SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Talo u Soo Jeedin :-Maamulka Cusub ee P/Land

Waxaan Salaamayaa Madax waynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka loo Doortay Hogaanka P/Lannd 08/01/2009 Waxaan Idin Leeyahay Waxaad Qaadeen Mas,uuliyad Wayn Waxaad Qaadeen Ammaano Cirka iyo Dhulkuba Diideen Alle Agtiisana Kuwayn Ogaadana inay Xisaab Aakhiro idinka Dambayso.

Mudane Madaxwayne iyo Madaxwayne ku Xigeen Bulshadu way oomantahay Waxayna u oomantahay Isbadal,Waxaa Lumay Kalsoonidii Shacabka P/Land uhayay Maamulka Waxaa Dhimatay Himiladii Shacabku Ku Hammiyayay in Deegaanka P/Land uu ka Hanaqaado Maamul Gundhig u Noqda Qaran Soomaaliyeed ,Waxaan Idinkula Talinayaa inaad Bulshadiina Qiimaysaan oo aad Talada Umadda u Dhiibtaan Dad Uqalma oo aad ku soo Xulataan Karti,Aqoon,Ammaano iyo Alle kacabsi oo aad Kawaantawdaan Qof Qabiil wato iyo Nin Jeclaysi aan laga Fiirsan aadna ku waana qaadataan Dhaxalkii Xukuumadihii idinka horreeyay Laga Dhaxlay.

Mudane Madaxwayne iyo Madaxwayne kuxigeen Waxaan Talo Idiin kusoo Jeedinayaa Waxa ugu Horreeya ee aad wax kaqabataan inuu noqdo Garsoorka sida lawada og yahay Garsoorka P/Land Dadka ka Sheqeeya Badankoodu Waa kuwo Aqoontooda iyo Ammaanadooduba Hoosayso Taasoolaga Akhrisankaro Maxkamadaha P/Land oo Dhan Iyadoo la heli karoArday Kasoo Qalin jabisay Jaamacadaha Shareecada iyo Qaanuunka Shahaadooyinna haysta Waxaa Shacabku u oomanyahay Garsoor ku Dhisan Caddaalad, Aqoon iyo Amaano iyo inla Helo Sharci iyo kala Danbayn.

Waxaan kaloo Idin kula talinayaa Inaad Gobolada iyo Dagmooyinka usoo Dhistaan Maamul ay Hogaanka u Hayaan Dadyaqaan Maamulka Horumarna u Horseedi Kara Bulshada lehna Aqoon iyo Karti ay wax ku Qabtaan Daacadna ah.

Waxaan kaloo Idin kula Talinayaa inaad wax ka qabataan Marin Habaabintii lagu Sameeyay, Dhaqaalaha Sida lawada ogyahay Meel Walba oo Canshuur Lagu Qaado Hadday tahay Dakad,ama Airport ama Kantarool ama Dawlad Hoose Dadka ka Sheqeeya Badankoodu wa kuwo aan aqoona lahayn Ammaanana lahayn Sidaas awgeed waxaa adag inuu Dakhli soo Xeroodo Waxaana Suuqyada Shaqo la,aani ku haysaa Ardaydii ka Baxday Dugsiyada Sare,Kuwii Bartay Maamulka iyo Xisaabaadka oo Aqoon ,Karti iyo Ammaanaba laga Helikaro

Waxaan kaloo Talo Idiin kusoo Jeedinayaa Inaad ka Shaqaysiisaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha Lagu Sameeyo Raad raac Aqoonta Shaqaalaha waxay Qabtaan Waqtiga ay Shaqada soo Galaan iyo Waqtiga ay kabaxaan Silooga Gudbo Dadka Musuqmaasuqa lagu Shaqaaleeyay ee aan Wax Shaqo ah Qaban Lana arko Marka Mushaarka laqaadanayo oo kaliya.

Waxaan kaloo Talo idiinku soo jeedinayaaInaad wax kaqabataan Amniga Gudaha inaad Dhistaan Boolis ay Hogaaminayaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenkii Booliska ee Sharciga Aqoonta ulahaa Amaan darrada P/Land Waxaa Saldhig u ah Waxaa Gaboodfal lagu Sameeyay Ciidaka Booliska Waxaa madax looga Dhigay Booliska Dad aan Dhaqan wanaagsanayn Shuruucda Booliska iyo Shaqada Booliskana aqoon Taariikhdoodii horana Xumayd Taasoo Kalsoonidii Shacabka P/Land uhayay Booliska Lumisay Burburisayna Ammaankii P/Land.

Waxaan kaloo Talo idiinku soo jeedinayaa Inaad wax kaqabataan Amniga Dibadda Dhistaanna Ciidanka Daraawiishta P/Land oo ay Hogaaminayaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenkii Xoogga Dalka Ciidankaas ooleh Lambar Ciidan, Tababaran, Yaqaan Dishibiliinka Ciidanka Kusugan Xeryaha iyo Fariisimaha Ciidanka aadna Baabi,isaan Malaysiyaan Beeleed iyo Ciidan la arko ookaliya marka Mushaarka laqaadanayo ama Caaglayaal mushaar Been ah lagu Qaato Taasoo ah Dhaqan Xumo laga Dhaxlay Xukuumadihii Idinka horreeyay iyadoo Maanta Baahi loo qabo Ciidan Ilaaliya Xudduudaha P/Land ama Soo Celiya Gobolada Maqan ama ilaaliya Gobolada Xudduudaha kuyaal ee amnigoodii Faraha ka baxay.

Waxaan kaloo Talo idiinku soo jeedinayaa Inaad Arrimaha Bulshada Xoogga saadhaan Sida Waxbarashada, Caafimaadka Nadaafada Biyaha IWM Qorshe Dhaqaalana u samaysaan kulana Xisaabtantaan Hay,adaha Shaqada ku leh.

Waxaan kaloo Talo idiin kusoo jeedinayaa Inaad taakulaysaan Xoolo Dhaqatada, Beeraleyda, Xijiyaysatada,Kaluumaysatada iyo Ganacsatada yaryar aadna usamaysaan Qorsheyaal lagu Horumarinayo Maadaama ay yihiin ilha Dhaqaalaha P/Land.

Waxaan kaloo idinkula Talinayaa inaad wax ka Qabataan Tahriibta oo ah Bar Madow oo Ku Qoran Taariikhda P/Lan Magac Xumana u soo jiiday P/land Xukuumadihii idinka horreeyayna aysan wax ka qaban.

Waxaan kaloo idinkula Talinayaa inaad wax kaqabataan Burcad Badeeda Fariisimaha Kadhigatay Xeebaha P/Land Kuwaasoo Dhaqanxumoo Dhan ku Faafiyay Deegaanka Khalkhalna Galiyay Isu socodkii Caalamka Sumcad Xumana usoo Jiiday P/Land Marar badanna lagu eedeeyay Idinkoo Lakaashanaya Saraakiisha Ciidamada ee Daacadda ah , Kalluumaysatada ay Dhibtoodu sida Gaarka ah utaabanayso,Ganacsatada, Culumaauddiinka iyo Dhammaan Muwaadiniinta wax ka Qabankara

Waxaan kaloo idinkula Talinayaa Inaad Horumarisaan Dhiirina Galisaan Saxaafad Tayo lel oo sare u Qaadda Wacyiga Bulshada.

Gabagabadii iyo Gunaanadkii Waxaa idin Sugaysa Hawl aad uwayn Shacabkuna wuxuu idinka sugayaa Isbadal marka idinkoo alle la kaashanaya Shacabkiinana Garabsanaya KaFiirsada Taariikhda Khaanadii aad Ka Galilahaydeen mid Madow iyo Mid ifaysa Waxaan idiin Rajaynayaa inaad Noqotaan Kuwo lagu Illaawo Wixii lasoomaray. Waad mahadsantihiin

Qore :- Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey

Email:- Mayuja79@hotmail.com

Burtinle Nugaal Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS