HIMILADA Shiekh Sharif, SHIRKA JABUTI IYO MUSTAQBALKA GUUSHA
Intii ay duntay Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa isoo tarayey Rag shaatiyo
waween oo matala qabiladooda ayagoo wax ku qaybsada laba arin mid waa, aaway
xaqa tulkayga midna waa aaway waxan aniga laha, tani waxan dareemayey markii aan
muddo daraseyey in uu ka foojignaan doono SHaqsiga leh fikirka shirka Jabuuti
balse way noqon wayday marka aan ka hadlayo shaqsiga waa Shiikh Sharif Shiikh
Axmad
2006 Sheikh Sharif waxaa uu Laha Tageero aad u tiro badan Dalka iyo Dibadiisa
lakinse intii uu helay xoriyad ka duwan saxibadis Howdka Raas kabooni moddada ku
jiray waxa uu sii waynayey Taageeranimadiisi,
Kumanaan kun ayaa hada tageeraysa qaarna waa ay ka soo horjeysteen kuwana isha
ayeey ka fiirsanayan bal hadafka uu gari doono, lakinse Rag badan oo
himileenayey in Shiikh Sharif uu keeni doono Isbadal ayaa ku tilmaamay in uu ku
guul daraystay wax yaabo tiro badan ayado sharaxad ka bixinaya ayeey ku
tilmameen
Waxaa uu ku guul daraystay in uu mideeye Sheikh Sharif Dhamaan Saxibadiisi
xabada dhabarka oga hayey Ethiopain ka waana arinka uu kula gor gortami jiray
Beesha Calamka
2006 Markii ay jireen Maxkamadaha Islaamiga ayaa hada sanadaan waxaa jira Dhoor
iyo Toban firqo, oo mid kastaba doonaya waji ka gadisan mid ba midka kale.
Shiekh sharif hadii uu iska indho tiray ayuu u jaleecay dhanka Beesha Calamka
waxa uu kale uu ku guul daraystay Baarlamaan ku sheega uu himileenayo taas oo
quburo tiro badan ku sheegeen waa jahwareer horleh oo lagalinayo Soomaaliya
ayadoo aan lahayd ilo dhaqaale oo mareen kara Baar lamaan ka tirada badan ee
gaari doona 550 xildhibaan oo kala fikrada duwan, hadii tani uu door biday in ay
tahay mid looga samatabaxayo xaalada adag ma ku guleysan doona in Tastuur ahaan
lugu xukumo Wadanka Kitaabka Alle oo laga gudbo Tastuurka Xagasha Dimogaradiga u
jaleeca madaba udub dhaxadka Isbahasiga Dib u xoreenta ay ku salaysan tahay in
wadanka lugu xukumo Diinta Islaamka
Jabuti waxaa ka soo socda
Jabuti waxa lugu agleelaya Dowlad midnimo qaran xabaarsan hadii lugu gulayso
malaga yaba in fikir ahaan ay midoobi doonaan baarlamaanka gudihiisa madaba
labada qaybood midba fikir gooni ah uu amin sanyahay, barlamaankii hore waxaa uu
amin san yahay sharci dimogaraadi ah halka kan cusub ay ka dhex muqdaan culuma
sharciga islaanka ku adag oo doonaya isbadal Dimeed waa su aal inta badan ay
isweydiinayaan Soomaalibadan oo ah aqoon yahano
waxaa adag in aan sharaxaad ka bixiyo Mustaqbalka Guusha, balse waxan dusha ka
meeraya guusha waa tan Alle, ayadoo wax kasta ay ku socdaan waxaa uu Alle uu
qadaray ayaa hadana waxaa jira sadalin la adarooso, hadii aan wax yar dusha ka
tilmaamo waa ay adagtay xaalada hada Soomaaliya
waayo waxa ka jira Fikrado Mucaarad badan oo ka dhex taagan iyo rajo ay
rajeynayaan in ay soo noqdaan Hogomiye Koxeedyadii Soomaaliya balse waan arki
doona hadii Nafta aan ku waarno
Mohamed ALi Maslah
Nairobi Kenya
mohalimaslah@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2009