SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
14 January 2009.

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Shacab uu gumaysigu waxyeelooyin u gaystay
Dad gumaysigu ku laayay nawaaxiga Godey
Guddomiye ku xigeenka JWXO oo shirk u qabtay Minneapolis
Itoobiya oo la saadaaliyay inay burburayso
Jaaliyada Ogadenya ee London oo shir isugu timid
Qaybtii 2aad qisadii naxdinta lahayd ee xabsiyada Jigjiga
======================
Dagaalo lagu jabiyey ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Weerarada ay ciidamada wadaniga xoraynta Ogadenya ku hayaan ciidamada gumaysiga itoobiya ee ku sugan Ogadenya ayaa baryahan dambe aad usii xoogaystay kadib markay xukumada gumaysigu garowsatay in ciidamadeeda barriga lagaga adkaaday dagaalada kadibna ay baryahan dambe isticmaalayso diyaaradaha qumaatiga u kaca,sida uu noogu soo waramay wariyaheena jiida hore waxay dagaaladii u dambeyey u dhaceen sidatan:
15-11-08.dagaal ka dhacay Bohol xagare oo Godey ka tirsan ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 2 kalana lagaga dhaawacay.
19-12-08 meesha lagu magac-aabo Gabicas oo ka tirsan Godey fal gaadmo ah oo ay cwxo ku qaadeen ciidan gumaysi oo halkaas ku sugnaa ayay gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin

22-12-08. Harta cas oo ka tirsan Banbaas dagaal ka dhacay waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

24-12-08. Galamadoobe oo ka tirsan Godey dagaal ku dhex maray cwxo iyo kuwa itoobiya waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 29-12-08 waxay cwxo ka fuliyeen fal gaadmo ah Qudhaclay oo ka tirsan Godey

30-12-08 Fallaadh kamid ah cwxo ee ka howlgala aaga degmada Sagag ayaa weerar ku qaaday ciidan gumaysi oo ku sugnaa meesha lagu magac-aabo Fulunful oo ka tirsan Sagag waxayna halkaas kaga dileen 2 askari 3 kalana way kaga dhaawaceen
30-12-08 Lehelow oo ka tirsan Sagag dagaal adag oo ka dhacay waxaa gumaysiga lagaga dilay 13 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay
3.1.09 Dagaal si kadiso ah ay cwxo ugu qaadeen kuwa gumaysiga itoobiya oo ku sugnaa Sanxaskule ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 14 askari halka lagaga dhaawacay 1 askari oo kale dagaalkan kadib ayaa waxaa hawada goobtii uu dagaalku ka dhacay dul heehaabayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee gumaysiga.
3-1-09 Haar dhagax oo ka tirsan Fiiq ayay cwxo ka fuliyeen fal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidanka gumaysiga waxaana la gadhsiiyey khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Shacab uu gumaysigu waxyeelooyin u gaystay
Dhanka waxyeelaynta shacabka rayidka ah ee ay ciidamada gumaysigu ku gaydhadaan markii lagaga awood roonaado goobaha dagaalka waxay u dhaceen sidatan:

5-12-08 Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen magaalada Sagag 6 ruux oo shacab ah
27-12-08 Magaalada Garbo waxaa lagu xidhay 1 qof oo rayid ah
Magaalada Shilaabo ee gobolka Qoraxay ayay 29-12-08 ciidamada gumaysigu ku xidheen 7 ruux oo aan waxba galabsanin.
30-12-08 Bashuuro oo Fiiq ka tirsan waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen 2 ruux oo shacab ah
31-12-08 waxay ciidamada gumaysigu ku dileen Fulunful oo Sagag ka tirsan 1qof oo rayid ah
1-1-09 Yaxoob oo ka tirsan Sagag waxay ciidanka gumaysigu dhac iyo jidh dil ba,an ugu gaysteen isagoo dhex jooga beertiisa jaadka ah ninka lagu magac aabo Maxamed Cabdi Muxumed
1-1-09 Gala xaare oo ka tirsan Dhuxun waxay ciidamada gumaysigu ku dhaceen 60 neef oo adhi ah
. 3-1-09 San xaskule waxay ciidamada gumayisgu ku dileen hal qof oo rayid ah halka ay xabsiga dhigeen 3 kale.

Dad gumaysigu ku laayay nawaaxiga Godey


Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dad rayad ah ku laayay Tuulada Raranle, oo ka tirsan degmada Godey, waxayna dadkaasi ku sugnaayeen makhaayad tuuladaas ku taalla oo Shaaha laga cabbo, markii ay ciidammada gumaysigu rasaas aan aaba-yeel lahayn ku fureen.

Ciidammada gumaysigu waxay halkaas ku dileen labo nin oo dhalinyaro ah, tiro kalana way ku dhaawaceen. Mid ka mid ah dadka halkaas ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu dhaawiciisu aad u liito.

Dilkan ayay ciidammada gumaysigu gaysteen, ka dib markii ay isku dhaceen Dabaqoodhi gumaysigu halkaas u soo diray iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaasoo qaar Dabaqoodhiga ka mid ah xooga qaatay Qoryo ay ciidammada gumaysigu horay uga dhaceen dhalinyaradaas.

Ciidammada gumaysiga ayaa dhacdadaas ka dib waxay goobtii u soo direen ciidamo aad u hubaysan, kuwaasoo xasuuqan u gaystay dadka deegaanka ah.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale xabsiga u taxaabeen oday dhaqameedyo deegaankaas aad looga yaqaano, kuwaasoo aanaan wali magacyadooda helin. Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in odayadaas jidhidl ba’an loo gaystay.

Guddomiye ku xigeenka JWXO oo shirk u qabtay Minneapolis


Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee JWXO Mudane Moxamed Ismaaclii oo uu weheliyo Gudoomiyaha Hogaaanka Arimaha Dibada ee JWXO Mudane C/raxmaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa shirk ku qabtay magaalada Minneapolis, 10-kii bishan, waxaana shirkan soo agaasintay Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota.
G/X 1aad ee JWXO Mudame Maxamed Ismaaciil ayaa si faah-faahsan uga hadley halganadii taxanaha ahaa ee Ogadeniya soo marey iyo kan ay maanta JWXO hogaamineyso waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin. Isaga oo sheegay in halganka JWXO yahay mid ku salaysan isku tashi, kana madaxbanaan yahay quwado shisheeye.
Mudane Maxamed Ismaaciil, mar uu ka hadley siyaasada guracan ee Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in sababta Itoobiya ugu duushey Soomaaliya tahay halganka Ogadeniya, ila markaana aysan Geeska Afrika xasilooni ka dhalan karan ilaa arinta Ogadeniya la xaliyo.

Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO, Mudane C/raxmaan Sh Mahdi ayaa isaguna ka hadlay taariikhda halganka Ogadeniya iyo Siyaasada JWXO ee ku aadan Itoobiya iyo waliba Siyaasada Itoobiya ee ku aaden Ogadeniya.

Dhinaca Siyaaada Arimaha Dibada ee JWXO, mar uu Mudane C/raxmaan ka hadley waxa uu sheegay in JWXO yeelatey saaxiibo badan, dadaalna ugu jirto sidii ay taliska Addis Ababa albaab walba uga soo xidhi lahayd.

Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay odayaal iyo haween, waxayna dhammaantood si cad u qeexeen sida ay ugu qanacsan yihiin halganka Ogaadeenya ee JWXO ay hoggaaminayso, iyagoo dadwaynaha Ogaadeenya ugu baaqay inay dadaalkooda sii kordhiyaan, si ay ugu suuragasho inay dalkooda ka xoreeyaan gumaysiga haysta.

Itoobiya oo la saadaaliyay inay burburayso


Wargayska caanka ah ee Finaancial Times (FT) ayaa qoray in nin taajir ah oo u dhashay dalka Mareykanka, isla markaana khabiir ku ah arrimaha siyaasada maaliyada caalamku, uu sheegay in dalal ay Itoobiya ka mid tahay ay dhawaan burburi doonaan.

Ninkan, oo lagu magacaabo Philip Helberg, oo ahaan jiray dhaqaalayahan ka shaqeeya Suuqa caalamiga ah ee Wall Street, haddana madax ka ah Sharikada Jarch Capital, oo xarunteedu tahay magaalada New York ee waddanka Maraykanka, ayaa wargayska u sheegay inuu xogogaal u yahay waddanka Itoobiya, sidaas darteed uu rumaysan yahay inaanuu qaran ahaan u sii taagnaan doonin.

Ninkan ayaa sheegay inuu xidhiidho la leeyahay mucaaradka Itoobiya, taasina ay u suuragelisay inuu ogaado dhab ahaan waxa ka jira Itoobiya.

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa la sheegay inuu si wayn hoos ugu dhacay beryihii denbe, iyadoo sicir bararka ama “inflation-ka” Itoobiya ka jira uu gaadhay 60%, isla markaana ayna muuqanin inuu soo kaban doono.

14 January 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 25 MB iyo 31 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Khamiista & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS