SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaaliyadda Beesha Cayr ee wadanka Uganda oo soo saaray Baaq Tallo soo jeedin ah.

Jaaliyadda Beesha Cayr ee Habar-gidir ee Wadanka Uganda, ayaa shir ay maanta yeesheen kaddib waxay soo saaren war-saxaafadeed dhinacyo badan taabanaya, wuxuuna u qornaa sedan:-

Ku: Heybadle Ugaas Xasan Ugaas Maxamed

Ku: Odayaasha dhaqanka ee beesha Cayr ee Gal-gaduud

Ku: Culimadda Beesha Cayr ee Gal-gaduud

Ku: Aqoonyahanada Beesha Cayr ee Gal-gaduud

UJEEDDO:- BAAQ TALLO SOO JEEDIN AH.

Anagoo ah Jaaliyadda Beesha Cayr ee wadanka Uganda ku nool, wakiilna ay naga yihiin 50-xubnood oo iskugu jira Aqoonyahanno, saraakiil, Ganacsato, haween iyo dhalinyaraba, waxaan shir ku yeelanay Magaaladda Kampala ee wadanka Uganda ee aan deganahay taariikhdu markii ay aheyd 13/01/2009.

Inagoo ka xun iska horimaadyada dhibaatada baaxada weyn leh ee dhiig fara badan ku daatay ee ka dhaceysay maalmihii la soo dhaafay Gobolka Gal-gaduud, gaar ahaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuuso Mareeb.

Waxaan la yaabanahay, maxaa keenay in ay dhacaan iska horimaadyadan mudada dheer ka socoday, laguna kor dirirayo dadkii maatida ahaa ee markii hore laga soo qaxiyay magaaladda Muqdisho ee dhibaatada badan cadowgu ku hayay?, maxaa dhacay, ma Ugaaskii iyo wax-garadkii ayaan joogin? Mise dadka dagaalka wada ayaan dadkoodii ka mid aheyn?, si kastaba ha ahaatee waxaan soo jeedineynaa haddii aan nahay Jaaliyadda Beesha Cayr ee Uganda qodobadan soo socda:-

In loo howlgalo, lagana shaqeeyo sidii mar dambey aysan u dhicin waxyaabihii khasaaraha badnaa la soo maray ee naf iyo maalba galaaftay.

In ciddii ku lugyeelata ee ka mid ah beesha Cayr tallaabo cad laga qaado, si adagna loo cambaareeyo talada beeshana aysan ka qeyb galin mar dambe.

Haddaba si arrimahaas loo fuliyo waa in Ugaaskeenu uu marada dhexda ku xirtaa, uuna u yeerto wax-garadka beesha Rag iyo Dumar intaba, isgaoo isticmaalaya kartidiisa dhex dhexaadnimo, waa inuu dhex fariistaa si loo soo saaro tallo nuxur leh oo dadka iyo gobolkaba ka bad-baadisa fidnada iyo musiibadad ka soo ifbaxday gobolka, taasoo ka kooban is kooxeysi iyo gacan ka hadal.

In Ugaasku uu karaamadiisa dhalaaliyo, si cid alaale iyo ciddii ka hortimaada tallada uu goddoonsho uu dul saaro awooda uu tolka u hayo.

Waxaa aragtidiyadu tahay in aan si kale xasilooni lagu Karin haddii aan shareecada Islaamka laga dhaqan galin deegaanka beesha.

Siyaasadda qasan iyo kooxeysiga waa in laga daayaa deegaanka.

In wixii Soomaali-weyn ay go'aan ku gaarto ay beeshu ka qeyb qaadato, isla markaana aysan gudaha ula soo noqon khilaafka siyaasadeed, ayna ka qeyb galeen meelaha dha-dhaqyadda Siyaasadeed ay ka socdaan.

Qurbo joogta Jaaliyadda beesha Cayr ee dibada ku nool, waxaan ugu baaqeynaa in ay dadka la soo gaaran gar-gaar deg deg ah oo wax tar leh, maadaama xaaladda gobolka iyo nawaaxigiisa ay aad u liitado

Waa in la soo dhaweeyo hey'adaha Samafalka, ammaankoodana la sugo.

Beelaha deriska nala ah waa in lagula dhaqmaa deris wanaag, dhinac kasta leh.

Waxaan si waafi ah u soo dhaweyneynaa ka bixitaankii Ciidmada Ittobiya ay ka baxeen Goobo ka tirsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana rajeyneynaa in dhammaan dhul weynaha Soomaliya ay si rasmi ah uga wada baxaan.

Ugu dambeytiina waxaan dadka ku abtirsada beesha Cayr ka codsaneynaa in ay iska xil saaraan kuna dhaqmaan qodobada aan ku ku soo xusnay, waxaana War-saxaafadeedanlkan si wada jir ah u saxiixay Guddoomiyaha Jaaliyadda Beesha Cayr ee wadanka Uganda Mudane Axmed Maxamed Geedi (Axmed Oromo), Xaashi Xiirey Barre oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Maryan Diini Raage - guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Prof. Saalax Carab iyo xoghaye C/qaadir Xasan Maxamed (Timo Jilic)

Mahadanidiin

Wa-billaahi Towfiiq.

Faarax Blue

Kampala, Uganda

farahblue_545@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS