SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ciidamada Ethiopia Oo Ka Baxay Goobo Ay Fariismo Ku Lahaayeen Magaalada Muqdisho

Horadhacii ugu Horeey ee Ciidamada Etiopia Ee ku sugan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa saaka (Jan 13, 2009) isaga Guuray Goobo ay fariisimo ku lahaayeen kuwaasoo ay kamid ahaayeen wershedii Hore ee baastada ee degmada yaaqshiid .

Dadweynaha deganaa goobaha ay baneeyeen ciidamadan ethiopia ayaa si weyn ugu farxay goobaha ay ka baxeen ciidamadani halkaasoo ay isugu soo baxeen dad badan oo ku faraxsan ka guuritaanka ciidamada ethiopia ay ka guureen xarumaha muhiimka ahaa.

Sidoo kale deegaanada ay ay faaruqiyeen Ciidamada ethiopia oo mudo ku dhow labo sano ahaa goobo bahalo galeen ah oo aan cidina dhex mari jirin marka alaga reebo ciidamada dagaalamaya ayaa waxaa ka muuqda bur bur xoogan oo halkaasi kasoo gaaray madaafiicda ay gaysteen dagaalada lagula jiray ciidmada Ethiopianka kuwaasoo ka dhigay goobo bur bursan

Dhinaca kale Wadada dheer ee loo yaqaano warshadaha oo ahayd goobaha Ugu badan ee ay degenaayeen ciidamada Ethiopia ayaa maanta waxaa Buux dhaafiyey gaadiidka dadweynaha oo ay saarnaayeen dadweyne doonayey inay qaarkood ku noqdaan Guryahdoodii iyo soo Fiirsanyeyba.

Ciidamada ethiopia ayaa weli harsan goobo muhiim ah oo ay kamid yihiin garoonka dedan ee Studyow Muqdisho kaasoo La sheegay Inay saacadaha soo socda ka baxi doonaan islamrkaana lagu wareejin doono ciidamada AMISOM ee ku sugan qaar ka tirsan magaalada muqdisho

Guuritaanka Ciidamada Ethiopia ay baneeyeen Goobaha ka Tirsan degmooyinka yaaqshiid ayaa kusoo beegmaya xili hore ay u shaaciyeen Ururka Dib U Xoraynta Garabkiisa jabuuti inay a guuri Doonaan Magaalada muqdisho waloow la dhaafay waqtiyo Hore loo sheegay .

Dagaal Xoogan Oo Galabta Ka Dhex Qarxay Ciidamada Maxaakiimta Iyo KUwa Dowlada Oo Fariisin Ku Lahaa Duleedka Degmada kaaraan

Dagaal Xoogan oo ay ka dhasheen Qasaare nafeed ayaa galabta ka dhex qarxay ciidamada dowlada KMG ah iyo Xoogaga maxaakiimta islaamka kuwaasoo dagaalku ku dhex maray degmada kaaraan ee Gobolka banaadir

Dagaalkan ooGalabta Gor gaaban ayaa ka dhashay Kadib markii gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa maxaakiimta islaamka ay gaareen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan kuwaasoo La sheegay Inay Fariismo Cusub ka samasanyeen qaar ka tirsan deegaanka degmada kaaraan halka lasheegay in ciidamada dowladuna fariisin ku lahaayeen duleedka degmadaasi

Sidoo Kale isku dhacan ayaa la sheegay Inay ku horeeyeen ciidamada Dowlada KMG ah kadib markii ay arkeen ciidamada Maxaakiimta islaamka oo ku gaahsaaman gawaarida Dagaalka Iyagoo laysu adeegsaday Hubka daran dooriga u dhaca islamarkaana halkaasi lasheegay inay Ku nafwaayeen Qaar ka tirsan Ciidamadaasi iska soo Horjeeday waloow aan si dhab ah oo la xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca Labada dhinac ee dagaalamaya

Dhinaca kale Madaafiicda dagaalka ee laysu adeegsanayey ayaa waxaa ay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka soo gaartay dad Rayid ah ah islamrkaana Madfac haboow ah ayaa waxuu ku habsaday Dugsi Qur,aan Ku yaalay degamada shibis gaar ahaan xaafada Beexaani halkaasoo lasheegay inay Ku dhinteen arday yar yar oo gaaraya ilaa 4-caruur ah oo halkaasi ka baranayey tarbiyada io quraanka kariimka ah

Gaadiidka Gurmadka Deg deg ah ee ay iska kaashadeen ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Muqdisho ayaa sidoo kale gaaray Goobta dugsiga quraanka ah ee ay caruurtu ku geeriyoodeen halkaasoo la sheegay inay dhaawacii iyo dhimashadiiba ka qaadeen goobtaasi .

Si kastaba Ha ahaatee waa markii Ugu Horaysay ee tan iyo intii uu sh,shariif sh,axmed la heshiiyey dowlada KMG ah ay isku dhacaan ciidamada Maxaakiimta islaamka garabka shariif halkaasoo siyaabo kala duwan loo kala sheegay dagaalka galabta ka qarxay deegaanka degmada kaaraan ee u dhexeeya ciidamada maxaakiimta iyo kuwa dowlada KMG ah

yaasiin Maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com


Ujeedo    baaq ku sococdo Muqaawamada Somaliya

Somali Reconstruction and social Development ry     
Finland
www.srasd.net
idirishf@hotmail.com 
 

Ujeedo    baaq ku sococdo Muqaawamada Somaliya

Gudoomayiha ururka SORASOD Eng Idiris Hassan Farah waxuu baaq u dirayaa muqaawamada Somaliyeed ka dib markay ka guulaysteen sida muuqato ciidamadii gumaysiga Madaw ee Ethiopia

Sidaa darteed walaalaha maalkooda ,dhiigooda iyo maskaxdooda u huray xoraynta dhulkooda diintooda iyo dadkooda waxaan kula dar daarmaynaa inaan la gaagixinin hasha maan deeq ah ee godolka u diyaarka ah.

Walaalayaal maanta waamaalin qofkastaa oo somali ah oo si un ooga qayb qaatay xorayta dhulkiisa la amaani la haa la soo dhawayn lahaa ee ma ahan markii la dacaayadan lahaa!.

Sidaa darteet waa in la soo dhaweeyaa  dhamaan kooxaha ka qaybqaatay  dadaalka lagu xoraynayo dhulka somaliya  waana inaad gar waaqsataan dhibka iyo mushkildu inay tahay cadawga sooduulay.

Walaalayaal waxaan idiin dar daarmaynaa walaal tinimo iyo wada jir waana inaad xaqiijisaan madax banaanida somaliya waana inaad meesha ka saartaan tartan dhexdiina ah ka dibna  aad dib oogu laabataan masiibadii la soo maray 18 sano.

Ugu dambayntii waxaan dhamaan shacabka somaliyeed oogu baaqaynaa inay midoobaan  alane ay ka xishoodaan ayna joojiyaan diiga walaalahooda oo ay bilaa micnaha ku daadinayaan waana inaad ogaataan dilka aan xaqa ahayn waxuu ka mid yahay 7 bada wax halaagto.

Wada shaqyan wacan. somaliya hanoolaato 
 

                                       Eng Idiris Hassan Farah

Chairman of Somali Reconstruction And Social Development ry


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS