666