Muwaadin soomaaliyed oo ku dhaqan Dalka Ingiriiska oo
shaaca ka qaaday inuu isu soo taagayo Jagada
Madaxweynaha Soomaaliyeed.

Dr. Nuur Xasan Rooble - Musharax isu soo taagay
Madaxweynaha Somalia;
Birmingham uk:-Waxaa si toos ah u shaaciyey inuu u
sharaxanyahay jagada madaxwaynaha Somalia Dr; Nur Hassan
Rooble oo ah Aqoonyahan ku xeel dheer Maamulka iyo
dhaqaalaha, isaga oo maanta shir ku qabtay magaalada
Birmingham ee cariga U K. waxaana uu si toosa u sheegay
inuu U sharaxan yahay isla markaana uu ku kal soon yahay
in uu ku guuleysan doono lana dooran doono.isaga oo
kaashanaaya qibrada uu uleeyahay siyaasada dhaqanka
soomaaliyeed iyo diinta muslimka.
Dr. Nur wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho sanadku
markuu ahaa 1955 Waxbarashadiisa dugsiga dhexe/ hoose /
sare wuxuu kuqaatay xamar jaamacadiisana wuxuu ku qaatay
dalka sacuudi carabiya magaaladiisa riyaad. Waxuuna soo
bartay cilmiga dhaqaalaha .
Dr. Nuur waa Siyaasi si weyn looga yaqaan dalka Soomliya
waxaana uu shaqooyin heer Maamul ah kasoo qabatay
bangiyo Caan ka ah dunida oo ku kala yaala dalalaka
Khaliijka iyo Yurub.
Dr, Nur waxaa kaloo uu soo maray ganacsi xoogan uu ka
sameyey dalalalka Carabta iyo Bariga Assiya waxuuna
xiriiro adag la leeyahay gancasato aqoonyahno iyo rag
xilala sare ka haya dunida.
Intii lagu jiray mudadii burburka Dr, Nur waxuu kaalin
xoog leh ka soo qabtay nabadeyntii dalka waxuuna jago la
taaban karo ka soo qabatay Ururkii USC oo ka ahaa ninka
u qabalisan ganacsiga iyo xiriirka Caalamiga ah markii
dowladii Cali Mahadi Maxamed lagu soodoortay Djabuuti
waxuu ahaa odayaashii Bud dhiga u ahaa talooyinka wax ku
oolka ah oo ay ku shaqeyneysay dowladda.
Dr. Nuur waxuu kaloo si weyn uga dhex muqday shirarkii
dib u heshiisiinta Soomliyeed oo ka kala dhacay dalka
gudihiisa iyo dibadiisaba haba ugu danbeeyee shirkii
kadhacay magaalada muqdisho oo beelaha soomaaliyeed oo
dhan ay kasoo qeybgaleen.
U soo istaagida Dr. Nuur Xilka madaxtinimada Somalia
ayaa waxaa soo dhoweyey dad badan oo aqoon u leh
waxqabdkiisa kuna dhaqan dalka engiriiska
magaalooyinkiisa kala duwan. Waxaana uu shaaca ka qaaday
inuu wax weyn ka bedeli doono hanaanka maamul ee hataan
ka jira Somalia oo ah waqti aad u adag.
Dr. Nuur oo hataan ku sugan Cariga ingiriska magaalda
Birmingham ayaa is sharaxaadiisu ku soo aaday xili ay
dowlada somaliya iyo mucaaradku ku heshiiyeen in ay
dowlad loo dhan yahay dhistaan waxaana larajeynayaa in
ay doorashada madax weyna nimada somalia ay dhacdo
26/01/2009 iyada oo dalka ay ka jirto amaan xumo waxuuna
sheegay inuu wax weyn ka qaban doono sida amaanka
dhaqalaha waxbarashada iyo soocelinta hanankii
dowladanimo ee soomaaliya ku laheyd caalamka. Intiisa
kale iyo in uu dib uhishiisiin waarta ka dhalaindoona
dhamaan bulsha weynta soomaaliyeed qeybaheeda kala
duwan.
Sidoo kale musharax nimadaa Dr. Nur ayaa waxaa si weyn
looga soo dhaweeyey dalal badan oo imaardka carbtu u
horeeyey oo jaahliyadaha ku nool durba ay diyaariyeen
qaban qaabo loogu jiro soo dhoweynta Dr. Nur
Sidoo kale magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Balcad,
Mareeg Xaradheere, cadale ,ceeldheer,warsheekh iyo
magaalooyin kale ayaa hataan waxaa ka socda abaabulo ku
aadan imaatinka musharxaan awooda siyaasdeed ku leh.
deegaanadaas.
Waxaana dadka siyaasadda saadaaliyaa ku tilmaameen inuu
yahay rug cadaa dhaafin kara xaalada qalafsan ee
soomaaliya ku jirto Xiligan kala guurka ah.
La xiriir:
nurhassan@hotmail.com
Birmingham U k.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2009
|