Golaha saxafiyiinta Puntland oo maalmahan kulan
ballaaran uga socday magaalo madaxda Puntland ee Garoowe
ayaa maanta dhamaystiray dhismaha dalad guud oo ay ku
midaysan yihiin oo lagu magacaabo Ururka Warbaahinta
Puntland Media Association of Puntland (MAP).
Sawirada Halkan ka daawo...
Gole ka kooban 27 xubnood oo kala socda qaybaha kala duwan ee saxaafadda
Puntland ayaa maantay waxay cod aqlabiyad ah oo qarsoodi ah ku doorteen Xooghaya
guud ee daladda waxaana loo doortay Burhaan Axmed Daahir waxaana la tarmay
Yacquub Maxamed C/lle.
Burhaan ayaa in badan ka soo shaqeeyay saxaafada wuxuuna xubin ka yahay ururo
badan oo ay ka ka mid yihiin ururka saxaafada africa, ururka saxaafada bariga
africa.
Burhaan oo aan isagu doonayn in uu noqdo masuulka daladan ayaa waxaa codsi u soo
jeediyay inta badan wariyaashii goobta joogay ee codka bixinayay waxayna ka
codsadeen in uu tartamo iyakoo aaminsan in wax badan ka qabankaro hawlaha
muhiimka ah ee horyaal saxaafadda Puntland.
Buurhan oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wariyaashu ay isaga
u arkaan in uu yahay nin ku haboon qabashada daladan sidaasdarteedna uu balan
qaadayo in uu ka soo baxayo waajibaadka daladda uuna ku dadaalayo in saxaafadda
Puntland ay noqoto mid la xurmeeyo ilaalisana waajibaadka iyo shuruucda
saxaafada.
Madaxa Idaacadda Gaalkacayo oo lahaa qabanqaabada dhisitaanka daladan Xassan
Maxamed Jaamac (Jidxun) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Burhaan uu
noqdo Xoghayaha Guud ee dalada wuxuuna sheegay in uu marar badan ka codsaday in
uu shaqadan haddii loo doorto uu aqbalo balse uu ka diiday.
Marwo Asli Qodax oo hay,adda Care u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa sheegtay in
ay aad ugu farsan tahay in ay saxafiyiinta Puntland ay samaystaan dalad ay ku
midaysan yihiin waxayna sheegtay in aysan iyadu saxafi ahayn balse ay jeceshahay
saxaafada ayna u aragto dhagihii Ummadda sidsaasdarteedna ay ku faraxsan tahay
dhismaha daladda.
Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/shakuur Mire Aadam oo kulan soo
gabagabeeyay ayaa sheegay in dhismaha daladan ay ahayd wax loo baahnaa, wuxuuna
saxafiyiinta ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaa madaxda dalada, sidoo kale
wuxuu saxafiyiinta ka codsaday in ay ka dheeraadaan wax kasta oo lid ku ah
danada dadka iyo dlka kana shaqeeyaan horumarka dalka.
Hirgalinta kulankan lagu dhisay daladda saxaafadda Puntland ee MAP ayaa waxaa
iska kaashaday Idaacadda Gaalkacyo iyo Hay,adda Care International.
Waa markii labaad oo saxaafadda Puntland ay yeelato dalad guud,waxaana 2004 la
dhisay dalad lagu magacaabijiray PUMANET taa soo islamarkiiba burburtay kadib
markii hawlwadeenadii daladaasi ay shaqadii dalada ay ka doorbideen waxyaalo
kale.
Sheekh Aduun + c/fataax
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009