SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

Bayaan Kasoo baxay Somali-Cause

Ethiopia: Hadii ayax tago muxuu iil reebi karaa. Malaga yaabaa in Itoobiya si dhamaystiran Soomaaliya uga baxdo.

  • Ururka Somali Cause Ee Waqooyiga America wuxuu si taxadar leh u soo dhaweeyey heshiiskii Jabuuti ay kuwada saxiixeen ARS iyo TFG-DU.
  • Ururka Soomaali Cause wuxuu soo dhaweynayaa bilow fiicana u arkaa kabixitaankii Ciidamada Ethiopia ay ka baxeen Gobalka Banaadir gaar ahaan Magaalada madaxda Muqdisho.
  • Ururka Somali Cause Sidoo kale wuxuu mahad balaaran u soo jeedinayaa dhammaan qaybihii kala duwanaa ee kaqayb qaatey halganka wadanka lagu xoreynayo intii hubka qaadey iyo intii siyaasad iyo dhaqaale uga qeyb gashey.

    In kastoo Ciidamada Ethiopia bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya ayna tahay guul u soo hoyatey dalka iyo dadka Soomaaliyeed su’aasha isweydiinta leh wexey tahay Ethipia ma baxeysaa mise waxey isticmaali doontaa xeelado cusub.

Diginnin:

Ururka Somali Cuase wuxuu kadigayaa Kaartooyinka Cusub ee laga yaabo inay Ethiopia isticmaasho

Sharaxaad badan iyo cadeymo uma baahna inay Ethiopia ahayd  maska suntiisu naafeysay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa lawada xasuustaa inay Ethiopia soo dhistay soona hubaysay dhamaan jabhadihii dumiyey dawladii Soomaaliyeed, wixii bur burkii dawladii kadambeeyeyna ay Soomaaliya kasamaysatey Qabqablayaal ayada ka wada amar qaata soomaaliyana uga fuliya wixii Ethiopia uga baahato. Waxaa lawada xasuustaa sidii Ethiopia uga soo horjeesatey caqabadna ugu noqotey wanaag kasta oo Soomaali isku deydey inay kuxaliso mushkiladeeda.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in Ethiopia waxay filaneysay markay Soomaaliya ku duushey iyo waxay la kulantay ay ahaayeen labo kala fog. Ethiopia waxay filaysay mar hadeey maxaakimtii Islaamka jilbaha dhulka u dhigtey Qabqablayaashii ama Hogaamiye kooxeedyadii ayada ka amar qaadan jirayna Xamar Taangiyadeeda ku keentey inay Soomaali qoorta dhiiban doonto Ethiopiana guul ku faani doonto. Gabyaagii  Soomaaliyeed (Qamaan Bulxan) baa wuxuu yiri  

      “Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu

       Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane” 

Taasi madhicin ee waxaa dhacay badalkeeda oo ahayd inay Soomaali diiday inay isdhiibto naf iyo maalna dul dhigto inay Ethiopia iska celiso Ethiopiana xaaladii waxay ku noqotay lamood noqonsa weydey. 

Your browser may not support display of this image.Mar hadey Ethiopia ku hungoowdey damaceedii indha la’aanta ahaa ayna u cadaatey inaysan Soomaaliya kahelayn waxey dooneysay waxaan shaki ku jirin inaysan Ethiopia nasan doonin ee ay isticmaali doonto tabcooyin iyo qidado hor leh oo ay ku dooneyso inay ku daba dheereeyso mushkilada Soomaaliya ee madhamaatada noqotey.

Tusaalooyin kamida arimaha laga yaabo inay Ethiopia deg deg ugu dhaqaaqdo.

  1. Ethiopia waxay isku dayidoontaa inay dib u hawl galiso kooxo Soomaaliya oo dib u huriya dagaalo ka dhex dhaca Soomaalida dhexdeeda si Soomaalidu dhex deeda isugu mashquusho. Kooxahaas oo loo galindoono magacyo iyo shaatiyo kala duwan sida kuwa Shaati diineed, mid qabiil, mid siyaasadeed iyo wixii lamid ah sida hadaba kabilaabatay Gobolada qaarkood.
  2. Inkastoo ay ciidamada Ethiopia kabaxeen meelihii ay kajoogeen  Magaalada Muqdisho, hadana Ethiopia waxay samayndoonaa ciidamo guur guura oo maalinba magaalo Soomaaliyeed taga oo markaas intay dad ka qafaashaan, kuna duleeyaan, kuwo kalana u hanjabaan markaas hadana ka guura si ay dadka u cabsi galiyaan una tusaan inaysan Ethiopia aamin ka ahayn.
  3. Mar haday Ethiopia ku guul daraysatay inay Soomaaliya si dhamaystiran u hanato hada kadib waxay ku dadaali doontaa inay Soomaalida kala ilaaliso oo Soomaalida qaabiil qabiil xariir ulayeelato qabiil kastana ku tiraahdo idinkaan idin taageersanahaye qabiil hebel xariir halasamaysanina ama iska ilaaliya.
  4. Ethiopia waxay ku dadaali doontaa in ay Soomaaliya kala goo gooyso ama ay aqoonsi uraadiso Gobolada goonida isu taagey.

Maxaa Soomaali la gudboon?

Waxaa soomaali lagudboon qodobadaan hoos ku xusan.

  1. In qof kastoo Soomaali ah culumo iyo caamo lagu baraarugo xiligan adag. Carabtu waxay ku maah maahdaa Qofkaan hooyadi iyo Aabihi wax barin waxaa wax bara Maalinta iyo Habaynka.
  2. Haddii Ethiopia ay kooxihii hore ee ay Soomaali ku qabsatay kuna xasuuqday ay qaarna iska tuurtay oo cayrisay qaarna xir xirtay waa inaan ogaanaa inaysan Soomaali kala jeclayn mid kastana ay tuuri doonto maalintay danteeda kadhamaysato. Arintan gaar ahaan waxaan u jeedinaynaa dadka wali ku xiran ama kasugaya in Ethiopia wanaag gaarsiindoonto.
  3. In shacabka lagu wacyi galiyo inaysan mar danbe dagaal sokeeyo garab istaagin ama aysan ayagu ka qayb galin.
  4. Waa inaysan kooxa muqaawamada ama wax iska caabintu ku dhicin dabinka lala doonayo oo ah in loo kala saaro xag jir iyo qunyar socod oo markaa dagaal dhexdooda ka onkodo ama ka curto.
  5. Waa in laga shaqeeyaa sidii shirweyne Soomaalidu isku cafiso loo baadi goobi lahaa.
  6. Waa inaan lagu deg degin waxyaabaha saxmi doona hadii hanaanka ama maamulka guud saxmo. Tusaale waxaa kamida joojinta Qaadka deg deg loo joojinayo iyo Qubuuraha la bur burinayo. Shaki malaha in Qaadku dhibweyn ku hayo ummada Soomaaliyeed laakiin waxaa haboon in arimuhu sidey u kala horeeyaan loo kala hor mariyo. Haddii nadaam lahelo oo dalku dego dadkana wax labaro arimahaanu ayagaa saxmaya ayadoon dhibweyn laga marin.
  7. Waa inaan dadkii Ethiopia raacay laga aarsan ama lafaquuqin. Geesiga lama dhaho qofka degaala marka lajoogo goobta degaalka laakiin geesi waxaa ladhahaa qofka wax cafiya ama iska dhaafa asagoo aarsan kara. Arintan micneheedu maaha yaan lala xisaabtamin shiqsiyaadkii asalka u ahaa dhibta iyo Gumaysiga laakiin waxaan ula jeednaa inaan arintaa caam laga dhigin ama aan loo yeelin waji qabiil iyo qolooyin gaara.

Dar Daaran Muqaawamada ku wajahan:

Muqaawamada Soomaaliyeed waxaan kula talinaynaa: waxaad tihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee soo baxay maalintii loogu baahida badnaa. Maalintii Calankeenii dhulka ku dhacay cadawgeeniina farxayey ayaad hubka qaadeen oo diideen inaad qoorta dhiibataan ama dalka ka carartaan sida kuwo badan yeeleen. Hadaba waxaan leenahay waa nasiib daro iyo naxdin inaad maanta u kala baxdaan kooxo kooxo iyo xarakooyin oo sidaa dhiig ku daadisaan. Waxaan idin xasuusinaynaa shaley midnimo iyo isku duubni ayaad wax ku noqoteen ugana adkaateen Qabqablayaashii dalkeena iyo dadkeena agoonta ka dhigey xasuuqa shacabkeena taageerada uga heli jiray Maraykan iyo Ethiopia.

Hadaad maanta cadawgii oo wali dalka ku jira dhexdiina iska leysaan taasi waa naxdin iyo murugo u soo hoyatey Soomaali , iyo farxad iyo dabaal deg u soo hoyatay Cadawga ummadda Soomaaliyeed. Waxaanu leenahay isu tanaasula una daneeya dadkii aad dantooda u halganteen hubkana u qaadeen.

Dar Daaran Guud

***Soomaaliyey maanta waxaan maraynaa heer mustaqbalkeena uu mugdi weyni ku jiro. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa *(Arrad waa dan Uskakse waa dulinimo). Hadaan aragnay waxa maanta nagu dhacay iyo inuu dalkeenii iyo dadkeeniiba hal mar maabka dunida kabaxeen, waa nasiib xumo iyo dulinimo inaan kusii indho adeygno wadadii aan ku halaagsaney. Waa inaan maanta dhamaanteen yar iyo weyn culumo iyo caamo aqoonyahan iyo ardeyba aan maanta baraarugnaa kana kornaa qabyaalada iyo qof jeclaysiga una kornaa garashada danta guud iyo wanaaga gobonimo leedahay. Ugu dambayntii:

“katashada cadaawohoo isku tiirsanaada”

Somali Cause waa urururo kala gadisan oo ka kala yimid waqooyiga America, si ay uga midoobaad (a) in aan ka shaqeyno in ay Ethiopia ka baxdo somalia, laguna badalo ciidamo shisheeye oo aan ahayn kuwa safka hore, oo uu cadyahay qorshaha ay ku imaanayaan.(b)in aduuka labaro habdhaqanka ummadda soomaliyeed(c)in aan ugargaarno dadka soomaliyeed ee dhibaateysan(d) in aan ka shaqynaa qorshe kabadan Qabyaalada iyo Goboleysiga(e)in aan waardiyeeyno sharafta,karaamada iyo xuduudaha soomaaliya. 
 

Member organizations include:

1.        Alliance for Peace and Development (AFPD), Columbus, OH

2.        Baltimore Somali Community, Baltimore, MD

3.        Greater Boston Somali Community, Boston, MA

4.        Somali American Peace Council (SAPC), Washington DC

5.        Somali Canadian Diaspora Alliance (SCDA), Toronto, Canada

6.        Somali Diaspora Network (SDN), Fairfax, VA

7.        Somali Institute for Peace and Justice (SIPJ), Minneapolis, MN

  1. United Somali Diaspora (USD), Minneapolis, MN

###

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS