SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardeyda soomaaliyeed ee Malaysia oo si faxadleh u soo dhaweeyey kabixitaan ka xabashida qeya kamid ah Mogadishu

Ardeyda soomaaliyeed ee tacliita qeybaheeda kala duwan ka dhigta inta badan jamacadaha kala gadisan ee dalkaan Malaysia ayaa dareen farxadeed oo aad u sareerya ka muujiyay bixitaankii ey qaar ka mid ah ciidamada xabashida ey ka sameeyeen fariisamihii ciidan ey kulahaan xafadaha magalada caasimada ah ee Mogadishu, xarumahaan oo hore u ahaa goobo radidka dagaanaay.

Ardeydaan oo badan kood gobolo iyo magaalooyin kala duwan oo kala fog wax kabarta ayaa markii ey qaarkamid warbaahinta somalida ka daalacdeen wararka tibaaxaya in ciidamada xabashida ey faarujiyeen qeybo ka mid ah saldhigyadii ey ka daganaayeen gobol ka banadir durba bilaabay in ey isgu gudbiyaa fariimaha mobile lada iskuna hambal yeeyaan farxadooda, sidoo kale waxa ey xiriira taleefoon qaar kamid ah ardeydaan la sameyeen eheladooda iyo asxaabtooda kusugan gudaha magalada Mogadishu gaar ahaan meelaha ey baneeyeen ciidamada si ey ula wadagaan farxadooda ey ku muujinayaan xarumaha ey ka baxeen ciidan ka
Sidoo kale marka ey ardeydaan iska hor yimaadaan ama ey ku kulmaan gooba ey isugu yimaadaan salaanta kadib waxa ey inta badan ka sheykeystaan kabixitaanka xabashida Mogadishu iyado ardey kasta cabarayo sida uu ugu faxsanyahay bixitaanka ey ciidanka xabashida bilaabeen ee ka huleelida dalka.

Aniga ka saciid macruuf ahaan runtii farxad saa’id ah ayaa dareemay markii aan arkey wararka qaabaa-dhigaya in ey ciidanka xabashida baneeyeen gooba badan Mogadishu kamid ah oo ey daabaceen warbaahinta somalida waayo waxa uu ahaa qodab aan si fiican ugu dhagtaagayey oo ah mar in aan maqlo xabashi ayaa baneysay ama laga saaray guud ahaan dalka somaliya gaar ahaan magaladda caasimada ee Mogadishu oo ey kusugan yihiin in kabadan labo sano eyna ka aloosanyihiin dagaalo iyo qaraxyo sababay iney ka barakacaan inta badan shacabkeedii kuna dhibaateysan duleedka caasimada.

Guud ahaan lama qiyaasi karo sida ey guud ahaan ardeydaan ugu farxeen kabixitaan ka qayb kamid ah xafadaha Mogadishu ey ciidanka xabashida ka sameeyeen, gaar ahaan areyda reer Mogadishu ayaa xooganlooga dheehanayaa faxada sababta oo ah qaar kamid ardeydaan ayaa ii sheegay durba waalidiintood in eybilaabeen ku soo laabashada iyo u soo guurida guryahoodii ey mudada dheer ka maqnaayeen.

Ugu dambeydii dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee Malaysia ayaa si wadajira waxa ey halkaan umarinayaan fariin habalyo ah iyo boogaadi ah dhamaan bulshada soomaliyeed qeybaheeda kala duwan gaar ahaan madaxda,saraakiisha odayaasha iyo aqooyaniinta hormuudka u ah dhamaan falalka looga soo horjedo joogitaanka xabashida dalka, sida xoogaga wax iska caabinta, madaxda isbaheysiga dib uxoreenta dalka garabyadiisa Asmara iyo Djabuuti oo ey midwaliba ugu hambalyeynayaan doorka hagar la’aaneed ey ugu jiraan in xabashi kabaxdo somaliya sida kaalinta wax iskacaabinta oo naf iyo maalba loo huray iyo waliba doorka wada hadalka iyo wada xaajoodka oo rutii la oran karo intaas oo isbiirsaday ayaa sabab u ah in xabashi waqtigaan ka hayaanto dalaka.

Sidoo akale ardeydaan waxa ey ugu baqayaan bulsha weynta Soomaaliyeed iyo wax garadka somalida gudo iyo dibadba hajoogaan in la taageero nabada iyo in lagu xaliyo wadahadal arinta soomaaliya iskana iloobaan wixii dhacay eyna cagta saaraan dhabihii lagu gaari lahaa dhisida qaran iyo midnimo somaaliyeed .


W/D: Sa’eed Hussein Abdi (Macruuf)
Macruuf09@hotmail.com
Malaysia –Kedah

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS