C/qadir Biriq '' Xulka Soomaaliya sanadkaan horumar ayay ku talaabsadeen
koobka East & Central Africa Chalange Cup 2009'' Waxaan magaalada London kula kulmay mudane C/qaadir Biriq oo ka mid ahaa
ciyaartooydii hore ee Soomaaliya, kana tirsanaa kooxda Petrolka, isla
markaana ka mid ahaa marti sharafkii ka soo qayb gashay tartankii koobka
Bariga iyo Bartamaha koobka Chalange Cup 2009 ee lagu qabtey dalka
Uganda.
Mudane Biriq ayaa ii sheekeeyay sida ay sanadkaan uga soo qayb galeen
tartanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo XSKC, waxana u yiri xulka Qaranka
Soomaaliya sanadkaan waxaa ka muuqday diyaar garoow aad u wanaagsan,
kadib markii ay 2 bilood ku dhawaad ku xareysnaayeen dalka Jabuuti
halkaas oo ay ku qaadanayeen tababaro, isla markaana maamulka XSKC ayaa
ka muuqday isbadal marka loo eego sanadihii hore, waxaana hogaaminayay
gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta ( XSKC)
Mudane Ahmed Nur Hassan Abdulle.
Yusuf : Wax ma nooga sheegi kartaa ciyaaraha xulkeena Soomaaliya la
yesheen kooxaha ka soo qayb galay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha
(Chalange cup 2009)?.
Biriq: Soomaaliya waxay sanadkaan ciyaaro isaga hor yimaadeen wadamada
Zinzibar, Tanzania, Rwanda iyo Uganda, ciyaarta Somalia v Zinzibar waa
laga badiyay kooxda xulka Soomaaliya, inkastoo ay dadaaleen waxay
natiijadu noqotey 2 goal oo xulka Zinzibar ka dhaliyo xulka Soomaaliyana
aysan waxba dhalinin, kadib markii goalhayaha xulka Soomaaliya C/qadir
Bakaiya uu qaladka lahaa madaama uu goalkii kowaad laga soo laaday meel
dheer kadib markii uu goalka ka soo fogaaday, taas oo niyad jabisay
xulkeena.
Ciyaartii labaad oo ahayd mid aad u xiisa badnayd isla markaana la is
lahaa dalka Soomaaliya maanta cashar baa la siinayaa sida ay qoreen
jaraa'idka ka faloonayay tartanka, madaama ay la ciyaarayaan dalka
Tanzania, run ahaantii ciyaarta oo aad kululayd ayay fursad qaali ah
helay ciyaaryahanka number sagaalad ee xulka Soomaaliya Ciyaaryahan
Ciise ayaa si qurux badan Goal uga naxsaday xulka dalka Tanzania
daqiiqadii 13-naad ciyaarta qaybteedii kowaad, taas wax badan ka
badashay niyada xulkeena iyo taagerayaasha Soomaalida oo soo buux
dhaafshay garoonka.
Xulka dalka Tanzania ayaa waxay ku noqotey mid ay liqi waayaan in Goal
ay ka dhaliyaan ciyaaryahano ka yimid dalka nidaam iyo nabadgalyo lahayn
isla markaana aan lagu aqoonin inay iska celiyaan tartamada ay hore uga
soo qayb galeen, taas keentay inay ku soo qaadan weeraro is daba joog ah
si ay uga badiyaan xulka Somalia , dadaal iyo karti ayay muujiyeen
daafaca xulka Soomaaliya , taas oo saamixi waysay inay ka soo gudbaan
afka hore Goalka, inkastoo Goalhayaha xulka Soomaaliya Goalhaye Khaalid
ayaa ahaa mid si weyn ula dheelay xulka dalka Tanzania kadib markii uu
90 daqiiqo ee ciyaarta u diiday inay ka dhaliyaan hal Goal xataa, taas
oo ugu dambayntii ku soo dhamaatey in xulka Soomaaliya uu suurtagaliyo
inay ka badiyaan xulka Tanzania oo islahaa galabta ku qadeeya
masaakiintaan.
Yusuf: Dalka Soomaaliya waligiis ma ka badinin xulka Tanzania maxaa is
leedahay maxaa suurtagaliyay inay soo hoyaan guul taariikhi ah?
Biriq: Run ahaantii waxaan is leeyahay dhawr sababood inay ugu
wacnaayeen tan kowaad in ciyaaryahanka Ciise oo qayb weyn ku lahaa
guusha madaama uu aad u yaqaan qaab ciyaareedka xulka Tanzania , isagoo
ka mid ahaan jirey kooxda Simba ee dalka Tanzania, tan labaadna waxaan
oran karaa daafaca xulka Soomaaliya u safnaa oo is ciyaar yaqaanay
madaama ay ahaayeen daafaca kooxda Elman Soomaaliya, tan 3aad Goalhayaha
xulka Soomaaliya Khaalid ayaa isna saldhig u ahaa in ka daafaco goalka
fursado badan ay heleen xulka Tanzania.
Yusuf: Kulamadii xulka Soomaaliya la yesheen Rwanda iyo Uganda maxaa
looga badiyay ayaa is leedahay madaama ay ka soo badiyeen xulka
Tanzania?
Biriq: Labadaan ciyaarood xulkeena waa laga adkaaday runtii inkastoo aan
arkayay in ay sabab u ahaayeen in xulkeena ciyaartii Rwanda oo aan
islahaa way ka badin karaan laakinse nasiib xumo ciyaaryahan Ciise oo
ahaa weerarka ugu qatarsan xulkeena ahaana ninkii Goalka ka dhaliyay
Tanzania ayaa dhawac soo gaarey daqiiqadii 10aad ciyaarta qaybteedii
kowaad, kadib waxaa garabka ka jabay ciyaaryahanka la yiraahdo Anwar oo
ka dheelayay daafaca, taas oo sababtey in labad nin oo aad muhiim ugu
ahaa xulkeena in garoonka laga soo saaro, qaybtii labaadna waxaa yimid
roob aad u badan garoonkiina waxa uu isku badalay dhiiqo iyo ay ku
ciyaari kari waayan garoonka, madaama aysan wadanin kabaha loogu
talagalay in marka garoonka isku badalo dhooqo in lagu ciyaaro, ugu
dambayntiina waxa ay qasabtey in 3 gaol laga dhaliyo xulka Soomaaliya,
halka Rwanda ay guusha ku raacday.
Ciyaartii Uganda waxay noqotey in dalka Soomaaliya looga badiyo 3 goal
oo kale, madaama Uganda ay ahayd kooxda la saadaalinayay inay hanan
doono koobka madaama dalkeena lagu qabanaayo hadana wiilasheena marka
loo eego xulka Uganda aad ayay u kala duwanaayeen madaama Lix ka mid ah
xulka Uganda ayaa ka ciyaara dalalka Yurub, marka iska muuqatey in farqi
weyn noo dhaxeeyay labada kooxood, laakinse macalinka xulka Uganda
wareysi u bixiyay ayuu ku sheegay in ciyaartooydeena ay muujiyeen ciyaar
wanaag isla markaana uu u arko inay leeyihiin mustaqbal madaama xaalada
dalkooda marka loo eego ay mudan yihiin inay yihiin dhalinyaro mustaqbal
wanaagsan leh.
Yusuf: Qaab noocee ah ayaa loo soo xulay xulka dalka Soomaaliya
ciyaartooyda uga qayb galaysay tartankaan?
Biriq: Sanadkaan waxaa xulka loo soo xulay qaab wanaagsan oo ka duwan
sanadihii hore, tusaale ahaan kooxaha ka dhisan magaalada Muqdisho waxaa
laga soo xulay ciyaartooy badan,gobalada Sool iyo Bari waxaa laga keenay
labo ciyaartooy halka Yurub iyo North Amerika laga keenay ilaa 8
ciyaartooy, maamulkana ay ka yimaadeen gudaha iyo dibadaba, taasna waxaa
dheera marti sharaf kale oo iyagana iskood isku soo xilqaamay oo ka soo
qayb galay si ay u dhiiragaliyaan xulka Soomaaliya ayaa iyana jirey iyo
taageerayaal badan oo Soomali ah oo dagan dalka Uganda oo
dhiirigalinayay xulkeena.
Yusuf: Yaa maalgalinta ku sameeyay xulka SOOMAALIYA sanadkaan 2009 si ay
uga soo qayb galaan tartankaan?
Biriq: Waxaa sanadkaan meesha ka muuqday isbadal weyn xaga martigalinta
iyo maalgalinta, sideedaba koobkaan waxaa maalgaliyay Televesionka la
yiraahdo GTV, shirkadaas ayaa ahayd Responsorka kowaad laakinse
Garoomada iyo Hotelada la deganaa waxaa iska lahaa dowlada dalka Uganda
oo martigalinta tartankaan lahayd, waxaan deganayn Hotelkii Stadium
Muqdisho camal, waxaana lagu dheelayay garoonkii Stadium Muqdisho garoon
u eg oo isku dhismo ah oo aniga xusuus gaar ah ii lahaa madaama aan dib
u xasuustey barisamaadkii dalkeena, madaama garoonkan shirkada dhistey
tan dalkeena dhistey ay ahaayeen shirkad Chines ah.
Yusuf: Dalka Soomaaliya lagama dheelo horyaal iyo Jeneraal Daa'uud marka
sidee la isaga celinayaa dowlado dhisan kooxaha matalaya?
Biriq: Run ahaantii intii muda ah magaalada Muqdisho lagama dheelin
horyaal iyo Jeneraal Daa'uud waa sax laakinse daruufaha dalka ka jira
ayaa u saamixi waayay ayaan filayaa inkastoo ay muhiim tahay in koobab
rasmi ah inay socdaan ay jiraan la abuuro mustaqbalka.
Yusuf: Biriq ma waxaa i leedahay Muqdisho bas baa Soomaaliya ah?. hadii
aysan Muqdisho nabad ahayn maa AFGOOYE la tago ama Balcad waayo waa lagu
dheeli karaa kubadda laguna qaban karaa koobab, maxaase u diiday inay
gobalada ka shaqeeyaan hadiiba Xamar nabadii loo diiday?
Biriq: Su'aalahaan dad badan baa qaba waxaan jeclaan lahaa inay ka
jawaabaan XSKC madaama iyaga un arinkaan wax ka qaban karaan ayay aniga
ila tahay madaama aanan aniga xil ka haynin Xiriirka .
Yusuf: gartey sax miyaa in dhalinyaro aan u diyaarsanayn inay la
dheelaan wadamo diyaarsan oo ka niyad wanaagsan? sababtoo ah wiil
gaajaysan inta Xamar laga soo kaxeeyo in wajiga la geeyo un sax miyaa oo
aan laga fekerin diyaar garoow iyo kooxaha la soo dhisin?
Biriq: Sax ma ahan laakinse hada waxaan is leeyahay wax badan baa iska
badali doono inkastoo dhibaatada ay iska badan tahay in laga qayb galo
sax ayaan u arkaa laakinse loo tashado isla markaana qof kasta oo wax ka
badali kara sidii wax loo horumarin lahaa waa waajib inuu gacansiiyo
XSKC iyagana waa inay raadiyaan dadka wanaagsan iyo ciyaartooyda
wanaagsan.
Yusuf: Maxaa is leedahay oo hortaagan inay meel ka soo wada jeestaan
qurba joogta sheegata inay sanad walbo Yurub iyo North Amerika ku qabata
tartamada inay si wada jir u soo xulaan ciyaaryahano dalka matala oo
tayo leh?
Biriq: Way jiraan dad isku dayay inay dalkooda ciyaaryahano Yurub iyo
North Amerika joogta ka kaxeeyay wayna ku amaanan yihiin laakiinse inay
si wadajir ah uga wada tashadaan ayaa ka dhiman taasna waxay imaanaysaa
marka dhalinyarada qurbaha ku kortey waxna ku baratey maamulaan
tartamada xagaaga la qabto ka horna in wax badan qabanayaan kooxaha is
diidan ma filaayo, in la heshiina waa jeclaan lahaa waxna la wado qabso.
Yusuf: Maxaa kaaga soo baxay intii aad joogtey dalka Uganda oo ay
socdeen tartamada Bariga iyo Bartamaha Afrika?
Biriq: Inaa ka soo korarsaday waayo aragnimo isla markaana shucuur
Soomaalinimo kala soo noqday madaama Qarankeenii aan matalayney, waxaa
kale farxad ii ah inaan garoonka ku arko kumanaan Soomaali ah oo calanka
Soomaaliya wata oo taageero la daba taagan ciyaartooydeena hadii ay
guulaystaan iyo hadii laga guulaysto, barashada aan isa soo baranay
maamulka iyo ciyaartooyba iyo dabcan jaaliyada Soomaaliyeed ee uganda ku
nool oo run ahaantii noo muujiyay Soomaalinimo iyo asxaabtii aan isku
raacnay dalka Uganda
Yusuf: Yaa halkaas ka salamaysaa adiga ka faaidaysanaya wareysiga aan ka
qaaday maanta?
Biriq: Waad mahadsan tahay waxaan halkaan ka salamayaa ugu horeyn
Maamulka XSKC gaar ahaan Gudoomiye ku xigeenka XSKC mudane Ahmed-Nur
Hassan Abdulle oo aan dhihi karo nin dadaal badan kuna dayasho mudan wax
qabadkiisa, waxaan kale oo salamayaa dhamaan ciyaartooyda xulka qaranka
Soomaaliya dhamaantood, waxaan kale hadane salamayaa Safiirka Soomaaliya
u fadhiya Uganda Mudane Siid Ahmed, General Bashiir Goobe, C/qani Siciid
Carab, Macalin Geella, Mohamed Geedi, Dahir Boodaaye, Sunni Siciid iyo
Farah Blue iyo dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ee
nagala qayb galay tartanka.
Yusuf : Mahadsanid mudane Biriq
Biriq: Adaa mudan Yusuf Yusuf
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor and SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London / Nijmegen