SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabad si wayn loo soo agaasimay oo Abaalmarino Lagu Gudoonsiinayay arday wax ka barata schoolka Aflax .

Munaasabad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday schoolka hoose dhexe ee Aflax oo ay soo qabanqaabiyeen Dallada Horumarinta dhalinyarada Gobolka karkaar ee KAYDNET ayaa waxaa ay ku aadanayd Abaalmarino la gudoonsiinayay Ardayda kaalmaha hore gashay ee fasalada kala duwan.

Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay maamulaha schoolka Aflax maryan faarax Gaacashe oo si aada uga sheekaysay taariikhdii schoolka iyo hab barnaamijeedka schoolku leeyahay iyadoo maamuluhu si aada ugu dheeraatay taariikhda schoolka Aflax ee Magaalada qardho isla markaana tilmaantay duruufaha haysta schoolka iyo hanaankii ay manta heerkan usoo gaarsiiyeen schoolka aflax oo ay hada ka qalinjabinayaan ardaydii ugu horaysay dugsiga dhexe ee heerka waxbarasho Maamulaha schoolka Aflax waxay baaq ujeedisay Hayadaha caalamiga ah iyo maamulka cusub ee puntland waxay sheegtay in schoolka ay macalimiin ka yihiin Dhalinyaro iskood isu xilqaantay kuwaasoo heerkooda aqooneed Secondry gaarsiisanyahay si ay u kaalmeeyaan walaalahooda waxbarshada u dadaalaya iyagoo ku shaqeeya si Tabaruca oo iskaa wax u qabso ah iyadoo sheegtay inay maamulka Gobolka iyo kan Degmadu ka gaabiyeen kaalintoodi kaga aadanayd gargaarka waxbarasho iyadoo sheegtay inay codsi ujeedinayaan Jaaliyaha RE karkaar ee Dibadda ku nool.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka karkaar Yoonis cali faarax oo isagu si Qiiro leh u muujiyay Dareenka waxbarsho ee ardaydan Yoonis waxaa uu sheegay inay ka maamul ahaan Hiil iyo HOO la garabtaaganyihiin taageerada Waxbarasho ee schoolka aflax isagoo sheegay in schoolkan schoolada kale kaga duwan yahay lacag la.aanta iyadoo aan wax FEE ah laga qaadin ardayda dhigata schoolka
Yoonis waxaa uu intaasi ku daray inuu isagu ku cusubyahay maamulka gobolka isla markaana uu xilka hayay muddo bil iyo toban habeen ah balse uu isku xiri doono wasarada waxbarashada puntland iyo schoolka aflax walaw ay arintaas hada ku guda jiraan waxaa kaloo uu sheegay inuu gacan ka gaysanayo sidii uu isugu xiri lahaa Jaaliyada reer karkaar iyo schoolkan waxaana uu sheegay in shakhsiyadiisu uu ku deeqayo 50 buug oo ay wax ku bartaan ardayda wax kabarata schoolka aflax.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada Gobolka karkaar Cabdiraxiim warsame diiriye gudoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay inay iyagu si aada isugu hawleen sidii ay u qabanlahaayeen xafladaan galabta dhacaysa isagoo sidoo kale gudoomiyuhu xusay sida ay uga go,antahay inay taageeraan hanaanka horumarinta waxbarashada jiilka hoose iyo dhalinyaradaba ayna intii tabartooda ah ka gaysan doonaan gudoomiha Dallada dhalinyarada Gobolka karkaar C/raxiim warsame diiriye ayaa sidoo kale sheegay ka urur ahaan inaanay wax taageero ah ka helin maamulka Degmada qardho iyo kan Gobolka balse ay marar badan iyagu Jeebkooda isticmaaleen waxaana uu sheegay inay taas u gudbinayaan Mr.Yoonis oo ka socday Heerka Gobol waxaana uu sheegay inuu rajaynayo inuu kala kaashado baahiyaha faraha badan ee Dallada ayna tahay dalada kaliya ee sharciga ah ee Gobolka ka jirta.

Si kastaba ha ahaatee schoolka Aflax waxaa la furay sanadkii 2004 waxaana lagu furay arday soo barakacayaal ah oo waxyeelo kazoo gaartay Roobabkii loo yaqaan ;Baraflaha; waxaana daladda dhalinyarada ee gobolka karkaar ay balan qaaday inay Gudoonsiin doonto 100 xabo oo buugaag ah si ay wax ugu bartaan ardaydaan waxbarashadooduna ay u kobocdo iyo 2box oo qalmaan ah waxaana maamulaha schoolka ee Aflax la gudoonsiiyay Bilad ay gudoonsiiyeen Dallada dhalinayarada EE KAYDNET waxaana ay u marxabaysay sida wanaagsan ee daladdu uga qaybqaadato hanaanka waxbarasho ee schoolka Aflax primary.

Ugu dambayntii xaflada ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan iyadoo ardaydii gashay kaalmaha 1aad 2aad 3aad ee fasal kasta la gudoonsiiayay abaal marina ma (jaa'isooyin) iyadoo uu gudoonsiinayay Gudoomiyaha daladda cabdiraxiim warsame diiriye waxaana ardayda wajiyadooda aad ka dheehan kartay jawi farxadeed oo aad u wanaagsan.


C/rashiid maxamed daahir(Haykal)
Email: Lacle1004@gmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS