SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RAJO XUMADA SIYAASADA SOOMAALIYA

Aad ayaan u daalana waxana naga jabay Garigan wadanay, waxan kasoo boqolay dhanka Sudan, waxana usoo socday Kenya, aniga iyo Saxibaday waxan soo Galnay Xuduudka Kenya nasiib xumo Garigii ayaa jabay, inta aan la tacalaynay gariga ayaan lasoo baxay Computer kaygii gacanta waxana Rakibtay Computerkayga waxan dhagaystay wararka waxana ka aqristay website yada ugu xawaraha badan ee wararka aad ayaan u aqriyey Xaalada Baahsan ee Soomaliya hada ku raad qoboynaysa

Waxan door biday in aan ka qoro Maqaalkaan anigoo ugu magacdaray Rajo xumada Siyaasada Soomaaliya, hada Soomaliya waxa ka jira, Garabyo Tiro badan oo mid kastaba Rajeynayo Riyo Gooni ah, waxa ka jira Gudaha Soomaliya Dowlada Kumeel garka ah oo Hada xilka uu hayo Shiekh Adam Madobe Gudoomiya Barlamaan ka Soomaaliya ahna Kusimaha Madexweynaha, Sidoo kale Garabka Jabuti oo uu hogaamiyo Shiekh Sharif, Sidoo kale Garabka Asmara Shiekh Dahir Aweys,Hogoomiyaal hada doonayo in ay ku soo noqdaan xilalkoodi hore ee hogaamiya koxeedyada, oo uu ka mid yahay Bare Adan shire Hogaankii hore ee ka talin jiray Kismayo, Alshabab oo uu hogaansho Shiekh Mukhtaar Robow, Raas kabooni oo uu hogaansho Shiekh Xassan Turki iyo Culimo hada Siyaasada ku soo baraarugay Ee Al Suna waljibiica

Siyaasadaan jahwareerka laciiraysa ayaa mantay waxa ay u hanaan qaday wada kale oo ka madex banaan siyaasadihii hore loo arki jiray ee Soomaaliya, Xumno ka tirsan Dowlada ku meel garka ah oo uu hogaaminayo Raysul wasaaraha xilkiisii siiliiqayo Nuur Cade, iyo mid ka mid ah golihiisa Wasiirada Ahmed Cabdisalaan, Garabka isbahaasiga Jabuuti Shiekh Sharif Shiekh ahmed ayaa wada in ay ku aleegaan Dowlada midnimo qaran xambaarsan, halka Shiekh Adam Madoobi ayaa Rajeynaya in Wadanka Gudihiisa lugu qaban doono Shir taas uu dhawaan ugu baqay in dhamaan Barlamaanka ay iska soo xadiriyaan Hoolka Shirarka ee Barlamaanka Baydhabo, Adam Madoobi ayaa cugsanaya in uu Tastuurka uu qabo Sodon bari gudahood in la qabto Doorasho Madexweyne halka uu Raysul wasaraha uu iska dhagatirayo Tastuurka waa hadii loo fiirsho sharci ahaan


Rajada Shiekh Adan Madoobi iyo Shaqsiga uu wato


Shiekh Adam Madoobi waxa lugu yaqaanay in uu Baydhabo ka ahaan jiray Shiekh haysan jiray Dugsi Quraan balse gadal ka noqday Hogaamiye Qabiil kuna biiray dhanka siyaasada,waxa uu ku fagaaday Siyaasada, hadii uu yeelo shirka Jabuuti ka socda shaqsiyan waxa uu weynaya Kursigiisi tasi waxa ay sababtay in uu ka soo horjeysto isagoo hada haysta qodobka ah in Sodon Casho Gudahood lugu doorto Madexweyne, Shiekh Adam Madoobe Saxibka uu leeyahay oo ah Raysul wasarihi hore ee Cali Maxamed Gedi uu hada rajeynayo in uu Noqdo Madexweynaha Baydhabo lugu dooran doono balse hadii ay dhici weydo oo isbadal yimaado malmahaan lagana yabo in uu ku biiro Shirkha Jabuuti SHiekh adam waxa uu weynaya Xilkiisi Gudoomiye


Riyada Shiekh Sharif iyo Raysul wasare Nuur Cade


Shiekh Sharif waa Siyaasi soo jiidasho badan waa nin aad iyo aad himiladiisa jecel waxa uu jecel yahay in Soomaaliya ay noqoto meel ay ka hanaan qaado Diinta islaamka ayadoo cidna lugu fartilmamin, Sheikh Sharif waxa uu hada wada Shirka Jabuuti isagoo Rajeynaya in uu madexweyne ka noqdo, waxa uu wada oo ay isla socdaan Siyaasiga ahna Rug cadaaga waa Raysul wasare Nuur cade, Nuur cade ayaa ah Shaqsi u sharaxan Xilka Madextinimo, lakinse waa oday qabiil, lagayaba in uu u tanasulo Shiekh Sharif madaba ay isku hayb yihiin


Alshabaab & Raas ka Booni


Siyaasada Shiekh Robow iyo Shiekh Xassan Turki ayaa isku dhow, waxa ay rabaan in diinta islaamka ay ka hanaan qaado dhamaan Soomaaliya waa hadii ay u suurto gasho madaba ay ku harayraysan tahay Moojado wata Dufaano oo ay adagtahay in ay ka baxsadaan, hada waxa fiirinaya indho badan Dad ka Reer Mukhdisho oo ay ka heli jireen Caawinaad badan oo hada ka daalay Dagaalkii, Maxkamadihii oo raba in ay ka hirgasho Xukuumad ay wax la qaybsanayso Dowlada Faderalka ah, iyo Culumada Alsuna Waljamica,Hogaami Bare Hiraale oo wata Ciidamada Ethiopia oo joogi doonta Gubalada Xuduudka la wadaagta, Shiekh Mukhtaar Robow waxa uu u dhashay Diigaan ahaan Gobolka Bay, Xassan Turkina Jobada Dhexe, Labadan shiekh ayaa adag in ay ka gulaystaan ayna garaan himiladoodi

waxa marna laga yabin in ay timaado isku soo dhawaansho ka dhex aloosta Alshabaab, Maxkamadaha Islaamiga, Alsuna waljamiica


Al Suna waljamiica & Hogaamiyaasha Koxeedyada


Dhamaan hogaami koxeedyada ayaa saxib la ah dhamaan waxa ku abtirsada Dariixada ALsuna waljamiica, oo hada wada dagaalada ka cusboonada gobolada Galgaduud, waxa ay amin san yihiin in ay yihiin Alshabaab shar soo korortay waa culuma Afgaaman balse hada waxa ay tageerayaan Saxibadoodi waqtiga adag gacanta ka helijireen marna lagama yabo in ay isku fikrad noqdaan ALshabab iyo Alsuna Waljamiica


Su'aal


Su'aal aad iyo aad u taagan oo lays waydiinayo ayaa ah malaga yaba in shiekh mukhtaar Robow uu la jaan qaado siyaasada Xagasha Dumquraadiga u jaleecsan, Madaba ay Saxibadiisi hore ay hada wadaan latashiyo ay la leeyihiin Beesha Caalamka luguna Cadadiyey in ay wax la qaybsadaan Dowlada Kumeel karka ah balse Shiekha waxa uu u yaqana Murtitiyiin tani waxa ad ku arkaysa markii Asbuucaan ay ku dileen Siyaasi Waldiiro, Xukunkaan ayaa lugu qaaday marki uu la xariiray siyaasigii hore ee ka talin jiray Jubboyinka Dhexe ee Kismayo Bare Hiraale

Jagadaan Siyaasadeed


Jagadaan Siyaasadeed ayaa ka dhexmuuqata sadex nin oo isku hayb ah mid waa shiekh Sharif oo himilo u haya in uu ku gulaysto Madex weyne Soomaliyeed waxana garab tagan Raysul wasaraha oo isagana jecel in uu ku socdo Rooga Guduudka ah ee Madexweyne, Siyaasiga ahaana Raysul wasaarihii Hore ee loo balan qaaday in uu noqon doono Madexweynaha Sanada 2009 Mr. Geedi

Hadii ay noqoto in la Doorto Geedi waxa ay yeelan doonta Mucaarad badan balse waxa laga yaba in uu socod siiyo Dowladiisa waayo Gaadi waa nin aan Nixin xukunkiisana meel mara, hadii uu ku gulaysto Shiekh Sharif waxa ku wajahan labo moojadood mid waa tageero uu ka helayo Reer Muqdisho midna waa xoogaga Alshabaab iyo Mujahidiin badan oo diidan Hanaanka Shikh Sharif, Hadii uu ku Guleysto Raysul wasare Nuur Cade waxa ay noqonaysa Dowlada itaal daran oo Dunida uu ka qayb galo shirarkeeda Deeqna uu ku weydiisto taas oo ah wada uu ku fuliyo ayuu weynaya madaba uu yahay nin Maslaxo jecel

Soomaaliya waxa ku soo wajahan laba madexweyne iyo laba Raysul wasaare, Wasiiro laba garab ah iyo Labo Gudoomiye Barlamaan waxa ay kala dagi doonaan Baydhabo iyo Muqdisho waxana ka dhex aloosi doona Dagaalo aan dhamaan waxana ay yeelan doonta waji kale oo qabiil, Beesha Calamkana waxa ay ugu yeeri doonta Shirar kadibna waxa ay la shiri doonta mid mid iyo garab garab ayadoo iskugu dhiibi doonta midiyo iyo Baruud

Siyaasada jahwareersan ee soomaliya hadii aad fartiimo ka duwan maqalkaan u haysid bal la soo xariir qoraagan


Carab Cabdulkhaadir Farax
Xududka Kenya iyo Sudan
mohalimaslah@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS