Findoobka Soomaalida faraha ka daaya!!!

Arar
Anigoo ka ambaqaadaya xaalka Soomalida iyo heerka halista ah ee uu
maanta marayo, ayaan jeclaystay inaan qoraalkaan usoo gudbiyo
Soomaaliweyn meel kastay joogaan. Maqaalku wuxuu si toos ah oo aan
gabbasho lahayn ula hadlayaa intooda ku dhex jirta weegaarka siyaasadda
(Dkmg) iyo weliba waxgaradka ay taladu ka go’do.
Laba arrimood oo kala duwan oo kala daran, baa igu dhaliyay soo
gudbinta maqaalkaan: Waa mide, arrin shiddo badan oo aan ummadda u
fasirayo, una jilcinayo, si dul iyo adkaysi loogu yeesho, maadaama
miraha ka dhalandoona, hadday bislaadaan, si wanaagsan lagu gurandoono;
iyo midda labaad oo ah, arrin qalafsan oo shar wadata, oo aan ummadda
uga digayo, si looga feejignaado. Saddexdaan eray ee hoos ku qoran,
macnaha ku hor qoran baan ula jeedaa:
Daababka: Madaxda dowladda qaarkood
3da Faas ee beesha caalamka: Itoobiya, Keenya & Itaaliya
Sama isu falayaal; ururrada samafalka
Ugu dambaystii, wixii maqaalkaan ka yimaada (shar iyo khayrba) aniga
keliyaa ka mas’uul ahe, dadow taa hala ogaado.
= = = = = =
Soomaalida in ka yar 2 sano ayaa uga dhimman 50 jirsadkii, haddana,
waxaad ku arkaysaa astaamo iyo dhaqammo ka duwan ama aad uga fog kuwii
lugu yiqiin 50 jirka. Taasina, waxay ummaddii dhaxalsiisay Quus,
luggooyo iyo jahwareer uga yimid 3da faas ee beesha caalamka oo ay
waldaaminayaan ( isla sidaan) daababka kala ah talaxume, hoggaanxume,
farsamaxume iyo garaadxume Soomaaliyeed!!! Goor iyo ayaanba, arrimo,
warar iyo ujeeddooyin kaa yaabiya ama kaa nixiya baa ku soo gaaraya.
Laba sano oo kaamil ah ayaa Soomaalidu Keenya u fadhiday, siday usoo
dhisi lahaayeen qaabkii ay dowlad soomaaliyeed yeelan lahayd. Waana lugu
guulaystay in dowlad soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay ay dhalato.
Xubnihii wax ka dhisay iyo qaabkii lugu dhisayba, midkoodna iin iyo
dhaliil la’aan ma ahayn. Qolooyinkii muddada dheer hor taagnaa
dowladnimada, baa laftigoodii lugu dhisay! Xal kaloo jeerkaas muuqday oo
heshiis lugu wada noqon karay ma jirin. Waxaa laga fursan waaayay in la
adeegsado googaalihii ahaa, “Col ku dilay ciidan mood”, ee jawaabtiisu
ahayd ‘Qodaxda’. Reer miyigu, markay qodaxi muddo, qodax kale bay isaga
bixiyaan.
Keddib, soomaali fara badan baa bilawgiiba ka niyad jabtay dowladdii,
markay arkeen xubnihii dowladda oo feer, haraati iyo jeega dharbaax is
kala daalay, oo kuraas iyo bakoorado isla dhacaya!!!!
Marna lama filayn in rag odayaal u badani, ay lasoo baxaan
dabeecadihii, shucuurtii, qiiradii iyo fudaydkii lugu yiqiin
dhallinyarada!!
Marxaladaha kala duwan ee koritaanka naflayda oo idil, waa nidaam
Allihii abuurtay uu ugu tala galay. Waxaase jira arrimo ka dhasha bani
aadamka laftigiisa, bey’adda iyo ama cudurro, oo sababa in nidamkaas
habkii uu ku socon lahaa uu curyaamo, gaabiyo, hadba hakado, qaloocdo,
dheereyo ama uu xiimo. Siyaasadduna waa la mid ,oo haddaan ruuxu u
bislaan, oo uusan khatarteeda fahmin, oo uusan soo marin marxalado ad
adag, sida qaangaarida lugu yaqaan, wuxuu halis u yahay inuu iska
laalaadiyo, si xun u fahmo,faraha kaga gubto ama uu dad ku halaago!
Waxaa la yiri, oday roob ku soo da’ay oo aad u dhaxamaysan, baa
markii dambe yimid meel dab ka shidan yahay. Intuu ag kadaloobsaday buu
gacmihii oo dareen beelay, qabow dartiis dabkii saaray. Intuu si fiican
gacmihii dabka u dhex geliyay buu yiri: “Bal waxakan bay Naar ku
sheegeen, Ilaahow aniga iyo waaridkayba ugu roonoow!!!”
Takhaatiirta cilmul nafsigu, markay baarayaan xaalka qof dhibban ama
si kale wax si uga yihiin , waxay marmarka qaarkood, dib u baaraan
noloshiisii hore (alyacni yaraantiisii): Halkuu kusoo koray, siduu u soo
koray, cidda soo korisay iyo cidda uu la soo koray iwm.
Iyadoo Sagaal jirro la yahay (1969kii), baa agoon la noqday. Keddibna
dowladdii kacaanka baa nala wareegtay oo xil weyn iska kaaya saartay.
Dowladdaasi waxay hadaf iyo baaq ka dhigatay sidii agoonta 9 jirrada ahi
u heli lahaayeen nolol iyo korriimo wacan, degaan wanaagsan, waxbarasho
iyo caafimaad lacag la’aan ah.
Dhaliisha keliya ee ay dowladdu lahayd, waxay ahayd,”inay carruurtii
ka mamnuucday cayaarihii (tus. kuukuun, kadhimay kadhim, yoolyool iwm),
kaftankii, legdintii, caydii, edeb-darradii, gunuunucii, qayladii iyo
hadal oo idilba!!”
Haddaba, waxyaalo fara badan oo ay ka mid yihiin astaamihii iyo
dabeecadihii lugu yiqiin koritaanka carruurta ayaa caburmay. Xataa
finkii iyo dareenkii doobnimada baa soo bixi kari waayay, cabsi awgeed,
keddibna isu beddelay xajiin loo jeelayo oo oogada (gaar ahaan kala
goysyada iyo agagaarrada xubno xasaasi ah) ka soo yaacday. Haddaba,
xajiintaas loo bixiyay “Isnidaamiska” ayaa halkii findoobka noo gashay
oo giddigeen na wada haleeshay 1974kii. Wax Alla wixii lugu yiqiin
qaangaridda ayaa hakad galay, iyadoo dhanka kale, korriimadii jirku ay
caadi u socoto!!! Jirkii iyo garaadkii baa kala tegay!!!
Qaangaariddu waa marxaladda u dhexeysa carruurnimada iyo
waayeelnimada. Waa jeerka ay bilawdaan isbaddalada ku dhaca jirka iyo
maskaxda carruurta, si ay muddo go’an (cayiman) keddib
waayeelnimo(adulthood) ugu bislaadaan. Ereygu wuxuu ka kooban yahay laba
erey oo laysku daray: ‘Qaan’ iyo ‘gaarid’. Qaantu waa dhaawac ama
waxyeello kale oo cid la gaarsiiyay, qiimaha laga simo, oo qofka wax la
yeelay ama wax ka maqan yihiin la siiyo. Qaangaariddu waa heerka ama
goorta (15 jir) qofka falalkiisa (af iyo addinba) iyo wixii ka dhashaba
loo qoro, oo adduun iyo aakhiraba lagula xisaabtamo.
Faa’ido weyn baa kasoo baxday labadii sano ee Keenya la fadhiyay.
Hurdadii iyo fadhigii badnaa, buuq- dagaal- iyo cabsi la’aantii meeshaas
oo ay weheliyaan wadajirka cimilo qabow, cunno macaan iyo qayilaad, ayaa
suurageliyay in astaamihii qaangaaridda ee beri hore xayirmay, ay fursad
labaad helaan. Findoob ayaa markii ugu horreysay (44 sano kedib) helay
fursad uu wejiyada uga soo baxo! Waxaana loo qabtay inuu ku dhammaado
muddo shan sano ah oo ku meelgaar ah. Si keddibna loo galo marxalad
bisayl siyaasadeed ah, oo dalka gudihiisa lugu tartamo, oo looga xoroobo
talooyinka iyo shirqoolada 3da faas ee beesha caalamka!!!
Iyadoo muddadii shanta sano ay wax yar nooga dhiman yihiin, baa waxaa
hal mar soo wada baraarugay 3dii faas ee beesha caalamka. Waxay goosteen
inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo adag, intaan muddadu dhammaan. Waxaa
u muuqday in haddii muddadu dhammaato ay talo farahooda ka baxayso.
Haddii waqtiga findoobku dhammaado oo siyaasiyan loo qaangaaro –
waayeelna la noqdo, waxaa meesha ka baxaya sama isu falayaasha iyo 3da
faas ee beesha caalamka!!
Iyagoo adeegsanaya daababkooda, ayay madaxii dowladda surgooyo iyo
turaanturo isugu dareen. Markaas buu meesha isaga baxay.(waayeel tag
lama yiraahdee,wuxuu ku tagaa la tusaa!). Keddibna, Itoobiya waxay
tiri,’dalka waan ka baxaynaa!’ oo durbadiiba Xamar ka baxeen. Iyagoo
farxad iyo raynrayni ka muuqato bay baxeen. Sababtoo ah, waxay shaxda ay
degeen soo gaarsiiyeen, meel ay wax magaratadu kasii wadi karaan!!!
Maanta hal amxaar ahi xamar majoogo. Cidna umasoo jeeddo inay wax ka
qabato, ama wax ku qabsato(ku shiraan kuna wax qaybsadaan!). Waxaa
dowlad-diidkii u tafaxaytay in xamar lugu soo cesho sidii amxaarada ka
hor loo kala deggenaa!!! Waana arrin aan hadda socon karin, sababtoo ah,
maanta waxaa xamara madaxa kaga jirta Falaar dowladnimo, oo haddii laga
soo bixiyo iyo haddii loo daayaba, midna dowlad-diidku ku noolaan karin.
Dadka qaar bay weli la tahay in haddii fallaarta madaxa kaga jirta Xamar
laga soo bixiyo, ay noolaan karayaan.
Waxaa jirtay sheeko aan beri hore maqlay oo ku saabsanayd nin muddo
badan laga celcelin jiray inuu dagaalada ka qayb galo oo fulaynimo lugu
xaman jiray. Siduu ula soo taagnaa ‘Ragga ka harimayo’, ayaa markii
dambe loo oggoladay.
Raggii buu raacay oo weerar ka qayb galay. Nasiib darro, fallaar ayaa
madaxa kaga dhacday (gashay). Ninkii inta lala soo cararay baa takhtar
loo keenay, si fallaarta madaxa looga soo bixiyo. Takhtarkii baa inta
dhaawaca eegay yiri ”Fallaarta lama soo bixin karo, sababtoo ah, waxay
gaartay oo ku dhex jirtaa maskaxda. Haddii fallaarta lasoo bixiyo, qayb
maskaxda ah ayaa soo raacaysa, ninkuna waa dhiman karaa”. Ninkii markuu
intaas maqlay ayuu yiri, ”War fallaarta iga soo bixi, meesha maskax kuma
jirtee!! Maanaa dagaal aadi lahaa, haddaan maskax leeyahay!!!”.
Baarlamaankii Baydhaba ee loo adeegsaday surgooyada dowladdana,
maanta ayuu dareemay inuusan cago ku taagnayn, oo uu arkay mindida u
taal Jabuuti!!! Halkaan waxaa xusid mudan arrintaan: Ma waxaa
Soomaaliweyn la qumman ama la gudboon inay barlamaanka gafay ay “Mac
sonkor” ku yiraahdaa, oo ay gowraciisa daawadaan? Mise inay la saftaan
oo ay mindida ka badbaadiyaan, iyagoo og gafkiisa? Haddii barlamaanka
baydhabo la gowraco, waaxaa dhimanaya qaangaariddii afarta sano soo
socotay. Waxay noqonaysaa in sheekada, haddana kow laga soo bilaabo,
iyadoo ay na hor boodayaan 3da faas ee beesha caalamka. Haddiise la
badbaadiyo, waxaa dhici karta in muddadii harsanayd la dhammaysto,
keddibna dalka gudihiisa innagoo keligeen ah aynu ku qaangaarno!!!
Qaylada hadda kasoo yeereysa baarlamaanka Baydhaba, ee uu leeyahay
‘halkaan ayaa doorashada madaxweynaha lugu qabanayaa!’, waxay soomaalidu
ku fasirtay saddex arrimood midkood: inuu harjad iyo naf la caari yahay;
ama in, isagana, sida shirka Jabuuti oo kale ay 3da faasi ka dambeeyaan;
ama inuu gafkiisii gartay oo uu hadda Dkmg ah badbaadi is leeyahay.
Ugu dambaystii,Qaar kalaa u tafaxaytay inay dibedda mar labaad dowlad
sal baruur ah ku soo dhisaan!!! Gole la yiri,waa midnimo muqaawamo, koox
keliyase ah! Meeye kooxihii kale sida: Garabka Asmara, Garabka
Raaskambooni, Alshabaab, Albanaat (Yurub & Ameerika u badan!), Al
takfiir, Ahlu sunnah wal jamaaca, Jabiso, Ahlu faral wal marjaciya!!!!!!!!
Jabuuti ayaa shir loogu magac daray dibu heshiisiin, waxaa laysku af
gartay in la soo dhiso dowlad 2aad oo tan hadda tiro le’eg (275 xubnood)
oo loogu talagay inay tan hadda joogta gowracdo – si aysan waqtigeeda u
dhammaysan, findoobkuna nugu dil dilaaco inta faraha lala galo!!!
Marakanna, haddii findoobku nugu dil dilaaco, arrintu ma
sahlanaanayso. Nugu noqonmayo ‘Isnidaamis’ sidii berigii hore oo kale.
Wuxuu nugu noqon doonaa Furuq daawadiisa joogtada ahi ay tahay 3da faas
ee beesha caalamka.
Wadeeca Alla!!!!!!
Dhammaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com