SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GARISAA

Higsashada Magaalada Garissa iyo hambalyada ay mudan tahay.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya

Gaarissa waa magaalo madaxda ama xarunta gobolka ugu weyn sideda gobol ee uu ka kooban yahay wadankaan Kenya, waana gobolka la yiraahdo Waqoyi Bari Kenya ayna dagan yihiin Dadka Soomaalida Kenya.

Magaalada Garissa waxey ujirtaa masaafooyin kala duwan Caasimada wadanka Kenya ee Nairobi iyo xuduuda Dalka Soomaaliya.

Nairobi waxa ay ka xigtaa dhinaca waqooyi bari waxeyna ujirta masaafo dhan 380Km halka Soomaaliyana ay kasoo xigto jihada Konfur Galbeed ayadona xuduuda Libiyo ujirto tiro dhan 120Ml ama 190Km.

Cabirka guud ee ah dheerarka iyo balaca magaalada Gaarissa ma ahan mid kala weyn marka laga hadlaayo afarteda dhinaca ee kala ah min gees ilaa geska kale waxeyna hada magaaladu ay tahay qiyaasta dhulka ay ku fadhiso in kasto aay aad ufideyso 9ml ama 13km.

Xerooyinka Qoxotiga ee dhaadhaab oo anan ka fogeyn Gaarisa ayaa iyagana waxa ay ujiraan 100km in kabadan halka Mambasana ay ujirto 500km.

Gaarissa waa magaalo cimila ahaan aad ukulul dadkeduna inta badan waa kuwo waxbartay kuna hadlo afaf kala duwan, waxaana ay ledahay magaaladu Bundo weyn oo ad uqurux badan taaso kormarto wabiga dhex maro magaalada, sidoo kale waxaa dhex marto magaalada gaariso hal wado oo laami ah taaso ayana lagu magacaabo Kismayu Road waxey sido kale ledahay isbitaal weyn iyo gobo kale oo caafimaad kuwaaso qaarkod ay sigaar ah loo leeyahay, waxa ayna higsaneysaa magaalada xarunyta u ah gobolka waqoyi bari Kenya ee garisa in ay la tartanto gobolada kale ee dalka Kenya inkasto ay ad oga hoseyso. Balsa waxa ay mudan yihin shacabka rer gaarisa in lo hambalyeyo maxaa yelay waxa ay ad oga shaqeyeen dhinaca amaanka guud ee magaalda mana dhacdo inta aad ku sugan tahay gudaha magaalada in aad maqashid waxyaabaha lidiga ku ah amaanka laakin waxaa dhacdo in ciidamda police ay mararka qaar qabqabtaa dadka ayagoona galo hotelada ay jiftaan dadka safarka ah kuwaasoo ay ku sheegaan cidamaduna in ay baadi goobayaan dad bilaa sharci ah ama qoxooti ah.

Dhinaca Dhaqaalaha.


Dhaqaalaha magaalada garisa waxa uu ku xiran yahay xoolaha nool iyo ganacsiga caadi ah.
Gaarisa waxa ay ledhay suuqyo faro badan waxaana kamid ah labo suuq oo aad u waa weyn kuwaaso lakala dhaho suuq mugdi iyo suuqa xolaha oo maalinta arbada ah ay so buxiyaan Lo' laga kala kenay inta badan gobolka waqoyi bari Kenya iyo inta badan dalka soomaaliya.

Waxbarshada.

Waxbarashada guud ee wadanka Kenya marka lafiriyo aad ayuu oga hoseyaa gobolkaan waqoyi bari gobolada kale ee wadankaan Kenya taasna waxa ay dowlada ku shegtay in dhaliintu inta badan ayayna waxba baranin laakin intii an dhex jogay gobolkaas waxaan arkaayay schoolo aad ufaro badan oo qaarkood private yihin oo ay dad si gaar ah uleeyihiin kuwaaso ku masquulsan sidii ay wax ku bari lahaayeen ardayda dadoodu kala duwan tahay ee ku nool gobolkaas, waxaana xilayad ay iskooladu furan yihin kala daabulayo ardayda baabuuro waa weyn kuwaaso ay ku xardhan yihiin magaca iskolka iyo waxa ay dadka baraan.intaas oo dhan waxa ay gaarisa ku mudan tahay in logu hambalyeyo.

Nadaafada magaalada gaarissa.

Nadaafadu waa tan ogu sareyso ee aadanuhu ay tahay in uu dhowro laakin inta iyo dhalisa ay ledahay magaalada gaarisa waxaa kow ka ah dhinaca nadaafada iyo bilicdeeda oo aad uxun, waxaana bah dilida bilicda magaalada gaarisa kaalin mug leh ka qaadatay noocyada kala duwan ee Bacda kuwaaso aad arkeysid marka aad dhex mareysid xaafada gudahooda ayadoo ay bacdu ay ceegagto darbiyada hostoda iyo gedaha korkoda, waxaana sido kale gacan kusiyay in ay karkaarada udabacdo nadaafada caagadaha oo ayagana ah kuwa dhex dhoban gudaha magaalada hadii ay noqon lahaayeen kuwa yar yar iyo kuwa waa weyn labadaba, balse waxaa intaasba sii dher wadoyinka oo ah kuwa aanan sii soconin kadib markii ay dad gaar ah guryo ka dhex dhesteen taasna waxa ay fursad siisay in dayac tir la'aanta wadooyinka ay ka baxaan geedo faro badan oo uu kamid yahay geedka layiraahdo Quruc-yuhuud ka ama Cali garoobka oo gaarisa loga yaqaano magac kale oo ah Madeenge kaaso kala xiray guud ahaan magaalada, hadii ay laxisaabo inta gedkaas ah ee ka dhex baxeyso magaalda iyo guryaha ay dadku leyihin waxaa cad iyo geedaha ay ku badan yihiin gaarisa taasna waxa ay magalada u ekeysay duur lama dagaan ah.

Inkastoo ay gaariso ledahay taarikh dhar hada waxa ay caan ku tahay cimiladeeda oo kulul waxaana aan dhihi karaa gaarisa waa ay ka kulushay magaaloyinka Gaalkacyo, Boosaaso, iyo Barbaro oo aan dhamaanto horay utagay.

Dhinaca kale xasuus ahaan gaarisa waxa ay ku matalaan dadka dhul mareenada ah in ay u yara ek tahay marka aad duled yadeda taagan tahay magaaloyinka maka iyo madiina marka laga fiiriyo dhinaca badnaasha masaajida oo gaariso cub iyo cirba ka ah kuwaaso munaaradahooda laga arko duledyada magaalada gaarisa.

Isku soo wada duuboo gaarisa waa magaalo dhismo cusub uu hada ubilowday laakin waxa ay inaga igula muuqatay magaalo rabto in ay kor u istaagto balse la' dad ay ku taagsato taasna waxaa sababay xumaanshaha xaga nadaafada, wadooyinka, boosaska oo cabirkoodu uu qaldan yahay koronto la'aan ba'an iyo biyo yaraan ka jirtay magaalada gaarisa, dadka gaarisa dagan qaarkod umaba aynan muqanin dhibkaas oo ad si fudud udareemi kartid xiliga aad gaarisa dhex jogtid.

Gaarisa waa guri nabad ah oo in la garab galo ubaahan.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS