SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Farriin Ka Timi Culimada Magaalada Laascaanood:-Ka Qayb Qaado Dib U Dhiska Masjid Jaamaca Laascaanood

Laascaanood:-Qoraal ay soo saareen culimada gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxa ay Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaan in ay kala qayb qaataan dib u dhiska masjidka ugu qadiimsan magaalada Laascaanood ee masjid jaamaca ah, farriintiina sidan ayey u qornayd.

Ka : Culimada iyo waxgaradka Gobolka sool
Ku: Ummadda Soomaliyeed Meelkasta oo Ay Joogto

Waxaan halkan ku soo gudbineynaa warbixin kooban oo ku saabsan Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood ee qadiimka ahaa .

Masaajidkan waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa (1937) Ka dibna waxaa mar kale dib udhis lagu sameeyey (1971).

Haddaba waxaa timi baahi weyn oo ah in masaajidku uu gaboobay khatarna galinaya dadka ku tukanaya inuu ku soo dumo, sidoo kale wuxuu masjidku ku yaalaa magaalada dhexdeeda waxaana uu ku filaan waayey jameecadii ku tukaneysay xilli kasta .

Haddaba waxaa ducaadii gobolku u arkeen in Masjidka ladumiyo dabaqna la saaro maadaama uu ummadda meeshaas ku nool muhim u yahay, waxaana lacagta ku baxaysa lagu qiimeeyey 200,000 oo dolar iyo dheeraad .

Codsi

Haddaba walaala-yaal waxaan codsaneynaa maadaama kharashkan uu faro badan yahay in gacan nalasiiyo mashruucan khayriga ahna nagala qayb qaato sidii ummadda soomaaliyeed lagu yaqaaney.

NB.: Lacagaha waxaad ku soo hagaajinkartaan xawaaladaha oo dhan , kuna soo muujiya masjid jamaca Laascaanood .Gudiga qaabilsan dhismaha masjidka

1.Sh. Cali Maxamed Xasan.
2.Sh.AdanWeli Cabdi Xusen.
3.Sh.C/Naasir X Max,ed Yusuf.
4. Sh.Axmed Max,ed Suleymaan.
5.Sh. Max,ud Max,ed Xalika.
6.Sh. Max,ud Salaad warsame.
7. Sh. Max,ed Max,ud Max,ed.
8. Sh. C/Laahi Ciise Oog.
9. Sh.Max,ud Aadan Max,ed (Gamuute).
10.Sh.Said Max,ed.
11. Sh.Cali Max,ed

Wixii xaga filmka iyo qoraalka waxaa lala soo xidhiidhi karaa Ibrahim Axmed Xandule Handule@hotmail.com  ama Abdalla Shafey Shafey2@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS