SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaaliyada Puntland ee Dalka Canada, Alberta, Edomton iyo Xafladoodii Soo Dhawaynta Hagaanka Cusub ee Puntland

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo...

Waxaa xaaflad balaaran oo ku saabsan soo dhawaynta hogaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland ee uu Majaraha u hayo Madaxwayne Dr.Abdirahman Mohamed Mohamoud (Faroole), Ku xigeenkiisa Gen. Abdisamad Ali Shire, iyo Ra'iisul Baarlaamanka Puntland Abdirashid Mohamed Hirsi ka dhacday hoolka shirarka ee Edmonton Islamic School Jan 12, 09. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa'udiin, Aqoonyahan, Cuqaal, Ganacsato, Arday, iyo Haween waxay u dhacday jawi ay ka muuqato farxad iyo rayn rayn. Waxaa xafladaas ku furay Ayaado Qur'aan ah iyo wacdi weheliyay Imaam Sh. Mohamed Abdullahi (PhD), oo hambalyo iyo bogaadin u diray hogaanka cusub ee Puntaland isagoo carabka ku dhuftay qiimaha ay ku fadhido nabadu iyo in la garto inaan dhiig ku daadan dorashadaasi, si la mid ahna xusey in ay mudan tahay in loogu hambelyeeyo guushaas taariikhiga ah ee ay gaareen. Waxaa isaguna hadalo wacdi iyo qiiro wadaninnimo muujinaya ka soo jeediyay Sh. Osman Xaashi Barre oo sheegay inuu ku dhashay salka Geedka lamagac baxay ALHAMDULILLAH, waxaana uu ku booriyay in Jaaliyadu ka qayb qaadato horumarka dalka oo uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyay inaan lagu halayn oo kaliya hogaanka cusub, waajibna ay tahay in horumarka degaanka laga qaybqaato.

Abdi-Dahir Mohamed Warsame (Abdi-Dheere), ayaa soo gudbiyay hambalyadii ku socotay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Abdirahman Mohomed Mohamoud (Faroole) Madaxwayne Kuxigeenka D. G. Puntland Gen. Abdisamad Ali Shire, iyo Gudoomiyaha Ra'iisul Baarlamaanka Puntland Mudane Abdirashid Mohamed Hirsi, waxaana uu xusay in isagoo ku hadlaya Magaca Jaaliyada Puntland ee Edmonton, Alberta, Canada, ka gudoomaan hambalyo iyo bogaadin ah xilka loo doortay, waxaana uu kula dar daarmey inay muujiyaan waxqabad muuqda taas oo ah mida ay u doorteen shacabka reer Puntland, isagoo xusay in Madaxwaynaha cusubi Dr.Faroole, yahay nin aqoon yahan ah oo reer puntland nasiib u yeesheen inuu xukunkau doortaan, taasna macnaheedu yahay inuu dalka isbel muuqda ka sameeyaan.

Waxaa isaguna taariikhda Puntland oo si cilmiyaysan u kooban, dhagaystuhuna u riyaaqeen goobtaas ka soo jeediyay Mudane Ciise Ismaaciil Yuusuf, oo cadeeyay in Puntland tahay Soomaaliya, Soomaaliyana tahay Puntland. Mudane Ciise, ayaa taabtay sida caddaalada ah ee shacabka Soomaaliyeed oo dhan ugu nool yhiin Gobolada Puntland iyagoo la xuquuq ah dadka degaanka loogu abtiriyo, waxuuna xusey in dadka ku nool magaalada Boosaaso ee horey u deganaa iyo dadka nabada u yimid iyo inay ka shaqaystaan, badan yahiin dadka gobolada kale ka yimid. Mudane Ciise ayaa cadeeyay in astaanta gobolada Puntland tahay NABADA, taasina sababtay inay Soomaalida oo dhami isug yimaadaan, macanaheeduna yahay SOOMAALIYA WAA PUNTLAND, PUNTLAND-NA WAA SOOMAALIYA.

Abwaan Abdicasiis Mohamed Liibaan, ayaa isaguna muujiyay rajada laga qabo in hogaanka cusubi ku soo kordhiyo gobolada puntland. Abwaan Cabdicasiis ayaa xusay in Madaxwaynaha cusubi Dr.Faroole yahay aqoonyahan dalka Soomaaliya oo dhan laga yaqaan, mudo dheerna maamulkii Bangiyada Dalkeena gacanta kula soo jiray, beeqaaminta dhaqaalahana khibrad dheer u leh, waxaana uu codsaday in naynaasta Faroole lagu badelo Madaxwayne Cabdiraxman Farshaxan, taas oo uu ku macneeyay ninka farshaxanka ahi waa inuu qalinka iyo xaashida waxbadan isa saaro si uu sawir wanaagsan u soo baxo.

Sidoo kale Aqoon yahan Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay sida ay lama huraanka u tahay in jaaliyadaha qurbo joogtu meelkasta oo ay joogaan ka qayb qaataan gacansiinta hogaanka cusub iyo horumarinta gobolada Puntland. Aqoonyahan Cabdulqadir, ayaa xusey in dalka oo dib loogu ceshaa xirfadaha iyo aqoontu, keeni karto isbedel muuqda oo baaxad wayn, tusaale fiicana u noqon karta qaybaha kale ee dalka.

Waxaa iyana xusid mudan in xafladaas ay ka soo qayb galeen dhamaan ummada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, ee uusan ku koobnayn oo kaliya jaaliyada Puntland, runtiina ahayd mid taariikhi ah oo lagu xusay in NABADU tahay aas aaska nolosha, oo dadka reer Puntland iyadoo uusan dhiig ku daadan fahmey, inay doorasho xaq ahi dhacdo, lana garab istaago natiijada doorashada, taas oo tusaale fiican u ah in gobolada kale ee Soomaaliya ee aan xasiloonayn ku daydaan dhacdadan taariikhiga ah.

Waxaa si wanaag iyo maamuus ku dheehan yahay xafladaas u daadihinayay Mudane Muxiyadiin Diiriye Nuur, oo uga mahad calilyay dhamaan dadkii agaasimay xafaladaas ,kana soo qayb galay, iyo warbaahintii goob joogayaasha ahaa hadayn ahaaan lahayd Website-yada Soomalida iyo warbaahinta raadiyayaasha gudaha.


Ugu danbayn, waxaa jaaliyadu kula dar daarmaysaa hogaanka cusub, inay taariikhda dib u raacaan oo ka faa'iidaystaan dhacdooyinkii soo maray Puntland, ogaadaana in shacabka reer Puntland gudo iyo dibad, uu qalin iyo xaashi isu dul saaran yahay, taariikhduna noqonayso mid xusta halka ay ka galaan isbelka baaxada wayn ee looga fadhiyo, waxayana aad iyo aad u hadal hayaan in culayska la saaro kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, garoomada, si la mid ahna kor loo qaado tayada waxbarasho, caafimaad iyo arimaha bulshada.


Guul Guul Guul , Hurumar, Hurumar, Hurumar, Caddaalad, Caddaalad, Caddaalad, Caddaalad, Waxqabad, Waxqabad!

Waxaa soo tebiyey:

Muxiyadiin Madax Cade
madaxcade@hotmail.com


Former Toronto taxi driver is now in charge of a Somali coast guard .....This cabbie hunts pirates

 Press Release
For immediate release
Canadian Somali Congress concerned by comments that have appeared in a recent Maclean's magazine news article

The Canadian Somali Congress is deeply concerned by comments that have appeared in a recent Maclean's magazine news article written by Mr. Jonathon Gatehouse on Monday, January 12, 2009 titled "This cabbie hunts pirates" (source: http://blog.macleans.ca/2009/01/12/this-cabbie-hunts-pirates/). While we have no problem with the various issues covered by this article, we are very concerned about comments attributed to Mr. Osman Ali of the Somali-Canadian Association of Etobicoke. In the article, Mr. Osman Ali is quoted as saying "They are all here in Canada—the government, the pirates, the terrorists." Mr. Osman is also quoted as saying "They go back and forth, especially around election time."

It is the opinion of the Canadian Somali Congress that such a blanket statement about Canadian Somalis is harmful to a community that continues to face many challenges. To our knowledge, there is no clear evidence that has been provided to support this serious allegation. Canadian Somalis value the peace and tranquility that they continue to enjoy in Canada. They would certainly not tolerate anyone or anything that jeopardizes the security of this country. We desire to live in harmony with other Canadians especially given the fact that we have experienced a civil war and the attending consequences.

It is the opinion of the Canadian Somali Congress that if Mr. Osman Ali has detailed knowledge of the presence of pirates and terrorists who go back and forth then he has an obligation as a Canadian citizen to bring this information to the attention of Canadian security agencies. These agencies have the mandate to look into matters relating to security in Canadian communities. However, it is also our opinion that if Mr. Osman Ali does not have any credible information or evidence to back up his comments, then such serious unsubstantiated allegations only cause further harm to the community.

-30-

For further information contact:

Communications department
Canadian Somali Congress


Tel: 613-523-2656

Email: canadiansomalicongress@gmail.com
Website: www.canadiansomalicongress.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS