SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shirka Jabuuti Guulaha iyo Rajada laga Sugayo.


Waxaa sii kordhaya ergooyinka ku khulkhulaya Magaalada Jabuuti oo uu shirku uga socdo Madaxda sare ee Soomaalida kaddib markii bishii hore uu is Casilay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed arrintani ayaa waxay tahay mid Dastuuri ah haddii uu Madaxweynuhu Xilka iska Casilo in muddo 30 Maalmood gudahood ahi uu sii hayo Gudoomiyaha BFKMG ahi kaddibna uu Baarlamaanku doorto Madaxweyne ,laakiin waxaa hore u socday Wada hadaladii DFKMG iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka oo Xaaladiisu ay ahayd mid guul laga gaaray kuna soo beegmay Xilligii ugu wanaagsanaa ee la dooran lahaa Dowlad loo dhan yahay.

Haddaba waxaa is weydiin mudan Baarlamaankani Ballaarani muxuu Ummadda Soomaaliyeed u qaban doonaa ?imisa Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen ayaa soo bixi doona ? Xaggee Dhaqaalle oo looga heli doonaa?waa Su'aalaha ay Shacabku is weydiinayaan ;runtii waa arrin lala yaabo Waddan aad u yar oo ku yaalla Afrika oo ka mid ah Dunida Seddexdaad oo leh 550 Xubnood oo Xildhibaan oo aan la ogayn inta ay noqon doonaan Wasiirada iyo W/Xigeenada haddiise ay ku heshiinayaan ergooyinkani Shirka ka soo Qaybgalay waxaa la oran karaa waa Tanaasul Shacabka lagu badbaadinayo ama lagu hagaajinayo hannaanka geedi socodka nabadda.

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Dunida ayaa waxay diiradda saaraysaa sidii uu Shirkani uu u noqon lahaa mid mira dhala sida ku cad Wareegtooyinka maallin laha ah ee ka soo baxa Xafiisyadooda iyo kharajka faraha badan ee ay ku bixinayaan sidii uu u qabsoomi lahaa Shirkani tani waxaa la oran karaa waa fursad khaali ah oo ay Shacabka Soomaaliyeed siisayHay'adda Qaramada Midoobay ee Dunida waxaana haboon in lagu ammaano sida ay uga shaqaynayaan geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya iyo arimaha gargaarka Aadanenimo ee ay ka wadaan Dalka gudihiisa oo Qaxooti fara badani ay Dib ugu soo noqonayaan hadda.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa ,Dibadiisa iyo Xeryaha Qaxootiga ayaa waxay u hanqal taagayaan waxa ka soo yeedhaya Shirkan Jabuuti iyagoo ku tilmaamaya inuu yahay mid Xasaasi ah oo lagu Heshiin doono sida uu horeyba ugu bilowday is Afgarad iyo Wanaag oo ay hore ugu gogolxaareen R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo ka socday DFKMG iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka socday Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya jawiga uu ku socdana uu yahay mid xasilloon waxaa ka soo bixi doona guuo la taaban karo , waxaana sahlaya inuu Shirkani hiegalo Saddexdaan Qodob oo kala ah .

1. Shirku wuxuu ku soo beegmay waqti ay Dalku ka baxayaan Ciidamadii Itoobiya oo Shacabka ay u arkayeen kuwa joogitaankoodu uu ugu sugan yahay Dhibaato aad u weyn, Xasuuq, jir Dil iyo Xarrig Sharci darro ah oo joogta ah , taasoo ay u weheliso in laga baracikiyo kumanaan Rayd ah guryahoodii , Madarasooyinkii iyo Goobihii Ganacsiga oo dhan.
2. Dunida Caalamka oo u soo jeedsatay inay Soomaaliya gacan ku siiyo sidii Dowlad Midnimo Qaran loogu Dhisi lahaa Soomaaliya iyadoo Siyaasadda Qaar ka mid ah Waddamada reer Galbeedkuna ay is bedeshay ay tahay imminka Waqtigii ugu haboonaa oo lagaga faa'idaysan lahaa in Dalka Nabad lagu soo Dabaalo.
3. Xilligii Qabqablayaasha Dagaalka oo dhammaaday iyo Shacabka oo u bisil inay la Shaqeeyaan Qof walba oo nabadda u Hoseedaya Bulshada Soomaaliyeed oo ay Dagaaladu Aafeeyeen in ku dhow 20 Sanadood.

Dagaalada Diimeed ee ka soo cusboonaaday Dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay tahay mid uu Nebi Maxamed CSW hore ugu sheegay Ummadiisa inay u kala bixi doonto 73 Firqood taasina ay tahay mid uu Qof waliba uu rumaysan yahay Hal firqana ay tahay oo keliya mid isaga raacday taasina ay noqon doonto Halu Janna inta kalena ay Naarta geli doonaan , Waxaana Dagaaladani Diimeed ay Shacabka Soomaaliyeed u arkaan kuwa Fikrado kale wata oo qaar ay Horseed u noqdeen Qabqablayaashii Dagaalka ee Soomaaliya hase ahaatee waxaa la yaab leh haddii Itoobiya loola Dagaalamayey Itoobiya haddii ay baxday inagoo isku Dad ah ,isku Diin ah iyo Dhaqan ah maxaanu u Heshhin waynay oo Dagaaladu ay isugu bedelayaan wejo cusub oo aan la garanayn ,koox waliba oo Dagaalamayso waxaa u furan inay timaado Miiska wada hadfalada ee Jabuuti.

Gabagabadii iyo Qoraalkani Shirka Jabuuti guulaha iyo rajada laga sugayo waa mid wanaagsan oo mira dhal leh sida uu markii horeba hordhaciisu ahaa is Adgarad waxaanna wanaagsan in kooxaha weli aan ka soo qayb gelin Dib loogu yeedho oo la fahamsiiyo Dagaal in uusan Xal ku jirin ee uu Xalku yahay Midnimo iyo Shacabka oo laga badbaadiyo Xasuuq dambe iyo Dhiig dambe oo Xaq darro ku daata ,haddiise aan la helin kooxaha ka biyo diidan nabadda waxaa hubaal ah in uusan noqonayn Shirkani mid lagu guulaysto
Jawiga uu Shirka ku bilowday iyo Xasillnaanta ka muuqata ayaa waxaad ka garanaysaa in uu yahay Shir rajadiisu ay u muuqato mira dhal fsrxsdna laga dareemi karo Shirkani .

Waxaa Sharaf iyo Ammaan mudan Madaxda iyo Shacbiweynaha reer Jabuuti sida Walaalnimada leh iyo Qadarinta Mudan ee mar waliba ay u garab taagan yihiin Walaalahooda Soomaaliyeed ee u baahan maantay iyo sida ay u taageersan yihiin Dib u Heshiissinta ka socota Dalkooda uguna faraxsan yihiin inay Soomaalidu Heshiiso Aayahooduna ay ka Tashadaan Nabaddana ay Madaxdu u horseedaan Shacabka intiisa kale , Shirkani wuxuu noqon doonaa Shirkii ugu Dambeeyey ee Soomaalidu ku Heshiiso haddii alle idmo.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com


 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS