Somalia : Taladaad Hore U Seegtay Maantana Ha Seegin
Marka hore waa wax shanta (5) Somaliyeed ku farxaan in Dalka Somalia
xoog iyo xabbad looga saaro Cadowga Itoobiya oo shan boqol (500) oo sano
dagaal cad ku hayay Diinta Islaamka ee Geeska Afrika kuna taamayay sidii
uu u wada qabsan lahaa dhulka Somaliyeed. Guushaas weyn ee laga soo
hooyay cadowga waxay u baahantahay talo iyo go`aan aad looga baaraandego
si loo dhiso dawlad dhab ah oo matasha dadka iyo dalka Somalia una
horseedda nabadgelyo iyo horumar lagaga badbaado dhibaato dambe.
Ummadda Somalia waxay 19 sano ku jirtaa dil, xasuuq, macaluul, burbur,
barakac iyo kadeed nololeed oo aan hore loo arag xaqna ahayn in la
mariyo. Dhibaatooyinka laxaadkaas leh waxaa toos uga mas`uul ah
Siyaasiyiinta iyo dagaal ogayaasha Somalia oo aan marnaba dadkooda u
oggolaan inay dhistaan dawlad ay iyagu leeyihiin oo ka talisa wanaagooda.
Waxaa markasta fursadaha qaaliga ah ee dib-u-heshiisiinta looga qaadaa
xukuumado iyo baarlamaano lagu magacaabo “Sal-ballaar” oo ka kala socda
5ta Somaliyeed ( Somalia , Somaliland, Jabuuti, Somali Galbeed (Itoobiya)
iyo Waqooyiga Bari ( Kenya ). Kooxaha ku jira “Sal-ballaartaas” ee kala
socda Somaliland, Jabuuti, Somali Galbeed (Itoobiya) iyo Waqooyiga Bari
(Kenya) cidna ma matalaan, awoodna uma laha inay tagaan dalalka iyo
gobollada ay sheegtaan inay matalaan. Kuma laha Somalia meel laga soo
doorto mustablka. Waxay halkaas u tagaan oo keliya inay fushadaan dano
gaar ah. In badan oo ka mid ah kooxahan waxay dadka iyo dalka Somalia ka
galeen qiyaamo-qaran iyo dembiyo culus iyaga oo ka qaybqaatay ku soo
hoggaamintii Somalia Cadowga Itoobiya ee geystay dhibaatada laxaadka leh
una adeegeen intii uu dalka hastay. Waa danaystayaal aan ka naxayn
masiibada ku habsatay ummadaas.
Dhammaan wasiiradii iyo xubnihii baarlamaanada ee loo dhisayay Somalia
laga soo bilaabo 1991 kana kala socday Somaliland, Jabuuti, Somali
Galbeed (Itoobiya) iyo Waqooyi Bari (Kenya) waxay hagardaamo,
maro-habaabin, jaah-wareer siyaasadeed iyo lugooyo ku hayeen Somalia
kana lumiyeen fursadaha is-fahamka iyo dib-u-heshiinta ay Somalia ku
dhisan lahayd dawlad ay leedahay oo u horseedda nabadgelyo iyo horumar.
Waa arrin la yaab leh in kooxo aan cidna matalin oo dulsaar ah ay ka
tirsanyihiin awoodna ku leeyihiin xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia
sida ay raabaana uga hadlaan waxay rabaana ku kacaan. Haddaad eegto
xukuumadaha iyo baarlamaanada Somaliland iyo Jabuuti kuma jiraan xubno
ka socda Somalia, Somali Galbeed iyo Waqooyi bari Kenya waayo waxay gef
weyn ku tahay qaranimadooda in dad aan u dhalan ay la qaybsadaan
dawladnimadooda kana dhigaan dal iyo dawlad aan la kala lahayn sida
Somalia oo noqotay raq cid kastaaba cunto.
Dadka Somalia weli ma is-weydiiyaan cidda ay matalaan iyo meesha laga
soo dooranyo mustaqbalka dadka ka buuxa baarlamaankooda iyo xukuumadooda
ee u dhashay Somaliland iyo Jabuuti kuwaas oo aan tegikarin dhulkooda.
Dadka Somalia ma is-weydiiyaan kooxaha ka socda gobollada la gumaysto ee
Somaliyeed cidda ay matalayaan iyo meelaha laga soo dooranyo mustaqbalka.
Miyaanay waajib ahayn inay dadkaasi xoreeyaan dhulkooda la haysto inta
ay ku soo qulqulayaan Somalia una ordayaan jagooyin dawlad dal kale oo
ka jeedinaya xoraynta dhulkooda, hagardaamo, boob iyo dibindaabyana ku
ah dawladnimada Somalia . Sidee suurto gal u tahay in dad la gumaysto ay
dawladnimo dal kale boobaan. Adduunyada waxaa maanta ka jira 200 dal
waxayna arrintaasu ka dhacdaa Somalia oo qura. Xubininmada Baarlamaanka
iyo jagooyinka wasiiradda xukuumadda dal waa halbowlaha iyo tiirarka
dawladnimada astaanta u ah ummad madaxbanaan markaas waa mustaxiil inay
noqdaan waxaan la kala lahayn ama lagu khamaaro dabadeedna laga dhaxlo
dawlad la`aan iyo bur bur.
Dadka qaar marka ay faaladan akhriyaan, waxaa laga yaabaa inay igu
eedeeyaan inaan Somalida kala qaybinayo ama aqoonsi u doonayo Somaliland
. Kuwaas waxaan leeyahay, Somalida gumaysi ayaa shan (5) meelood u kala
qaybiyay qarnigii 19aad, Afrika oo dhanna kala qoqobay xuduudahana u
sameeyay. Jabuuti waxay dooratay dawladnimo gaar ah oo diiday inay ku
soo biirto Somalida xorta ah. Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen laba
dal oo xoroobay 1960 dabadeedna kala noqday 1991 kadib markii
dhibaatoweyni soo gaadhay dadka Somaliland haddana dhistay dawlad u gaar
ah. Somali Galbeedka (Itoobiya) iyo Waqooyi Bariga ( Kenya ) weli waa la
gumaystaa lamana oga waqtiga ay xoroobayaan. Markaas qofka ku doodaya
waxbaa la kala qaybinayaa miyuu hayaa figrad iyo awood uu isugu keenayo
maanta 5ta Somaliyeed? Jawaabtu waa maya. Waxay noqonlahayd xoog iyo
sharaf u soo hoyata Somalida haddii la helilahaa dalweyne Somaliyeed oo
ka kooban 5ta Somaliyeed kana dhasha Geeska Afrika laakiin maanta lama
hayo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Miro gunti ku jira looma daadiyo
miro geed saaran." Waxaan uga jeedaa Somaliyaay aayahaaga ka tasho oo
hadimada iyo hoosaasinta diid.
Waxaan kula talinayaa siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanada
Somalia (Koonfurta) inay joojiyaan hodidda ay ku hayaan ummadooda, inay
khayaaliga iska dhaafaan oo xaqiiqda iyo runta u soo noqdaan. Maanta ama
xilligan la joogo suurto gal ma aha hirgelinta figradda Somaliweyn oo ah
shanta (5) Somaliyeed oo la wada hoos keeno hal calan iyo hal dawlad.
Riyadan ama hammigan qof kasta oo Somaliyeed waa qabaa laakiin macquul
maaha in waxaan suurtogal ahayn maanta lagu sii baabi`iyo ummadda
Somalia . Figradda ah Somalidu waa isku dhaqan, af iyo Diin dabadeedna
waxba lama kala laha waa figrad halis ah waayo waxay horseedaysaa
dawladnimo la`aan, fawdo iyo jaahwareer. Dalalka Carbeed oo ka kooban 18
dal waa isku af, dhaqan iyo Diin haddana waa kala dawlado mana jirto
maanta wax lagu magacaabo Carabweyn. Masar, Suuriya iyo Leebiya ayaa mar
midoobay waysa burburtay muddo yar ka dib markii ay heshiinwaayeen.
Xilligan Somaliweyn waa rajo la mid ah Carabweyn oo aan la ogayn waqtiga
ay hirgelayso markaas dadka Somalia yaan waqtiga qaaliga looga lumin
loogana horjoogsan dawladnimadooda dhibaata daba-dheeraatay ka
saarilahayd.
Dawlad lagu saleeyo shanta (5) Somaliyeed waa dawlad la`aan, waa
jaah-wareeraan bilow iyo dhammaad midna lahayn, waa hugun beenaad aan
waxqabad lahayn, waa hagardaamo iyo hadimo, waa lugooyo waana arrinta
Somalia u horseeday 19ka sano halaagga iyo buruburka. Somaliyaay
taladaad hore u seegtay maantana ha seegin. Maanta ayay fursad
dawladnimo idiinku dhawdahay, sameeya baarlamaan iyo xukuumad ka soo
jeedda dadka iyo dalka Somalia ee ka kooban:Banaadir, Sh/Hoose, J/Hoose,
J/Dhexe,Gedo, Bay, Bakool, Sh/dhexe, Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal
iyo Bari dhistana dawlad idiin gaar ah oo u naxda dadkeeda, midaysa
waxna u qabata, iska erya dadka aan cidna matalin ee hantidiina iyo
dawladnimadiina boobka ku haya idiinna diiidan inaad heshaan nabadgelyo
iyo dawladnimo aad ku nasataan kuna horuumartaan.
Shirka dhawaan lagu qabadoono Jabuuti ee la rabo in lagu soo dhiso
baarlamaan, madaxweyne iyo xukuumad waxaa ka muuqda saansaanka kuwii
hore ee la majaro-habaabiyay kuna salaysnaa wufuud ka kala socota 5ta
Somaliyeed (Sal-Ballaar). Waxaa dadka Somalia looga digayaa in SHIRKAAS
JABUUTI lagu soo dhiso dawlad kale oo sal-ballaar ah oo fashilanta sida
kuwii hore waxaana loogu baaqayaa in baarlamaanka, madaxweynaha iyo
xukuumadda lagu dooranayo ka soo wada jeedaan dadka Somalia (Koonfurta)
si dhibaatada Somalia guul looga gaadho. Haddii maantana lagu saleeyo
Somaliweyn oo aanay imanayn Somaliland iyo Jabuuti welina Somali Galbeed
iyo Somali Waqooyi Bari la gumaysto sow markaas u fashilmayso sida kuwii
hore lagana dhaxlimaayo dhibaatooyinka oo ku sii socda ummadda Somalia
oo aan la garanayn waqtiga ay dhammaan. Haddii arrintaasu maantana
dhacdo waxaa mas`uuliyadeeda qaadidoona siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka
iyo indheergaradka Somalia oo aan weli fahmin waxa xalka dhabta u ah
Somalia maanta taas oo ah dawlad ka soo jeeda dadka iyo dalka Somalia (Koonfurta).
Laga bilaabo dawladii sal-ballaarka ahayd ee lagu soo dhisay Shirkii
Jabuuti sannadkii 2000 waxaan qoray dhawr maqaal oo aan Somalia uga
digayo dawlad aan la kala lahayn oo lagu magacaabo Sal-Ballaar kuna
dambaysa burbur sii dheereeya dhibaatada. Waxay u dhacday sidii aan u
saadaaliyay maantana tii oo kale ayaa Jabuuti laga abaabulayaa iyadana
waan ka digayaa. Maqaaladaas hore waxaa ka mid ahaa: Shadow Peace Talks
For Somalia, The Only Road To Peace For Somalia, Jidka Nabadda Somalia
iwm.
Waxaa siyaasiyiinta Somalia looga digayaa qadafka iyo xad-gudubka
joogtada ah ee ay kula kacaan walaalahooda Somaliland iyaga oo markasta
u nisbeeya dad ay u uruursadaan oo aan matalin. Ummadi ummad kale xoog
kuma keenikarto shakhsiyaadna dal iyo dad ma keenikaraan. Arrintaas
waxay sii kala fogaynaysaa labada ummadood ee walaalaha ah isla markaana
waxay caqabad ku noqondoontaa wadahadalada mustaqbalka.
ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com