Xassan Abshir oo Isu Sharaxay Madaxweynaha DFKMG
Xassan Abshir Faarax ayaa Jan 17, 2009 isu Sharaxay
Madaxweynaha Dawladda Federaalka KumeelGaarka ee
Soomaaliya, waxana uu shir jaraa'id oo uu arrintaas
musharaxnimada kaga hadlayo ku qabtay Nairobi.
Qoraalkii shirka Jaraa'id ee Xasan Abshir iyo
qorshihiisa siyaasadeed hoos ka akhri...
Bismillahi Al Rahmani Al Rahim
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan
idinku salaamayaa salaanta islaamka, asalaamu calaykum
wa raxmatullahi wa barakaatuhu. Salaan ka dib, markii
aan dhegaystay talo jeedinta in badan oo ka mid ah
waxgaradka ummadda Somaliyeed, waxaan goostay anigoo ah
Xassan Abshir Faarax in aan isu soo taago tartanka
jagada Maxawaynanimada Dawladda Federalka Kumeelgaarka
ah ee Somaliyeed.
Maanta oo taariikhdu tahay 17/01/2009, Sabtida, goobtuna
tahay magaalada Nairobi, waxaan caddeynayaa in aan u
taagnahay musharraxnimada Madaxweynaha Dawladda
Federalka Ku Meelgaarka ah ee Somaliya. Waan hubaa in ay
xildhibaanada Somaliyeed igu taageri doonaan hawshatan,
haddii Allaha awoodda lahi idmo.
Mudanayaal iyo Marwooyin, haddii aan ku guulaysto, insha
allah, jagada Madaxweynanimada ee Somaliya, aniga iyo
Raisul Wassaraha aan mgacaabi doono iyo xukuumadda uu
soo dhiso doono, tallaaabooyinka wax ku ool ka ah oo aan
qaadi doono waxaa ka mid ah kuwa hoos qoran.
• Waxaan ku soo dabaali doonaa gayiga Somaliya
nabadgelyo buuxda iyadoo aan ku dhaqmi doono shareecada
islaamka.
• Waxaan dhisi doona ciidamo (military, police iyo kuwa
asluubta) oo tiro iyo tayaba leh, loona dhameeystiro
qalabkooda iyo xuquuqdooda ciidan.
• Waxaan gaarsiin doona dib u heshiisiin buuxda beelaha,
kooxaha iyo ummaddda Somaliyeed oo dagaalka ahliga ahi
kala dilay muddo ku dhow (20) labaatan sandadood.
• Umaadda Somaliyeed waxaa lagu dhaqi doona ganacsiga
xorta ah, marnaba lama ogalaan doono midka xirxiran
(monopoly).
• Markii ay xukuumaddu ururiso dhakhliga, waxa ay ku
fullin doontaa adeegyada bulshadu u baahan tahay ee
muhimka ah, sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha,
isgaarsiinta, waddooyinka iyo nabadgalyada.
• Waxaa la abuuri doonaa lana dardargelin doonaa
kalsoonida shacabka ku qabo dawladda iyadoo sare loo
qaadi doono wacyi gelintooda.
• Waxaa la dhamaystiri doonaa, lana hirgelin doonaa
Dastuurka Dawladda Federalka Kumeelgaarka ah, isagoo
waafaqsan shareecada islamka, si qof kastaba hal cod u
yeesho (one man one vote), markii doorashad xorta ah la
gaaro.
• Waxaa la hergelin doonaa garsoor iyo caddaalad xaq ku
dhisan, goballada iyo dawlad gobaleedyada dhexdooda.
• Waxaa la kobcin doona ilaha dhaqaalaha, ururinta
canshuuraha iyo ka ilaalinta dakhliga dawladda in la
lunsado ama dad kooban sidii ay doonaan ugu
takrifashaan.
• Dawladdaha dariska la ah Somaliya, waxaan kula dhaqami
doonaa xiriir daris wanaag, is xurmayn iyo wax wada
qabsi.
• Ugu danbeyntii, Dawladda Federalka waxaan u soo
jeedinayaa in aysan ku degdegin dhisid xukuumad iyada u
gaar ah. Sidoo kalana, mucaaradku meel kasta oo ay
joogaan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka soo qaybgalaan
dhismaha dawlada loo dhan yahay. Maxaa yeelay, ummadda
Somaliyeed waa ka daashay dagaal sokeeye, waxayna u
baahan tahay nabad waarta, xasilooni iyo dawlad caadil
ah.
Wabillahi Tawfiiq
Xildhibaan Mudane Xasan Abshir Faarax
La xiriir:
webmaster@hassanabshir.net