SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo buuxiyey Booskii xildhibaanimo ee uu ka geeriyoodey Cali Cismaan Jiidoow   

Mudane Maxamed Cumar Maxamuud oo maalinimadii shalay ahayd lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada ee dalka jabuuti  kulankii ay ku lahaayeen Baarlamanka Fadaralka soomaaliyeed oo markaa  ay Soo xaadireen ilaa 240 mudane ayaa ay dad badan soo dhaweeyeen gaar ahaana waxgarad ka soo jeeda beelaha Jareerweyne

      Xasan Sheekh Buraale Guleed  ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin dhaarintaas dhacday isaga oo xusay in Maxamed Cumar uu yahay nin ay soo Xusheen beelaha jareer laguna kalsoon yahay  waxqabadkiisa iyo kartidiisaba. 
Dhaarta kadib oo ay la soo xariireen boggan qaar kamid ah Xildhibaanada Jareer  ayaa ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin  dhaarinta Maaxamed Cumar iyaga oo Beesha Afar Makane oo  ka soo jeedana ugu mahadnaqay sida buuq la,aanta ah ee ay  shaqsi kaliya isugu raaceen..

      Xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo  khadka talafoonka kula soo xiriiray Boggan ayaa tilmaamay in Maxamed Cumar u yahay Shakhsi aqoonyahan ah oo ka soo bixi kara Xilka loo doortay, waxa uuna ka codsaday beelaha jareer in ay si weyn ula shaqeeyaa

      Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Buuxiyay booskii u ka geeriyooday Marxuun Cali Cismaan Jidoow ayaa noqonaya sida la ogyahay Xildhibaankii ugu horeeyay ee loo dhaariyo  boos la baneeyay Muran la,aan, waxaana soo doortay Beeshiisa oo faataxada ugu martay isaga oo aan ahayn Musharax taas oo noqonaysa arin aan waayadan la arag. 
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS