Xoghayaha dib u heshisiinta garabka Casmara oo ku
tilmaamay hadalkii Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi wax kama
jiraanAf-hayeen u hadlay Isbahaysiga dib u
xoreynta Asmaro, isla markasna ah xoghayaha Dib-u
heshinta, oo la tashada masuu'loiyinta sare isbahaysiga
dib u xoreynta Asmara ayaa beeniyey warar ay daabaceen
websidyada oo laga soo xigtay dad jooga Dubai oo
isbahaysiga aan wax xog- ah ka haynin, nimankaas dhawrka
ah oo uu marin hababinayo Zakariya Xaji Abdi, ayaa ah
dadkii lugta ku la'haa inuu qaybsamo isbahaysiga kadibna
in muddo ah, u dooday in isbahysiga asmara laga siiyo
jagooyin waaweyn oo aan lagu aamini karin xilka ay
qarkood doonayaan, sababo fudey ay dhalisay isticmaalka
mukhadardka sida Jaadka, Sigaarka, Khamriga iwm. qarkood
wax faa'iido ah ma soo gelin karaan difaaca dalka,
diinta iyo hoggaaminta siyaasadda sidaas darteed ayaa
xilalka ay doonayaan waxaa loo doortay dad kale oo uga
fara dhudhuban iyagana cid wax u dirsatay aysan jirin.
Sidaas darteed Zakariya iyo 3-da uu tilmaamay wararka ay
wadaan waxba kama jiraan, arrimaha uu sheegeyna ma jirto
cid ka wada hadashay ama u dirsatay inuu sidaas sheego
waa arrin isaga u qaar ah, mas'uuliyinta isbahaysiga
arrintaas lama socdaan, haddii ay timaado in lala
heshiiyo garabka uu tilmaamay, waxay ku xiran tahay amar
ka soo baxa hogaamiyaha iyo masuulinta sare iyo
masuuliyinta u xilsaaran dib u heshisinta, zakariya
bilahaan dambe wuu ka maqnaa shaqooyinka halganka
isbahaysiga, waxaana laga soo sheegay inuu
dhexdhexaadinayey burcad-badeeda haysato marakibta iyo
dadkii la'haa marakiibta.
Cid kasta oo ay khuseyso waxaa lagu war gelinayaa in
arrintaas ay tahay mid lagu fududaaday, oo marna aysan
jirin wada hadal ku saabsan arrintaas oo ay yeesheen
isbahaysiga, hase yeeshee cidii dooneyso inay ku biirto
cid hortagan ma jirto, horayna wxaa si buuxda ugu
sheegay hogaamiyaha dalka eriteria in aan qas la galin
karin isbahaysiga asmara.
Ugu dambayntiina waxaan uga digaynaa inaysan dadka
Soomaaliyeed ku qaldin damacooda ku dhisan raadinta
darajo beenaad iyo lacag aruursasho, hadii ay rabaan way
aadi karaan dalka Jabuuti laakinse ma ahan inay nagu
been abuurtaan madaama aynan ogayn wada hadal noo socda
labada dhinac sida ay sheegteen., hadii aan la hadlayno
ama wada hadal la galayno dhinaca kale ma ahan mid ay
iyaga u taalo madaama kuwani ay yihiin kuwii kala
jabkaba sababteeda lahaa. Hadana waa iska xil raadin
howshooda, taasna hore ayay caan ugu ahaayeen, sababtoo
ah dhaxdooda ayaaba kale socda.
kooxdatan waxaa marin habaabiyay Zakariye Mohamud Xaaji
Cabdi, waxayna ka kooban yihiin:
Jama Ali Jama, Xuseen Caydiid, Axmed Abdi Casharo,
Bashiir Meerito, Mohamud Abdi Gaab, & Qamar Sharif
Hashim, kuwaani oo ah kuwa aan wax sumcad ah ku lahayn
muqaawamada gudaheed iyo shacabka Soomaaliyeed ba.
Mahadsanidiin
Xoghayaha dib u heshisinta Asmara
Abdi Mohamuud Nassir ( Sarinley)
theunitedco@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2009
|