Gaza : Geeridu ma aha Guuldarro Maxamed C.
Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
http://www.guardian.co.uk/world/gaza
Billowga qarniga 21aad, waxaan ku sugannahay adduunyo
ilbax ah, naxariis badan, oo noole iyo manooleba in lagu
xadgudbaa ay xaaraan tahay, xuquuqdooduna dhowrantahay.
Waxaanan joognaa adduunyo arxandaran oo la isku
dhiirrigeliyo in dhulka lagu malaaso magaalooyin ay
malaayiin qofood ku noolyihiin, caruur iyo cirroole
midkoodna aan la badbaadin. Kaaga sii darane in dadka la
dulminayaa ay is difaacaan waa dambi argagixiso, halka
kuwa wax dabargoynaya dooddooda la xalaaleynayo. Waa
duni dadka qaarkiis dilkiisa iyo darxumeyntiisa darajo
iyo dallacaad lagu helo, taasina ay keentayba in
gumaadkooda la isku garbiyo.
http://www.guardian.co.uk/world/video/2009/jan/13/gaza
Aakhiro waa xisaabteedee, ceebta iyo waji gabaxa ifka
ku haysta guud ahaan umadda Muslimiinta ah ee
walaalahood maanta lagu xasuuqayo marinka Gaza ee
Falastiin, miyaysan aheyn tii Nabigeennii Muxamed (nnkh)
uu ka digay 14 Qarni ka hor? Adduunyadoo la jeclaado iyo
geeridoo la dhibsado, sow natiijadeedii ma noqon;
ummaddii muslimiinta aheyd ee adduunka ugu badneyd in
itaalkeedii uu ku soo ururo indho guluc ka siin iyadoo
maalinba afartii xulka aheyd agteeda lagu dubanayo?
Gabayga cusub ee Gaza, oo soo baxay 15kii Jannaayo,
2009ka, wuxuu ku saabsanyahay xasuuqa naxariisdarrada ah
ee lagu hayo shacbiga Gaza,waxaanan Rabbi (swt) ka
baryayaa in uu naxariistiisa waasica ah u soo dedejiyo,
dulmiga ku habsadayna degdeg uga dulqaado.
Wuxuu gabaygu ku billaabanayaa:
- Gooreysadaa muuqatiyo sekenka gowleeya
- Waagii guduutiyo waqtigu galabba waa ceyne
- Waa hooska guurguurayoo gelinba meel jiraye
- Galalkaa mar buuxoy xareed galac leh jiiftaaye
- Marna geyigu waa wada abaar baahi loo go’iye
- Gu’ waa nabad kalgacal lagu nastoo guurku
fidayaaye
- Gu’na waa colaad goxoshka iyo gablamin waayeele
- Inkastoo gegsigu waa nimcee aad gob tahay yaab
leh
- Haddana gugaca samadii qarshee gubaya ciiddaada
- Ubadkaada la gumaadayee nacabku gowracayo
- Oon gacal u hiilliya laheyn gocasho waa ciile
- Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
- Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu
gooya
- Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
- Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Iney dunidu sii gaddoomeysoy gebi ka laallaaddo
- Ficillada gurracan ee dulliga yaad ka garataaye
- Gunta badaha xayawaan ku jira dhibi iney gaarto
- Gooddin baa ka taalloo guddiyo dhowrayaa jiraye
- Dhagaxaanta qaar lama gurtoo waa ganaax culuse
- Garsooraaba loo sheegayaa geed ninkii jaraye
- Adigana malaayiin guryiyo gogolba loo diiday
- Gasiinkana ku diimaaya oy gaajo bi’ineyso
- Yaa gantaalo quud loo dhigay gumuc rasaaseede
- Maatida gamaareysa ee goob walbaba daadsan
- Haddaan loo garaabeyninoo gefba la sii saari
- Waa inaan gutaa waajiboon geysto tabarteeye
- Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
- Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu
gooya
- Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
- Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Sida galley la muufeeyay iyo garow la ruugaayo
- Ummad xeero lagu soo gurtoo la isku goobeeyay
- Gashigeedna loo kala tartami goosi hilibkeeda
- Wax Xadiis uu goor hore ka digaa meesha galaye
- Garwadeennadaa waashay iyo geeshka kaa hiilshay
- Markii diinta ay ka gaabiyeen xumana loo guuray
- Gafaniyo markey caabudeen Jaahilkii gawiya
- Oo aakhiro in loo geeddi yahay gini
hilmaansiiyay
- Giirrey lo’aad iyo sidii ariga geesaha leh
- Guunyuu Ilaahey ka dhigay geel dad leeyahaye
- Guudkaa barkood laga raraa geenyadoo kalaye
- Kuwo waa la gadayaa intey gaar gorgoriyaane
- Qaarna waa la gaballeynayaa oo la googgooye
- Adigaaba gaashaan leh iyo ciidan aar-gudanne
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Gorofkii Fircoon iyo Abraha laga gol roonaaye
- Hitlerkii is yiri gabagabee gabi ahaan dunida
- Gendi kibir la qooqaaya iyo gale awood sheegtay
- Gabgableynta maalmaha yar iyo gujinta kii liita
- Waa garasho daaquud inuu gaabso diidaaye
- Gumeysigu qareenkuu lahaa iyo gabbaadkiisi
- Golihii la sheegsheegi jiray goob Ibleys noqoye
- Waa kaa xishoodkii gambiyoo lagu gabraartaaye
- Waa kaa go’ii tuurayuu guray damiirkiiye
- Waa kaa gaggabayoo herdiyay biro gidaarro ahe
- Waa kaa gafuurkii jaboo goon ka dhaawacane
- Waa kaa nabsigii gaaxsanaa buuxshay gaawahaye
- Bari iyo Galbeed laga dareen godobta teenna ahe
- Gamuunkiina liishaamanoo giigsan qaansaduye
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Gunnimaa xanuun badan leh iyo gaalo-raacnimaye
- Gobonnimo inaan daafacnaa wey gudboontahaye
- kuwa maanta ku go’doomiyee gaaska kugu buufin
- Garaadxumo haddii ay la tahay inu gantaal taliyo
- Dhiiggaada laga ganacsadiyo gardarradaa qaawan
- Xaqaad gowska ku adkeysan iyo geesinnimadaadu
- Dhanbaal gaar ah yey insha-Allaah sii
gudbinayaane
- Waa gaddii asxaabtii Ukhduud saan gareysnahaye
- Wiilkuu Ilaahey galladee geliyay iimaanka
- Gurbaankii khalqiga loo tumiyo gegidii
buuxdhaaftay
- Garbadduubiddiisii la eed maalintuu go’aye
- In sheydaan go’aankiis fuloo la isku guulguulo
- Boqorkii gagruurasho halkuu gaardis filanaayay
- Siduu shacabkii u gadoodayee geerida u doortay
- Oo godad la hurinaayo uu uga gabboon waayay
- Una yiri Allihii gabanka iyo Guullahaan raacnay
- Arligaa gilgilan oo runtaa guudka soo mariye
- Muslimiintii wada gama’sanaa wey gurxamayaane
- Goonyaha adduunkoo dhan buu guux ka baxayaaye
- Iska daa dar kaa goosta iyo gaabis kaa haraye
- Gacaltooyo qaar kuu qabaa diinta soo geliye
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
- Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad
heliye.
C/Qaadir
Maxamed C. Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
GUUBAABO: Gabay Cusub - Dec 2008
Akhris/Dhegeysi..