SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SAXAAFADA IYO AKHLAAQDA WACAN

Turjumad aniga igu Gaar ah

Runtii ma ihi markayga hore nin ka Tirsan Group-ka Saaxaafada, waxaan ku qoraa qoraal ka turjumaya figradayda wixii Saaxaafada raba in ay wax u sheegtaan ama wax ka sheegtaan ha la xidhiidheen. dhanka kale anigu saxaafada ma kala jecli uun waxaan qoraalkan u isticmaalayaa in laga faa’iidayto dhankasta oo qofku ka fahmo wax, waayo waxaa inagu soo batay Dad aan u tababarnayn Saxaafad rabana in ay ka shaqeeyaan Taas koo ka dhigaysa in Koranto uusan ogayn faraha kula jira una baahan in looga digo

Waa maxay Warbaahinnta Xorta ah?

Warbaahinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaani meel ay joogtaba waa iftiin iyo ileys horseed ka ah nolosha ummadi leedahay, majaraha ay ku socoto iyo wakhtiga ay ku jahaysan tahay. Saxaafadda wax ku oolka ahi waxay sawirtaa shay qarsoon . Arrin kasta oo saxaafaddu soo bandhigayso waxay u soo bandhigtaa hab iyo hanaan, hubsiino, miyir iyo miisaan ku dheehan yahay. “aan been iyo mala Awaadh lahayn” Abwaan Soomaaliyeed ayaa yiri

“Qoom waliba waxa uu galuu gudo karaankiisa

Taariikhda guunkaa xafiddoo laga gorfeeyaaye

Xaqiiqana go’ lama saari karo gebi ahaanteede”

Waxay soo bandhigtaa wakhtiga ku habboon. Waxay raacisaa talooyin iyo tusmooyin. Waxay ka digtaa waxyeellada ka iman karta iyo saamayntiisa.

Hadba Saxaafiadii ka soo baxdsa waajibaadkeeda waxay heshaa Somcad waxaana kordha miisaan keeda ay ku dhex leedahay Bulshada taasna waxay ku mutaysataa in ay hesho isku duubni oo dhanwalba leh sida runta ah Saxaafadu waa ifiyaha wixii jira iyo muujiyaha wixii dhacay markhaatiga xaaladkasta waxayna ku mutaysanaysaa marka la helo shuruudo badan

Waxana la isla ogol yahay Saxaafadu in ay ka kooban tahay

  • v Wariye
  • v Warbaahin ah” Sawir iyo muuqaalkii wariyeha oo toos ah”

Maxaynu ka nidhi saxaafadda

Marka horeba waa in saxaafaddu ka soo jeeddaa - ummadda iyo waayaheeda

Waa inay saxaafaddu tahay sawirkii ummadda oo dib loo tusayo si ay isu daawato.

Waa inay ilaaliso midnimadda iyo maslaxadda ummadi leedahay

Waa in xilka saxaafaddu yahay toosin iyo talo bixin, “ee aan lagu caayin Culuumada, ismida cuqaasha , madaxda umadi Dooratay Beena aan la faafin”.

  • Waa inay xambaarsan tahay nuxur iyo mug marba marka ka dambaysa isa soo tara ee aan noqon sida Xareed Gudhay..
  • Waa inay tahay macalin “laqan” ah oo dadka wax bara, waxna ka barta
  • Waa inay isku xidho Dadka iyo Diintiisa si dhaqanka loo wada ilaasho
  • Waa inay iska wada gufayso gododka bahalo galeenka ah iyo wixii dhib keenaya
  • Waa inay difaacdo xoriyadda iyo xuquuqda Islaamka
  • Waa in Diinta iyo Dedkeeda hiil iyo hoo la barbar taagan tahay.
  • waa in ay leedahay sharci u degsan iyo dhabo ay raacdo
  • Intaasoo dhan iyo in ka badan waa suxufiga iyo saxaafadda is waafaqsan oo jira meelo badan oo adduunka ah.

Mar haddii Saxafadu ahayd mid ka dhex shaqaynaysa Dad Islaam ah oo ku xidhan Diinta waa in aanay noqon mid ay iskaga Khaldan yihiin qorsha ayaashu ee ay u bisishahay mandiqada ay joogto ku loollamaya , gaaladu waxay isku garabsadeen in muslimiinta somaliyeed shaqo laga qabto. Waxaase ayaan darro noo ahayd in somalidu aysan helin Saxaafad Aqoon leh oo u soo hiilisa Diinteeda iyo Dalkeeda waxaa inta badan Soomaalida Saxaafad u ahaa wagii Hore Sugaanta oo ay wax isugu marinjireen waxaana suugaanta soomaaliya ugu caansanaa tii uu tiriyey Zayid Mohamed Cabdulle Xasan Taasina waxay sababtay in somalidu ay ilaa manta hesho halqabsi aan marna laga daalin markii manta qofkastaa sheegtay in uu yahay Suxufu waxaa las dhacday in ay u nuglaato oo lagu fuliyio dhamaan qorshayaalkii loogu talagalay .Kuwaas oo ahaa;

1) In qaran Somaliyeedba laga masoxo Maskaxda Dadka. Taas oo ifa faaleheedii ugu horreeyay uu soo baxay 1991kii, ay Jabhadii SNM samaytay Maamulka ay ugu magic dartay Somaliland .

2) In la tirtiro riyadii ahayd dhisidda Somali-weyn oo markii horeba aan si fiican loogu guulausan

3) In laga shaqeeyo oo la fududeeyo sidii Jamhuuriyaddii Somaliya lafteeda loo hoos geyn lahaa dawladda masiixiyadda ee la rabo in geeska Afrika laga yagleelo. Si taa loo fuliyana waxaa la qaaday tallaabooyinka soo socda

In la dhiso ururro qabiil ku saleysan oo lagu wiiqo awooddii Jamhuuriyadda,marka ay salka dhulka la heshana isla iyagaas loo adeegsado sidii aysan dawlad dambe u soo noqon lahayn .

In shacabka gudaha lagu gubo oo nabad iyo degganaansho loo diido , dhaqaalaha ummaddana afka dhulka loo geliyo, iyadoo la adeegsanayo qorshayaal ay dajiyeen hay’ adaha ka shaqeeya masiibooyinka ummadaha sida IMFta iyo waxa loo yaqaan bangiga adduunka oo runtii ah hay’ ado yahuudeed.

In la abuuro colaado iyo dagaallo-qabiileed oo dadku isku nacaaan kuna kala dhintaan.Hubkii iyo dhaqaalihii lagu gubi lahaana loo soo dhiibo dhuuni raacyo soomali ah.

In sinjiga somaliga ah la gala diriro oo laga fogeeyo diintiisa, iyadoo loo marayo saddex wadiiqo oo ah

§ In si toos ah loo gummaado culimada diinta, Xarakooyinka islaamiga ahna la ciribtiro. Maadaama ay yihiin cidda keli ah ee dareensan belaayada ummadda loo maleegayo, lana socota cidda ka dambeysa,weliba ku dhiirrata ka hortegiddeeda.

§ In shacabka laga baabi’iyo akhlaaqda iyo anshaxa iyadoo la adeegsanayo daroogooyinka iyo aflaamta jinsiga ah.

§ In gebi ahaanba ummadda la sal kiciyo, loona qixiyo yurub, arlo gaalo iyo meelo daran,iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in ay dhalan rogmaan,oo inta ay ku dhex- milmaan dadyowga loo geynayo ay si fudud u gaaloobaan

Inkastoon ku dheeraaday Maqaalkan oo aan ugu Tala galay Tilmaanta iyo Toosinta Saxaafada hadana waxaa uu ila galay xaasaasiyado aniga igu beeran inta badan waxaan ka raali galinayaa Akhristaha intaan ka lumiyey wakhti iyo sida aan ugu dheeraaday

cabdi abshir <ibnu_abshir@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS