Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole
MA OGTAHAY DALLUUN BAA KA QODAN DOOX HORTEENA AHE
MA OGTAHAY XADHKAHA DAADSAN AAN LANA DAREEMEYNIN
MA OGTAHAY INAAD DOOR HESHAAN LAGULA DOONEYNIN
MA OGTAHAY MID KULA DOODAYOO KUU DAN LAA JIRA'E
MA OGTAHAY SHISHEEYUHU NIN DAGAN WAA KUWII DILA'E
MA OGTAHAY DIGTOONAAN LA'AAN DACAR INAAD LEEFI
Puntland 30 sano oo dawlad Soomaaliyeed oo maamul kala duwan ah oo
aysan wax horumar ah ka helin, iyada oo lagu naanaysi jirey Gaari waa, 8
sano oo dagaalo sokeeye oo baán iyo fowda ah iyo 10 sano oo Maamul
goboleed magac u yaal ah (quasi Administration) Puntland waxay soo
istaagtay ayada oo sakaraad ah wado kala bayr ah; kala bayr ay ku kala
dooranayso labo wado oo kala ah.
- wado horseed u noqota nabad, horumar, xasilooni, barwaaqo iyo
cadaalad
- wado horseed u noqota burbur hor leh, dagaal sokeeye oo hor leh,
rajo laáan iyo qax cusub.
Inkasta oo aanan saadaal dhab ah ka bixin Karin waxa uu noqon doono
maamulka cusub ee Puntland hadana waxaan qadarayaa in Puntland dooratey
wadada koowaad markii ay meesha ka saartay Cade iyo kooxdiisi.
Madaxweyne,
Waxaad dhaxashey Puntland oo sakaraad maliil ah – amni daro,
maamulxumo, musuqmaasuq, gobolo maqan, fakhri baahsan, go’doon
siyaasadeed oo dibad iyo gudaba leh iyo hoos udhac dhaqan-dhaqaale.
Madaxweyne talo badso lana tasho dadka waxgaradka, aqoonyahanka nadiifka
ah iyo culumaaúdiinka; isku day inaad soo dhaweyso dadka damiirka leh ee
Puntland u diirnaxaya xataa hadii aad afkaarta ku kala duwan tihiin.
Culeyska Puntland maanta yaala wuxuu u baahan yahay si wadareed in loo
wajaho, loona talo badsado.
ARRIN CULUS HADUU SOO DEGO OO DIIRKA KA CADDAADO
DUQEEY IYO WAXAA LOO WACAA DUUL XIGAALO AHE
HADUU YIRAA ADAYS DEEQA OO UUNKA KALE DAYRSHO
BAL OGOOW DABAYL BAY U KICI DARAJADIISIIYE
Madaxweyne,
Ka dhig mudnaanta koowaad sidaad amniga wax uga qaban lahayd una
abuuri lahayd jawi nabadgelyo iyo deegaan la isku haleyn karo (conducive
environment) kaas oo suurtagalin kara inuu soo jiito maalgalin shisheeye
iyo mid muwaadinba. Dhis ciidan amni oo tayo leh xuquuqdoodana hela,
ruuxu marka uu xuquuqdiisa helo ayuu gudan karaa waajibaadkiisa.
Garanmayo sida uu amni u sugi karo askari aan wax mushahar ah qaadan,
askari aan daryeel helin, askari aan dalacaad darajo, koorso aqooneed
iyo horumar midna sugeyn. Askari markii uu tuug, burcad iyo qaadicul
dariiq dilo loo qisaasayo oo la leeyahay adoo reer hebel ah ayaad nin
reer hebel ah dishey. Marka aad weydiisi waxa ay dhibaatada u
samaynayaana waxaa u halheys ah dhan u joogso wiilyahow askari dheef
helaa baqa e. ka ilaali ciidamada amniga khaas ahaan booliiska inay ka
mid noqdaan qolada isticmaasha daroogada cagaaran (qaadka) waayo dadka
isticmaala qaadku waxay qabaan baahi joogta ah, qof had iyo heer baahana
gacantogleyntiisaa badan.
Madaxweyne
Xulo gole wasiiro ah oo aqoon, daacadnimo iyo hal abuur leh, wasiiro
hami sare leh, kana naxaya diinta, dalka iyo dadka. Wasiiro aan
caqligoodu ku koobneyn adeegii ma la ii soo direy, wasiiro oran kara
arrinku sidan maaha ee aan haahda ku kala hormarin, golaha wasiirada ee
aad magacowdaa waxay ilaa xad sawir naga siin doonaan meesha aad wax u
wado. Waxa igu maqaala ah in masuuliyiinta Puntland ugu sareysay
qaarkood ay mudo qaadan jirtey in laga dhaadhiciyo inuu jiro hayádo ay
gudoomiyeyaal ka ahaayeen marka la doonayo inay shir u furaan; iska daa
istaraatijiyad iyo qorshe la dajiyee.
Madaxweyne
Soomaalida waxaa dhexmaray dagaal sokeeye dhiig iyo dhaqana isagama
tagin. Puntland waxay aaminsantahay Soomaalinimo, deriswanaag iyo
isixtiraam iyo in jifo walba gobolkeedi iyo degmadeedi tagto laguna
ixtiraamo hadey wanaag iyo horumar haysana ay ayada ka soo bilowdo inta
Rabi quluubteena isku soo dumayo. Hadaba, kula dhaqan beelaha
Soomaaliyeed soomaalinimo, tixgalin iyo deris wanaag kuna xali
khilafaadka jira wadahadal iyo siyaasad debacsan; hadiise loo qaato
dacfi iyo tabar laáan u diyaar garoow dagaal dhab ah oo sanada badan
qaata loogana hortagayo dulmi iyo sedbursi. Avoid war, but if you start
war, try to win the war.
Madaxweyne
Puntland waa dal qani ah, dadyow kalana caawin karta hadii si
wanagsan loo maareeyo khayraadkeeda, isku tasho isuna dheelitir
shaqaalaha dawlada iyo dakhliga, la dagaalan musuqa, aasaasna gudiga la
dagaalanka musuqa (anti corruption commission). ku dadaal in dakhliga
dawladu uu si sharci ku soo xeroodo, si sharci ahna ku baxo. Lunsashada
hantida qaranku waxay noqotey wax caadi ah oo lagu tartamo, sidaa
darteed waa inaan sina loogu dulqaadan (zero tolerance). Waxa ay dad
badan aaminsan yihiin in dhibka maaliyada ee Puntland ka jira uu
bilowday xiligii aad wasiirka Maaliyada ka ahayd Puntland, u muuji
dadkaas wax ay ku qancaan.
Caqli, cudud iyo cood wixii Alle ku siiyo 90% ugu shaqee horumarka
iyo wanaaga Puntland 10% ku raadi sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran
Soomaaliyeed oo caafimaad qaba. Ha uga faaíideysan hogaanka Puntland in
aad xoogaa shilmaana ka urursato ama aad ka dhigato salaan aad ku gaadho
jago kale sidii maamuladii kaa horeeyey. Ha noqon hogaamiye Afrikaan ah
oo hadiiba aan xukunka xoog looga qaadin; xukunka ka taga asaga oo la
hiifayo lana haaraamayo.
NIN WALIBA WAXUU NOO QABTIYO QALADKU NOO GEYSTEY
DIIWAANA QARAN BAA JIROO LOOGU QORAYAAYE
NIN QURAARAD CALASHOO DAJIYEY QOOMAMEE ABIDE
QARNIYADA DANBAA KUGU NACLADA FICILKA QAARKIISE
……………………………………………. QURUXSO TAARIIKHDA
……………………………………………..QURUXSO TAARIIKHDA
……………………………………………..QURUXSO TAARIIKHDA
Cabdiraxmaan Salaad Aaden
Email:
dhaguuf@hotmail.com