SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Car gaalkayaga xabad dambe ku rid !

Sidii loo ordayey ayaa mar qudha la is wada taagay, shag!.

Dadku waxa ay si xamaasad iyo caro leh ugu qamaamayeen cadaaw laga xoog roonaaday oo muddo dheer la is hayey. Kollay wixii ay geysteen lagama wada jari karo eh, waxa la is lahaa iyagana wax uun gaadhsiiya, xanuunka ha idinla dareemaane. Dabcan waa la xanuujiyey. Dabadeedna baqo xeeladaysan ayey dabada-jeediyeen. 

Laakiin qaybo badan oo cadowgii ka mid ahi, weli meelahoodii ayey dhufayska kaga soo jiraan oo may raacin kuwa baqo cararay. Waxa ay goobta ugu hadheen bal in gurmad kale soo gaadho. Markii dadkii qamaamayey ay u jeesteen dhinacii haraadiga cadowga,  ayuunbay qaar is hor taageen dadkii qiiraysnaa ee qoryaha keebka haystay. 
 

Xabadda ka joojiya! Xabadda ka joojiya!  Xabadda ka joojiya Kuwani waa gaaladeeniiye!!  Ayaa laga maqlay  afka dadkii hormoodka u ahaa kacdoonka qaarkood.

Hadalkaasi waxa uu dhegaha  dadka ugu dhacay sidii hanqarka roobka oo si lama filaan ah uga yeedhay meel aan wax daruur ahiba joogin. Shoog ayey dadkii isla taageen. Shib! Waa la wada aamusay.

Dabadeedna waxa meel kore isku taagay dad fara badan  oo noocyo badan. Qaarkood si fiican ayaa loo garanayey, qaarkoodna waa la badh garanayey, qaarkoodna ilaahay uunbaa garanayey. Waxayna isku deyeen in ay joojiyaan mawjaddan dadka ah ee sidii daadka rogmanaysa. Mid ka mid ah ayaa hadlay, wuxu yidhi:

Adeerayaal cadowgii wuu baxay. Dagaalkii aanu rabnayna wuu dhammaaday. Markaa qoryaha ha la iska dhigo oo dib u dhiska ha loo soo jeesto. Gaaladan  soo hadhay ee aad arkaysaanna waa gaaladeenii. Gaaladeenu Cadow ma aha ee cadowgu wuxu ahaa qolada kale gaaladooda!

Gaaladeenii ! gaaladoodii! Yaah! Cajiib! Muxuu toloow ninku hadalkan ula jeedaa? Waxa sidaas is waydiiyey Maxamed-cadde oo ah wiil dhalinyaro ah oo qori AK47 ah laalaadsanayey.  Wuu iska dhaqaaqay isaga oo dhinac ka dhaafay xannibaaddii la hor dhigay qulqulkii dadka. Wuxu toos u abaaray haraadigii cadowga. Waxa ka daba dhaqaaqay boqollaal dagaalyahan oo dhammaantood ku gaashaaman qalabkii geerida, dhididkii iyo dagaalkii rafaadkuna ka muuqdo korkooda. Waxa ay jilibka dhigeen meel u muuqata halkii haraadida cadowgu dhufayska kaga jiray.

Halkii lagu xannibay mawjadihii dullaamayey ee dadka waxa weli korkooda ka qaylinaya raggii iyaga ahaa. Kolba waxa ay ku dhawaaqayaan hadallo la yaableh oo dadka lagu karaar jebinayo. In badan ayaa niyad xumaatay oo meeshii iskaga dhaqaaqday. Qaar kale ayaan dhegba jalaq u siin oo u tabaabushaystay garaacidda haraadiga cadowga. Qaar kalena waxa ku duxay warkooda. 

Dadkii  duuduubka ku liqay nimanka meesha kore saaran warkooda waxa ka mid ahaa, Gaalo-jiidjiide Axmed. Waa wiil dhalinyara ah oo aad loogu arki jiray goobaha dagaalka oo si laxaadle ula diriray cadowyada isbahaystay ee qabsaday magaalada Muqdisho. Magaca Gaalojiidjiide waxa uu kula baxay, maalin cadowga laga lib roonaaday oo jidka soddonka maydkooda la wadhay, maalintaas ayuu nadar ku galay in uu jiidjiido dhammaan maydadka gaalada ee meesha daadsan. Maalintaa wixii ka horreeyey waxa la odhan jiray Axmed laakiin markan naanays ayaa magaciisa raacday. Gaalo-jiidjiide Axmed.

Gaalo-jiidjiide Axmed iyo koox uu ku jiro oo khudbadihii nimankii meesha kore ha hadlayey ay si xun  u saameeyeen ayaa soo baxay. Waxa ay soo abaareen Maxamed-cadde iyo dagaalyahannadii la socday  oo dhabbagal kaga jiray meel u dhow jidka Maka Al-mukarrama oo ay soo dhoobteen haraadigii cadowga oo dagaal isu diyaariyey. Gaalo-jiidjiid Axmed  iyo ragga Maxamed-cadde la socday waa rag wada qaraabo ah oo is wada garanaya. Laakiin Maxamed-cadde isumay ahayn  qaraabo, inkasta oo ay is fiican isu yaqaanneen. Waxa ay ku kulmeen goobo badan oo cadowga jilibka loogu dhigay. Marar badanna waxa ay goobtii kaga tageen maydka saaxiibo ay lahaayeen. Marar badanna waxa ay isla qaadeen dhaawaca saaxiibo kale. 

Gaalo-jiidjiide Axmed wuu iska soo dhaafay raggiii kale oo dhan oo wuxu is hor taagay Maxamed-cadde oo “keeb la yuurur ah”. Markaa ayuu ku yidhi: Waryaa Maxamed-cadde maxaad meeshan ka samaynaysaa?

    Maxamed-cadde: Walaal nimankii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa  iyo haraadigii cadowga, ayaa halkan  dhufays kaga soo jira oo aanu gaadaynnaa.

    Gaalo-jiidjiide Axmed: Waaryaa dhegayso. Gaaladani waa gaaladayadii. Haddii aad xabad ku riddo  anna adiga ayaan xabad kugu ridayaa. Car gaaladayada xabad dambe ku rid !!.

    Maxamed-cadde waxa ku dhacay shoog kale. indho-madoobaad ayaa ku dhacay. Markaas ayuu amaankii qoriga si degdeg ah u xidhay. Kuye: waar maxaad tidhi walaalo?

    Gaalo-jiidjiide Axmed: Waad i maqashay waxan ku idhi. Haddii aad rabto in aad gaalo la dagaallanto orod oo dhulkaagii kula dagaallan laakiin halkan, kulama dagaallami kartid.

    Marka ay hadalladaas is dhaafsanayaan  Maxamed-cadde iyo Gaalo-jiidjiide Axmed, waxa maqlaya nin ay ilma adeer ruma yihiin Axmed oo dhufayska kaga jira Maxamed-cadde dhinaciisa. Waa macalin Nuur oo labada wiilba si fiican u garanaya. Mid ahaani waa inaadeer kii ruma Axmed oo magaalada Xamar soo galay 1992 isaga oo ka yimid baadiye fog oo uu ku dhashay.  Isaga ayaa ugu horreeyey qof qoyskiisa ah oo magaalada Muqdisho arkay. Aabihii iyo hooyadiina waxay isku guursadeen baadiye fog oo ka baxsan xuduudaha beenta ah. Midka kalena waa Maxamed-cadde oo iskuulka isku maalin la qoray labadooda. Wuxu ku dhashay sanadkii 1980kii degmada Waaberi. Uulada waxa la qoray labadoodaba sanadkii 1986dii iskuulka 21 oktoobar ee isla degmada Waaberi. Hooyadii waxa ay ku dhalatay Xamarweyne, aabihiina xaafadda Xamar jajab. Laakiin sanadkii 1991 ayey qoyskiisa oo dhami ka qaxeen Xamar. Waxa ay degeen gobol fog oo qaar adeerayashii ahi degenaayeen. Waxa ay intaas sugayeen bal in ay magaaladoodii Xamar nabadi ka dhacdo si ay ugu soo laabtaan laakiin waa ay ka soo rayn wayday.

    Maalin maalmaha ka mid ah sanadkii 2007 isaga oo jooga meel fog oo tuulo ah ayuu Maxamed-cadde maqlay dhawaaq u eeg cabasho iyo qaylo dhaan oo hawada ku jira.

    Naga soo gaadhaay! … Naga soo gaadhaay! …. Waar yaa muslinaay….. waar yaa muslinaay! Waar yaa Soomaaliyaay. Hayaaay! Hayaay! Hayaay!.   Naga soo gaadhaay!

    Waar waa maxay dhawaaqa baxayaa? Waar ma maqlaysaan? Ayaa la is waydiiyey. Markaas ayaa dhegta la wada raaciyey. Saa waa la wada maqlay. Maxaa toloow ku dhacay dadka dhawaaqaya? Ayaa la is waydiiyey. Muddo yar ka bacdina xogtii ayaa la helay.

    Qayla-dhaantu waxa ay ka yeedhaysaa Muqdisho. Waxa qabsaday gaalo isbahaysatay oo meelo fogfog ka soo duulay. Dadkii, duunyadii iyo daarihiiba way qarribeen, ayaa la yidhi. Waxa ay u soo duuleen sidii ay Soomaalida sharafta uga qaadi lahaayeen. Waxa ay u soo duuleen sidii ay u burburin lahaayeen sharafta Soomaalida oo ah diinta islaamka. Haddii aan laga gaadhin , dadkaay qaybsadeenna waa ay dhammaynayaa, wixii soo hadhana waa aay dulleynayaan.

    Alla! Ma magaaladaydii? Xamarbaa la qabsadayaa? Ma meeshii ay xuduntaydu ku aasnayd? Ayuu Maxamed-cadde ku muusanaabay.

    Maxamed-cadde iyo 10 barbaar oo uu ku jiro ayaa hubkooda boobay, sahaydoodana u soo qaatay gurmad ahaan. Afar ka mid ah isaga ayey isla dhasheen. Maalmo badan iyo habeenno ayey soo socdeen. Mid walaalihii ka mid ah dhexda ayuu bahal ku cunay oo halkii ayey ku soo aaseen. Sagaalkii  kale waxa ay soo galeen magaaladii Muqdisho oo la kharaabiyey.

    Waxa ay ku hagaageen madaxdii hogaaminaysay jihaadka iyagoo isu xaadiriyey la dagaallanka cadowga soo duulay. Waxa ay madaxdu u sheegen iyaguna ka waraysteen ujeedooyinka dagaalka iyo cidda lala dagaalamayo. Waxa loo sheegay in lala dagaalamayo gaalada soo duushay iyo ciddii u kaalmaysa oo dhan. Ujeedada dagaalkuna waa laba ujeedo oo kala ah; in cadowga soo duulay dhulka laga eryo iyo in kitaabka Alle kor loo qaado oo isaga distoor laga dhigto.

    Maxamed-cadde iyo raggii la socday waxa ay ku dagaal galeen labadaas ujeedo. “Waanu la dagaallamaynaa cadowga ilaa labadaas ujeeddo la gaadho ama aanu shahiidno” ayey ballan kula galeen ilaahooda, madaxdooda iyo shicibkii ay qayladhaantiisu soo kicisayba”

    Laba sannadood oo kulkulul ayuu ka soo gudbay. Cabsi, gaajo iyo hadhsi la´aan ayey u ahayd isaga. Ilaa soddon dagaal ayuu ka qayb galay. Siddeedii nin ee ay rafiiqa ahaayeen dhammaantoodba waa ay shahiideen. Goobo kala duwan oo xaafadaha Muqdisho ka mid ayey ku haleeshay xabaddii cadowgu. Mid waliba markii uu dhulka ku dhacay ayuu ku dhaartay “Wallee waan liibaanay, Laa ilaaha illallaahu, Muxamadun rasuulullaah”.

    Maxamed-cadde qudhiisu wuxu dhaawacmay tiroba dhawr jeer. Laakiin mar walba hal haleel ayuu ugu soo noqonayey goobta faranta si uu u xaqiijoyo labadii ujeeddo ama uu isna u shadiido sidii saaxiibadii.

    Al-xamdulillaah, laba sano ka bacdi waxa laga samir badiyey cadowgii. Kuwoodii ugu xoogga badnaa waxa ay ka ruqaansadeen fadhiisimadoodii caasimadda. Waxase baaqi ah weli qaybihii taagta darnaa ee cadowga oo halis ku ah nabadgelyada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed isla markaa isbaaro u ah hirgelinta shareecada Alle. Waxa ay sugayaan gurmad kale oo la hirgeliya ujeedadooda gurracan. Maxamed-cadde waa kaas hadda dhufayska uugu jira haraadigii cadowga.

    Laakiin waxa hortiisa taagan Gaaljiidjiide Axmed oo ku leh: “Car gaalkayaga xabad dambe ku rid” . Korkoodana waxa taagan rag ku qaylinaya “maxaa gaaladeenna laga rabaa”? Raggan qaarkood wuu garanayaa Maxamed-cadde, qaarna wuu badh garanayaa, qaarkoodna Alle ayuunbaa garanaya. Waxa ay Gaaljiidjiide Axmed ku dhiirinayaan in uu xabadda isaga dhigo  haraadiga cadowga oo hadda saaxiibadood ah.

    Haddaba akhristoow, walaalkayga qaaliga ahoow/walaashayda qaalida aheey; Maxaad yeeli lahayd haddii aad ahaan lahayd Maxamed-cadde? Maxaadse kula talin lahayd haddii aanad isaga ahayn. Maxaadse kula talin lahayd walaalkaa Gaaljiidjiide Axmed? 
     
     

    Maxamed Xirsi Guuleed

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS