SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Doorashada GOS oo waqtigii lagu balansanaa in lagu qabto dalka Jabuuti ayaa si lama filaan ah loo joojiyay sababtuna waa maxay?.

DJABOUTI 26/01/2009. Doorashda guud ee GOS ee lagu balansanaa in la qabto bisha Febraayo 2009 magaalada madaxda Jabuuti ayaa dib loo dhigay, sida aan baaris ku samaynay kuna ogaanay, ayay dad xog ogagaal ahi noo xaqiijiyeen in wasaarada Sportiga iyo dhalinyarada dalka Jabuuti ay si cad ugu sheegtay labada garab ee GOS u kala farcameen inaysan dalkooda ku qabsan karin shirar iska soo horjeeda oo gooni gooni ah, kadib markii Wasaarada Isboortiga dalka Jabuuti ay soo gaareen warqado kala duwan ay ku saxiixan yihiin Gudoomiyaha GOS iyo Ku xigeenkiisa oo ka codsanaya inay rabaan in doorashadii GOS lagu qabto Hotelka Impreal oo ku yaal duleedka magaalada Jabuuti.

Waxaa kale iyana warqadO dacwo ah oo iska soo horjeeda loo direy International Olympic Commitee ( IOC), warqadahaas oo iyana ka kala yimid labada garab ee GOS u kala jabay oo ay ku sheeganayaan inay shir ku qabanayaan doorashada dalka Jabuuti, iyagoo sheeganaya mid kastaba inuu haysto aqlabiyada xiriirada ka diiwan gashan GOS.

Sida aan email rasmi ah aan kaga helnay sarkaal ka tirsan IOC & NOC oo diiday inaa shaaciyo magaciisa ayaa noo cadeeyay inaysan ka qayb galin doorashadii GOS lagu qaban lahaa dalka Jabuuti biloowga Febraayo 2009, kadib markii aan ka war helnay khilaafka kala soo dhaxgalay madaxda GOS, sidaa daraadeedna goob joogayaasha IOC & NOC way ka baaqdeen safarkii ay ku tagi lahaayeen dalka Jabuuti ayuu qoralkiisa ku soo koobay.

Mar hadii is qabqabsigii u gaarey dalalka dariska ah iyo IOC, NOC waxaan filayaa in dhaqaalihii la iska guran jirey inuu istaagi doono isla markaana Sports Soomaaliya uu horumari doono madaama laga yaabo in kuwa badan oo meesha naq u soo doontey inay isaga tagi doonaan oo ay ku soo hari doonaan kuwa ay dhabta ka tahay in la horumariyo Sports dalkeena iyo dhalinyaradeena iyadoo la baryin meelo kale.

GOS ayaa heerka khilaafkoodu gaarey heerkii ugu xumaa kadib markii ay isku khilaafeen xogaa dhaqaale ah oo ka soo galay IOC iyo NOC sanadkii hore lagu qaybsan lahaa, taas oo keentay inay ku dagalamaan awooda ururka cidii mar labaad ku soo laaban lahayd, waxaana xafiiskii uu ku shaqayn jirey gudoomiyaha GOS mudane C/qaadir Gacal Abkow laga hor istaagay inuu ku shaqeeyo isla markaana waxaa laga mamnuucay inuu ka soo qayb galo tartamada lagu qabto garoonka Luujino, halkaas oo ku xoog badan yahay hogaamiyaha rug cadaaga ah ee Mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish''

Mudane Abkow ayaa isna gashaanbuur cusub la samaystey qaar ka mid ah xiriirada Sports ee ka howl gala magaalada Muqdisho si uu lolanka garabka kale isaga riixo, isagoo shalayto lagu arkaayay koob lagu maamusayay Aba Nur Sheikh oo lagu qabtey xaafada Shangaani ee magaalada Muqdisho, booqashada Abkow iyo xiriirada la socday ayaa ka dhiganta mid uu ku muujinaayo awoodisa Sport, si caalamka ugu qanciyo in weli uu yahay gudoomiyaha sharciga GOS.

Dhanka kale mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish'' oo nin si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya gaar ahaan fagaarayaasha cayaaraha iyo wasaaradi hore Sport iyo Dhalinyada Soomaaliya ayaa isna xusul duub ba' an ugu jira sidii loogu dooran lahaa mar un gudoomiyaha GOS ee cusub.

Lolanka iyo is afgaran waaga ka dhax dilaacay Gudoomiyaha GOS & ku xigeenkiisa ayaa waxaa ka faaidaysanaya dad aan Sports Soomaaliyeed ehel u ahayn, isla markaana ah Qurba joog raba inay dhaqaale iyo magac ka sameeyaan dal iyo dadkiisa ay la hareen khilaaf joogta iyo nidaam daro, waxaa nasiib xumo ah in la waayo dad isku soo jiida kooxaha ku hardamaya lolanka awoodaha ilaha dhaqaalaha leh isla markaana wax tara dhalinyarada Soomaaliyeed ee u baahan inay helaan fursado ay aqoontooda Sports ku hormariyaan iyo fursado kale.

Waxaase ilaa hada mowqifkiisa la ogayn Xogahaya guud ee GOS mudane C/laahi Tarabi oo aan u arko inuu yahay nin qunyar socod ah isla markaana afgaaban oo aqoon Sports leh dhinaca uu raacsan yahay ilaa hada ma cada madaama uu yahay ninka laga rabo inuu isku hayo awoodaha is diidan ee GOS, hasayeeshee waxaa modaa inay jirto awood qarsoon oo wax ka maamulaysa daaha gadaashiisa, waxaana muhiim ah in xogahayaha guud ee GOS uu shaqadiisa ka soo baxaa madaama ay muhiim u tahay socodsiinta howlaha ururka inta laga helaayo dowlad Soomaaliyeed oo awood badan oo shaqaynaysa.

Waxaa iyana lolan xaga awoodaha ka dhexdilaacay saakay wararka aan ka helayno ilo ku dhaw dhaw Gos xiriirada tira badan ee hoos yimaada Gos, kuwaas oo u kala jabay labada dhinac, madaama lagu tartamaayo codadka xiriirada, tusaale ahaan saakay waxaa gacanta iskula tagi lahaa Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa xiriirka Cayaaraha fudud, iyagoo isku qabsaday cida codka ( VOte) ay siinayaan iyo qofka codaynaya.

Waxaa moodaa in hab dhaqankii dagaal oogayaasha inuu ay u dhaqmayaan dadka maanta sheeganaya inay yihiin bulshada Cayaaraha Soomaaliyeed kuwa hogaamiya, arinkaas oo ah mid laga xumaado isla markaana laga hortago, saxaafada xortana waxaa waajib ku ah inay ifiso isla markaana daba gasho kuwa raba inay u afduubnaato bulshada waxa kala dhaxeeyo ee u baahan in laga wada tashado si loo gaaro goolka aan tiigsanayno oo ah in bulshadeena dhibaataysan aan u furno albaabo ama neecaaw caafimaaad qabta oo bari ka ah musuqmaasuq iyo qabyaalad ku dhisan xukun iyo beeso raadin.

Waxaa muhiim ah in loo istaago in dib u xoreyn loogu samayn lahaa GOS iyo xiriirada hoos yimaada si Sports loo gaarsiiyo miyo iyo magaalo si aan caalamkaan horumarey wax ula qaybsan lahayn.

Ururka GOS & Xiriiradiisa ayaa waxa u yahay ururka kaliya ee leh in kabadan 50 gudoomiye ku xigeeno aan la ogayn howlaha ay qabtaan iyo sababta loo magacaabay, kuwaas oo aan war iska haynin, sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye mar aan ka qayb galay ramadaankii hore ayaa dadkii ka soo wada qayb galay wada sheegteen inay yihiin gudoomiye ku xigeeno xiriiro kale duwan iyo Gos taas oo iga fajicisay.

Ugu dambayntiina waxaa GOS ugu baqayaa inay iska dib isku xisaabiyaan isla markaana isbarbaryaaca iyo xaqiraada dadka wax u qaban kara bulshadeena talada ku wareejiyaan, iska hilmaaman magacaabida jagooyinka naas nuujinta ah ay dadka ku kala qaybiyaan.

Mahadsanidiin

W/D: Yusuf Yusuf
sPORTS Editor and SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Mohamed Salim macalin ku dayasho mudan isla markaana mustaqbal wanaagsan leh

Mohamed Salim waa macalin kubadda cagta ah oo ku nool magaalada Manchester, isla markaana ka tirsan ururka Soomaalida WPSC, mar aan tagay magaalada Manchester ayaa kula kulmay isagoo ka qayb qaadanaya barnaamij ay ku xulanayeen kooxda Manchester City caruur Soomaaliyeed.

Mohamed Salim ayaan kala sheekaystey shaqada macalinimo ee uu ka qabto kooxda WPSC, runtiina si wanaagsan ayaan ula dhacay deganaanta iyo daacadnimada ka muuqato, iyadoo intaasna u sii dheer tahay inuu aad u jecel yahay inuu tababaro caruurta Soomaaliyeed si ay mustaqbal wanaagsan ugu yeeshaan ciyaarta kubadda cagta.
Ururka WPSC ayaa waxaa gudoomiye u ah mudane Fu'aad balse ururkan ayaa waxa uu gacanta ku hayaa caruur aan ku qiyaasay ilaa 100 caruur Soomaaliyeed oo dagan magaalada Manchester, waxaana ay leeyihiin kooxo dhisan oo kala heer ah isla markaana waxaa macalimiin u ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhamaantood haysta shahaadada macalinimo ee dalka Ingiriiska.

Run ahaantii qaabka ay iskugu xiran yihiin iyo sida ay shaqada ugu caaboon yihiin ma ahan mid aan halkaan ku cabiro karo balse waxaan is leeyahay waa ururka kaliya oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay maamulaan kuwaas oo wax ku bartey dalka Ingiriiska kuna korey, waxaana la taliye u ah garsoore C/Qadir Caddaay oo siiya wixii talooyin ah ama sidii ay xiriir ula samayn lahaayeen bahda Sports Soomaaliyeed.

Waxaan kala qayb galay oo aan soo daawaday ciyaar aad u xiisa badnayd ee kooxda WPSC ay kala hor tageen koox ka dhisan magaalada Manchester, ciyaartaas oo xiisa badnayd waxay guushii ku raacday kooxda WPSC under 13.
Macalin Mohamed Salim waa nin dhalinyaro ah haystana shahaadada macalinimo heerka 2aad ama (level 2 England), isla markaana ka shaqeeya Man City Youth Academy oo ku taal magaalada Manchester, run ahaantiina waxaan is leeyahay Mohamed Salim waa nin mustaqbalka wax weyn ku soo kordhin kara kubadda cagta Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd xaga macalinimada, madaama macalimiinta laylisa xulka Soomaaliya waxaa ka maqan qibradaha iyo qaab tababarka cusub ee wadamada ku horumarey kubadda cagta, marka waxaa la joogaa xiligii ay dib u fekeri lahaayeen XSKC inay raadiyaan ama u heli lahaayeen macalimiin da' yar oo fikrado cusub ku soo kordhin doonta xulka dalkeena, Mohamed Salim-na waxaan u rajaynayaa inuu sii wato dadaalkiisa iyo waxbarashadiisa isla markaana uu xooga saaro inuu meel fiican ka gaaro kooxda Manchester City Youth Academy mustaqbalka insha Allah.

Bahda Sports Soomaaliyeed -na waa inay hada kadib xooga saraan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed gacan ka siiyaan sidii ay iskood wax ugu qabsan lahaayeen madaama dhalinyaradaan ay yihiin kuwa af fahmi kara jiilka yar yar ee Qurbaha ku dhashay, balse wixii talo ah ka siiyaan iyo waayo aragnimadooda

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London


 

Ciyaaryahan Magan Daahir Yusuf oo Soomaalida Dagan Wadanka Holand ay u Sameeyeen Xaflad Soo Dhaweyn ah.

Waxaa lagu Qabtay Magaalada Aplehsha oo ku Taala Gobolka Freesland ee Woqooyiga Wadanka Holand Xaflad lagu Soo Dhawenayo Ciyaaryahan Magan Taahir Yuusuf oo Ciyaara Ciyaarta Kubadda Miiska Kana Tirsan Naadiga D.O.V iyo Xulka Qaranka Kubadda Miiska ee Wadanka Holand.

Xafdladan oo ay Soo Qaban Qaabiyeen Xubnaha Jaaliyadad Soomaalida ee ku Nool Goboladda Freslan iyo garonigan oo ku Yaala Woqoiyiga Wadanka Holand ayaa waxaa soo abaabulay Ciyaaryahay Bashiir Aadan Diini oo ay Asxaab hore isla ahaan Jireen Ciyaaryahay Magan Daahir Yuusuf islana Ciyaari Jireen Ciyaarta Kubadda koleyga iyada oo lagu Maamuusayay Guulaha waaweyn oo Ciyaaryahay Magan Daahir ka soo hoyay Ciyaarta Kubadda Miiska ee guud ahaan Wadanka Holand ka dib Markii uu ku Guuleysatay Ciyaaryahan Magan Koobka 12 top ka Kubadda Miiska oo uu Kaalinta 1aad ka galay Guud ahaan Ciyaarta Kuabdda Miiska ee Wadanka Holand,

Hoolkii ay Xafladda Ka dhaceysay oo Markii uu Ciyaar yahan Magan Daahir Yuusuf soo Galayay Lagu soo Dhaweeyay Si Qiirad iyo Wadaninmo Leh ayaa Dadku Waxaa ay ahaayeen kuwo ku soo Dhaweeyay iyaga oo Ruxayay Caleemo Qoyan,Sidoo kale Fanaaniinta Kala ah:Beeji iidi Ramadaan iyo Xamasto Sheekh Cabdi ay halkaas ka Qaadayeen Heeso Wadani ah oo ay la Qiiroodeen Dadkii halkaas iskugu yimid.

Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusf oo la hadlayay dadkii Xafladaas ka soo qayb Galay ayaa Sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Xafladda ay Soomaalida u Sameeyeen isaga oo Sheegay in Tani ay ka mid tahay Boqolaal Xaflado Hore oo ay u Sameeyeen Soomaalida ku Nool Qurbaha Balse tani ay uga Duwantahay Maadaama Buu yiri ay ka Muuqato Qiiro wadaniyeed iyo Xamaasad ayna Soo Qaba Qaabiyeen Asxaabtiisii Hore ee Ciyaaraha iyo sidoo kale Dhalinyarada Mustaqbalka isaga oo ku Guubaabiyay Dhamaan Dhalinyarada in ay Jaaniska ka Faa,ideystaan Gaar ahaan kuwa Ku cusub Wadanka Holand ee Dhawaantaan soo galay isaga oo tusaale u soo Qaatay naftiisa oo uu sheegay in waqtiga uu imaanayay Holand in uu ahaay Sida ay Haatan Taaganyihiin oo kale Ka dibna Gaaray Heerka uu Maanta Taaganyahay.

Xafladan ayaa Sidoo kale waxaa ka soo Qaybgalay oo khudbado Xamaasad leh Halkaas ka soo Jeediyay Agaasimaha Warbaahinta Waagacusub Daahir Cabdulle Calasow iyo Madaxa Dhalinta Waagacusub ee Dalka Holand Bashiir Aadan Diini iyo Marti Sharaf kale oo aad u fara badan oo halkaas lagu Casuumay.

Waxaa sidoo kale Goob joog ka ahaa xafladda Madax ka socotay Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P oo uu ka mid ahaay Gudoomiyaha Xisbiga S.Y.U.P Md:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.deeq) iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Md: Cali Daahir Ciid(Cali Dheere) iyo Madaxa Tababarada iyo Dhaqan Celinta Dhalinyarada Md;Jaabir Cismaan iyo Mas,uuliyiin kale oo ka socotay Xubnaha Jaaliyadad Soomaalida ee wadanka Holand.iyo warbaahinta Soomaalida Qaybaheeda kala Gadisan.waxaana la is xasuusiyay in Muhim ay tahay in Dhalinyarada Qurbaha ku Cusub Xiligan uu Magan u Yahay Darsi ay ku Dayadaan oo uu qof walibana hirgalin karo waxa uu jecelyahay hadii uu dadaal dheeraad ah sameeyo sida Ciyaaryahan magan Daahir oo kale.
 
Gabagabadii xafladda ayaa Ciyaaryahan Magan Daahir Waxaa la Gudoonsiiyay Abaalmarintii loogu Tala galay iyada oo Hoolka xafladda ka Dhaceysayna ay ku Ciyaareen Qaar ka tirsan Dadkii ka soo Qaybgalay Xafladda Ciyaaraha Qoob ka ciyaarka iyaga oo Muujinaya Farxadda ay u Qabaan in Mar uun in ay la Kulmaan Ciyaaryahay Magan Daahir iyada oo la arkayay Qaar Fara badan oo ka Tirsan Dadkii halkaas iskugu yimaday oo ka Dalbanaya Ciyaaryahay magan in ay la Qaataan Sawiro iyo iyaga oo ka dalbanaya in uu Saxiix u sameeyo.

Xafladan ayaa waxaa ay ku soo gabagabowday sidii loogu tala galay iyada oo dadka xafladda soo agaasimay iyo kuwa ka soo qaybgalayna la arkayay in Waqtiga uu aad ugu yaraay oo ay dalbanayeen in Ciyaaryahan Magan daahir uu la sii joogo waqti intaas ka badan Xiisaha ay u qabaan kaliya,Waxaana uu Magan balanqaaday in ay isku arki doonaan Marar kale Xaflado sidaan oo kale ah.

Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Appelscha,Friesland,Netherland
GSM : 0031643642191
E-mail:deeq1982@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS