SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Nuradiin Aadan Diiriye oo Ka Baxay Xusuumadda Cusub ee Puntland...

"Waxaad Mudane Madaxweyne ku kalsoonaataa in aan wadanka joogi doono, waqtiga la gaaro in la dhiso Gole kooban oo lagu soo xulay isbedelka iyo horumarka ay wadanka u keeni karaana aad igu xisaabtami kartid." Nurudiin

Nuuradiin Aaden Diiriye ayaa qoraal uu soo saaray (Jan 18, 2009) ku cadeeyey in uusan ka mid noqon doonin xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha DGPL, Dr. Faroole.

"Waxaa ii muuqatay in golaha aad magacawday mudane Madaxweyne aan kaaga garaabayo in ay saameyn ballaaran ku sameysey qancinta beelaha oo ah waaqica maanta wadanka yaalla, hasa yeeshee uusan golaha guud ahaan aheyn golihii waqtigan xaadirka ahaa looga baahnaa inuu Puntland ku hogaamiyo isbedelka aynu dhamaanteen wada dooneyno xag tiro iyo xag qaab-dhismeed intaba." ayuu yiri Nuuradiin

oo intaas ku daray "Sidaas daraadeed waxaa Mudane Madaxweyne anigu go'aansaday in aanan waqtigan xaadirka ah ka qeyb gelin Golahan..."

Qoraalkii Nuradiin oo dhamaystiran hoos ka akhri...


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS