QAAB DHISMEEDKA DAWLADA OO AH 4.5 WAA C
ADDAALAD DARO
Sida
la wada ogsoon yahay tan iyo wixii ka dambeeyey
markii ay burburtay dawladdii dhex ee dalka ka
jirtay waxaaa la qabtay dhowr shirar oo dib u
heshiisiin ah oo dib loogu soo celinaayey
qaranimaddi iyo dawladnimaddii soomaaliya , hase
yeeshee lagu ma guuleysan , marka laga reebo
labadii shir ugu dambeyey oo lagu soo dhisay
dawladdii TNG da Carte ee dalka Djibouti lagu
soo dhisay iyo dawladdii TFG da oo lagu soo
dhisay Mbagathi ee dalka Kenya.
Hadda ba waxaa is weydiin muddan, TNG iyo TFG
maxay wax u qaban waayeen???
Waxaa horey loo yiri, “Kooxdii dulan ku
heshiisa, xaq ayay u kala baxaan” maxaa yeelay
dawladdii Carte lagu soo dhisay iyo tan Mbagathi
labada ba waxaa lagu soo dhisay dulmi iyo
cadaalad daro oo ah qaab dhismeedkooda guud oo
ah baarlamaan lagu soo xulay qaab qabiil oo ah
afar beelood iyo bar kuwaasoo hal heyskoodu uu
ah (Xaq ma rabno ee xal ayanu rabnaa) taasi oo
mecnaheeddu u yahay cadaalad daro ayeynu rabnaa
in aan wax ku maamulno. Fikradaasoo salka ku
heysta dastuurkii isticmaar dalka u dhiga, maxaa
yeelay isticmaarku xeeladiisu waxay ahayd inuu
dalka iyo dadka ba u qaybiyo hab qabiil , runtii
markii aan dawlad noqonay waxaanu fileyni in
laga gudbo habkii qabiilka oo loo gudbo hab
qaran, laakiinse nasiib daro weli waxaa la daba
socdaa ama lagu dhaqmaa habkii isticmaarku inoo
dejiyey.
Dawladda lagu soo dhisay Mbagathi waxay ahayd in
ay ka faa’iideyso qaladaadkii ay galeen
dawladdii Carte lagu soo dhisay ama in aysan
qaadin wadadii lagu fashalmay .
Kuwa aaminsan in ay ka soo jeedaan qabiiladda
waaweyn oo dulmi weyn ka geystay sidii ay u sad
badsadaan shirkii Carte waxay isku waafaqeyn in
ay shirqoolaan qabiiladda aan hubeysney sidii ay
u helaan kuraas dheeraad ah, sidaas darteed inta
ay jiraan cadaalad daro iyo is quursi mar na
laga ma yaabo in la helo nabad galyo taam ah ama
ay dib u soo noqoto sharaftii iyo dawladnimadii
dalka ka jirtay.
Dawladdii lagu soo dhisay Carte oo gashay
qaladaad fara badan oo ay ka mid ahayd qaab
beeleedka 4.5 lagu soo dhisay dawladaasi ,
taasoo shacabka soomaaliyeed ku abuurtay jaha
wareer oo ilaa iyo maanta shacabku u la ildaran
yahay isla markaasi na la yaaban yahay cadaalad
darada loo qeybsaday iyo sida foosha xun oo
ihaanada ka muuqata oo magaca ay ku
shaabadeeyeen (Others ama bar), taasoo ah arrin
meel ka dhac ah oo loo geystay qowmiyaddaha aan
hubeysneyn waana arrin laga yaqyaqsado . Haddaba
waa caddahay in arrinta 4.5 aan sharci ahayd
,waana qalad ay galeen kuwa damac weyn taasoo
daliil marag ma doonta u ah sida loo qaybsaday
xubnaha gobolka banaadir , waa hab qaladan oo
aan sharici ahayn oo adduunka na aan looga
dhaqmin, taasi waxaa lagu tilmaami kara waa
cadaalad darro oo si bareere ah u hirgeliyeen
beelo dulimi isku biirsaday ,iyagoo xaaranta
xalaashaday si ay u gaaraan hadafkood ah qaybi
oo xukun .
waxaa arritaasi ka dambeyey koox yar oo
doonaayey sadbursi si ay u helaan awood fara
badan isla markaasi na raba in ay si cadaalad
daro ah ku qaataan kuraas aysan lahayn , hase
yeeshee mar na kama aysan fakarin mahmahdii
ahayd (Wax badso wax beel ayay leedahay) iyadoo
wadiciga dalka uu ku sugan yahay burbur iyo
gacan cadaawe oo muddo dheer ku haminaayey in ay
gacanta u soo gasho soomaaliya isla markaasi na
ay ku dhamaanto ama la aaso fikraddii
taariikhiga ahayd in maalin la heli doono
soomaali weyn ah taasoo ay sababteedda leeyihiin
kuwii shalay ku taliyey in cadaalad daro wax loo
qaybsado isla markaasina isticmaarka ama cadowga
soomaaliyeye u fududeeyey inuu gacanta ku dhigo
maamulkii iyo dawladnimaddii soomaaliya, hadda
ba go’aanadaasi 4.5 ka dib soomaaliya waxay
gashay jaha wareer iyo burbur hor leh
Dawladda maanta dhisan waxay ka soo hor jeedda
dastuurkii ay qorteen kaasoo ku qoran sinaan iyo
cadaalad, waxaa nasiib daro ah dastuurkii lagu
soo dhisay dawlada qodobkii 1 wuxuu leeyahaya:-
1. Nidamka Dawladda Cusub ee Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed waa ku meel gaar (KMG),
madax-bannaan, dimoqraadi ah oo ku dhisan
Shareecada Islaamka, caddaalad, sinnan, nabad,
shaqo iyo horumar, dhawraysana sharciga,
sharafta qofka iyo xurmada bulshada.
Hase yeeshee cadaaladii iyo sinaantii lagu xusay
laguma dhaqmin maxaa yeelay cadaalad daro loo
geystay qayb ka mid ah beelaha nabad jaacel,
hase yeeshee waxaa iska hor imaana ya qoraalkii
dastuurka iyo sida loogu tagri falay oo ah in
cadaaladdii laga filaayey in ay isku bedeshay
dulmi iyo joorfal
Hadda ba go,aankaasi 4.5 wuxuu ummadda ku
abuuray fidno aan dhamaaneyn (cudur aan dawo
lahayn ku noqday) ilaa haddana fidnadaasi
socoto, wixii xaq darro lagu saleyo ma
guuleystaan, runtii maanta tan shacabkeyn
heysato waa taasi oo ah cadaalad daro , runtii
shacabka soomaaliyeed waa shacab isku mid ah oo
hal diin iyo af kulmiya hase yeeshee dad
daneysta ah ayaa mar walab ka faa’iideystaan in
ay shacabka u kala sar saaraan beelo beelo si ay
u gaaraan danahooddda gaar ah .
Waxaa kaloo la yaab leh in wixii dastuurka ku
qornaa oo leyska indhatiray,taasoo tusaale ahaan
u soo qaadan karno in dalka lagu dhaqo
Federal,hase yeeshee nasiib darro waxaa dhacday
in dhowaan godbolka Banadir laga dhisay Golaha
Degaabanka ,iyadoo xubnihii golahaasi lagu soo
dhisay si cadaalad darro ah, maxaa yeelayn
dadkii xaqa u lahaa waa laga tagay,iyadoo
Dawladda si lama filan ah u soo xushay dad aan u
dhalan GOBOLKA.
Wxaa ila yaab badnmeed in beelaha aan u dhalanin
gobolka banaadir ay ku doodeyso in 3 xubin
keliya la siiyeye oo ay ku yar tahay ayna xaq u
leeyihiin 5 xubnood, iyaddoo qowmiyadda banaadir
na 1 xubin oo keliya la siiyey, sidaasi darteed
waxaa is weydiin mudan federaal muxuu yahay
..??? {kani aniga ayaa iska leh kaagi na waan
kula leeyahay} federala ku micnahiisu ma sidaas
baa sida ka muuqata qab beeleedkii loo qaybsaday
maamulka dawladda.
Muddo 19 sano ayaa shacabka soomaaliyeed wuxuu
ku jiray jaho wareer, taasina waxaa keenay
cadaalad darrada ayay la sal dhigi la'dahay,
kuwi ugu dambeyey na ahaayeen shirkii dib u
heshiisiinta dawladda iyo mucaaradka ururka dib
u xureynta soomaaliya oo Djibouti lagu qabtay.
Waxaa weli la yaab leh shirkii Djibouti oo
Ummada Somaliyeed u hanweyneed ayaa go,aanadi ka
soo baxay ka mid ah 275 xildhibaan Isbaheysiga
in lagu qeyb sado 4.5 Haddaba iyo ti horeba dab
loo waayey ayaan haddan la go,aansaday in loo
qorsheyey 4.5, waxaa hubaal ah in rajadii ay
fogaatay,iyadoo ay ka soo baxaayeen ifafaalo ay
ummadda somaaliyeed ka biyo diidsan yihin.
Nasib wanaag waxaa ah in wax lagu nagacaabo 4.5
in aan laga aqoon addunweynaha sidaas darteedana
sharciga u degsan ururka Midowqga Afrika In
Dawladaha dalalka Afrika waxay xaq u leeyihiin
cod wada siman,oo aan mid midkale aan laga fadli
yeelin ayadoo cadaalad ah loo fulinayo
sharcikaasi ay degsadeen.Waxaan oran karnaa waxa
dalkeena buurbuka oo ilaa 20 saano ku dhwaad oo
aan weli xal laga gaarin,taasoo dhalisay
cadaalad darrada ay ku kaceen beelaha qaarkood
oo isbidsay awood,lakiin waxay ilaasan yihiin in
Khiyano weelkeeda waa ewer,iyado la wada ogyahay
in wax badso wax beel ayey leedahay.
Waxaa weli dalkeena ka jiraa dhibaatooyin lixaad
leh,tasoo si joogta ah
shacabnka la gumaado iyo barakac aan joogsi
lahayn waan arrin maalin walba ay ka dhacaan
gudaha soomaaliya, dhibaatadaasi faraha badan
waxaa u sabab ah canaasir wax magaraad ah oo
dalkeyna xabashi ku soo hogaamiyey, taasoo
caqabad ku noqotay shacabka soomaaliyeed
Xabashadu weligeed ba waxay ku haminysay in ay
dalkeyna qabsato si ay uga dhigato kadinka 6,
laakiinse taasi marna suurta gal u ma noqon
doonto haddii la helo somaali oo mideysan.
Haddii aan wax yar ka xuso taariikhd xabashidu
ma ah markii ugu horeysay, sida la xasuusan
yahay xabashidu oo hogaaminayey Mililikh mar uu
ku soo duulay ciidda soomaaliyeed sidii ay u
qabsadaan ama ay u milkiyaan xeebaha dalka ,
hase yeeshee waa ku guul dareystay maxaa yeelay
geesiyaashii shacabka soomaaliyeed iyagoo kala
hortagay dagaal culus halkaasina jab iyo hoog
ugu heystay ciidankii dalka ku soo duulay iyagoo
dib u celiyey markii ay soo gaareen TAJAKLEY oo
ah meel aan ka fogeyn Balcad. Markii la jebiyey
xabashadii dalka ku soo duulay uu hoggaminaayey
Mililikhy dib ayuu u soo eegay wuxuu na yiri,
(Aniga oo ka xun in aangacanta ku dhigin xeebta
xamar hase yeeshee maalin bay gacanteynu soo
geli doontaa, fareyskeyga xeebta xamar lugihiisa
ugu dhaqi doonaa).
Taasi maanta xabashi du way u rumooday,maxaa
yeelay maanta xabashidu waxaa xarun u ah
wasaaradii gaashaan dhiga oo ahayd meelihii laga
hoggaminaayey difaaca dalka taasi waa nasiib
daro ku timid sharaftii ummadda soomaaliyeed.
Shacabka soomaaliyeed meel walba oo uu joogo
waxaan ku dhiira gelinayaa ama kula dardaarmayaa
inuu midoobo sidii xabashida dalkeyna ku soo
duushay looga saari lahaa , haddii aan la helin
midnimo waxaa dhab ah in cadowga , in sidoo kale
uu shacabka soomaaliyeed isku tashtaa sidii
looga bixi lahaa dhibaatada maanta dalka ka
jirta isla markaasi na waddanka loogu soo dhisi
lahaa nidaam caadil ah oo aan ahayn 4.5 kaa soo
keeni kara nabad galyo taam ah iyo dib u heshiin
dhab ah. Waxaan mar labaad shacabka soomaaliyeed
ugu baaqayaa ….midnimo… midnimo… midnimo,
waxaana ka digayaa qabiil iyo qabyaalad taaso
cudurka kansarka ah ku noqday ummadda
soomaaliyeed kala na fogeeyey sidaasi darteed
waa muhiin in la helo midnimo maxaa yeelay
dalkeyna waxaa si sharci daro ah ku heysta
Eithopia
Waxaan Ilaahay aynu ka baryeynaa inuu shacbka
soomaaliyeed quluubtood isku soo dumo isla
markaasi na duliga ka qaado , waxaan u
rejayneynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed inuu
Eebbe waafajiyo ama fahamsiiyo cadaaladda in ay
tahay rukni muhim u ah horumarka bulashada maxaa
yeelay meel aan cadaalad jirin horumar kama
jiraan .
Wabilaahi Towfiiq

Abdulkadir Ali Bolay
Email:
bollay@hotmail.com