War Saxafadeed: Khayaano Qaran by Shirka Jabuuti

Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
Email;
sgaani@gmail.com
Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu dadweynaha Soomaliyeed meel iyo
waa aad joogaanba.
Walaalayaal waxaa sharaf u ah Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) in aan idiin
soo gudbino amaba idinla socodsiino in Kooxdii Imbagheti iyo garabka lagu
magacaabo Mucaaradka Djibouti
in ay ku kaceen talaabo khiyaano qaran, la yaabna ma lahan oo ayada oo dhan ayaa
ah sun ay dowlado shisheeye soo qoosheen si ay uga taqlusaan Jamhuuriyadda
Soomaaliya, laakiin talo ALLE subxana watacalaa ayaa inooga filan hadaan ALLE
subxana watacala aan u toobadkeeno,isla markaasna aan ALLE subaxana watacala
talo saarano anagoo ku mideysan kuligeen Jiritaanka Jamhuuriyada Soomaliya.
Waxaa la yaab leh, in uu qof Soomaaliyeed ka sugo nabadgelyo, midnimo iyo
horumar, hanaan dowladeed ay garwadeen ka yihiin Dowlado shisheeye iyo hayado
caalami ah oo sida la wada ogsoonyahay na kala qeyb qeybinayey,ayagoo ka
faa'iideysnaya garaadlawayaal midabka Soomali ka ah oo waxa wada ay tahay
hunguri shaqsiyadeed,asagoo ku owr kacsanaya Qabyaalad iyo wax ka fool xun ALLE
subxana watacala ka raali aheyn. Alle subxana watacala ayaan ka magangalay ee.
Hadaba, walaalayaal qofkii si hoose u daalacda ujeedooyinkii laga leeyahay iyo
habsami u socodka shirka Djibouti ee dhowrka bilood ka socday Gobolka Jabuuti,
wuxuu dareemaya in qaban-qaabiyaasha shirka, horaantiiba aysanba qorshaha ugu
jirin dib u heshiisiin buuxda iyo dowlad tayo leh ee u dhalata Soomaaliya.
Arrintaan waxaa ka run sheegay waa marka hore ee in Hayada Qaramada Midoobey ay
qandaraas kula gashay Gudoomiyaha Gobolka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele in loogu
gogol xaaro Jabuuti,lacag xoog lehna lagu cuno arinta loogu magac daray dib u
dhiska dowladwadaag Dowlada (kmg) iyo Mucaaradka garabka Jabuuti taas oo ah mid
riyo ah laguna tuntay Axdi beenaadkii lagu soo dhisay Kenya oo aynu kawada
dharagsanahay kharashka ku baxay iyo in waliba Kenya Soomali oo dhan ay u
noqotay Makka marka loo socdo Soomaliya amaba ayba tahay dhamaan kuwa dabka ka
wada Soomaliya meesha ay ku nastaan una soo qaxiyeen dhamaan Umadii
Soomaliyeed,walina lama isweydiin kuwa dabka nagu shidaya ee nala heybta ah in
aan iska qabano kuna noqono Guryahaygii iyo ciidii udgooneyd ee Soomaliya. waxaa
hore loo yiri "Haybad waxaa ku leedahay dhulkaaga hooyo, waa lama huraane
hagarli'e wax ugu qabo waa lama huraane hagarli'e wax ugu qabo."
Akhristow hadii ALLE subxana watacala caqli fiican oo aad ku kala garato
maalinta iyo habeenka amaba xumaanta iyo samaanta lagugu hibeeyey, waxaad ogaata
distuuriyan, waa distuurkii beenta ahaa ee Kenya lagu sameeyey in Hayadahii ku
meel gaarka ahaa sharciyan lagu tuntay. Hadaba,shirka lagu wado in lagu dhiso
dowladwadaag waxaa sharciyan u bannaan in la helo sadex, kuwaaso kala ah:
1. xabad joojin
2.dib u heshiisiin
3.unkid ama abuurid nidaam ku meel gaar ah.
Waxaa nasiib daro ah in uu shirka Jabuuti la rabo in lagu dhiso dowladwadaag in
gabigiisaba uu guuldarastay durbadiiba,waayo talada waxaa leh Soomaliya iyo
Soomali ee ma lahan dowlado shisheeye iyo hayadaha caalamiga ah. Waxayna talada
waafiga ah ay aheyd in Soomaliya iyo Soomali hadii ay la daneynayo Soomaliya loo
daayo talada waxii beenta ahaa ee ay hore u soo dhiseen amaba ay Soomaliya
gudaheeda ku qabtaan shir ay ugu gogol xaarayaan dowladwadaag sax ah oo xalaal
ah kuna dhisan maskaxda Soomaliyeed ee loo wada dhan yahay,ayna ku maalgeliyaan
ee ma ahan in ay hadana qandaraas hor leh dibada loo iibgeeyo leynta iyo xasuuqa
umadda Soomaliyeed, waxayna taas ka dhigaysa sharci daro wax alaale wixi ka soo
baxa Jabuuti.
Walaalayaal, dagaal joojin iyo dib u heshiisiin in aysan dhicin way iska
cadahay,waxaana taas marag madoonto u ah xasuuqa ka dhacaya Soomaliya maanta oo
ay u dambeysay mida Sabtidii ka dhacday wada Maka Almukarama Xamar ee lagu
xasuuqay Buskii shacabka Soomaliyeed ku ledeen "INAA LILAAHI WA'INAA ILEYHI
RAJUCUUN" ILAAHAY samir iyo iimaan ha ka siiyo dadkii iyo eheladii ay dadkaas
aan waxba galabsan lagu layey "Amin" Axdiga Ku Meel Gaarka oo aasaaska u ah
Barlamaanka ku meelgaarka ah, wuxuu ku Gudoomiyaha Baarlamanka si sharci daro ah
ku amray in dhamaan Baarlamaanka KMG ay ku soo galaan Jabuuti taas oo ka
horimaaneysa jiritaanka Baarlamanka iyo Dowladnimada KMG ahba.
Hadaba, walaalayaal, maxaa noo diidaya in aan arimaha Soomaliya ay xalistaan
Soomali oo aan la nimaano caqli waafi ah oo Islaamnimo xambaarsan iyo calool
fiyoobi si aan oga badbaadno hagardaamooyinka cadowyada Soomaliya iyo Soomali ee
soo jireenka ah.
Akhriste/Akhrisato Hayadahii ku meel gaarka ahaa ee Imbagaati,Kenya oo ay soo
xuleyn dowladaha safka hore xaq iyo sharci u ma laha in ay badalaan nidaamka
siyaasadeed iyo dhaqan-bulshadeed Jamhuuriyadda Soomaliya oo ay dadweynaha si
xor ah ku ansixiyeen aftidii 1961-dii.
Isbadal lagu sameeyo nidaamka dalka, wuxuu ku ansaxi aftida dadweynaha, kaddib
markii uu Guddi Qaran ee Dastuuri ah ka soo uruursho dalka oo dhan aragtidooda,
ayadoon lagu xadadin nidaamka federaalka ah.
Hadaa maqashaan sida shalaytaba oo Sabti ah taariikhduna ay aheyd 01/24/09
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee la magac baxay Puntland Cabdiraxmaan Faroole
Federal ayuu ka shanqariyey taas oo ah in Jamhuuriyada Soomaliya loo kala
googooyo gobolo goboleysi taas oo ah ahmiyada codowga Jamhuuriyada Soomaliya iyo
Soomaliweynba.
Waxuu Xisbiga Shacabka Soomaliyeed si xushmad leh talo ku soo jeedinaya qofkii
ay ku danbeyso damiir Islaamnimo iyo mid Soomalinimo ha diido hana radiyo wax
xun ay la damacsan yihiin dowladaha shisheeyaha iyo hayadahan caalamiga
ah,ayagoo adeegsanaya kuwo midabka inoo eg kulana luuqad ah isla markaasna laga
yaababa in aadba isku abtirsiinyo amaba haybad aadba tihiin. Kuwaasi waxaan
leeyahay Shisheeye u adeegow Soomali mar uunbay ILAAHAY idinkiis cagaha dhulka
la heli oo ay israaci bal xageed aadi hadaadan hada ka noqon ficilka xun ee aad
sida shaqsiga aad ku raadsaneyso ku raado si xalaal ah aakharo iyo aduunba.
Cadowga Soomaaliyeed wuxuu ku guuleystay in uu ku dhex abuuro bambanooyin
dastuuri ah bartamaha nidaamka siyaasadeed ee dalka, si ay Soomaali iskeed
gudaha iskaga soo burburiso. Run ahaantiina, nidaamka federaalka ay Hayadaha ku
meel gaarka ah ay ku salaysan yihiin waa mid ku dhisan hab beleed aysan Soomaali
qaadan karin.
Walaalayaal, ujeedada, uu cadowga ka leeyahay iyo khatarta ku jirta nidaamka
federaalka hab beleedku waa ayadoo qabiilka iyo qabyaalada la sharciyeeyo lana
dowladeeyo, halkaas ooy ku baaba'do sharaftii, midnimadii iyo dareenkii
qaranimo, isla markaana, uu dalka beel beel wax walba loo burburiyo,cadowguna ka
faa'iideysto is qab qabsigeena dhexdeena ah.
Bombaanooyinka destuuriga ah ee ku dhex duugan Axdiga Ku Meel Gaarka oo loogu
tala galay in looga talagalay in lagu burburiyo qaranka Soomaaliyeed kuma eka
nidaamka federaalka ah oo kali ah, halkaana laguma soo koobi karo.
Akhriste/akhrisato, Shirqoolada waxaa ka mid ah, qaabka wax qeybsiga beelaha ee
(4.5).
Waxaa la yaab leh Soomaali oo dhaqan iyo hido isku mid ah in dhan walba haday
noqon laheyd hido iyo dhaqan lagu kala qeybiyey sida afka rasmiga ee dalka oo
lagu qeexay Maay iyo Maxaatiri, dib u laabid mabdi'ii qaran ee Soomaaliweyn iyo
hoggaanka dalka oo loo afduubay danbiilayaasha dagaalka iyo kuwa ugu aqoon yar
dadka Soomaaliyeed.
Hadalkii uu Eebbe ka soo fakiyey Xuseen Maxamed Faraax Caydiid, wuxuu cadeyey
meesha ay wax ku dambeyn doonaan haddii aan wax laga qaban goor ay goor tahay.
wuxuu yiri "Itoobiya iyo Soomaaliya waa walaalo oo aysan jirin wax u dhaxeeya"
isla markaana, uu ku haminayey in ay baabi'iso xadka labada dal aana yeelano hal
baasaboor, hal ciidan iyo hal dhaqaale waa riyadii Xuseen Maxamed Farax Caydiid.
Hadaba, Markii ay dadka Soomaaliyeed la fajaceyn kana dhiidhiyeen hadalkaan ayuu
Ex raysal wasaare Cali Maxamed Geedi si uu xaalada u qaboojiyo ku tilmaamay
hadalkaani mid shakhsi ah.
Soomaaliyey ogaada hadalkaan ma'aha hadal shakhsi ama mid si qaldan loo fahmay
ee waa mid si ogaal ah loo yiri, wuxuuna ka mid yahay carbin looga gol-leeyahay
in loo caadiyeyo dhagaha dadka Soomaaliyeed qorshahaan daahsoon sida aan ku soo
arkayba mgaalooyinkii aan tagay oo heeso af Amxaari ah ka wada shidan amaba
heeshaha muuqaalka amaba maqalka oo xataa buulsha canjeelada laga cuno aad ka
maqleyso heeso amxaaro waxaa ay igu noqtay fajac iyo amakaag in anoo jooga
dhulkaygii hooyo aan meel kasta oo biibito ah laga shido heeso af amxaari ah
waxa shaki iga galay in aan joogo dhulkaygii hooyo iyo in aan joogo dhul
shisheeye.
Hadaba walaalayaal,Hayadaha ku meel gaarka ah, ayadoon markeedi horeba si sharci
aheyn lagu soo dhisay iyo kuwa mucaaradka jabuutiba, ayey maantana, ku
dhaqaaqeen khiyaano qaran marka yeysan filan kalsoonida, daacada iyo taageerada
dadweynaha Soomaaliyeed. Soomaali oo dhan waxaa horyaala khatartatan oo dibadda
si xoogan looga soo abaabulay oo ay gacmo sokeeye fulinaayaan. Muwaadin kasta
waxaa waajib qaran ku ah in uu ka hortago sharci daradaan iyo shirqoolkaan oo
khatar galinaaya madaxbanaanida, midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed
oo ku dhisan hal dad, hal luuqad, hal hide dhaqan oo hoos yimaada halka calan
balluga ah ee xidigta shanta gees ah.
Hadaba, Maxaa La Gudboon Soomaali ?
Xaalada uu dalka ku sugan yahay masuuliyadeeda koowaad waxaa leh Soomaali oo
dhan.
Marka hore walaalayaal, waxaa nala gudboon tawbadkeen oo aanu u tawbad keeno
Eebbihi na abuurtay. Waa in aan qabyaaladeesiga, kala qeybsanaanta iyo nacaybka
ku badalnaa Islaamnimo, Soomaalinimo, midnimo iyo walaaltinimo. Marka xigta,
goor ay goor tahay waa in aan baraarugnaa oo fahamnaa baaxadda khatarta aan ku
suganahay iyo cadowgeena dibad iyo gudahaba. Fahamkaas kaddib, waxaan qabaa in
uu muwaadin kasta ee Soomaaliyeed gutaa xilka qaran ee saaran kaaso nawada
horyaala assagoo cad, cid wax noo xalineysana ma jirto hadaanan anagu isu
xilsaaarin sidii aan wax oga qaban laheyn xal u helida dalkeena iyo
dadkeena,anagoo hurayna naftayada,xoolahayaga,iyo sharaftayadaba. Marnaba ha
sugun in ay cid kale wax kuu xaliso.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maalgelinayaba dalka Soomaaliyeed ugama baxayaan
codsi iyo rajo ee waa in ay Soomali qori caaraddii iskaga xoreysaa oo sharaftii
Soomaaliyeed la soo celiyaa. Hayadaha ku meel gaarka ah iyo kuwa mucaaradka
garabka jabuuti iyo kuwa kale ee mucaaradka ee Casmara ku sugan iyo kuwa dalka
gudahi waa in aysan la shaqaynin oo ay gacmaha ka laabtaan waxa ka socda
Jabuuti,hadii kale,waxaa ay noqonayaan kuwa iibsatay dalka, dadka, diinta iyo
dunyadii Soomaaliyeed kuna dhaqaaqay khayaano qaran sida hada cadba ee ay ku
dhaqaaqeen mucaaradka garabka jabuuti iyo hayadaha ku meel gaarka ahba.
Walaalayaal, Waa waajib muqadas ah qof kasta oo Muslim Soomali ah in la difaaco
jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliya.
Dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo aduunka daafihiisa ka joogaan amaba kuwa
dalka gudihiisa joogaba waa in aad ka foojignataan khayaanada qaran ee laga soo
xirayo amaba laga soo maleegayo gobolka Jabuuti.
Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meelay joogaanba, wuxuu Xisbiga Shacabka
Soomaliyeed ugu baaqi, in ay ku midoobaan kuna mideeyaan cududooda ciidaan iyo
dhaqaale hal dhaqdhaqaaq qaran (Jamhuuriyada Soomaaliya).
Walaalayaal, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed waa mid ka
caagan xabada iyo caburinta waana horseedaha tubta nabada iyo sugida jiritaanka
Jamhuuriyada Soomaliya waana mid muqadas ah. Halgankan siyaasadeed (X.S.S.) ee
ka caagan xabada iyo caburinta wuu socon ilaa la hubiyo si buuxda jiritaanka,
madaxbanaanida, midnimada, hidaha iyo dhaqanka qaranka Soomaaliyeed, isla
markaasina si ficil leh ayuu u sugi nabadda, cadaaladda, horumarka iyo sharafta
dhamaan dadka Soomaaliyeed hadii ALLE subxana watacala idmo.
Mabaadiida,hililooyinka Siyaasadeed iyo Ujeedooyinkaanba ee ah in si buuxda loo
sugo jirtaanka,madaxbanaanida,midnimada Jamhuuriyad Soomaliyeed iyo sharfta
Umadda Soomaliyeed marnaba waa wax aanan gorgortan geli karin.
Hadaba, Xisbiga Shacabka Soomaliyeed wuxuu ugu baaqaya Muwaadin kasta in laga
rabo in uu is xisaabiyo oo uu isweydiiyo maxaad dalkaaga u qabatay waqtigaan
taariikhiiqa ah?
Ugu dambeyn walaalayal, maanta waa maalin kala bax , laba labeyn socon meyso.
Halganku waa mid dheer oo adag laakiinsee guusha dambe Soomaali ayaa leh hadii
ALLE subxana watacala idmo.
Waxaan ugu danbeysiinayaa heesta ah: Sharaf waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo,
waa lama huraane hagarli'e wax ugu qabo,waa lama huraan'e hagarla'e wax ugu
qabo.
Soomaali Ha Noolaato! Ha is raacdo!
Walaalkiin: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
Email;
sgaani@gmail.com