SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ogeysiis: Adeeggii dadweynaha ee xafiiska senator Coleman oo la joojiyey

Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in dhamaan adeeggii loo aadi jirey xafiiska Senator Coleman la joojiyey. Waxaana dadka lagu wargelinayaa inay la xiriiraan xafiiska Senator Amy ama xafiisyada Congresskooda. Ilaa 400 oo case ayaa hadda furnaa oo in ka badan 200 oo ka mid ahi ay Soomaali lahaayeen. Hadda xafiiska si rasmi ah ayuu u xiran yahay.

Doorashada Xafiiska senate ee gobolka Minnesota ayaa gashay marxalad adag iyo dib u tirin iyo dacwo. Hadaba inta lagu kala baxayo Minnesota waxay uun lahaan doontaa hal senator oo ah Senator Amy Klobuchar oo lagala xiriiri karo:

http://klobuchar.senate.gov/contactamy.cfm 

Senator Coleman waxaa uu u mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa uu ku faraxsan yahay adeeggii uu u qabtay Soomaalida iyo kulamadii badnaa ee uu la yeeshay Soomaalida nooc walba leh. Waxaa uu la soo joogay Soomaalida waqtiyo fiican iyo waqtiyo xunba. Haddii uu dacwada ku guulaysto waxaa uu balan qaadayaa inuu hore ka sii wadi doono adeeggii looga bartay ee mudada 6da sano ee uu ku caanbaxay. Siyaasiga wanaagsan waa kii jecel u adeegga dadka uu mathalo isla markaana dhegaysta oo aan dantiisa ka hor marin dantooda. Aqoonyanno Soomaaliyeed oo degan Minnesota ayaa aaminsan in:

1) Senator Coleman uu ka doortay Soomaalida dhamaan minoritiyada badan ee ku nool Minnesota oo uu mudnaan weyn siiyey.
2) Inuu aad isugu dayey inuu codka Soomaalida gaarsiiyo Washington DC ama caalamkaba xalna loo helo Soomaaliya
3) Inuu noqday Senatoorkii ugu horeeyey ee toos ula xiriira dad Soomaaliyeed arrimaha Soomaaliya asagoo aanan marin dawlado kale ama NGOs ama UN sida senators badan sameeyaan. Dadka Soomaalida waxay jecel yihiin in si toos loola soo xiriiro oo aan loo soo marin NGOs
4) In uu noqday saaxiib Soomaaliyeed. Soomaaliduna baratay ilaa ay si toos ah ugu yiraahdaan “xisbigaaga jamhuuriga waan neceb nahay laakiin adiga waan ku jecel nahay”
5) Waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah. Inuu ahaa senatorka keliya ee labada xisbi ee ka hadlay Human Rights of Somalia ana Oromo gaar ahaan waxaa la xasuusan doonaa warqaddii uu u direy Mille Zenawi.



Fariin ka socota Maxamuud Nuur Wardheere oo la shaqeeya Sen. Coleman

Waxay ii ahayd sharaf iyo wanaag in aan mudo lix sano ah u adeego reer Minnesota gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Inkastoo aanan ku guulaysay qofkasta oo nala soo xiriiray inaan waxa uu rabay u samayno, haddana dad badan ayaan u adeegnay. Ilaah uunbaa qofkasta kaafin kara awooda bani’aadamka waa kooban tahay. Waqtiga waa uu adkaa waana dheeraa shaqaduna waa dhib badnayd laakiin qibrad badan ayaan ka helay. Waxaan ilaahay uga baryayaa umadda Soomaaliyeed inuu siiyo nabad iyo dawlad si fiican ugu adeegta, waayo umadda oo loo adeegaa ayaa ka fiican umadda oo la dhibaa. Waa fursad qaali ah in qof la weydiisto inuu umad u adeego. Asagana waa waajib saran inuu si wanaagsan intii karaankiisa ah ugu adeego umadda.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS