SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Janaayo 17, 2009

  • Baarlamaanka Federaalka ku meel gaarka oo la filayo inuu Shir Ku Yeesho Caasimada Dalka Jabuuti Maal-maha Soo Socda iyo Gudiyadii Siyaasada Labada Dhinac oo la Mideynayo.
  • Xildhibaan Jiniboqor oo isusootaagay xilka madaxtanimada soomaaliya...
  • Afhayeenka Jabhada Raaskaambooni oo Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho oo sheegay in ay la dagaalamayaan Ciidmada AMISOM ee ku sugan Muqdisho..
  • Dagaal U Dhexeeya Milayshiyo Maamulkii Hore Ee Hiiraan Iyo Maxaakiimta Oo Ka Dhacay Kalabaydhka
  • Dibadbax Lagu Taageerayo Ka Bixtaanka Ciidamada Ethiopia Oo Jimcadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo xaflad lagu qabtay Hindiya...
  • Eheladii Barack Hussein Obama oo si weyn uga soo qayb gali doonaan xaflada caleemo saarka wiilkooda...

Baarlamaanka Federaalka ku meel gaarka oo la filayo inuu Shir Ku Yeesho Caasimada Dalka Jabuuti Maal-maha Soo Socda iyo Gudiyadii Siyaasada Labada Dhinac oo la Mideynayo.

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Nuur xasan Xuseen ayaa u safrey Magaalada Nayroobi, si uu halkaasi kulan ugula qaato, sii hayaha xilka Madaxweynaha DKMG ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, taasoo uu ku doonayo sidii Baarlamaanka maalinta Isniinta ah oo taariikhda ku beegan 19/01/2009 loo soo rari lahaa, islamarkaana fadhi gaar ah uu ku yeesho Caasimada dalka Jabuuti.

Fadhigan Baarlamaanka uu ku yeelanayo Caasimada dalka ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo qodobo ay ka mid yihiin sidii baarlamaanka loogu kordhin lahaa 275 xubnood sida uu dhigayey heshiiskii Jabuuti lagu gaarey.

Nuur Xasan Xuseen ayaa safarkiisu ahaa mid aan hore loo sii shaacin islamarkaana, kadib markii maalin barked iyo Habeen uu joogey caasimada dalka Jabuuti oo shirkii wadahadalada TFG iyo ARS gudiyadooda siyaasada ugu furmey shaley.

Sidoo kale waxaa caasimada dalka Jabuuti ka dhoofey Cabdalla Boos iyo Prof; Gaandi oo ku siijeeday caasimada dalka Ethopia ee Adis Ababa, si kulan ay soo qaban qaabiyey AFRICAN UNION oo ka dhicidoona halkaas ay uga qayb galaan, kulankaasoo la sheegey in looga hadlidoono arimaha dhaqaalaha ciidamada isku dhafka ah ee la doonayo in laga dhiso dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la sheegey in ay ka soo qayb gali doonaan Hay’adaha deeq bixiyayaasha caalamka iyo Urur Goboleedyada caalamka, shirkaann ayaa wuxuu daba joogaa shirhore uga dhacay Adis Ababa oo ay ka qayb galeen labadan xubnood, inkastoo aan la ogeyn waxa ka soo bixidoona shirka hadana waxaad moodaa, mid xoogaa lagu jugeynayo shirka Jabuuti uga furmay dhinacyada TFG iyoi ARS.

Dhinaca kale Gudiyadii siyaasada labada dhinac TFG iyo ARS ayaa kulamo gooni gooni ku yeeshey Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti, waxayna warbixino ka kala dhegeysanayeen gudi farsamo oo ka koobnaa 10 xubnood oo labada kooxood kala mataleyey si waxyaabihii ay isku af-garteen 10-ka xubnood la isula eego.

Waxaana maal maha soo socda la doonayaa in hadal qoraal ah oop wada jir ah soo wada saaraan labada gudi, wixii markaa ka dambeeyanaya gudigu wuxuu qaadan doono hal magic sida laga dhawaajiyey furitaankii shirka.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Xildhibaan Cabdi Cabdule Saciid {Jiniboqor} oo isusotaagay xilka madaxtanimada soomaaliya...

Cabdi Cabdule Jiniboqor oo ku sugan Magaalada nairobi ee Dalka kenya ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi ka sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, isagoona muujiyay sida uu doonayo xilkaas.



Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si weyn u rajeynayo inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada, isla markaana shacabka uu doonayo inuu dhibaatada ragaadiyay ka samata bixiyo, isagoo adeegsanaya waaya aragnimo iyo karti dheeraad ah waa sidoow hadalka udhigaye .



waxuuna sheegay xildhibaanka inow asaga kaduwan yahay xildhibaanada isusoo sharaxay xilka madaxtinimada soomaaliya oo uu donayo inow mideeyo garabyada siyaasada soomaaliya mana sheegin wax qabadkiisa ku aadan madaxtanimada..



kaliya waxuu sheegay inow wax qabadkiisa ka horsheegi doono marki lamideeyo 575 xildhibaan ee matalaya umada soomaaliyeed..

Cabdi Cabdule Saciid {Jiniboqor} ayaa ka mid noqonaya Xildhibaano caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedd iyo Guleed gacma dheere Maxamed Qanyare, oo dhowaantan shaaciyay inay u taagan yihiin musharaxnimada xilka Madaxweynenimada.

Cadiraxmaan Diiriye Nuur
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Warbixin dheeraad ah ee Musharaxa:

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Jini Boqor ayaa maanta sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Jini Boqor ayaa maanta xaflad ugu sameeyey hotelka Barakaat ee magaalada Nayroobi ee dalka Kenya siyaasiyiin, odoyaal dhaqameedyo iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka.

Xildhibaanku waxuu soo bandhigay qorshe uu sheegay inuu ka dhaqi doono dalka Soomaaliya hadii la doorto mar uu hadlayayna waxuu yiri “waxaan noqon doonaa hogaamiye Qaran, hogaamiye shacab oo madaxweyne ma noqonaayo, ma noqon doona nin meel ku xiran ma noqon doono nin meel haga, ma noqon doona ni gabal haga, waxaan noqon doonaa shaqsi Soomaalida oday u ah”.

Jini Boqor waxuu sheegay inuu noqon doono sida GAANDI oo ahaan jiray hogaamiye si wayn dalka Hindiya looga qadariyo, waxuu sheegay inuu ku rajo wayn yahay in khilaafaadka dalka ka jiro uu xalin doono waa hadii la doortee isagoo sheegay in dalka uu dhanka dhaqaalahana uu ka dhintay waxuu sheegay inuu hagaaji doono dalka.

Xildhibaan Jini Boqor waxuu sheegay in dalka uu muddo 2 sano ah ay haysteen ciidamada Itoobiya isagoo soo dhaweeyey bixitaanka ay ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose, isagoo ugu baaqay dadka Soomalaiyeed inay dadka Soomaaliyeed hubka iska dhigaan, waxuuse culumada ugu baaqay inay Kutubtooda ku laabtaan, siyaasiyiintana ku laabtaan siyaasadooda.

Musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxweyninimo ee dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa sii badanaya iyadoo mid walba uu balanqaadyo samaynaya hase ahaate waxaa laga warsugayaa cida ku guulaystay madaxtinimada dalka Soomaaliya marka ay doorashada dhacdo.

Somalitalk
Nairobi


Afhayeenka Jabhada Raaskaambooni oo Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho una hanjabay Ciidmada AMISOM ee ku sugan Xamar... (Jan 16, 2009)

Halkan ka dhegeyso.....


Sawirka afhayeenka jabhada raaskaambooni ee ka dagaalanta gudaha dalka somaliya Bare Cali Bare


Xaflad soo dhaweynta kabixitaanka cidamada Ethiopia oo lagu qabtay dalaka India

Xaflad siweyn looso agaasimay oo cawa lagu qabtay hotel madder ee hyderabad aya waxaka so qebgalay jaliyada ku nool dalka India gaar ahan hyderabad xafladas oo ahayd mid lagu soodhaweynayo kabixitanaka ay kabaxen ciidamada itobiya soomliya.

Dr. mahamud maye oo khudbad dheer hakaas kasojediyay kana hadalay dhibatada dalka somaray 3sano oo ugudanbesay iyo marxalada uu dalka kusugnay yahay.

Qore: abbas Mohamed nur dhiblaawe
-mail. dhiblaawe05@hotmail.com
tel:009703235633


Dagaal U Dhexeeya Milayshiyo Maamulkii Hore Ee Hiiraan Iyo Maxaakiimta Oo Ka Dhacay Kalabaydhka

Jan 16, 2009: Gobolka Hiiraan ayaa  Dagaal xoogani ka dhacay deegaanka kala beydh ee gobolka Hiiraan kaasoo u dhexeyey ciidamada maxaakiimta islaamka Iyo Maleyshiyo taageero ka helaysay Ciidamada Ethiopia kuwaasoo meeshaas ku lahaa kantarool ay lacagta baada ah kaga qaadaan gadiidka isaga kala goosha Gobolada dhexe .

Dagaalka saaka ka dhacay deeganka kalabaydh oo ay hore u joogeen ciidamada ethiopia iyo milayshiyadan oo la sheegay inay meesha geeyeen maamulkii hore ee yuusuf dabageed ayaa mudo kooban lagaga baacsaday goobtaasi kadib markii mudo dagaal ka socdey iyadoo ay deegaanka kalabaydh oo ah deegaan kala qaybiya gobolo badan ay iminka gacanta ku hayaan xoogaga maxaakiimta islaamka .

Sidoo kale ma cada khasaaraha ka dhashay halkaasi waloow ay milayshiyaadkii hore u joogay isgaoykaasi kalabaydh la sheegay inay u carareen dhinaca wadada feer feer islamarkaana la sheegay inay goobtaasi amaankeeda la wareegeen ciidamada maxaakiimta islaamka .

Dhinaca kale ciidmada ethiopia oo Hore ugu sugnaa goobahaasi oo jooga meel aan sidaasi uga sii dheerayn ayaa la sheegay inay dagaalka u dhexeeyey milayshiyada maamulkii hore ee hiiraan iyo maxaakiimta ay madaafiic kusoo garaaceen islamrkaana ay madaafiicdaasi ku dhacaysay buuraha u dhow dhow degaanka kalabaydh.

Dibadbax Lagu Taageerayo Ka Bixtaanka Ciidamada Ethiopia Oo Jimcadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Banaanbaxyo farxadeed oo lagu soo dhoweynayo ka bixitaanka ay ciidmada ethiopia ay ka baxeen dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho oo ay mudo labo sano ah dibad joog ka ahaayeen kumanaan qoys ayaa maanta ka dhacay garoonka studyow muqdisho ee magaalada muqdisho.

Dadweynahan oo gaarayey kumanaan dad ah oo isugu jira Culimo Udiin , haween ,caruur ,qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xoogaga muqaawimada ayaa isugu soo baxay garoonka studyow Muqdisho kuwaasoo ay wejiyadooda ka muuqatey farxad aan lasoo koobi karin islamrkaana ay goobtaasi ka hadleen masuuliyiin ay kamid yihiin saraakiisha wax iska caabinta iyo Gudiga culumo udiinka dhex dhexaadinta xoogaga islaamiyiinta kuwaasoo dadka ugu Baaqay inay gacanta is qabsadaan oo ay midoobaan .

Sidoo kale Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudida Culumo Udiinka Soomaaliyeed ee ku Howlan dhex dhexdhexaadinta xoogaga islaamiyiinta ayaa waxay umada soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa reer muqdisho ugu baaqeen inay ALLAH u mahad Celiyaan Maadaama uu cadowga ALLE ka saaray

Goobta fagaaraha garoonka Studyow Muqdisho oo ay ka hadleen culimo udiin fara badan iyo weliba Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa hadalo Qiiro leh kasoo jeediyey afhayeenka Gudida Culimo udiinka sh,Nuur Baaruud Gurxan oo U Mahad Celiyey ALLE isagoo tibaaxay in maanta ay tahay maalin farxadeed islamrkaana ugu magac daray ( MAALINTA GUUSHA ) Uguna baaqay umada soomaamaaliyeed gaar ahaan kuwa reer muqdisho in looga baahan yahay inay ALLE xusaan oo Guusha Rabbi siiyey ku mahad Celiyaan.

Si kastaba ha ahaatee banaanbaxan nabadeed ayaa umada isugu soo baxday oo gaaraysay Kumaan qofood ay wejiyadooda ka muuqatay Yididiilo nabaded oo ay mudo labo sano kadib ah kusoo noqdeen Guryahoodii.

Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com


Eheladii Barack Hussein Obama oo si weyn uga soo qayb gali doonaan xaflada caleemo saarka wiilkooda ee noqonaya madaxwaynaha cusub dalka Mareykanka.

Warbixin lagu daabacay Joornaalka Metro ee ka soo baxa magaalada London saakayto ayaa lagu sheegay in si weyn ay uga soo qayb gali doonaan ehelada Obama dhaarinta madaxwaynaha cusub ee dalka Mareykanka oo dhacaysa Talaadada soo socoto bishuna tahay 20/01/2009, kuwaas oo ka kala iman doono dunida dacaladeeda.

Madaxwaynaha cusub ee dalka Mareykanka ee aan weli la dhaarin ayaa ah mid ka soo jeeda qoys aad u balaaran oo hadana ku kala nool wadamo kale duwan, kuwaasoo ku kala duwan hadii ay ahaan lahayd xaga midabka, afka , dhaqanka iyo diintaba, marka laga reebo qoyska hooyadiis inta kale waa dad Muslimiin ah, madaxwayne Obama ayaa noqon doono madaxwaynihii ugu horeeyay dalka Mareykanka oo madow ah isla markaana ka soo jeeda qoys Muslim Kenyaati ah.

Wafdiga Qoyska Obama (clan) ee ka qayb gali doono dhaarinta xaflada caleemo saarka madaxwaynaha cusub Barack Hussein Obama ayaa waxaa hogaamin doono Ayeeyo Sahra Obama ( Sarah) iyagoo ka kooban 8 qofood, oo ka kala iman doono magaalooyinka Jakarta, Kogelo iyo London.

Waxaa dalka Ingiriiska ku nool magaalada Bracknell, Berkshire Ayadiis ama Eedadiis Kezia Obama oo 66 sano jir ah, waxay shalay ka duushay Gegedida dayuuradaha magaalada London ee Heathrow kuna sii jeeda magaalada Washington si ay uga qayb gasho caleemo saarka wiilka ay aayada u tahay, iyadoo la hadlaysa jaraaidkana waxay tiri ''Tani waa markii iigu qiimaha iyo farxada badnayd noolashayda'' Barack waa nin aad u macaan lehna dabeecad wanaagsan, kaasoo noqon doono madaxwayne samayn doono isbadal weyn ayay hadalkeeda ku soo koobtey.

Wiilkeeda Malik Abong'o Obama oo la walaal Aabe ah Barack Obama, ma uusan ka soo bixin weli Dalka Kenya, kadib markii uu ka yara daahay Visa-ha dalka ku galka dalka Mareykanka, hasayeeshee wali waa uu ka garayaa inuu gaaro waqtiga lagu qabanaayo caleemo saarka magaalada Washington.

Madaxa Wafdiga qoyska Obama ayeeyo Sahra Obama iyo walaalkiis Malik waa ay ka soo ambabaxeen tuulada Kogelo oo ku taal dalka Kenya waxay na joogaan magaalada Nairobi si ay uga soo baxaan ilaa iyo berito, Ayeeyo Sahro waa xaaska sadaxaad ee Barack Obama awoowgiis balse Sahra ma aysan dhalin Barack aabihiis, laakiinse waxa uu la leeyahay xiriir aad u dhaw ayeeyo Sahro, waxana uu ugu yeraa Obama Sahra Ayeeyo ama Abooto Sahra ( Granny Sarah).

Qoyska Obama ee ku hari doono tuulada Kogelo waxay ku qaban doonaan xaflad weyn maalinta caleemo saarka, iyagoo caleemo saarka xaflada wiilkooda ama dhaarinta madaxwaynenimada dalka Mareykanka ugu wanqali doona 4 Dibi, lix ari ah iyo 30 digaag ah marka la gaaro maalinta talaadada soo socoto hadii Allah idmo.

Waxa iyana ka soo qayb gali doono xaflada caleemo saarka oo lagu casumay gabadha la yiraahdo Liah Soetoro iyo ninkeeda Ibnu Sobah oo ka iman doono magaalada Jakarta Dalka Indonesia,kuwaas oo waligood dalbanin Passport ay ku dhoofaan balse ku wajahan magaalada washington markii ugu horeysay ay ka dhoofan dalkooda, Marwo Liah Soetoro waxaa dhalay odaygii qabi jirey Obama hooyadiis waana gabar ay isla soo koreen sida ku cad joornaalka.

Xaflada caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee dalka Mareykanka waxa ay dhici doontaa subaxnimada Talaadada taariikhduna tahay 20/01/2009, iyadoo laga daawan doono TV-yada caalamka si toos ah, nabadgalyada magaalada Washington ayaa aad loo adkeeyay isla markaana magaalada ayaa laga aruuriyay dadka darbiya jiifka ahaa ee ku noolaa ama aan iraahdo Homeless-ka si bilicda magaalada Washington wax looga badalo inta ay socoto xaflada caleemo saarka, madaama ay imanayaan madax sar sare iyo dad kala duwan, laakinse hay'ada u dooda kuwa gurya la'aanta (The Coalition for homeless Charity) ayaa ku dooday inaan laga takoorin dadka Homeless inay ka qayb qaatan xaflada dabaaldaga caleemo saarka, balse sida u sheegay nin u hadlay minishiibiyada magaalada Washington ( DC Council member) ayaa yiri waxaa lagu qanciyay homelesska in la gayn doono meelo ka baxsan magaalada ayna ka daawan doonan Televisionka si toos ah.

Xigasho: Metronews, London
La soco wararka Dunida, oo ka naso maxaa Soomaaliya laga soo sheegay?.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS