SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FARSHAXAN

Kartuuniiste caan ah oo soo bandhigay sawiro ka tarjumaya taariikhda Soomaaliya iyo baaq uu guud oo uu jeedinayo

Sawirada uu soo bandhigay halkan ka daawo...

Kartuuniiste Aadan Faarax Afey (Aadan Afey) oo ku nool magaalada Muqdisho isla markaasina si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigay sawiro ka tarjumaya xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan qarniyadii hore iyo xaaladda maanta uu dalku marayo.

Sawiradaasi oo ah kuwa farshaxanka isla markaasina Kartuuniiste Aadn Afey uu gacantiisa ku sameeyay, ayaa ahaa sawiro soo jiidasho leh, isla mar ahaantaasna marka aad daawato qalbigaada ku reebaya xusuus taariikheed aad u fog iyo dareen wadaniyadeed.

Kartuuniiste Aadan Afey oo aanu ku booqanay xaruntiisa oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa Weriyayaasha waxa uu uga sheekeeyay taariikhdiisa, gaar ahaan mihnadiisa Sawir gacmeedyada, sidii uu ku soo bartay, meelihii uu ka soo shaqeeyay iyo waxyaabihii ku dhaliyay inuu Warbaahinta u soo bandhigo sawiro xambaarsan taariikhda waayihii hore iyo marxaladda maanta dalka ka jirta.

Waxa uu sheegay Kartuuniste Aadan Afey in barashada sawirka gacanta uu bilaabay sanadka markuu ahaa 1971-kii, isagoona sheegay in barashada mihnadaasi ay ku dhiirigelisay Haweeney Talyaani ah oo lagu magacaabo Suor Flamigna, wuxuuna la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray xilligii Dowladda ay dalka ka jirtay.

Sanadkii 1983-kii waxa uu Kartuuniistaha sawir gacmeedyo ku bilaabay wargeys lagu magacaabi jiray Xiddigta Oktoobar, wuxuuna sidoo kale la soo shaqeeyay wargeysyo dhowr ah oo iyagu ka soo bixi jiray Madbacaddii Qaranka Soomaaliyeed.

Xilligii burburka uu dalka ka dhacay, waxa uu sheegay Kartuuniiste Aadan Afey inuu la shaqeeyay inta badan Wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray, isagoo sidoo kale caan ku ahaa sheeko ku soo bixi jirtay Wargeyskii MAANTA ee ay soo saari jirtay UNOSOM, sheekadaas oo lagu magacaabo Cilmi iyo Maandeeq, sheekadaasi oo ahayd mid gebigeedba ah Kartuun.

Farshaxaniiste Aadan Afey waxa uu Weriyayaasha u soo bandhigay Sawirro uu ku sameeyay gacanta, kuwaasi oo mid kastaba ka tarjumayay marxalad, gaar ahaan labaatankii sano ee ugu dambeysay, halka sawiradaasi qaarkood ay yihiin kuwo xambaarsan taariikhda faca weyn ee dalka Soomaaliya, xilliyadii gumeysiga Talyaaniga uu dalka heystay, waxaana sawiradaasi ka mid ahaa dagaal dhex maray beelaha Biyamaal iyo Talyaaniga xilligii gumeysiga uu dalka ku jiray.

Kartuuniiste Aadan Afey ayaa sheegay in ujeedada uu u soo bandhigayo sawiradaasi taariikhiga ah, waxa uu sheegay in maadaama dalka uu soo maray muddo ka badan 18-sano burbur iyo kala dambeyn la’aan, taasi oo keentay inay gabaabsi noqdaan keydadka taariikhda Soomaaliya, uu doonayo in laga caawiyo sidii uu howshaasi baaxadda leh u sii wadi lahaa.

“Mudaama dalka aanay ka jirin dowlad dhexe oo awood leh muddo ka badan 18-sano waxaa lumay taariikhda faca weyn ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo iyo dhammaan adduun weynaha ka codsanayaa inay igu dhiirigeliyaan sidii aan howshaasi ku sii wadan lahaa” ayuu yiri Aadan Afey.

Fiiro gaar ah: Sawiradan waxay gaar u yihiin Kartuuniiste Aadan Afey, lamina daabacan karo iyadoo aan fasax looga heysan Kartuunistaha iska leh, cidii dooneysa inay arrintaasi ka qeyb qaadatana waxay la xiriiri kartaa Kartuuniste Aadan Afey oo laga helo: Tel: No. +25250-991855.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS