SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaakiimta Islaamka Oo Sheegay Inay La Wareegeen Amaanka Goobo Ay Baneeyen Ciidamada Ethiopia

Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday inay la wareegeen amaanka goobo badan oo ay baneeyeen ciidamada milataarka Ethiopia kuwaasoo uu Hogaaminayo Madaxa Gaashaandhiga Maxaakiimta Sh,yuusuf Indhacadde

Afhayeenka dhinaca howgalada maxaakiimta islaamka sh, Cabdiraxiin Ciise Cadow oo maanta saxaafada la hadalyey ayaa sheegay inay goobaha ay kamidka yihiin garoonka studyow muqdisho oo ay maanta baneeyeen ciidamada ethiopia iyo deegaanada ku xeeranba ay amaankooda la wareegeen xoogaga maxaakiimta islaamka islamrkaana ay iminkaba ku sugan yihiin .

Sidoo kale Sh,Cabdiraxiin ayaa ku baaqay in garoonka weyn ee studyow muqdisho uu maanta waxii ka dambeeya noqon doonin Goob milatari islamrkaana looga baahan yahay bulshadii ku isticmaali jirey waxyaalaha sportska uu u furan yahay isagoo carabka ku adkeeyey inay dadka shacabka ahi kusoo noqon karaan xaafadahii ku ag dhowaa halkaasi .

Dhinaca kale madaxa gaashaandhiga maxaakiimta Sh, Yuusuf Max’ed Siyaad (IndhaCadde) oo sheegay inuu amaanka Goobahaasi La wareegay ayaa saxaafada u sheegay in Ciidamada qaabilsan amaanka garoonka studyow Muqdisho iyo Hareerahiisa ay ka amar qaataan isaga iyo Dr.Cumar Iimaan oo ah madaxa maxaakiimta dhinaca Asmara islamrkaana meesha ka saaray in maxaakiimta dhexdeeda ay ka jiraan isqabqabsi siyaasadeed .

Si kasataba ha ahaatee Xaalada Goobahii ay isakaga Guureen Ciidamada Ethiopia ayaa u muuqda Kuwo ay u kala dheeranayaan Xoogaga islaamiyiinta gaar ahaan ururka Al-shabaab iyo Midowga maxaakiimta kuwaasoo salka ku haya kala qaybsan siyaasadeed

Yaasiin Maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Munaasabad Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Ka Dhacday Magaalada London

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo....

Xaflad oo si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana loogu hambalyeynayey hogaanka cusub ee loo doortay MGPuntland afarta sano ee soo socota ayaa lagu qabtay magaalada London ee UK habeenkii xalay aheyd.

Qaybaha kala duwan ee bulshada sida aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada jaaliyada reer Puntland ee Magaalada London ayaa kasoo qayb-galay xafladan iyo sidoo kale qaar kamid ah jaaliyadaha kale ee scandvianka sida norway oo khadka si live ah uga qaybgalay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland C/rixmaan shekh Maxamed Faroole, ayaa isagana kaga qaybgalay debaaldegaas khadka taleefanka magaalada Garoowe.

Mudane C/rixmaan Faroole oo ay la dardaarmeen islamarkaana talo soo jeedin siiyeen aqoonyahankii xaflada fadhiyey ayaa balan qaaday wixii macquul ah inuu fulin doono, waan sii wadaynaa howlihii dalka iyo wax u qabashada dadka, waana qaban doonaa anigana markeyga doorasho xalaal ah oo hab dimocratic ah qof walba ugu tartamo, waxaan idinka codsanayaa inaad qurbaha kasoo tagtaan oo aad dalka noogu imaadaan, sidaas waxaa kasoo qaybgalyaashii u sheegay Madaxweynaha la doortay Mudane C/rixmaan Faroole.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland Cade Muse Xirsi ayaa si weyn loogu hambaleeyeye sida geesinimada iyo sharafta muddan ee uu doorashada u aqbalay, ugana dhigay mid u dhacda si habsmi leh oo xalaal ah.

Dhamaan aqoonyahadii xaflada kasoo qaybgalay waxey si isku mid ah ugu talo baxsheen in madaxda cusub, ay si weyn wax uga qabtaan laamaha amaanka gobolka badd iyo berriba, in hantidhowrka iyo maaliyada dalka dib u habeyn weyn lagu sameeyo, islamarkaana cadaalad iyo garsoor wax walba saldhig looga dhigo.

Ugu-danbeyntii wakiilka Puntland u fadhiya Dalka Britan Mudane C/naasir Guure F. Jeer ayaa isagu soo fududeeyey inay qabsoonto xafladaan, wuxuuna dhamaan u mahadceliyey dadkii kasoo qaybgalay kulankaas, iyo dadkii soo abaabulay inay xafladu u dhacdo jawigii quruxda badneeyd ee loogu talo-galay.

Waxaa isku soo dubariday warbixinta iyo sawirada

puntland Y. Diaspora Council
Sharmarke--iyo -Mahad M. Jaalle

waxaa Soo Tebiyey Yaasiin Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS