
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo soo dhaweynaya Dowlad Midnimo Qaran,
laakiin ka soo horjeeda Halbeegga “4.5”
Dhamaan xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay si aad ah u soo
dhaweynayaan in Shacabka Soomaaliyeed ay samaystaan Dowlad Midnimo Qaran oo ay
ku midaysan yihiin dhamaan Beelaha Soomaaliyeed.
Muddo 18 sanadood ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaallo,
rafaad, Jahwareer iyo Abaaro, sidaas darted Shacabka maanta waxay diyaar u
yihiin inay helaan dowlad shaqaynaysa oo ay dhibka uga baxaan, iyo nidaam
Caddaalad ku dhisan oo ay wax ku qeybsadaan, si looga gudbo isku dhex
yaacsanaanta hadda lagu dhex jiro.
Qabanqaabada ka socota Dalka Jabuuti waxaan u aragnaa inay ku bilaabaty jawi
wanaagsan, taasoo ah in Cadamadii Cadowga Itoobiya naga baxaan iyo in kooxihii
iska soo horjeeday ay miis soo wada fariistaan, waana arin lagu farxo waana soo
dhaweynaynaa.
UWS wuxuu ka soo horjeedaa Qaabka lagu wado in lagu saleeyo Dowlad midnimo
Qaran. Qaabkaasoo ah “4.5” oo u dhiganta 4 beelood iyo bar.
Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida midna kuma xusna beelo la
yiraahdo waa bar. Waa mabda’ Xaaraan ah oo ku salaysan Sad bursi, Xaqdarro iyo
Caddaalad darro, waxaana haboon in laga tanaasulo oo beelaha laga dhigo tiro 5
ah oo si siman wax loo qeybsado.
Taariikhda marka dib loogu noqdo mar jirto tirokoob sheegaya sida ay beelaha
Soomaaliyeed u kala badan yihiin, weli Soomaaliya kama dhicin tirokoob beeleed
oo lagu kala tirinayo Beelaha Soomaaliyeed. Sida la wada ogyahayna ma jirto beel
beel ka badan.
Dowladihii horey loogu soo dhisay Jabuuti iyo Nairobi ayaa lagu salaayey hab
dhaqan Soomaalida ku cusub oo lagu sheegay “4.5”. waxayna sababtay in dhibaato
lagala kulmo, waxaana si caddaan ah loo wadada arkay inay shaqeyn weysay habka
wax qeybsiga ah ee ku salaysan “4.5”. Dagaalo, Burbur iyo Barakac hor leh laga
sii qaaday.
Habkii Xaqdarada ahaa ee “4.5” oo horey loogu fashilmay ayaa mar kale lagu
wadaa in wax lagu qeybsado, iyadoo la iska hilmaamay Fashilkii iyo dhibaatadii
horey loogala kulmay.
Hadaba Mowqifka UWS wuxuu taageersan yahay in la dhiso Dowlad Midnimo Qaran
oo Soomaali oo dhan ay ku midaysan yihiin, laakiin waxaan shacbiga Soomaaliyeed
iyo Madaxdoodaba kula talinaynaa inay ka waantoobaan nidaamka xaqdarada ku
salaysan ee ah “4.5”. dibna u fiiriya dhibaatadii horey loogala kulmay.
Mahad Allah (SWT) ayaa iska leh
Mahadsanidin Dhammaantiin
Abdullahi Jama Mohammed
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Toronto, Canada
info@waddaniga.org
www.waddaniga.org
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009