KA DAF OO KA TAG:
SIRTA SIYAASIYIINTA SOOMAALIYEED!
Aduunka aan ku nool nahay waxaa jira qawaaniin iyo sharciyo ay dajisteen
Dowladaha dunnida oo ku dhowaad ah 200 oo dowladood. Dowladahaan waxaa hogaamiya
una ilaaliya sharciyadaasi hogaamiyaal iyo siyaasiyiin ay matalaan dadkooda iyo
dalkooda.Wadan kasta ee aduunka hormarkiisa wuxuu ku xiranyahay sida hufan ay u
shaqeeyaan hormuudka wadanka iyo hay’adaha dowladda. Hadaba siyaasigu muxuu
yahay? Yuu se siyaasi u yahay?
Dhabahaanti siyaasiga waa midka ka saara ummadiisa dhibka, kana damqada xanuunka,
gaajada, cudurada, dagaalada iyo jahliga ummadiisa ku habsada. Waa midka u
jiheeya umadiisa dhinaca hormarka kana saara gudcurka, kana fekera habeen iyo
maalin sidii uga dhigi lahaa dadkiisa mid la jaanqaada dadyawga kale ee Aduunka.
Waxaa adduunka jira hogaamiyaal markii xukunka qabsanayeen xeerka dhaqaale iyo
kan siyaasi wadankooda aad u liitay; balse markii ay xukunka lawareegeen wax
wayn ka bedelay wadankooda. Tusaale, wadanka Malaysia dhaqaalihiisa wuxuu ku
tiirsanaan jiray beeraha maantay wuxuu ku tiirsanyahay warshadaha iyo
Technologiyada; waxaa u sabab ahaa madaxwaynihii hore ee waddankaasi Mahatir
Mohamed oo wadanka ka dhigay mid dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay warshadaha
(Industrial country) halkii markii hore ka ahaa mid dhanka beeraha ku tiirasan,
dadkiina isu bedelay xirfadlayaal (Professionals).
Siyaasiga Soomaaliyeed ma waxaan dhihi karnaa wuxuu siyaasi ku yahay “Imisa
Tikniko buu hestaa? Imisa qof buu dilay? Wadankeebu saaxiib la yahay? Ma reer
Galbeed mise reer Beri?. Qoladee buu yahay? Ma laandheere mise laan gaab? Jeebka
ma buuxin karaa mise maya? Shaqsiga siyaasiga ah waa midka buuxin kara
shuruudaha ka yaala siyaasinimada, ahna nin u jajaban hogaamita ummadiisa. Micno
ma samaynayso in aad uga sheekaysid dadkaada “aniga waxaa itaageersan wadan
hebel ama Urur hebel” waxaa siyaasi u tahay qancina kaaga baahan kuwa aad beenta
u sheegayso. Siyaasadu waxay leedahay dan joogto ah ee ma lahan saaxiib joogto
ah iyo cadow joogto ah.!
Siyaasi wuxuu siyaasi u yahay dad iyo wadan. Wadamada qaar waxay ku gorgortomaan
baaxadda wayn ee dhulkooda, khayraadka dabiicga ah ee ku kaydasan, xeebahooda
iyo naflayda ku nool, kaynta wadanka iyo duurjoogta ku nool. Intaasi waxaa sii
dheer waa ilaha dhaqaale ee wadanka ku kobci karo. Tusaale waxaa inoogu filan
wadanka Ruushka iyo wadamo kale tiro badan. Ruushka waa wadanka ugu dhulbalaaran
dunida lehna kharaad dabiic ah gaar ahaan kuwa loo adeegsado warshadaha (raw
materials), saliida dunida iyo gas-ka Boqolkiiba Labaatan (20%) waxaa laga soo
saaraa wadankaas.
Wadamada qaarna malahan khayraad intaa la eg, hadana waa kuwa aduunka ugu
hormarsan dhaqaale ahaan. Switzerland waa wadan yar oo ku yaala qaaradda Yurub;
dadyaw badan oo aduunka ah ayaa uqutul yoon taga oo ay Soomaalidu kamid tahay
qowmiyahada ku nool wadankaas. Waxaa sidaa ka dhigay waa dadkeeda iyo
siyaasiyiinta hogaamisa wadanka.
Siyaasiga Soomaaliyeed ma wuxuu siyaasi u yahay wadan dhirtiisa dollar lagu
bedeshay? Siyaasiga soomaaliyeed ma wuxuu siyaasi u yahay wadan goobihii ugu
bilicda wanaagsanaan jiray laga iibiyo dowlade kale? Sida Hotel Curubo iyo Hotel
Jubba. Ma wuxuu siyaasi u yahay dad intooda badan qaxootinimo ku nool intii
hartayna kala noqday kuwo badda ku haraqada iyo kuwo wadaka gudihiisa xabadi ku
dhammaysay; bukaankuna buux dhaafiyay Cisbitaalada ,dhakhaatiir la’aantuna usii
dheertahay?. Ma wuxuu siyaasi u yahay Wadan xeebtiisa lagu daadiyo sunta
Warshadaha iyo tan Nuclear-ka oo waliba ay ku hardamayaan quwado shisheeye, kuna
soo gabaday ladagaalan Burcad Badeed?. Xeebta Soomaaliyeed waxay u ogoomowday
sidii ilihii dhaqaale ee kale wadanka. Siyaasigu wuxuu siyaasi u yahay dad iyo
wadan wada jira. Wadan manaafacaadkiisa laga faa’idaysanayo lagana difaacayo
dadka usoo tafa xaydanaya,iyo dad dareensan manaafacaadka wadakooda.
Siyaasiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in uu akhriyo wixii tagay (Past)
fahmaana wax soo socda (Future) lana jaan qado isbedellada aduunka. Soomaaliya
maantay waxay u bisishahay isbedel dhinac kasta ah ,gaar ahaan hogaaminta. Sidaa
darteed waxaan ku talinayaa in la helo siyaasi cusub oo aan lagu arag saaxada
siyaasadda Soomaliyeed, kuna firfircoon hogaaminta, lehna aqoonteeda iyada oo
aan la dhehaynin Yuu yahay? Balse la iswaydiyo muxuu yaqaana? Kartidiisuse maxay
tahay? .Dhaqanka siyaasinta Soomaaliyeed waa mid ku salaysan ku qaraabasho
magaca dad iyo wadan aan faraba lagu hayn,intooda badanna waxaa ay ku midaysan
yihiin fikradda ah KA DAF OO KA DHOOF.! Sidaa darteed jiilka cusub ee waxbartay
waxaa la gudboon in ay ka hortagaan dhaqaakaas ayna iska ilaaliyaan wadada ay ku
socdaan kuwa manta horbooda ummadda.
By: CABDULQADIR SULAYMAAN
sabriye04@live.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2009