SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti} 19/01/2009 Buuq ka taagan qaybsig xubnaha Baarlamaanka cusub

Gudoomiyaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka dhoofey Garoonka weyn ee caasimada dalka, isagoo safar deg deg ah oo aan hore loo shaacin ugu kicitimey Magaalada Muqdisho 18/01/2009.

Sida aan ka helney ilo warareedyo kala duwan ayaa ujeedada safarka Gudoomiyaha Sheekh Shariif waxay iigu sheegeen in uu halkaasi u tegey la tashiyo dhinaca soo xulista Baarlamaanka ee Beelaha Hawiye, taasoo ay buuq ka keeneen xubnihii hore ugu jirey Beeshaasi Is-bhaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya, kadib markii xubnaha ku soo aadey ay noqdeen kuwa aad uga badan xubnihii ku jirey Golaha dhexe ee Is-bahaysiga, waxayna ka dalbadeen in loo kordhiyo tirade xubnaha Baarlamaanka, sida ay sheegayaan ilo wareedyadan kala duwan.

Halka warar kale ay sheegayaan in Sheekh Shariif uu u tegey Muqdisho arimaha amaanka Magaalada Muqdisho oo laga cabsi daran ay ka soo wajahdey mas置uliyiintii halkaas joogtey, kadib markii iska hor imaadyo kala duwan ay ka dhaceen halkaasi.

Dhinaca kale waxaa dib ugu soo noqdey caasimada dalka Jabuuti labadii xubnood ee ka qaybgaley shirkii AFRICAN UNION uu soo qaban qaabiyey ee lagu qabtey Adis Ababa Xildhibaan Cabdalla Boos iyo Prof; Gaandi, inkastoo aysan ii suura galin inaan la kulmo labada mas置ul.

Waxaa maalintii labaad la hakiyey shirkii gudiyada siyaasada TFG iyo ARS ee uga socdey caasimada dalka Jabuuti, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan hadana waxaa goobta shirka uu ka socdo ee Hoteel Kempniski ka muuqata in hawlahu ay u xayiran yihiin soo xulista Xildhibaanada cusub ee ARS, beelaha qaar ayaa waxaad moodaa in ay inta badan soo diyaariyeen soo xulista Xildhibaanada marka laga Reebo laba beelood oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Xubnaha gudiyada uga qaybgalaya shairka dibu-heshiisiinta TFG ayaa waxaa ugu sareeya xiligan Wasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada Soomaaliya Cabdi waaxid Cilmi Cumar, halka Is-bahaysiga xubnihii u mataleyey gudiga siyaasada ay intooda badan wada joogaan goobta shirka uu ka socdo, TFG ayaa waxaa ka maqan xubno uu ka mid yahay Axmed Cabdi salaam oo ah Ra段isul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Isboortiga, islamarkaana ahaa sixiixayaashii shirka, inkastoo aan la ogeyn mas置ulkan waxa uu uga maqan yahay shirka.

Marka laysku soo duubo arintan waxaad moodaa in habaaska u tartanka xilka qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay maalinba maalinta ka dambeysa ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo qaarkood ay yihiin ma xishoodayaashii Hubeysnaa ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed galaaftey oo in badan shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwana ay qaarkood baddaha ugu hoobanayaan waxa ka dhashey arimaha xildoonka, halka qaarkoodna ay Xabsiyada dalallka caalamka ay ugu jiraan waqtiyo kala duwan, waxaana taas ka sii daran kuwa hada ku dayacan dalka gudihiisa oo maalin walba ka dul dhacayaan madaafiic aan loo meel dayin, laakiin waxay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan labadan mas置ul ma kuwii laga duceysanayeybaa mise kuwii loo duceynayey ??!!.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somlitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS